Wasiir ka tirsan Somaliland iyo ilaaladiisa oo laga helay Coronavirus

0
Tuesday September 15, 2020 - 17:37:38 in Wararka by
  • Visits: 274
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiir ka tirsan Somaliland iyo ilaaladiisa oo laga helay Coronavirus

    Wasiirka Wafaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigalinta maamulka Somaliland, Saleebaan Cali Koore ayaa shaaciyey in maanta laga helay cudurka faafa ee Coronavirus, kadib baaris caafimaad oo lagu sameeyey. Wasiir Koore oo warbaahinta ugu warramay magaalada

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Wafaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigalinta maamulka Somaliland, Saleebaan Cali Koore ayaa shaaciyey in maanta laga helay cudurka faafa ee Coronavirus, kadib baaris caafimaad oo lagu sameeyey. Wasiir Koore oo warbaahinta ugu warramay magaalada Laascaanood ayaa sheegay in markii hore uu isku arkay madax xanuun, qandho fara badan iyo daal, kadibna lagu sameeyay baaritaan, sidaasina looga helay cudurka safmareenka ah ee Covid-19. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in haatan xaaladdiisa caafimaad ay wanaagsan tahay, islamarkaana uu is Karantiilay. Wasiirka Warfaafinta Somaliland ayaa sidoo kale xusay in qaar ka mid ah ilaaladiisa laga helay xanuunka, kuwaas oo haatan ku sugan magaalada Laacsaanood ee gobolka Sool. Waxa kale oo uu ugu baaqay bulshada inay qaataan talooyinka caafimaadka, si loo xakameeyo faafista cudurka. Coronavirus ayaa markale ku soo laba kacleey Somaliland, iyadoo ay wasaarada caafimaadka ay waddo dadaalo looga hortago sii fidista cudurkaas. .


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip