Weligaa wanaag aad sameeysay, Xumaan ma kugu noqday?.

0
Thursday August 27, 2020 - 17:09:20 in Wararka by
  • Visits: 1839
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Weligaa wanaag aad sameeysay, Xumaan ma kugu noqday?.

    Dhalinyaradu waa su'aalo badan yihiin, Anniga, Adiga iyo Dad kaleba wax waa weeydiiyaan. waana in looga jawaabo haddii aad taqaan jawaabta, si Jiilka dambe uu uga faa'iido. Md. Adan Cabdulle, ( F.S: 1 & 2aad) waqtigii uu howlgabka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dhalinyaradu waa su'aalo badan yihiin, Anniga, Adiga iyo Dad kaleba wax waa weeydiiyaan. waana in looga jawaabo haddii aad taqaan jawaabta, si Jiilka dambe uu uga faa'iido. Md. Adan Cabdulle, ( F.S: 1 & 2aad) waqtigii uu howlgabka ahaa ee uu joogay Beertiisa Jannaale waxaa u tagi jiray dhalinyaro badan si furfuran ayuuna ugu sheekeeyn jiray. Md. Madaxweyne, weligaa wanaag aad sameeysay maka shanlaayday?. wuxuu ku jawaabay: Maya, Maya, wanaag haddii aad sameeynee dar Alla u sameey, Abaalkana Alla u dhaaf oo ka sug, waxaa dhici karta Sariirtii aad Martiga u gooshay inay kuu noqoto Sariir Xabsi oo ka fiican sariiraha Xabsiyada. Markii aan Madxweynaha ahaa, waxaan qaadan jiray Mushaar igu filan iyo Cunno loogu talagalay Martida Madaxweynaha, Lacagtii Gunnada martida ee la i siin jiray Bilba waxbaa ka soo hari jiray, ileeyn Bil kasta martiyo kuu imaan meeyso, inkasta oo Lacagta soo harto aan ciddina i weeydiineeyn, haddana Anigaa xisaabsanayay oo wixii soo haro meel dhigayay. waxaan ku fikiray, Martidaan Gudaha Dalka ka timaad Madaxweynuhu Gurigiisa ayuu dejiyaa, Laakin Martida Ajnabiga ah ee Dibadda ka timaad, Guri lagu Martiyeed u dhis, ileeyn magaaladu maleheeyn waqtigaa Hoteelo Qurxan. waxaan go'aansaday in Lacagtii ii soo hartay aan ku dhiso Guriga Martida heer Qaran ee Degmada Afgoi, si Madaxda iga dambeeyso ey u helaan Guri Martiyeed wanaagsan, waqtigaa Qalabka dhismuhu raqiis ayuu ahaa, waana ku dhisay, Qasrigaa Quruxda badan ee aad aragteen, Laguma dhisin Lacag Miisaaniyada Dowlada ku jirtay ee waa intii aan ka keeydsaday Gunna martiyeedkeeygii shakhsiga ahaa, kadibna Dowlada ayaan ku wareejiyay. Markii Kacaankii Dhashay, ayaa Anniga oo Howlgab ahaa oo aan Siyaasadba ku jirin, waxaa isla habeenkii la ila xiray Siyaasiyiintii waqtigaa, waxaana la igu xiray isla Gurigii Afgoi aan uga dhisay Martidaa ,waxaan ku Xirnaa (1969- 1973).Markii Dambena waa la iska soo key daayay Maxkamad la'aan. Galab ayaa waxaa soo booqday Dhalinyaro si ey ula soo casiryeeyaan xogogaalnimaba uga faa'iideen. mid ka mid ahaa Dhalinyaradaa oo ahaa Prof. Maxamed Cilmi Guure ( Hadda waa dhalinyarada cuslaatay, F.S: 3aad)) ayaa weeydiiyay.Gurigii Martida ee Quruxda badanaa ee ku yiil Wabiga Jiinkiisa, Bartamaha Magaalada Afgoi, Dowladii kacaanka ayaa siisay Sh. Sahid Bin Suldaan oo ahaa Boqorkii Imaaraadka oo Somalia yimid 1976. ( F.S:4aad). Guriga waxaa ku hareereysan deegaan Beereedka Afgoi ee Quruxda badan waxaana ugu talagalay si Ajaanibtuna ey Tusaale uga qaataan bulicda Dalka ( F.S: 5- 16).
     
Gunaanad
             Dhalinyaro, wanaag kasta oo aad sameeyso Adiga iyo ummadda ayuu anfacayaa, Allah ayaana kula og wixii aad u niyeeysatay. haku sirmina maahmaahdii Carbeed ee Casru jaahiliga ee ( laa tafcal khayr ma yajii’u shar ) .Allaah ayaa na faray in aan wanaaga sameeyno.
Horaa Abwaan : Farax Nuur Qaboobe oo Dadka qaar u yaqaaniin Faarax Seefeey u yiri: ( wanaag, wanaag kalaoow dhalaa ee u wakiilo weeynahaa ).
dhalinyarooy ha ka caajisina in aad wax weeydiisaan Dadka idinka Da’da weyn, Waalidkiina koow. Waayeeloow Adiguna wixii aad ogtahay si daacad ah ugu sheeg Da’ yarta.
            Sug Bal, Dhaliyarooy ma weeydiiseen, Madaxda Maanta ee heer Qaran iyo heer Gobal, Gunnadooda gaarka ah, Guri ma noogu dhiseen ?
FG: wixii aan ka khalday ka sax, wixii ka dhimanna ku dar. Mahadsanid.
Qore: Yahay Amir




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip