HALKAAN KA AQRISO W.W. MOGTIMES EE SAAKAY OO AH 30-SEP-2020...

0
Wednesday September 30, 2020 - 09:27:11 in Wararka by
  • Visits: 642
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AQRISO W.W. MOGTIMES EE SAAKAY OO AH 30-SEP-2020...

    Madaxweyne Farmaajo oo kulan kale iskugu yeeray dowlad goboleedyada Madaxweyne Farmaajo ayaa kulan kale isu gu yeeray madaxda dowladaha xubnaha ka ah federaalka ee ku sugan M/Muqdisho si ay uga wada hadlaan qaababka loo dhaqan gelin karo heshi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweyne Farmaajo oo kulan kale iskugu yeeray dowlad goboleedyada Madaxweyne Farmaajo ayaa kulan kale isu gu yeeray madaxda dowladaha xubnaha ka ah federaalka ee ku sugan M/Muqdisho si ay uga wada hadlaan qaababka loo dhaqan gelin karo heshiiskii doorashada. Kulankan waxaa sidoo kale uu ku saabsan yahay sameynta guddiga isku dhafka ee hirgalinta doora shooyinka dadban ee heer federal & heer dowl ad goboleed. Madaxweyne Farmaajo ayaa kala tashan aya madaxweynayaasha dowlad goboleedya da magacaabida guddiga doorashooyinka iyo xubnaha uga qeyb galaya guddigaas dowlad goboleedyada. Wada hadalkaan waxaa sidoo kale qeyb ka ah shaacinta jadwalka doorashada dhacayso. Raysal wasaaraha cusub ee Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay ka qeyb qaadanaya kulankaan.


Ra’iisul Wasaare Rooble oo la kulmay Taliyeyaasha Ciidamada iyo Laamaha Amniga

      Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo la kulmay Taliyeyaasha Cii danka qalabka sida iyo laam aha amniga G/ba naadir ayaa la wadaagay qorsheyaasha la gu dardar-gelinayo ammaan ka, dhammeystirka di b-u-habeynta ciidamada iyo dagaalanka argagi xisada. Ra’iisul Wasa are Rooble ayaa u soo bandhigay Taliyeyaa sha Ciidamada ee uu la kulmay mudnaanta uu siinayo xasilinta amniga guud ee dalka iyo xo ojinta wada-shaqeynta hay’adaha amniga ee heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed.

      Laamaha amniga ayuu xasuusiyey Ra’iisul Wasaaruhu waajibka ka saaran ilaalinta nabad gelyada iyo fududeynta dhaqdhaaqa bulshada, iyagoona sii xoojinaya dadaallada lagu xaqiiji nayo xasilinta caasimadda.

      "Waxaan idin ku adkeynayaa in aad sii lab anlaabtaan hawshii wanaagsaneyd ee aad ho rey usoo waddeen, lana timaaddaan dadaal dheeri ah oo aad si buuxda ugu fulinaysaan qorshaha amni ee xilliga doorashada.”

     Kulanka oo ay ka qayb galeen siihayaha Ra’Iisul Wasaare ku xigeenka Dalka iyo xubno ka tirsan Golaha Wasiiradda ayey dhankooda sheegeen guddiga amniga in ay sii dardar-gelin doonaan qorshahooda ku aadan amniga iyo la dagaalanka argagixisada.

XOG: IIaalada Villa Somalia oo muddo kad ib ogaaday inay la macaamilayeen

      Saraakiil ka tirsan ciidanka Ilaalada Mad axtooyada Soomaaliya ayaa warkii.com u shee gay in sanado badan kadib ogaadeen in uu sa axiib la ahaa, oo uu la noolaa sarkaal sare oo ka tirsan Al-Shabaab.

    Sarkaalkan oo lagu magic aabo Maxamed Buulle, sidoo kalane loo yaqaano Maxamed Fa arax, ayaa laba maalin kadib qaraxii maqaa yadda Blue SKY waxaa laga qabtay isla maq aayadda.

    Qaraxii maqaayada Blue SKY, ayaa dhacay 9-kii bishan waxaana ku dhintay saraakiil ka tir san Villa Somalia, kuwa sirdoon, iyo dad kale oo shacab ah. Sarkaal la sheegay inuu ka tirs anaa Al-Shabaab ayaa qeyb ka ahaa dhallin yaro badan oo halkaas gawaarida ku dhaqa,    sidoo kalane saaxiib la ahaa ciidanka meesha.

      "Waan adeegsan jirnay waxbuu nala cuni jiray saaxiib ayuu noo ahaa, waxaan u dhiiban jirnay gaadiidka waliba saraakiil iyo shaqaale kale ayaa u wici jiray waxa uuna ugu tagi jiray guryahooda si uu ugu soo dhaqo laakiin waxa uu ahaa nin shaqo kale wato,” ayuu yiri sarkaal ka tirsan Madaxtooyada Soomaaliya oo aan la hadalnay.

     Maxamed Faarax, oo magaciisa afgarasha du yahay Maxamed Buulle, ayaa baaritaan kii lagu sameeyay waxa uu ku sheegtay in muddo laba sano ah ka tirsanaa Al-Shabaab, waxa u una qaabilsanaa gudbinta Taargooyinka shaq aalaha dowladda iyo saraakiisha, sidoo kale waxa uu qaabilsanaa gudbinta xogaha gooba ha la rabo in la qarxiyo ee aagga Villa Somalia.

     Ciidanka ilaalada Villa Somalia ayaa shee gay in ninkaan uu muddo aagga ka maqnaa ka hor qaraxii maqaayada Blue SKY, markii uu yi midna uu dhacay Qaraxaasi. Sidoo kale ciidan ka ayaa sheegay in Qaraxa kadib laba maalmo od uu maqnaa kadibna uu dib ugu soo laabtay shaqada gawaari dhaqida ee laamiga Xaawo Taako.

     Xubnaha aan la hadalnay ayaa sheegay in sarkaal oo qirtay inuu ka tirsanaa Al-Shabaab lagu wareejiyay Maxkamada Ciidamada Qalab ka Sida ee Soomaaliya, waxaana sidoo kale la soo qabtay nin taliye u ahaa oo mar isagana halkaas gawaarida ku dhaqi jiray. Arintaan ayaa abuurtay shaki badan oo ka dhax dha shay dad muddo dheer is yaqiinay oo aagaas ku sugan.

Wasiir Beyle oo la kulmay Wakiilka QM ee Soomaaliya

     Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda ee Xuk uumadda Federaalka Soomaaliya Md. Cabd iraxmaan Ducaale Beyle ayaa kulan laqaatay Wakiilka Qaramada Midoobe ee Soomaaliya Ambassador James Swan.

      Wasiir Beyle iyo Ambassador James ayaa kawadahadlay dib u habeynta iyo Hormurka Maaliyadda dalka iyadoo la adegsanayo Hanaanka SMP4

    "Waxa aan haantan shir muhiim ah la yeeshay Mada xda Q/M ee Somaliya oo uu horkacayo Mr James Swan wakiilka gaar ka ah ee Soomaaliya. Waxa aan ka wada hadalnay isbadalka iyo horumarka Maaliyadda Soomaa liya” ayuu yiri Wasiir Beyle.

        Waxaa uu intaasi kusii daray” Xafiiska UN ka ee Soomaaliya waa saaxib muhiim u ah hor umarka iyo taageerada Dalka, waxa ayna noo balan qaadeen in ay sii wadi doonaan taageer ada bulshada Soomaaliyeed”

Beesha HABAR-GIDIR oo taageertay mid ka mid ah musharaxiinta madaxweyne

     Waxaa Shalay M/Muqdisho lagu qabtay ku lan weyn oo beesha Habargidir ay ku taage ereysay musharaxnimada hoggaamiyaha xisb iga Wadajir C/xmaan Cabdish akuur Warsame.

     Cabdiraxmaan Cabdishaku ur oo ka mid ah musharaxiinta doorashada soo socota ee 2020/2021-ka ayaa waxaa Shalay taageero iyo garab istaag u muujiyey beelaha Habar gidir, ee uu kasoo jeedo. Tallaabadan ayaa la sheegay inay bilow u tahay ololihiisa, waxaana lagu tilmaamay taageerada beesha uu ka hey sto inay muujineyso in Cabdiraxmaan uu wado    dadaal xooggan oo uu codad ku kasbanayo.

      Kulankii lagu taageerayey Cabdiraxmaan Cabdishakuur ee Shalay ka dhacay M/ Muqdi sho ayaa waxaa goobjoog ka ahaa hoggaanka sare ee dhaqanka iyo midnimada beelaha Hab argidir.

      Prof. C/dir Maxamed Shirwac oo ah guddo omiyaha dhaqanka iyo midnimada beelaha Ha bargidir ayaa ku sugnaa kulanka waxayna Cab diraxmaan Cabdishakuur u ballan qaaden ga rab istaag buuxa.

    Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in taageerada ay u dhig anto ama ka weyn tahay midda codadka ee ay xildhibaanada wax dooranaya bixiyaan.

DF oo Muqdisho ku xirtay Maxamuud Cum ar Caddaan iyo Ganacsato caan ah oo la Xiriiray Al-Shabaab

     D/F/Soomaaliya ayaa xabsiga dhigtay gan acsato badan oo Soomaaliyeed, kuwaas Mu qdisho ku xiran in ka badan shan maalmood.

Ganacsatada xiran oo u badan kuwo caan ah ayaa waxaa la sheegay in tiro ahaan ay gaara yaan tobaneeyo, waxaana ku jira Xaaji Maxam uud Cumar Cadaan oo ah ganacsade si weyn looga yaqaano M/Muq disho, lanadhashay ganacsade Abuukar Cum ar Cadaan. Sh.Cali Wajiis oo kamid ah eh ell ada Xaaji Maxamuud Cum ar Cadaan oo la ha dlay laan ta Af-Soomaaliga ee VOA ay aa she egay in sababta loo xiray ganacsatadan loogu sheegay inay la xariirto macaamil dhex maray iyaga iyo Al-Shabaab.

      Sheekh Cali Wajiis ayaa sheegay in guddi ga gaadiidleyda G/Banaadir oo uu guddoomi ye ku xigeen ka ahaa Xaaji Maxamuud iyo gud diga kale oo iskaashatooyinka gaadiid leyda G/ Banaadir ay ku mideysanyihiin ay isq abteen ka dibna ay Al-Shabaab isku dacweey een.

     "Sanadahaan ganacsatadu waa ay dhiban yihiin, culeysyo badan ayaa dhanka Al-Shaba ab uga imaanaya, mar kasta waa loo yeeraa ganacsigooda ayaana wax laga weydiiyaa, ma rarka qaarna waxaa la sheegay inay aad xog ogaal ugu yihiin ganacsigooda,” ayuu yiri Sh.Cali Wajiis. Waxa uu sheegay in dowla dda Soomaaliya aysan raali ka aheyn in loo ta go Al-Shabaab,balse ganacsatadu aysan ku dhir ankarin inay iska diidan amarka Al-Shabab      

    "Horta weli ganacsatada xiran maxkamad la ma geyn, balse anigu waxaan ku talinayaa, in ganacsatada waaweyn sida Xaaji Maxamuud Cumar Cadaan, Cadceed iyo dadka lamid ah in si gaar ah loola dhaqmo, xasaanad ayey lee yihiin, sax ma ahan in la isaga yeero ee la xir to,” ayuu yiri Sheekh Cali Wajiis.

    Waxa uu sheegay in dowladda ay kala tali doonaan hadey yihii culumada sida ay ula dhaqmeyso dadka ganacsatada ah ee dhiban, si sharci loogu maro xataa hadii la xirayo.


Xildhibaankii 2aad oo loo ballan-qaaday kur sigiisa Baarlamanka 2021 – Waa kuma?

     Madaxweynaha K/galbeed Cabdiacasis Laf ta-gareen oo ka hadlay xaflad ay Habeen hore isugu yi maadeen madaxda iyo xlidhibaannada koon fur galbeed ayaa bixiyey balanqaad ku aa dan kursi ka tirsan golaha shacabka in xildhibaan ka hadda ku fadhiyo uu sii heysan doono.

     Madaxweyne Laftagreen ayaa Xildhibaan Maxamed Mursal Boorow u balanqaaday inuu soo noqon doono iyada oo abaal looga dhi gayo dhaawac ka soo gaaray qarax ay la bee gsadeen Al-Shabaab.

       Al-Shabaab ayaa September 15, 2018-kii, qarax ka dhacay Tiyaatarka Qaranka, oo ay sheegteen Mas’uuliyaddiisa ku dhaawaceen Xi ldhibaan Maxamed Mursal Boorow

       Arrinta balanqaadka Cabdicasis Lafta-gar een waxaa ay abuuri kartaa kala shakin dhex marta dadka u tartamaya kuraasta xildhibaan immo ee 2020/2021, meeshana ka saari karta hufn aan iyo doorasho xor oo xalaal ah.

     Hadalkan ayaa imaanaya todobaad kadib markii madaxweynaha Puntland Saciid Deni uu isna balanqaaday kursi kale uu sheegay in uu kusoo bixi doono Mahad Cawad

      September 21, 2021: Madaxweynaha Punt land Saciid Deni oo ka hadlayey xaflad soo dhoweyn oo loogu sameeyey Muqdisho ayaa sheegay erayo laga dheehan karo musuq iyo awood sheegasho maamulkiisa ah, islamarkaa na abuuri kara kala shakin dhexmarta dadka u tartamaya kuraasta xildhibaanimmo ee 2020/ 2021, meeshana ka saari karta hufnaan iyo doorasho xor oo xalaal ah.

      Madaxweyne Saciid oo u jawaabayey ha dal uu ka jeediyey xafladda Mahad Cawad, guddoomiye ku xigeenka 2-aad ee golaha shacabka kaas oo sheegay inuu kursigiisa kala soo cararay Puntland isla markaanaaan naga adi ku aheyn Galmudug ayaa yiri "Kursiga uu Mahad la soo cararay wad soo ceshan kartaa ayaa ku dhihi lahaa, waxaan balanqaadayaa haddii uu soo noqdana inuu isaga ku soo baxo, haddii uu Galmudug yaalana waan ka daba tagayaa in aan kala shaqeeyo halkan ka shgeeyaa.”

Roobabkii dayrta oo ka curtay qaybo ka mid ah gobolka Sool iyo biyo la'aan taagnayd

       Qaybo ka mid gobolka Sool ayaa daruuro biyaysani ka curteen iyadoo ay xaalad adag ka taagnayd ka dib markii ay xili dayreedku dib u dhac ku yimi.

       Degaanada roobabku ka de'een ayaa wa xaa ka mid koonfurta iyo galbeedka degmada Laascaanood, waxaana sida ay dadka qaar kood soo sheegayaan in ay curasho ta hay balse aan weli roob la sheego aanay helin.

     Degmada Xuddun ayaa laga soo shee gayaa in xoogaa qabowsin ahi ay heleen buuraleyda koonfurta degmadaas dhac da iyo qaybo ka mid doo xada nugaaleed oo aad baahi badan uga ta agnayd, halka waqooyiga degmadaasna hoglo laga soo sheegay iyo hayaan baaxad leh.

Magaalada Laascaanood ayaa baahi biyood oo xoogleh ay ka taagnayd ka dib markii ay gabaabsi noqdeen kaydka biyaha berkedaha ee degaanka Kalabaydh oo 87% lagu qiyaasi biyaha laga isticmaalo magaalada Laascaa nood.

     Shirkad gaar loo leeyahay ayaa mudo oyinkii u danbeeyey wadey in ay biyo sifa ysan soo gaadhsiiyaan magaalada iyagoo haatan la gu arkayo gaadiidka dhulka qoda oo jeexaya goobihii tuubooyinku mari lahaayeen.

Wasiir ka tirsan Somaliland oo ka bogsaday Cudurka COVID-19 oo ku dhacay

      Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyi gelinta Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali Ko ore oo dhawaan uu ku dhacay Cudurka halista ah ee Coronavirus ayaa shaaciyay inuu ka bog saday.  Wasiir Saleebaan Koore oo qoraal soo saaray ayuu ku sheegay in baaritaankii ugu  da mbeeyay ee lagu sameeyay loogu wargel iyay inuu ka bogsaday Cudurka COVID-19, is la markaana  xaaladiisa ay wanaagsan tahay.

    Wasiirka ayaa tilmaamay in laba todobaad uu la jiifay COVID-19 oo ku dhacay, isagoo tan iyo markii laga helay Cudurka uu galay xaalad karantiil, uuna markii hore dareemay Madax xanuun farabadan, qando iyo xanuuno kale.

 "Alxamdulilah baaritaan Caafimaadkii la igu sameeyey waxaa la ii cadayeey inan ka bogsa day Cudurka halista ah ee  COVID-19 (Nega tive)” ayuu ku yiri Qoraal uu soo saaray Wasii rka Warfaafinta Somaliland.

    Saleebaan Yuusuf Cali ayaa la xaqiijiyay in tan iyo markii cudurka haleelay uu ka maqnaa shaqada Wasaaradda iyo goobaha ay mada xdu ku kulmaan, sida xafiisyada Madaxtooya da iyo Munaasabada Mamaulka.

   Sidoo kale waxaa la sheegayaa in Cudurka ay ka bogsadeen qaar kamid ah Ilaalada Was iirka Warfaafinta Somaliland oo horey ugu dha cay Cudurka, sida uu markii hore warbaahinta u sheegay Wasiir Koore.

Gaari ku laayay Geel Isgoys ku yaalla Mag aalada Muqdisho

   Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa shil gaari oo waaberigii hore ee Shalayy ka dhacay Magaalada Muqdi sho gaar ahaan Isg oyska Sii naay dhin aca D/Boondheere ee G/Banaadir.

     Dad goobjooga yaal ah oo la hadlay Idaa cadda Dalsan ayaa u sheegay in shilkaas uu yimid, kadib markii uu soo fariin goost ay Gaari nooca is ka rogaha ah ee qaada Carrada iyo dhagxa anta, kaasi oo ka yi mid dhinaca Suuqa Siinaay.

      Darawalkii waday gaariga ayaa si toos ah ugu dhuftay dhagxaan horey loogu xiray Isgo yska Siinaay gaar ahaan dhinaca Boondhe ere, waxaana gaariga uu halkaas ku dilay 4 Neef oo geel ah oo goobta joogay, sidoo kale na uu dhaawac soo gaaray Darawalka.

           Sawirro laga soo qaaday goobta uu shi lku ka dhacay laguna faafiyay baraha Bulsha da ayaa muujinaya geela oo dhulka daadsan, isla markaan qaarkood gaariga uu dul-maray geela,gaarigana uu qeyb ka burburay. M/Muq disho ayaa waxaa marar kala duwan oo horey ka dhacay shilal geystay Khasaarooyin, kuw aasi oo intooda badan ka dhashay gaadiid soo fariis goostay iyo kuwo si yaaboyinkale ku yi mid.  Xigasho:- Radiodalsan.com

Qof shacab ah oo ku dhintay rasaas uu rid ay askari ka tirsan ciidanka puntland

    Hal ruux oo shacab ah ayaa Shalay ku gee riyooday bartamaha Caasimadda Garoowe ka dib rasaas uu riday askari ka tirsan Ciidanka Ilaalada Canshuura ee Puntland.

      Askariga ayaa rasaasta riday xilli ay murm ayeen qof kale oo ganacsade ah kaas oo diid ay inuu bixiyo Canshuur laga doonayay sida ay xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan Booliiska.

    Marxuumka dhintay oo magaciisa lagu she egay Cabdulqaadir Siciid Aw Yuusuf ayaa mar kiiba u geeriyooday rasaasta oo ka haleeshay qaarka sare ee jirkiisa.

      Booliiska ayaa sheegay in xabsiga la dhig ay askarigii ay rasaastu ka dhacday qorigiisa.

Al-shabaab oo Goob fagaare ah ku toogtay Nin dil geystay

     Dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa goob  fagaare ah oo ku taalla degmada Ceel-cali ee Gobolka Hiiraa waxaa ay ku toogteen Nin lagu eedeeyay inuu horey u dilay qof shacab ah oo kamid ahaa dadka deegaanka.

      Ninka ay Al-shabaab toogteen ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Xasan Aadan Cali oo 44 sanna jir, kaasi oo la sheegay inuu si bareer ah u dilay  Xasan Cismaan Ibraahim, waxaana goobta uu xukuna ka dhacaayay ku sugnaa da dweyne farabadan.

     War qoraal ah oo lagu faafiyay baraha Al-shabaab ayaa wax aa ay ku sheegeen in markii hore ay Ehellada laga dilay Marxuum Xasan Cismaan ay u bandhigeen in ay diyo qa ataan, inay cafiyaan ama in loo qisaaso, iya goona dalbatay in la toogto Xasan Aadan.

       Al-shabaab ayaa marar badan xukuno ka la duwan ku fulisay dad dilal ka geystay deeg aanada ay Gobolada dalka kaga sugan yihiin, kuwo lagu eedeeyay inay la shaqeenayeen do wlada federaalka iyo dad kale oo lagu eedee yay inay Sirdoon u ahaayeen dowlado shishe eye.

Somaliland iyo Itoobiya oo ka wada hadlay Arrimo kala duwan

    Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha So maliland Maxamed Kaahin Axmed ayaa M/Ha rgeysa kulan kula qaatay wafdi ka socday D/Ito obiya oo halkaas socdaal ku gaaray. Kulanka ayaa inta uu socday waxaa looga hadlay Arri mo kala duwan oo ay kamid yihiin xoojinta xir iirka Somaliland iyo Itobiya , sidii loo xoolin lah aa sugida amniga xuduuda labada dhinac.

    Kulankaas ayaa Itoobiya waxaa uga qayb galay hogaanka Nabadgalyada DDS.Dr Xuse en Xaashi Qaasim, Taliyaha guud ee Ciidanka Xooga gaarka ah ee Liyuu Booliska, Wasirka Xafiiska Waraabka DDS iyo Taliye kuxigenka Ciidanka Difaaca Qaranka Bariga Itoobiya.

    Wasiir Maxamed Kaahin Axmed oo la hadl ay warbaahinta ayaa u sheegay in kulankii dhe xmaray Somaliland iyo Itoobiya uu kusoo dha

 maaday Is af-garad buuxa,

Soomaaliya iyo Norway oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal

     Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Dalka Su udaan Md.Maxamed Sh.Isxaaq ayaa xafiiskiisa M.Khaartuum kula kulmay safiirka cusub ee da lka Norway u fadhiya Suudaan Therese Loken Gheil. Intii uu socday kulankoodi waxay dan jireyaasha 2da dhinac ay ka wada hadleen si dii loo xoojin lahaa xiriirka iyo iskaashiga ka dhexeeya dalalka Soomaaliya iyo Norway oo     dhinacyo badan leh.

    Qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitterka ayuu ka ga hadlay waxyaabihii ay ka wada hadleen isaga iyo safiirka Norway ee Suudaan haweeneyda la gu magacaabo Therese Loken Gheil.

     "Waxaan xafiiskayga ku qaabilay danjiraha cusub ee Norway ee Suudaan, Therese Loken Gheil,waxaana ku faraxsanahay inay soo boo qato safaaradda Soomaaliya ee Suudaan, wa xaana is dhaafsanay aragtiyo ku aadan sidii loo xoojin lahaa xiriirka iyo iskaashiga ka dhex eeya Soomaaliya iyo Norway”. Ayuu yiri dan jire Maxamed Isxaaq.

    Dowladda Norway ayaa kamid ah wadama da taageera Soomaaliya,gaar ahaan dhinacya da hay’adaha dowladda iyo daryeelka bulsha da.

Puntland oo xukunno isugu jira dil iyo xab si ku riday xubno katirsan kooxda Al-shabaab

    Maxkamad milatari oo ku taala Puntland ay aa xukunno isugu jira dil iyo xabsiyo dhaa dheer ku riday eedeysanayaal kati rsan Al-Shabaab ka dib markii lagu helay dambiyo argagixisan imo. Waa markii ugu horreysay oo Puntland xukunto xubno ka tirsan Al-Shabaab bilooyin badan, kadib dhacdooyin argaggixiso oo ka dhacay Puntland  intii u dhe xaysay bishii Maarso ilaa Luulyo.

    Maxkamadda waxay dil ku xukuntay Maxam ed Maxamed Saciid oo la sheegay inuu qirtay inuu abaabulay weerarada Al-Shabaab muddo bilooyin ah wuxuuna hormuud ka ahaa qorista dhalinyarada ku biirta Al-shabaab.

     4 kale oo katirsan al-shabaab ayaa lagu xu kumay xabsiyo kala duwan oo la xiriira dambi yada ay galeen sida ay sheegtay maxkamada ciidamada. Saddex ka mid ah ayaa lagu xu kumay 15 sano oo xabsi ah.

      Al-Shabaab ayaa xoojisay weerarada ay ka geysanayaan Puntland, waxaana kamid ah aa dilalka gudoomiyaasha gobolada Nugaal iyo Mudug.

Qoorqoor oo Xalay soo gaaray Muqdisho iyo Shirka dhameystirka heshiiska doorashada oo furmaya                   Madaxweynaha maamulka Galmudug Md. Axmed Cabdi Kaariye & wafdi uu hoggaamina yo oo fiidnimadii Xalay soo gaaray M/Muqdi sho ee caasimadda Dalka.

 Madaxweynaha ayaa garoonka diyaaradaha ee Aden Abdulle waxaa ku soo dhaweeyay Xil dhibaa no ka tirsan Goleyaasha Barlamaanka JFS.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip