Wasaaradda Caafimaadka oo dalbatay in cadaaladda la hor keeno, kuwii dilay Xamdi

0
Tuesday September 15, 2020 - 21:29:10 in Wararka by
  • Visits: 256
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasaaradda Caafimaadka oo dalbatay in cadaaladda la hor keeno, kuwii dilay Xamdi

    Wasaaradda Caafimaadka Somaliya ayaa cambaareysay falkii kufsiga & dilka isugu jiray ee loo gaystay Xamdi Maxamed Faarax oo aheyd gabar dhalinyaro ah, taasi oo Jimcihii lagu dilay Muqdisho. Wasaaradda Caafimaadka ayaa sheegtay inay ka xun taha

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasaaradda Caafimaadka Somaliya ayaa cambaareysay falkii kufsiga & dilka isugu jiray ee loo gaystay Xamdi Maxamed Faarax oo aheyd gabar dhalinyaro ah, taasi oo Jimcihii lagu dilay Muqdisho. Wasaaradda Caafimaadka ayaa sheegtay inay ka xun tahay falka tacadiga bareerka ah ee Xamdi lagula kacay, waxaana ay sheegtay tani inay tahay wax ka fog dhaqanka & diinta Islaamka.                        "Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada waxay si adag u Cambaaraynaysaa falkii kufsiga iyo dilka ahaa ee loo geestay Marxuumad Xamda Maxamed Faarax, Falkan argagaxa ah ee lagula kacay Marxuumad Xamda waa Jariimo weyn oo lid ku ah diinta iyo dhaqanka Soomaaliyeed oo aanan marnaba loo dul qaadan Karin.”

           Wasaaradda Caafimaadka ayaa dalbatay in Cadaaladda la horkeeno dambiilayaashii gaystay falkaasi oo hadda Booliska ay gacanta ku hayaan shaqsiyaad la tuhmaayo inay arrintaasi ku lug leeyihiin.

       "Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada waxey Hay’addaha Caddaalada ee dalka ka dalbanaysaa in kuwii falkaan geystay la horkeeno caddaalada laguna qaado ciqaab u dhiganta gabood falka ay u geysteen Marxuumad Xamda Maxamed Faarax.”

       Booliska Somaliya ayaa baaris ku haayo shaqsiyaad kala duwan oo lagu tuhmaayo inay ku lug leeyihiin falka lagu dilay, sidoo kalena lagu kufsaday Xamdi Maxamed Faaarax.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip