Maalinta Caalamiga ah ee Eeyahya.( International Dog day 26 August).

0
Wednesday August 26, 2020 - 19:30:36 in Wararka by
  • Visits: 1760
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maalinta Caalamiga ah ee Eeyahya.( International Dog day 26 August).

    Ar Gaalaa! Barja indin gal, haddana ma saaneey noo keeneen, yeeyna idin Fasahaadin. Hore waa u ogeeyn in Dalka Nepal ey Maalinta 2aad ee Usbuuca u yaqniin Maalinta Eeyga eyna qadariyaan, waan ogeeyn in meela ka mid ah Dalka Hindiya looga dabaaldago

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ar Gaalaa! Barja indin gal, haddana ma saaneey noo keeneen, yeeyna idin Fasahaadin. Hore waa u ogeeyn in Dalka Nepal ey Maalinta 2aad ee Usbuuca u yaqniin Maalinta Eeyga eyna qadariyaan, waan ogeeyn in meela ka mid ah Dalka Hindiya looga dabaaldago Maalinta Eeyga 26 Bisha Agoosto. Laakin Markii Mareeykanku u aqoonsaday 26 Augost 2004 in Sannad kasta in ey tahay maalinta Eeyaha Aduunka, ayaa Dad badani ku daysadeen. Markii iigu Dambeeysay Dalka Mareykanka Gaar ahaan Gobalka Somalidu ku Badan tahay ee Minnesota, waxaan la yaabay dhacdooyinkaan: 1. Nin leh, Hooyadeey Col ayaan ka ahay, soona Salaami maayo, sababta oo ah markii uu Eeygeeygii iga dhintay , Hooyo iyaduba Tacsi iiguma imaan. 2. Qof leh, Shaqada usbuuc fasax ah, ha li siiyo, si aan Eeygeeyga Dalxiisa ugu wado. 3. Gabar ku leh : waan kaa xanaaqsanahay Saaxib fiicnaa ma tihid, sababta oo ah markii Eeygu iga jiranaa ee aan Isbitaalka kula jiray nama soo booqan. 4. Qooys ku leh : Mushaarkeena Barkii waxaan ku bixinaa Xanaanada Eeygeena. 5. Gabar Eey u wada Salon si loo soo qurxiyo Eeyga Sababta oo ah, Maalin kasta oo Axad ah, waxaa la geeyaa, Jardiinka Eeyaha si ey ula kulanto Eey Lab ah oo ey is jecelyihiin eyna leeyihiin Qooys kale oo Magaalada degan. Ma meeshaasaa wax la joogo leh, Anniga oo joogitaankeyga Magaalada Minnesota uuna kharaj iiga bexeeyn, Fasax aan ku sii joogna heeysto ayaan Maalintii 4aad isaga soo tagay, Cid igu khasbeeysay in aan baxana ma jirin. Wallaahi, Lacag saa'id ah ayaan ku bixiyay Ticketka si aan uga soo tago Magaaladaa iyo Mareeykankaba, Goorba waan la qabsan waayay oo Reer Baadiyanimadii ayaanan weli ka ilbixin. Mar kale ayaan la kulmay Nin Australian ah iyo Xaaskiisa oo Mareeykan ahaa oo Labadaba aan aqiin intii eynan is guursan ka hor. Waxa ey igu yiraahdeen, Eeygan dhidig ee Noojooga Minkii ayaan ka bixinay si uuna wax u dhalin oo uuna ugu dhibtoon Foosha. waa kaa Caqli Gaalo. waxaa iiga yaab badneed Gabar Somali ah oo Bisad ey leheeyd ey ka uureeyeen Bisado Dibad joog ah oo aan cidi leheeyn oo Codsanee Qareen u doodo xanaanada Casuurta ey dhali doonto Bisadeedu.

war yaan nala fasahaadin, Eeyo waan dhaqanaa, Guryaha iyo Hantida kale ayeey noo ilaaliyaan, Ugaarsiga ayaa loo isticmaalaa. waa xayawaan noole ah, Xaqiisu inta uu ku egyahay Diinteenaa noo sheegatay. Xadiith ayaa na loogu sheegay, Nin Eey ooman oo uu Biya siiyay Janno ku galay, Eeyga "Caquurka” Feeylagoyga ah sida loola dhaqmo waa naloo sheegay, Eeygii Asxaabul kahfi ee Jannada galay waa naloo sheegay.
Laakin Maalinta 26 Augusto u dabaaldaga waa maalintii Eeyaha Mareykanku u asteeyay, taasu waa Xeer ka bax.
Somalida Maalmo badan oo magac loo bixiyay ayaan ogaal la’aan ugu dayanay, eyna nagu hor kaceen kuwo ilbax iska dhigaa ee Hadda NGO yadu yeeyna Hoteelada Maqdishu nogu dhigin Xafladdii Eeyaha Maanta oo ah 26 Agoosto.
Waan hubaa qaar ka mid ah Ciyaalka Somalida ee Qurbaha joogo in maanta ey u dabaal dagayaan Maalinta Eeyaha Aduunka iyaga oo aan aqoon Maalintii uu Bilaawday Sannadka Hijrada ee islaamku kaa oo ahaa usbuucaan Dhaxdiisa.
Ha iga raali noqdeen, kuwa ilbaxnimada sheeganayo haddii aan weli ahay Jaahil dambeeyo oo fahmi waayay wixii aad fahamteen.
Ar waa Gaal fasahaadaas, Alloow naga najeey.
Qore :Yahya Amir




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip