Madaxweyne Qoorqoor oo Weli Isticmaalaya Magaca Dhuusamareeb, Aaway Samareeb?

0
Tuesday September 15, 2020 - 17:29:41 in Wararka by Mogadishu Times
  • Visits: 42
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Qoorqoor oo Weli Isticmaalaya Magaca Dhuusamareeb, Aaway Samareeb?

    Madaxweynaha dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug Axmed Kaariye Qoorqoor oo ka hor hadlayey maanta golaha aqalka sare ee baarlamaanka federaalka ah ayaa lagu arkay in weli uu isticmaalayo magaca Dhuusamareeb. "Waxaa gogol la dhigay ama

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug Axmed Kaariye Qoorqoor oo ka hor hadlayey maanta golaha aqalka sare ee baarlamaanka federaalka ah ayaa lagu arkay in weli uu isticmaalayo magaca Dhuusamareeb. "Waxaa gogol la dhigay ama fadhiyo iyo kulmo aad u muhiim ah lagu qabtay xarunta Galmudug ama caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb". Arrintan ayaa imaaneysa bil kayar markii madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo uu magaca ka badalay caasimadda Galmudug isaga oo u bixiyey Samareeb. Magac ka badelka Dhuusamareeb ayaa keenay muran badan iyada oo shacabka ay weli isticmaalaan erayga Dhuusamareeb, waxaana maanta kusoo biirtay dowladda Galmudug. Dhanka kale, khudbadda madaxweyne Qoorqoor ee golaha aqalka sare ayaa waxaa uu xoogga ku saaray arrimaha dib u heshiisiinta, dhismihii xukuumadda iyo nidaamka dowliga ah, shirarkii ka dhacay Dhuusamareeb ee dhexdhexaadinta DF iyo dowlad goboleedyada, heshiiskii doorashada iyo arrimo kale. .


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip