Guddoonka Golaha Shacabka oo lagu eedeeyay in ay Cabburin ku haayaan Xildhibaanada
Waxaa Xildhibaanad Sagal ay sheegtay in sida loo fasiray sharcigaas aysan wax u jirin taasina aan ilaa hadda caddeyn loo hayn, waxaana sababta ku sheegtay in ilaa iyo hadda aan Golaha la hor keenin sharciga, iyadoo sheegtay in guddoomiyaha uu sharcigaas jeebka ugu jiro, go’aanka dhalecaynta ah ee uu usoo jeediyay sharciga guddoomiyhu ayay ku sheegtay in uu yahay mid ku kooban guddoonka, waxaana intaas ay ku dartay in baarlamaanku aysan ogayn waxa uu ku saxan yahay sharcigu iyo waxa uu ku qaladan yahay, sababtana waxaa ay sheegtay in ay tahay sharciga oo aan wali loo qaybin Xildhinbaanada Golaha Shacabka.
Waxaa ay eed gaar ah usoo jeedisay Guddoonka Golaha Shacabka oo ay sheegtay in ay cabburin ku hayaan Xildhibaaanada, mararka qaarna aan loo ogolaan ay hadlaan oo ay fadhiga si caadi ah ra’yigooda iyo doodad ay qabaan ay usoo gudbiyaan, waxaan ay sheegtay in arrintaasi ay dhowr jeer soo laa-laabatay oo la cabburiyay Xildhibaano doonayay in ay ka hadlaan kulanka.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo Ku xigeenkiisa ayaa shalay si kulul u dhaleeceeyay qodobo ka mid ah sharcigaas, waxaana Maxamed Mursal Sh.Cabdiraxmaan iyo Cabdi Wali Sheikh Ibraahim Muddeey ay sheegeen in sharcigaasi uu si cad uga hor imaanayo Diinta islaamka iyo dhaqanka Soomaalida, waxaana ay sheegeen in uu fasaxayo sinada iyo waxyaabo kale oo diinta islamku ay mamnuucday.
xigasho:-radiodalsan.com
Guddoonka Golaha Shacabka oo lagu eedeeyay in ay Cabburin ku haayaan Xildhibaanada
Xildhibaanad ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa eed kulul u jeedisay Guddoonka Golaha shacabka, waxaana ay sheegtyay in ay ay jiraan ku tagri fal awoodeed iyo baalmarid xeer hoosaad oo ay ku tumanayan Guddoom