HALKAAN KA AQRISO W.W MOGTIMES EE SAAKAY OO AH 1-OCT-2020

0
Thursday October 01, 2020 - 09:46:11 in Wararka by
  • Visits: 659
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AQRISO W.W MOGTIMES EE SAAKAY OO AH 1-OCT-2020

    3 Guddi oo la dhisayo iyo wararkii ugu dam beeyey wada-hadallada Villa Somaliya Wararka naga soo gaaraya Villa Somalia ayaa sheegaya in shirka u dhaxeeya madaxw eyne Farmaajo iyo madaxda dowlad goboleed yada uu meel wanaagsan marayo, kuna dhow

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

3 Guddi oo la dhisayo iyo wararkii ugu dam beeyey wada-hadallada Villa Somaliya Wararka naga soo gaaraya Villa Somalia ayaa sheegaya in shirka u dhaxeeya madaxw eyne Farmaajo iyo madaxda dowlad goboleed yada uu meel wanaagsan marayo, kuna dhow yahay in lasoo geba-gebeeyo. Ilo-wareedyo ku sugan madaxtooyada ayaa warkii.com u sheegay in is-faham laga gaaray dhismnaha 3 guddi oo ka shaqeyn doona arrim aha doorashada, kuwaas oo kala ah; guddiga doorashada heer federal, guddiga doorashada heer gobol, iyo guddiga xalinta khilaafaadka. 2da guddi ee hore ayaa qeyb ka ahaa he shiiskii madaxtooyada lagu gaaray 17-kii Sep tember, hase yeeshee waxaa lasoo kordhiyey guddiga xalinta khilaafaadka, oo shaqadiisu no qon doonto inuu xaliyo wixii ay isku qabtaan 2da guddi ee heer federal iyo heer gobol. 2a guddi ee heer federal iyo heer gobol ayaa si wadajir ah u maamuli doona doorashooyinka. Guddigan xalinta khilaafaadka ayaa waxaa magacaabi doona madaxweyne Farmaajo, ha se yeeshee waxaa xubno ku yeelan doona ma amul goboleedyada. 2da guddi ee kale ee doo rashada ayaa waxaa kala magacaabi doona madaxweynaha iyo madax goboleedyada. Guddiga xalinta khilaafaadka, ayaa waxaa markii heshiiska doorashada lagu ansixinayey baarlamanka soo jeediyey guddoomiyihii hore ee baarlamanka Maxamed Cusmaan Jawaari. Dhinaca kale, warar aan weli si rasmi ah loo xaqiijin ayaa sheegaya in Cabdi Cali Ra age, oo ah la-taliyaha Madaxweyne Farmaajo ee arrimaha doorashooyinka, loo badinayo in loo magacaabo guddoomiyaha guddiga doora shada dad-ban ee heer federaal.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo la kulm ay guddi hoosaadka horumarinta dhaqaalaha dalka

      R/Wasaaraha JFS Md.Maxamed Xuseen Rooble oo la kulmay Guddi hoosaadka Horum arinta Dhaqaalaha ayaa ku adkeeyey muhiima dda Deyn Cafintu u leedahay dowladnimada iyo dib u dhiska dalkeenna.

   Kulanka ayaa diiradda la gu saaray sidii loo dar darge lin lahaa hannaanka loo mar ayo deyn cafinta Soomaali ya,iyadoo sii-hayaha Wasiir ka Maaliyadda Soomaaliya Md.Cabdiraxmaan Ducaale Beyle uu sharxay guulaha arrintaasi laga gaaray. R/W/ha JFS Md. Rooble ayaa xu say in Xukuumadda ay xoogga saareyso muhii madda deyn cafintu ay u leedahay dowladnim ada Soomaaliya.

    Dalka Soomaaliya ayaa laga cafiyay malaay iin dollar oo deyn iyadoo tii ugu dambeysayay dhowaan ku dhowaaqday dowlada Maraykan ka inay ka cafisay dalka Soomaaliya deyn gaa reysa malaayiin dollar.                                

Cali Khaliif oo si kulul uga fal-celiyey hadal kii madaxweyne Farmaajo ee Sool & Sanaag

     Madaxweynihii hore ee maamulka Khaatu ma, Cali Khaliif Galeyr oo u warramayey war baahinta ayaa ka fal-celiyey hadalkii madaxw eynaha Soomaaliya,kadib markii uu ka jawaabi waayey su’aal laga weydiiyey gobollada Sool & San aag.

    Cali Khaliif ayaa sheegay in jaw aabta la’a anta madaxweyne Farmaajo kadib gobollada Sool, Sanaag iyo Ceyn aysan wax ba u aalin Xamar ama magaalada Muqdisho.

    Sidoo kale wuxuu intaasi ku dar ay in mad axweynaha Soomaliya uu ka filayey inuu maa mul u dhiso gobolladaasi, balse ay lama filaan ku noqotay hadalka u bixiyey.

     "Sool, Sanaag iyo Cayn waxba uma yaala an Xamar ka dib jawaab la’aantii Madaxweyne Farmaajo, waxaan islahaa Farmaajo wuxuu go boladaas u ogolaanayaa Maamul inay dhista an ileen dowlada ayaa dhistay maamuladaan kale.” ayuu yiri Cali Khaliif.

     Ugu dambeyn wuxuu u soo jeediyey bulash ada Sool, Sanaag & Ceyn inay ka tashadaan aayahooda, islamarkaana ay hurdada ka kac aan. "Galmudug sida lagu dhisay, dhibka laga maray iyo qarashaadka la galiyay waala ogaa.      Haddaba Sool, Sanaag iyo Cayn waa inay ta shadaan oo hurdada kakacaan.” ayuu sii raac iyey.

     Dhowaan ayey aheyd markii uu madaxwey naha Soomaaliya doortay in aanu ka jawaabin su’aal laga weydiiyey gobollada Sool iyo Sana ag, isagoo ka qeyb-galayey dood cilmiyeed ku saabsan doorashooyinka 2020/21, waxaana u jeedadu aheyd in hadalkiisa aanu sii dhalin xa naf badan, maadaama dowladda federaalka ay hadda wada-hadallo kula jirto Somaliland.

Wasiirka Gargaarka oo Shir ka furay Magaa lada Muqdisho

    Siihayaha Wasiirka W/Gargaarka & Maare ynta Musiibooyinka DFS  ayaa Shalay furay kulan wada-tashi ah oo looga hadlayo sidii hay ’adaha aan dowliga ahayn Galmudug uga ta ageeri lahaayeen fulinta adeegyada Gargaar ee asaasiga ah.

    Kulanka ayaa waxaa ka qeyb-galaya mas’u uliyiin ka tirsan Dowladda Soomaaliya, Mas’uu liyiin ka socota D/Goboleedka Galmudug iyo Wakiilo ka socda Hay’adaha aan dowliga ah eyn ee ka howlgalla dalka.

     Siihayaha Wasiirka Wasaaradda Gargaarka Md.  Xamsa Saciid Xamza ayaa ugu baaqay  Hay’adaha aan dowliga aheyn inay ku bad iyaan adeegga ay bixiyaan guud ahaan dhulka  degaannada Galmudug.

    Masw’uuliyiinta ka socday Hay’adaha aan dowliga aheyn ayaa dhankooda waxaa ay bal lan qaadeen inay xoojin doonaan sidii loo dar dar gelin lahaa sidii degaannada Galmudug looga fulin lahaa adeegyada gargaarka Aas’ aasiga ah.

Maxaa kusoo kordhay wada-hadalladii A/Ma doobe iyo Farmaajo ee xiisadda Gedo?

      Warar lagu kalsoon yahay oo ay heshay warkii.com ayaa sheegaya in 7aadkaan uu si rasmi ah u billaaban do ono wada-hadalka ma amulka Jubaland iyo Madaxtooyada Sooma aliya ee ku aadan arrimaha gobalka Ge do. Ilo wareedyo muhiim ah oo ka tirsan maa mulka Jubaland ayaa warkii.com u sheegay in Madax weynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam iyo Madaxweyn aha Soomaaliya Maxamed C/hi Farmaajo ay toos u billaabi doonaan doo dda Jubaland ee ku aaddan ciidamada dowla dda ee ku sugan gobalka Gedo.

     "Muqdisho waxaan u joognaa in la xaliyo ca bashadeyna arrimaha ciidanka gobalka Gedo, 48-da saac ee soo aadan ayey qabsoomi doo naan kulamada arrintaas ku saabsan, hore wa xaa u jiray is afgarad,” ayuu yiri qof ka mid ah wafdiga Madaxweynaha Jubaland ee ku sugan Muqdisho.

       Madaxtooyada Soomaaliya ayaa horey mabda’ ahaan u aqbashay in ciidamada dowla dda laga soo saaro Gedo, taasi oo horseeday wada-hadalladii lagu gaaray heshiiska doora shada, oo maalmo arrintaas darteed u xayi rmay.

    Arintaan ayaa ku soo aadeysa iyadoo mag aalada Muqdisho saacadihii la soo dhaafay ay kulamo ku yeesheen madaxweynayaasha ma amul gobaleedyada, guddoomiyaha gobalka Banaadir iyo madaxda dowladda Soomaaliya, kulumadaas oo ku saabsan sidii loo dhaqan ge lin lahaa heshiiskii ay dhawaan ku gareen Muq disho islamarkaana ku saabsanaa arimaha doorashada Soomaaliya.

Xigasho:warkii.com

Puntland oo ka digtay roobab dabeyla wata oo kusoo fool leh deegaanadeeda

     Warkaan digniinta ah ayaa waxaa soo saa ray wasaaradda deegaanka, beeraha iyo isbe dalka cimilada ee dowlad goboleedka Sooma aliyeed ee Puntland, waxaana lagu sheegay in roobab mahiigaan ah oo wata dabeylo xoog gan oo kusoo wajahanyahay deegaanno bad an oo kamid ah maamulkaas.

      Dadka kunool Gobollada Bari, Nugaal, Sool iyo Sanaag ayaa waxaa si gaar ah loo am ray iney ka fogaadaan dhulka biya qabadka leh iyo deegaannada biyo mareenka ah , si loo ga baaqsado in khasaaro xooggan ay sabab aan daadad suura-gal no qon kara iney roobabk aasi ka dhashaan.

"Roobab mahiigaan ah ayaa la saadaalinayaa inay kusoo wajahan yihi in degaannada puntland, qeybo kamid ah go bolada Bari, Nugaal ,Sool iyo Sanaag ayaa la rajeynayaa inay heli doonaan rooob xoogan oo sababi kara daadad ”  ayaa lagu yiri warka deg niinta ah ee Puntland ay sii deysay.

     Digniintaan ayaa soo baxaysa. Xilli saacad ihii lasoo dhaafay lasoo sheegayo in roobab ay ka da’ayeen deegaanno badan oo ku yaalla Gobollada Sool iyo Sanaag.

 


Awooda Golaha Shacabka oo ‘lala waree gay’ iyo xildhibaan xog ka bixiyey

    Xildhibaan Zakariye Maxamuud Xaaji Cabdi oo ka mid mudanayaasha baarlamaanka fede raalka Soomaaliya ayaa shaaciyey in lala ware egay awooda golaha shacabka Soomaaliya, ka dib wareysi uu siiyey TV-ga Somali Cable.

    Zakariye ayaa ku eedeeyey guddoonka golaha shacabka inuu la wareegay awooda gol aha, isagoo sheegay in wuxuu doono ka sameysanayo baar lamaanka.  "Aniga baarlamaanka aan hadda ku jiro waxaan ku aqaanaa irida baarlamaan marka uu ka soo galo gacanta midig oo ay iyagu leeyhiin maleh guddoonkaa iska leh.”

     Sidoo kale wuxuu intaasi ku sii daray xil dhibaanku "Taaga haddii la yiraahdo wax uun lee u taaga way iska taagayaan.”

     Xildhibaan Zakariye Maxamuud Xaaji oo ha dalkiisa sii wata carabka ku adkeeyey in arrin tan ay saameyn ku yeelatay golaha, gaar aha an isla xisaabtankii laga rabay.

     "arrintaasi waxa ay daba rogtay isla xisaab tankii laga rabay Golaha Shacabka Soomaal iya.” ayuu sii raaciyey.

     Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyada oo ba arlamaanka FS in muddaba lagu eedeyanayey inuu gabay waajibaadkii shaqo ee loo igmad ay, gaar ahaan la xisaabtanka xukuumadda Soomaaliya iyo hay’adaha kale ee dowladda federaalka. Xigasho:warkii.com

Ciidanka DANAB oo Shalay la wareegay deegaan ka tirsan Sh/Hoose

     Wararka aan ka heleyno deegaanka Leego ee hoostega degmada Wanla-weyn ee G/ Sh/Hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in halk aas duhurnimadii Shalay ay la wareegeen Ciid anka Kumaandooska Soomaaliya ee DANAB.

Ciidanka DANAB ayaa deegaanka Leego qab saday iyada oo wax dagaal ah uusan ka dhi cin, waxaana la sheegay in halkaas ay isaga baxeen dagaalamayaasha Al-shabaab oo mu ddo gacanta ku haayay.

Taliyaha Booliska degm ada Wanla-weyn Maxam ed Cabdulle Xasan oo la hadlay Dalsan ayaa u sheegay in Ciidanka DANAB ay ku sugan yihiin deegaanka Leego ee Gobolka Shabeellaha Hoose, isla mark aana ay la wareegeen.

       Sidoo kale Taliye Maxamed Cabdulle ayaa sheegay in Ciidanka DFS ay deegaanka ka wadaan howlgalo baaritaano ah, isagoo tilm aamay in Al-shabaabkii ku sugnaa deegaanka ay isaga baxeen.

     Taliyaha CXDS, S/guuto Odowaa Yuusuf Raage ayaa laba maalin ka hor sheegay in ho wlgal laga fuliyay deegaanka Leego lagu dilay 7 ka tirsan Al-shabaab, kuwaasi oo dadka ka qaadi jiray lacago,sida uu hadalka u dhigay.

Ka dib khasaarihii gaaray Shalay dadka re er Dhuusamareeb oo qaatay go’an culus

      Shalayy barqadii dab xoog leh oo ka dha shay bakhaarro lagu keydiyo shidaalka ayaa qabsaday dhowr goobood oo ganacsi, kuwaas oo ku yaalla bartamaha M/Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug.

     Maamulka M/Dhuusamareeb ayaa khasaa raha maaliyadeed ee ka dhashay dabkaas ku sheegay lacag dhan $500,000 (Shan boqol oo kun oo dollar) iyo hal nin oo lug ka jabay intii la gu howlanaa deminta dabkaas.

      Dhuusamareeb malahan wax gadiid dab-demis ah, balse wax ka yar 24-saac ayey dad ka reer Dhuusamareeb ku go’aansadeen inay ku iibsadaan gaadiid dab-demis ah. Iyagoo is ka uruuriyey inta badan lacagtii uga bixi laheyd.

     G/M/Dhuusamareeb Cabdiraxmaan Cali Ma xamed Geeda-Qorow oo wareysi siiyey Idaac adda Kulmiye ee Muqdisho ayaa sheegay in khasaarihii Shalay ay wax badan ka barteen, sida ugu dhaqsaha badana ay dab-demis u iibsan doonaan.

     Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid oo goobta tegay intii dabku socday ayaa balan qaaday in ka maamul ahaan ay kharashka lagu soo iibinayo gaadiidka dab-de miska ah ku biirinayaan lacag dhan $22,000.

     Guddoomiyaha Dhuusamareeb Cabdirax maan Geeda-Qorow ayaa sheegay in hadda ay meel gaba-gabo ah u mareyso uruurinta lac agtaas, isla markaana saacado gudahood ay ku soo iibsan doonaan gaadiid dab-demis ah.

    Sanadkan gudihiisa waa markii seddaxaad oo magaalada Dhuusamareeb uu dab ka ka cay goobo ganacsi, isla markaana loo waayey wax lagu demiyo, sidoo kale waxaa xusid mu dan in gabi ahaanba degmooyinka gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya aysan ka howl-gelin wax gaadiid dab-demis ah.

Mareykanka oo gaadiid lagula dagaalamayo Al-Shabaab siiyey Itoobiya

      Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in gaadiid dagaal iyo agabyo kale ay ku war eejisay dowladda Itoobiya, kuwaas oo ay shaa cisay in loo adeegsan doono dagaalka ka dhan ka ah Al-Shabaab ee ka socda dalka Soomaaliya.

    Qoraal ka soo baxay safaaradda Mareykan ka uu ku leeyahay Addis Aba ba ayaa waxaa lagu sheegay inu jeedada taageeradaasi ay tahay sidii ciidamada Itoobiya ee qeybta ka ah AMISOM ay isaga difaaci lah aayeen weerarada uga imaanaya dhanka Al-Shabaab.

    Sidoo kale waxa ay safaaraddu sheegay in ciidamada Itoobiya ee jooga gudaha Sooma aliya la siin doono tababaro dheeraad ah.

Deeqda ay Itoobiya la wareegtay ayaa waxaa ka mid ah baabuurka gurmadka deg-deg ah (Ambulances), gawaarida yaryar ee (Land Cru isers), kuwa qaada sahayda iyo askarta ee dul banaanka ah iyo agab kale oo ay adeegs anayaan ciidamada.

    Sidoo kale waxa ay taageeradaan ciidama da Itoobiya ka gacansiineysaa dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo  la socodka dhaq-dhaqaaqa kooxda Al-Shabaab.

    Mareykana ayaa horey taageero dadban iyo mid toos ah u siin jiray dowladaha dariska, sida Itoobiya iyo Kenya oo ciidamo ay ka joo gaan gudaha Soomaaliya.

     Si kastabaha ha’ahaatee Mareykanka ayaa ka mid ah dalalka ka qeyb-qaata dagaalka Al-Shabaab, isaga oo duqeymo ka fuliyo koonf urta iyo bartamaha Soomaaliya.

Musharax madaxweyne oo soo jeediyey in 4 Sano dib loo dhigo doorashada BF

   Ganacsade Abshir Aden Ferro, oo ah mush arax u taagan xilka madaxweynaha Soomaali ya ee 2021, ayaa soo jeediyey in doorashada baarlamanka Soomaaliya dib loo dhigo 4 sano, isaga oo ka digay in doorasho xilligan la qabto ay dalka u gacan gelin karto Al-Shabaab.

    "Habka doorashada ee xil ligan la go’aamiy ey waa halis amni. Haddii xilligan la doorto xildhibaano, waxaad arki do ontaa aqalka dhan oo ay ka buuxaan Al-Shabaab,” ayuu Abshir u sheegay radio-ga Faransiiska ee RFI.

     Doorashada xilligan dhaceysa ayaa ah mid xildhibaanada ay soo dooranayaan ergo, taasi oo aan ahayn doorashadii qof iyo cod ee mada xweyne Farmaajo uu doonayey.

   "Madaxweyne waxaa waajib ku ahaa inuu qa bto doorasho qof iyo cod ah, mana ku guul ey san muddo afar sano ah,” ayuu yiri.

Balse waxa uu sheegay in dhibaatada ay meel kale ka jirto.

      "Sida habka Soomaaliya u shaqeeyo ayaa ah in xildhibaanka uu codka ka iibsado hoga a miyaha qabaa’ilka, mana ahan bilaash, waxa an maqalnay in meelaha qaar halkii xildhibaa nuu kursigiisa ku gato hal Milyan oo dollar, ta asina waa musuq-maasuq,” ayuu yiri.

   "Marka xildhibaanka uu iibsado kursiga, waa inuu dib u helaa lacagtiisa, wuxuu u codeyaa madaxweynaha, kaasi oo xildhibaanada lacag siiya. Su’aasha hadda waxay tahay xaguu ka keenaa lacagtaas?”

       Musharax Abshir Aden ayaa soo jeediyey in xildhibaanada hadda jooga ay sii joogaan 4 sano oo kale, si looga hortago in qabaa ’ilka & musuq-maasuqa ay saameyn ku yee shaan. "Sidaas darteed, doorashada xigta dadka ayaa codeyn doona, intii ay ka codeyn lahaayeen odayaasha qabaa’ilka,” ayuu yiri.

    Abshir ayaa ballan-qaaday inuu wax ka qa ban doono halista Al-Shabaab oo uu sheegay inay ku milmeen nidaamka siyaasadda Sooma aliya.

    "Sanadkii tegay, Al-Shabaab waxay u yeer een odayaasha dhaqanka, ayaga oo siiyey am arro adag oo la xiriira xildhibaanada ay soo dooranayaan,” ayuu yiri.

     "Sidaas darteed, xildhibaanka wuxuu noq on doonaa mid ay doorteen Al-Shabaab, kuwa asi oo maamuli doona baarlamanka, soona do oran doona madaxweynaha xiga ee mustaq ba lka. Taasi waxay noqon doontaa musiibo aan ku koobneyn Soomaaliya oo kaliya, balse saa meysa caalamka oo dhan,” ayuu ka digay.

    Sidaas darteed, ayuu Abshir doonayaa in xil dhibaanada hadda jira ay sii joogaan 4sano, oo ay madaxweyne cusub doortaan bisha Febr aayo.


XASAN SHEEKH oo ka hor-yimid dhowr qodob oo ka mid ah heshiiskii doorashada

     Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markale ka hadlay he shiiskii dhawaan laga gaaray khilaafkii baahs ana ee doorashooyinka ee lagu gaaray Villa Somalia.

    Xasan ayaa dul istaagay arr imo uu sheegay inay dib udhac keenayaan oo ku jiray heshiisk aasi, kaasi oo ku qotoma xiliga ay qabsoome yso doorashadu oo si rasmi ah loo cadeyn.

    Sidoo kale waxa uu sheegay inuusan jirin hab cad oo lagu sheegay heshiiskaasi oo loo soo xulanayo baarlamaanka iyo qaabka ay u kala gudbayaan xildhibaanada.

      Xasan ayaa qaba in mad-madow badan uu ku jiro heshiiska lagu gaaray Villa Somalia, oo u baahna in si cad loogu bayaaniyo qoddob ada ay sida wada-jirka ah u soo saareen mada xda dowladda federaalka iyo kuwa maamulada dalku.

     "Waxyaabo badan oo tafaasiila ka dhiman heshiiskaasi, oo waxa weli u dhiman waxyaa bo badan oo u baahan in la cadeeyo, waxaana rajeynayaa in maalmaha soo socda la dhamee yo” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

     Wuxuuna soo jeediyay in shirar kale ay isu gu imaadaan madaxda dowladda federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada, si waxyaaba ha yar-yar ee mugdigu ku jira loo cadeeyo.

Ugu dambeyntiina wuxuu ka dhawaajiyey inay muhiim tahay in laga shaqeeyo qaabkii uu u dhaqan gali lahaa heshiiskaasi, iyada oo dib u hagaajin lagu sameynayo, xili uu meel-mariyay baarlamaanku.

Mareykanka oo ku dhawaaqay in la kordhin ayo duqeymaha ka dhanka ah Al-Shabaab

      Taliska millatariga Maraykanka ee qaarad da Afrika ee loo yaqaano (AFRICOM) ayaa ku baaqay in la kordhiyo cadaadiska la saaro uru rka Al-Shabaab oo ay ku tilmaameen kan ugu halista badan xilligan qaaradda Afrika.

     AFRICOM ayaa waxaa ay sheegeen in in Al-Shabaab ay halis ku yihiin ciidamada Soomaalida, kuwa AMISOM iyo danaha Maray kanka intaba.

     Africom ayaa shaacisay inay la socdaan in ay kordheyn weerarada tooska ah iyo kuwa loo adeegsado gaadiidka laga soo buuxiyo wax yaabaha qaraxa,isla markaana ay ka digtoo naadeen.

     Al-Shabaab ayaa gaari laga soo buuxiyay waxyaabah qarxa waxaa ay ku weerareen de gaanka Janaay Cabdalle ee Gobolka Jubbada Hoose,waxaana ku geeriyooday askar ka ti rsan Ciidamada dowladda halka uu ku dhaawa cmay askari ka tirsan Ciidamada Mareykanka ee taageerada siiya Ciidamada Dowladda.

Mareykanka ayaa dhowr jeer waxaa uu duqe ymo dhinaca cirka ah ka fuliyay degaano ka tirsan Gobolada dalka,waxaana uu sheegay in duqeymahaas ay ku dileen saraakiil ka tirsan Al-Shabaab wallow mararka qaar dad Shacab ah ay ku waxyeeloobaan.

C/Weli GAAS oo shaaciyay arrin uu meesha ka saaray heshiiskii VILLA SOMALIA

     R/Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Cabdi weli Maxamed Cali Gaas ayaa markii u horeys ay ka hadlay sababta keentay in heshiis 15-qodob ka kooban ay wada gaaran madaxda DFS & kuw maamulada dalka.

     Madaxweyne Farmaajo iyo madax gobolee dyada ayaa 17-kii Septem ber heshiis ku gaa ray Villa Somalia, kaasi oo xal kama dambe ysa ah looga gaaray khilaafkii baahsanaa ee ka dhashay qabso omida doorashada.

    Madaxweynihii hore ee maamulka Puntla nd, Cabdiweli Gaas ayaa isagu qaba in saba btii u weyneyd ee heshiiskaasi loo gaaray ay aheyd "in laga baaqsado dib u dhac ku yimaa da qa bsoomida doorashada.”

     Gaas ayaa qaba in heshiiskaasi uusan wax badan ka duwaneyn nidaamkii doorasho ee 2016-kii. Wuxuuna hoosta ka xariiqay in he shi iskaasi uu meesha ka saarayo muddo kor orsi dheer, haddii 2da dhinac ee heshiis ka asi gaa ray ay si daacad ah uga wada-shaqeey



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip