Maxay ka wada hadleen Madaxweyne Lafta Gareen iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka?

0
Tuesday September 15, 2020 - 17:30:26 in Wararka by
  • Visits: 282
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxay ka wada hadleen Madaxweyne Lafta Gareen iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka?

    Madaxweynaha Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa hoyga uu ka deganyahay muqdisho kulan kula qaatay Taliyaha Ciidanka Xooga Dalka Soomaliyeed Generaal Odowaa Yuusuf Raage. Madaxweynaha ayaa Warbixin

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa hoyga uu ka deganyahay muqdisho kulan kula qaatay Taliyaha Ciidanka Xooga Dalka Soomaliyeed Generaal Odowaa Yuusuf Raage. Madaxweynaha ayaa Warbixin ku saabsan Amniga iyo guulaha laga gaaray Ciribtirka argigixisada ka dhagaystay taliyaha waxaana uu tilmaamay Generaal Odowaa in cadowga Alshabaab qasaaro iyo jab xooggan loogu geystay howlgaladii ka socday qeybo kamid ah Gobolada Koonfur Galbeed. Ciidanka Xooggane ay wadaan sidii guud ahaan dalka looga sifeyn lahaa Maleshiyada Alshabaab iyagoo sidoo kale bilaabi doonan howl-galo ku aadan Furida wadooyinka deegaannada iyo xureynta Goobaha ay kaga harsanyihiin Argigixisada Koonfur Galbeed . Madaxweynaha Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa taliyaha uga mahadceliyey kuna bogaadiyey howlgalada ay wadaan ciidanka xoogga dalka ee lagu si feynayo Argigixisada ee ka socda guud ahaan dalka waxaana uu Xusay Madaxweynaha ay ka go'antahay sidii cadowga loogu si feyn lahaa goobaha ay kaga harsanyihiin deegaannada Koonfur Galbeed. .


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip