Ma Anigaa wareersan ?=Faallo=

0
Friday September 18, 2020 - 21:35:04 in Wararka by
  • Visits: 1599
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ma Anigaa wareersan ?=Faallo=

    In ka yar 24 Saac waxaa soo baxay Laba arrimood oo saameeyn ku leh Siyaasadda Dalka. waxa aan fiiriyay Baraha Bulshada, waxa ii soo baxday in Dad badan ey ka fiirinayaan dhinac ka duwan kan aan wax ka fiirinayo, waxaan is iri ma Adigaa khaldan?.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

In ka yar 24 Saac waxaa soo baxay Laba arrimood oo saameeyn ku leh Siyaasadda Dalka. waxa aan fiiriyay Baraha Bulshada, waxa ii soo baxday in Dad badan ey ka fiirinayaan dhinac ka duwan kan aan wax ka fiirinayo, waxaan is iri ma Adigaa khaldan?.
1. waxaa la soo Saaray 15 Qodob, ( F.S: 1aad). Dadku waxa ey badanaa soo qoreen , Kooxdaa ayaa guuleeysatay iyo maya tan kale. Qodob hebel waa laga tagay iyo kanaa ka fiican.
Anigu waxaan is lahaa wixii Fiican, ayaa laga shaqeeyaa sidii loo hirgalin lahaa, waxaan filayay in kuwa wax ku qoraya Baraha Bulshadu in ey is weydiiyaan: sideen u hirgalinaa?, Haddii ey hirgali waayaan maxaa xigayo?, sideen wax u toosinaa, si wadanka loo wada badbaadiyo ? Su’aalahaa badanaa lagama jawaabin.
2. Raisul wasaare ayaa la magacaabay. waan wada ogeeyn in kursigaa Qof hore ugu fadhiyay uuna ka kacay, sida kuwii ka sii horeeyay, waa la ogaa in kursigaa Qof ku fadhiisan doono, uuna ka kici doono isaguna ( F.S:2aad).weliba waa la sii ogaa Deegaanka uu ka imaan doono iyo kan magacaabay in uu arkay Maslaxadiisa.
Dad badan oo Mucaarad ku ahaa Xukuumadii ayaa hore ka taageeray, kuwa taageersanaana waa mucaaradeen iyaga oo aragtidooda ku saleeyay Shakhsiga laga yaabaa in ayaanba aqoon.
waxaan filayay in ey Asaxaabta Baraha Bulshadu ka doodaan dhibaatada Dalka ka jirto, iyo Qofkani maka saari karaa? sidee gacan loo siin karaa, si uu uga saaro, suura gal ma tahay?.
waxaa kale oo aan la yaabay, Sida aan Qofka u qiimeeyno, CV-ga dhinaca ey Dadku ka fiiriyaan oo ka duwan dhinaca aan ka fiirinayo.
waxa ey leeyihiin 2 Jaamacad ayuu ka soo baxay, urur caalamiya ayuu u soo shaqeeyay, Lacag badan ayuu soo maamulay. intaasi waa xirfad Qofku ku shaqeeysto.


Anna waxaan ka fiiriyaa Guud ahaan Dadka Xil qabanayo, Qofkaani waa Ahlu Salaad, Cibaado badan, Balwad xun male, Run sheeg ah, Cadaaladda jecel, Dadka danyartaa kaalmeeya oo sadaqa badan, Deriska dhowro, Diinta ku wanaagsan, Qur’aanka ku bartay halkaa, Culuunta Diinta ka aqriyay Masjidkaa, hore uga qeyb qaatay heshiisiinta Qolyo is khilaafay, waa Qof Amaanada dhowro, Somalinimadu ku weyntahay.
yaa, yaa, Sifooyinka aan ka raadinayo Qofka Madaxweyne, Rasiisul wasaare, Wasiir, Xildhibaan ama xil Siyaasad maamul, Dadku kama raadiyaan miyaa?.
waxaa ii soo baxday Qodobka 1aad, in Qofku uuna wax rabin ee kooxda uu rabo wixii ey rabto uu rabo, Xattaa haddan Dani ugu jirin.
waxaa ii soo baxday Qodobka 2aad, in Qofka Qofnimadiisa aan la fiirineyn, ee la fiifinayo Cidda uu ka soo jeedo. Qofku Reera gaara waa u dhashay waa run, laakin hadduu xil qabto Dadka oo dhan ayuu u dhexeeyaa, sidaa caadadu aheyd Qofku hadduu mabaadii’ guud lahaa, Dadka ayaa u aqrinayo mabaadii’ Reer.
FG: Go’aanada ka fiiri Suuragalnimada iyo Doorka aad ka qaadan karto. Qofka ka fiiri CV giisa Qofnimo, ee haka fiirin kan beesha ama Xirfad uu u bartay in uu ku shaqeysto.
Si gaar ah ugama hadalayo 15 kan Qodob ama Qofka la magaacaabay ee waxaan ka hadlayay sida Dadka Baraha bulshada isticmaalo ey wax u cabiraan. Ogoow Qodobada Anigu sooma saarin, Qofka la magacaabayna ma aqaan, Sidii kuwii hore wax ha u fasirin.
Qodobada iyo Qofkaa sidee loo qiimeeyaa?
ma Anigaa wareersan?
Qore: -Yahya Amir


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip