FAA'IIDOOYINKA CAAFIMAAD EE LAGA HELO QARAHA ( WATER MELON).

0
Monday September 07, 2020 - 20:32:52 in Wararka by
  • Visits: 1763
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    FAA'IIDOOYINKA CAAFIMAAD EE LAGA HELO QARAHA ( WATER MELON).

    Qaraha waxa uu kamid yahay dhirta ubaxleyda ah wuxuuna asal ahaan kasoo jeedaa dalka Koofur Africa, Qaraha waxa uu ka tirsan yahay qoys dhireedka loo yaqaan CUCURBILACEAE. Qarnigii 7-aad ayuu qaraha gaaray dalka India halka uu dalka China ka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qaraha waxa uu kamid yahay dhirta ubaxleyda ah wuxuuna asal ahaan kasoo jeedaa dalka Koofur Africa, Qaraha waxa uu ka tirsan yahay qoys dhireedka loo yaqaan CUCURBILACEAE. Qarnigii 7-aad ayuu qaraha gaaray dalka India halka uu dalka China ka gaaray qarnigii 10-aad, dalka dunida ugu soo saarista badan qaraha waa China 90% ayuuna soo saaraa, dalka ugu isticmaalka badana waa China 10% ayeyna isticmaalaan qaraha dunida oo dhan laga soo saaro. FAA'IIDOOYINKA CAAFIMAAD EE LAGA HELO QARAHA (WATER MELON ) WAXAA KAMID AH: • Qaraha waxa uu ilaaliyaa caafimaadka WADNAHA. • Qaraha waxaa kujira isku dhisyo kahor taga cudurka KANSARKA oo ay kamid tahay LYCOBENE. • Qaraha waxa uu hagaajiyaa howsha habdhiska DHEEF SHIIDKA. • Qaraha waxa uu kahor tagaa caabuqa NABARADA. • Qaraha 92% waxa uu ka kooban yahay biyo sidaa darteed jirka ayuu FUUQIYAA ( QOOYAA ). • Qaraha waxa uu ilaaliyaa caafimaadka INDHAHA. •Qaraha waxa uu u wanaagsan yahay MAQAARKA iyo TIMAHA. • Qaraha waxaa kujira maadada loo yaqaan CCITRULINE sidaa darteed waa VIAGRA dabiici ah ( NaturalViagra ). • Qaraha waxaa jira FIITAMIINO ay kamid yihiin A, C, B1, B5, B6 iyo E. • Qaraha waxaa laga helaa MACDANO ay ka mid yihiin Potassium, Magnesium iyo Iron (Bir).
    

 
By.Muse Mohamed Osman.
E- Mail: muusekiimiko@gmail.com


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip