HALKAAN KA AQRISO W.W MOGTIMES EE SAAKAY OO AH 10-AUG-2020

1
Monday August 10, 2020 - 10:36:58 in Wararka by
  • Visits: 902
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AQRISO W.W MOGTIMES EE SAAKAY OO AH 10-AUG-2020

    XUKUUMADDA OO MAAMULKA G/BANAADIR KU WAREEJISAY MAAMULKA WAXBARSHADA CAASIMADDA Xukuumadda oo dadaal xooggan ugu jir ta tayenta heerka waxbarasho ee dalka iyo daadejinta hannaanka loo maamulo waxba rashada, ayaa maamulka gobalka ku wareeji say mas&#

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

XUKUUMADDA OO MAAMULKA G/BANAADIR KU WAREEJISAY MAAMULKA WAXBARSHADA CAASIMADDA Xukuumadda oo dadaal xooggan ugu jir ta tayenta heerka waxbarasho ee dalka iyo daadejinta hannaanka loo maamulo waxba rashada, ayaa maamulka gobalka ku wareeji say mas'uuliyadda maamulka waxbarasha da caasimadda. Ku wareejinta maamulka gobalka maamul ka waxbarashada ayaa ka dambeeyay is-afgarad dhex maray w/waxbarashada oo horay u mamuleysay & maamulka gob alka Ujeedada is-fahamka uu maamulka gob alku kula wareegay waxba shada caasimad da ayaa ah in waxbarasha da loo daadejiyo he er gobol, iyadoo laga du ulayo nidaamka federaalaynta dalka iyo in gobolka qaato masu uliyadda waxbarashada caasimadda. Guddoomiyaha G/Banaadir iyo sii hayaha Wasiirka waxbarashada dalka, ayaa munaas abadda ka sheegay muhiimadda ay bulsha da G/Banaadir iyo guud ahaan hagaajinta waxbarashada ay u leedahay in maamulka gobalku uu la wareego mas'uuliyadda wax barashada gobalka. Sii hayaha R/Wasaaraha dalka, Md.Mahdi Maxamed Guuleed oo guul weyn ku tilmaa may daadejinta maamulka waxbarashada, ayaa maamulka gobalka kula dardaarmay in sida ugu habboon ay uga soo dhalaalaan mas'uuliyadda haantan lagu wareejiyay. Heshiiskaan is-fahamka ah ayaa ku dhi san sharciyad, sida ku cad Dastuurka DFS qodobada 51-aad iyo 52-aad oo tilmaamaya iskaashiga DFS iyo D/goboleedyada
MAXAY TAHAY WAXBARASHADA LAGU WAREE JIYAY GOBOLKA BANAADIR?

 Wasaaradda waxbarashada XFS ayaa si rasmi ah waxaa ay maamulka G/Banaaadir ugu wareejisay waxbarashada Gobolka. Sii hayaha W/waxabarsha da XFS Md.C/hi Goodax Barre oo ka had lay munaa saba dda Maamulka Gobal ka uu kula wareeg ayay wax barashada Gobalka ayaa waxaa uu sharra xaad ka bixiyay wax yaabaha ay wareejiyeen iyo sababaha ay u wareejiyeen, waxaana uu munaasa badda ka jeediyay Goodax Barre khu dbad dhinacyo badan taabana ysay oo uu kaga hadlayay isbadalka dhacay.

Ka wasaarad ahaan iyo maamulka G/ Bana adir ayuu sheegay inay in muddo ah ka wa da hadlayeen wareejinta waxbarashada Gob olka, ayna isku afgarteen.

Waxbarashada ay maamulka ku wareejiye en ayuu sheegay inay tahay midda maamul ka G/Banaadir, sida Ardayda, Macalimiinta iyo Dugsiyada waxbarshada ee ka diiwaan gashan G/Banaadir. Waxaa uu sheegay in ardayda ugu badan ee wax ka barta dalka ay ku nool yihiin G/Ba naadir,waxaana uu sheegay in Ardayda dalka wax ka barata ee Wasaaradda u diiwa an gasahn ay yihiin wax ka badan Nus Maly uun(500,000) ayna 240,000 oo ka mid ahi ay wax ka bartaa G/Banaadir, sidaas darted na ay u go’aan sadeen inay Maamulka Gobo lka ku wareejiyaan Mas’uuliyaddaas.

Macalimiinta dugsiyada wax ka dhiga iyo Dugsiyada waxbarashada ayuu sheegay inay ugu badan yihiin G/Banaadir, waxaa kale uu sheegay Goodax Barre inwaddan ka oo idil ay ka diiwaan gashan yihiin Laba kun (2000) oo iskuul kuwaas oo intooda ba dan ay ku yaallaan Muqdisho.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in wasaar addu ay sameyn doonto guddi kormeer ku sameeya guud ahaan goobaha waxbarsh ada dalka, kuwaas oo uu sheegay inay la so con doonaan qaabka ay maamulka Gobalka iyo maamulada kale ay u dar-dar galiyaan nidaamka waxbarasho ee dalka.

Waxaa sidoo kale uu sheegay in Maamu lka G/Banaadir inuu u diyaarsan yahay mas’ uuliyadda lagu wareejiyay, waxaana sida uu sheegay Goodax maamulka lagu wareejiyay nidaam waxbarsho iyo habkii loo dar-dar gal in lahaa geddi socodka waxbarsho ee dalka.

Ugu danbeyntii sii hayaha wasiirka waxba rshada XFS Md Goodax waxaa uu baaq u diray dad uu sheegay inay haystaan goobo dowladdu ay leedahay oo loogu tala galay Waxbarashada, waxa na uu sheegay in Loo baahan yahay in sida ugu dhaqsiyaha badan lagu banneeyo Goobaha loogu tala galay Waxbarshada, maaddaama ay jiraan Arday fara badan oo aan haysan waxbarasho kuw aas oo u baahan in loo dhiso Dugsiyo ay si bilaash ah wax ugu bartaan

DUQA MUQDISHO OO DHAGAX DHIGAY GOOB LOOGU TALAGALAY IN LAGA DHIGO BIYA-QABAD

 Guddoomiyaha G/Banaadir ahna Duqa caasimadda Muqdisho Md.Cumar Maxamu ud Maxamed (Cumar-finish) ayaa Shalay dhagax dhigay goob loogu Talagalay in laga dhigo Biya-qabad laguna maareyn doono biy aha roobka, taasi oo laga hirgalin doonaa waddada horumarta dugsiga tababarka Gen/kaahiye iyo inta u dhaxeysa garoon ka diyaarad aha Aad an Cadde.

Dhagax dhiga gu ddoomiye Cumar Fin ish waxaa ku wehlin ayay guddoomiye ku xig eenka Howlaha Guud Cumar Cali Cabdi ,Gu ddoomiye ku xigeenka Arrimaha Bulsha da Marwo Basmo Caamir Jakeeti iyo guddo omi yaha Rugta ganacsiga Soomaaliyeed Cab dikariin Maxamuud Gabeyre.

Mashruucaan biyo mareenka ayaa waxaa loo dhisayaa si casri ah,iydoo loo sameyn ayo tobooyin biyaha geynayay Badda maad aama ay muddooyinka halkaasi ay noqotay goob biyo fariisin ah xilliyada roobka, isla ma rkaana ay tahay marin muhiim u ah bulsha da degmada Xamar jajab iyo sidoo kale gar oonka Aadan Cade ee M/Muqdisho.

TALIYE SARE OO LAGU DILAY DAGAALKII KA DHACAY MAGAALADA GAALKACYO

 Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal u dhexeeyay Ciidanka amniga D/G/ Puntland iyo rag hubeysan oo ka ganacsana ayay maandooriyaha Khamriga oo Shalayy ka dhacay M/Gaalkacyo ee Xarunta G/Mud ug.Dagaalkaas ayaa waxaa uu ka dambee yay, kadib markii Cii danka Puntland ay wee rar ku qaadeen Xarunta Kabista ee Gaalka cyo halkaas oo ay Saldhig u aheyd rag hubeysan oo ka gacsanada maandooriy aha Khamriga, waxaana dagaalka uu soc day mu ddo kooban.

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaaw ac ayaa ka dhashay dagaalkii ka dhacay Ga alkacyo, waxaana goobta ku geeriyooday Ta liyihii Ciidanka Madaxtoyada Puntland G/ Sa re Cismaan Cumar Maxamed oo kamid ah aa Ciidankii howlgalka fuliyay.

Sidoo kale waxaa goobta ku dhaawacm ay mid kamid ah ragii ka ganacsanaayay ma andooriyaha Khamriga, iyagona Ciidanka puntland ay gacanta ku dhigeen 5 kamid ah ragii hubeysanaa, isla markaana goobtaas la wareegay. Qoraal kasoo baxay Taliska Booli ska G/Mudug ee dhinaca Puntland ay aa waxaa la gu sheegay in howlgalka uu ahaa mid qor sheysan, isla markaana Ciidanka ay ku bur buriyeen Saldhigii ugu weynaa ee khamriga iyo maandooriyeyaasha kale lagu iibin jiray, halkaas oo ay tilmaameen Saraa kiisha inay dhibaato amni ku aheyd Gaalka cyo.

MADAXWEYNAHA PUNTLAND OO WAR KA SOO SAARAY GEERIDA TALIYIHII CIIDANKA MADAXTOOYADA

Madaxweynaha Puntland Saciid C/hi De ni ayaa ka tacsiyadeeyay geerida Allaha u naxariistee Taliyhii Ciidanka Madaxtooyada Puntland Marxuum G/Sare Cismaan Cumar Maxamed iyo 3 Xarigle Axmed Yu usuf Ca bdi, kuwa as oo ku geeriyoo dayhowl gal Shalay Ciidan ka ku qaad een ma leeshiyoo yin hubeysan.

 War saxaafadeed ka soo baxay Madaxt ooyada Puntland ayaa lagu sheegay in Tali yaha Ciidanka uu ku geeriyooday howlgal Ciidanka Madaxtoyadu Shalay ka fuliyeen gudaha M/Gaalk acyo oo ay ku soo qabteen mukha adaraad iyo burcad nabadiid ah oo ka ganacsanayey.

"Alle ha u naxariisto Marxuum G.Sare Cis maan Cumar Maxamed wuxuu uu ahaa sha khsi wanaagsan oo shaqo yaqaan ah, sark aal daacad ah oo ku wanaagsan hoggaamin ta ciidanka, waxa uu Alle u weydiiyey inuu naxariistii Janno ka Waraabiyo, dembigiisa dhaafo, su’aasha qabriga u sakhiro, samir iyo iimaanna ka siiyo dhammaan shacabka reer Puntland, ciidamada Qalabka sida, ku wa Madaxtooyada, ehelkii, qaraabadii, asxa abtii iyo qoyskii uu ka baxay.

Sidoo kale waxa uu Alle uga baryey Ma daxweynuhu intii ku dhaawacantay inuu u bo oga dhayo”ayaa lagu yiri War saxaafadedka.

Allaha u naxariistee Cismaan Cumar ayaa horay u soo noqday Taliyihii Ilaalada gaarka ah ee R/Wasaarihii hore Cumar C/rashiid, waxaa uu ka soo qeyb qaatay dadaaladii Na badda ee Gaalkacyo, waxaa uu ahaa nin dhalinyaro ah, firfircoon, akhlaaq wanaag san.

XAALAD ADEG OO KA TAAGAN SHABEELLAHA HOOSE IYO GUDDOOMIYE KA HADLAY

Guddoomiyaha D/Marka ee Xarunta G/ Sh/Hoose Md.C/hi Cali Axmed (Waafoow) ayaa waxaa uu sheegay in xaalada deg deg ah ay ka taagan tahay Gobolka, maadaama ay saameeyeen fatahaaddi Wabiga shabele

Guddmooiye waafoow oo la hadlay warbaah inta dowladda ayaa waxaa uu intaas uu ku daray in xaalada ay ka baxday faraha isla mark aana ay tahay mid u baa han in sida u gu dhaqsiy aha badan loga jawaabo

"Waxaa loo baahanyahay in si deg deg ah wax loogu qabto dadka tabaaleysan ee haatan ku jira xaalado aad uliita maxaa yee lay,Maheystaan Hoy,Cuno,Daawo iyo waxya abaha loo baahanyahay aas aaska nolosha ayuu hadalkiisa raacay Guddoomiyaha.

Sidoo kale Guddoomiyaha waafoow wa xa uu sheegay in dadka tabaaleysan ay u ba dan yihiin carrruur iyo ha ween oo aan xamili Karin xaalada soo wajahday ee u baahan in si wadajir ah loo wajaho.

Ugu dambeyn Md.Waafoow ayaa Madax weynaha K/Galbeed iyo Madaxda DFS ugu baaqay inay wax ka qabtaan xaalada deg dega ah ee ka taagan Gobolka gaar ahaan magaalooyinka ay sameeyeen fatahaadda ha haba ugu badnaatee Degmada Afgooye.

HAY’ADDA SOCDAALKA EE IOM OO SHEEGTAY INAY KUMANAAN SOOMAALI AH KU XANNIBAN YIHIIN DALKA YEMEN.

Q/Midoobay Hay’adda u qaabbilsan soc daalka ee IOM ayaa sheegtay in kumanaan musaafuriin sharci darro ah ay ku xayiran yih iin Dalka Yemen, halkaas oo ay ka jiraan col aado daba dheer aaday.

Waaxda IOM u qaabbilsan baxnaaninta barakacayaasha ee DTM ayaa diiwaan gelis ay 3,669 musaafuriin ah, kuwaas oo badank ood ka tagay Soomaaliya intii u dhaxaysay April illaa June 2020, sida lagu sheegay war bixin ay soo saartay hay’adda socdaalka Adduunka.

Warbixinta ayaa sidoo kale lagu sheegay in Dad gaaraya 4000 oo musaafuriin sharci darro ah una badan Soomaali ay hay’adda IOM ka codsadeen Bishii June ee Sanadkan taakuleyn ku aaddan in loo celiyo Dalkoodi Hooyo.

Musaafuriinta sharci darrada ah oo bada nkooda ka tagay geeska Afrika ayaa waxay Dalka Yemen gaareen xilliyo kala duwan, si ay fursado shaqo iyo nolol ugu raadsadaan Waddamada Khaliijka Carabta

XAWAALAD KU TAALLA MAGAALADA GAROOWE OO DHAC LOO GEYSTAY

Wararka aan ka heleyno M/Garoowe ee Caasimadda Maamulka Puntland ayaa wa xaa ay sheegayaan in halkaas Xarun Xawaalad ah oo ku taalla ay weerar ku qa adeen rag hubeysan oo Maleeshiyaad ah.

 Ragga hubeysan ayaa waxaa la sheegay inay weerareen Xawaalada Iftin Exress qey bta ay ku leedahay Garoowe, isla markaana ay ka qaateen lacag farabadan oo Xarunta taallay, xili la doonayay in lasiiyo dadweyne lacagtaas lahaa.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in Mal eeshiyaadka oo gaarayay 4 ruux ay horey u sii qaateen mid kamid ah Qoryihii hubka ahaa ee lagu ilaaliyay Xawaalada Iftin, ayna ku baxsadeen gaari ay wateen.

Weli ma jiro wax war ah oo kasoo baxay laamaha amniga M/Garoowe iyo Maamulka Xawaalada Iftin Exress oo ay uga hadlayaan falkii Shalay lagu dhacay Xawaaladda.

Si kastaba Bishii ramadaan ee lasoo dha afay ayaa sidaan oo kale dhac loogu geys tay Shirkada SOMTEL ee M/Garoowe, isla markaana waxaa la sheegay in xiligaas laga dhacay dhacay 20 kun oo dollar.

WASAARADDA GANACSIGA OO SOO XIRTAY WAJ IGA LABAAD EE MASHRUUCA HORUMARINTA GANACSIGA.

 Md. Cabdicasiis Ibraahim Aadan Agaasi maha guud ee W/Ganacsiga iyo Warshada ha JFS , ayaa soo xiray wejiga 2aad ee ma shruuca horumarinta ganacsatada K/& Badh tamaha Soomaaliya oo socday muddo 4 toddobaad ah.

Kulanka xidhitaanka oo lagu qabtay qeybt iisa Muqdisho, ayaa ka qabsoontay xar unta rugta Ganacsi ga iyo Warshadaha JFS waxaana gana csatada loogu tobabarayey dhinacyada maa mulka iyo maareynta ganacsiga iyo sidoo ka le barnaamijyo la talin ah oo la siinaayey ganacsatada si loo kobciyo heerkooda gana csi dalka.

Dhanka kale Mashruucan, waxa iska ka ashaday wasaaradda ganacsiga iyo wersha daha DFS, Rugta ganacsiga iyo wershadaha Soomaaliyeed, iyo hay’adda UNIDO oo tag eero ka helaysay hay’adda dhinaca horuma rinta iyo iskaashiga u qaabilsan Talyaaniga.

SARKAAL SHABAAB AH IYO ILAALADIISA LAGU DILAY SH/HOOSE

 Saraakiisha Milatariga Soomaaliya ayaa faah faahiyay howlgal khasaare nafeed saba bay oo laga sameeyay deegaanka sham-ga re oo hoostaga degmada Awdheegle gobolk a shabeellaha hoose.

Howlgalka oo dhacay Sabtidii Dorraad ayaa waxaa lagu dilay Sarkaal la sheegay inuu ka tirsan yahay Shabaab iyo 8 dagaalyahan oo ila alo u aheyd, Milatariga waa ay ka gaabsadeen iney dhankooda sheegaan xadiga khasaare ee howlgalkan ka soo gaaray. G/le Axmed Maslax Xuseen oo ah Taliyaha Ururka 66-aad ee Guutada 14-ka October ee Ciidanka Xoogga Dalka, ayaa tilmaamay in u jeedka howlgalkan iyo weerarka isla socday uu ah aa sidii ay u fashilin lahaayeen qorshe we erar oo Shabaab ay ku dhisayeen deegaan ka ay weerareen, halkaasoo uu ka socday is uruursi, sida uu yiri.

Hawlgalkan ayaa ku soo aadaya, xilli Al-Shabaab ay Dorraad ismiidaamin ka gayst een Xerada Guutada 12-ka April ee Ciidan ka Xoogga Dalka ku leeyihiin M/ Muqdisho. Weerarkan ayaa waxaa ku dhintay sagaal 9 qof oo sideed ka mida yihiin Ciidanka Xoog ga Dalka, iyadoo 22 kalana ay ku dhaawac antay.

MADAXWEYNAHA PUNTLAND OO LA KULMAY GANACSATO CABASHO QABTAY

 Madaxweynaha D/G/Puntland Siciid C/hi Deni, ayaa M/Gaalkacyo ee Xarunta G/Mud ug waxaa uu kulan la qaatay Ganacsatada gobolka Mudug.

Ganacsatada Gobolka Mudug oo warbixin la xiriirta cabasho ku saabsan Canshuur lagu kordhiyay la wadaag ay Madaxweynaha waxay uga mahadcel iyeen Madaxweynaha isbedelkadhinac walb leh ee horumarka ah oo ay dowladdu ka wa do G/Mudug, iya oo sheegay inay mar wa lbo diyaar u yihin doorkooda isgarabta aga Dowladdnimada.

Madaxweyne Deni ayaa bogaadiyey kaal inta ay ganacsatada G/Mudug iyo Guud aha an Puntland ay kaga jiraan Dowladdnimada, wuxuuna kula dardaarmay inay sii horumari yaan doorkooda muhimka u ah bulshada, si da dhinacyada dhaqaalaha, amniga iyo hor umarka. Kulanka waxaa ayaa waxaa kala qe ybgal ay xubno ka mid ah 2da Gole ee Pu nt land, Maamulka G/Mudug, La taliyeyaal iyo Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntl and.

TURKIGA OO WAR KASOO SAARAY QARAXII ISMIIDAAMINTA AHAA EE DORRAAD

 D/Turkiga ayaa si kulul u Cambaareysay Qaraxii loo adeegsaday gaariga laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa ee Dorraad lagu weeraray Xerada ay degan yihiin Guutadda 12-ka April ee Ciidanka Xoogga dalka ee ku taalla agagaarka Garoonka Stadium Muqdisho.

Qoraal kasoo baxay Wasaara dda Arrimaha Dibadda Turkiga ayaa waxaa lagu sheegay inay aad uga xun yihiin qarax aas lagu weeraray Xerada Guutadda 12-ka April ee Ciidanka Xoogga ee Muqdisho, isla markaana ay Cambaareynayaan.

Turkiga ayaa waxaa ay tacsi u dirtay Ask artii iyo dadkii shacabka ahaa waxyeelada ka soo gaartay qaraxaas oo ahaa mid xoog an, iyagoo kuwa ku dhaawacmay halkaas Alle uga baryay inuu Caafimaad Deg Deg ah siiyo.

"M/Muqdisho waxaa naga soo gaaray war aad u naxdin badan, aad baana uga xunah ay 8-dii Askari ee naftooda ku weyday iyo ku wii kale ee ku dhaawamay Qaraxaasi oo loo adeegsaday Gaari laga soo buuxiyey waxya abaha qarxa” ayaa lagu yiri Qoraalka kasoo baxay Turkiga.

Al-shabaab ayaa sheegtay Mas’uuliyad da weerarkaas Ismiidaaminta ahaa ee Dorraad lagu qaaday Xerada Guutadda 12-ka Appil ee Ciidanka Xoogga, iyagoona shee gay in qaraxaas ay ku dileen in ka badna 22 Askari, halka kuwo kalena dhaawacto kala duwan ay kasoo gaareen.

XILDHIBAANADA BAARLAMAANKA JUBBALAND OO FASAX GALAY

Xildhibaanada Baarlamaanka dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose ku yeeshay kulankii ugu dambeeyay ee Kal-fadhiga 2aad ee Golaha.

Kulanka lagu soo xirayay Kal-fadhiga 2-aad ee Baarlamaanka Jubbaland ayaa waxaa qeyb galay inta badan Xildhibaanada Baarlamaanka, waxaana shir guddoominayay Guddoome Cabdi Maxamed C/raxmaan, iyagoona fasax galay muddo hal Bil iyo bar.

Guddoomiyaha Guddiga habdhowrka Xildhibaanada Jubbaland xildhibaan Shurki wayrax Kaariye oo munaasabadda xiritaanka kal-fadhiga 2aad ee Baarlaamanka Jubbaland ka hadashay ayaa waxaa ay sheegtay in shaqooyinka soo baxa muddada ay fasaxa ku maqanyihiin xildhibaanada ay ka shaqayn doonaan guddiyada joogtada ah.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Jubbaland Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan oo hadal ka jeediyey xiritaanka kal-fadhiga ayaa Xildhibaanada ka maqnaa fadhiyadii ugu dambeeyey ee Golaha ugu baaqay in ay ka soo qayb galaan kal-fadhiga 3aad.

Ugu dambeyn Guddoonka Baarlamaanka ayaa shaaciyay in Kal fadhiga 3-aad ee Baarlamaanka dowlad Gooboleedka Jubbaland uu dib u furmi doono 9-ka bisha Oktoobar ee dabayaaqada sannadkaan.

SOMALILAND OO JOOJISAY SOO DEJINTA QALAB MUHIIM AH

Xukuumadda Somaliland ayaa soo saaray Amar lagu joojiyay in Qalabka kala duw an ee loo adeegsado bixinta adeegyada Isgaarsiinta lasoo geliyo deega anada Maamulkaas, ilaa iyo Amar-dambe.

Qoraal kasoo baxay Xafiiska Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyada Somaliland Cabdiweli Suufi Jibriil ayaa lagu shaacisay in laga bilaabo 15-ka bishaan Ogoosto aan Somaliland laga soo dejin karin dhammaan qalabka Isgaarsii nta.

Sidoo kale Qoraalka Wasiir Suufi Jibriil ayaa waxaa lagu Hay’addaha ay khuseyso howsha Isgaarsiinta laga Codsaday inay Wasaaradda kala shaqeeyan fulinta Amrka la soo saaray.

Amarka lagu joojiyay soo dejinta qalabka Isgaarsiinta ee Somaliland ayaa waxaa la Ogeysiiyay dhammaan Ganacsatada iyo Shirkadaha Isgaarsiinta iyo Madaxweyne Mu use Biixi.

Hoos ka Akhriso Amarka uu soo saaray Wasiir Suufi Jibriil.

DIBEDBAXAYAAL CAREYSAN OO XOOG KU GALAY XARUMO WASAARADEED

Dadka ku mudaharaadaya caasimadda Beyrut ayaa galay wasaarado ay dowladda leedahay, xilli ay sii xoogeysanayaan rabshadaha salka ku haya qaraxii weynaa ee Talaadadii magaaladaasi ku dilay in ka badan 158 qof.

Booliska ayaa sunta dadka ka ilmeysiisa iyo weliba rasaas u adeegsaday dibedbaxayaasha, waxaana dhawaqa rasaasta laga maqlayay Fagaaraha Shuhadada. R/wasaaraha dalkaasi, Xasan Diyaab, oo telefishinka kala hadlay shacabkiisa, ayaa sheegay inuu codsan doono doorasho baarlamaan oo xilligeeda laga soo hormariyay si looga gudbo xiisadda taagan.

Qaar badan oo kamid ah shacabka Lubnaan ayaa ka caraysan sida looga hortagi waayay qaraxa oo ka dhashay makhaasiin lagu keydiyay kumannaan tan oo ah maadada qaraxda ee ammonium nitrate.

Maadadaasi ayaa laga dejiyay markab dekadda Beyrut ku soo xirtay lix sano ka hor. Dowladda ayaa wacad ku martay inay la xisaabtami doonto kuwa mas’uulka ka ahaa dayacaaddaasi.

WASIIRADDA DALKA LUBNAAN OO BILAABAY IN AY ISCASILAAN

Damianos Kattar, wasiirka deegaanka ee Lubnaan isla markaana aad ugu dhowaa ra’iisul wasaare Xasan Diab, ayaa is casilay madaama ay xoogeystay carada ka dhalatay Qaraxii ka dhacay dalkaasi taladii lasoo dhaafay.

Kattar waa sarkaalkii labaad ee sarsare ee dawladda ka taga, Horaantii Sabtidii, Diab ayaa la sheegay inuu isku dayayay inuu ka dhaadhiciyo Kattar inuu sii joogo xafiiska laakiin uu ku guuldareystay.

Wasiirka warfaafinta ee Lubnaan Manal Abdel Samad ayaa ku dhawaaqay iscasilaadiisa, isagoo sheegay in xukuumada Raiisul Wasaare Xasan Diab ay ku guuldaraysteen inay ku noolaadaan himilooyinka shacabka reer Lubnaan.

Ugu yaraan 158 qof ayaa ku dhintey qaraxa in kabadan 6,000 oo kalena way ku dhaawacmeen, laakiin tirada ayaa la filayaa inay kor u kacdo iyadoo hawlgallada goobidda iyo samatabbixinta ay sii socdaan dadka maqan.

FAYRUS CUSUB OO U FAAFA SIDA CORONA VIRUS OO LAGA HELAY DALKA SHIINAHA

Sida laga soo xigtay wargayska ay dawladdu taageerto ee Global Times, 37 qof oo ku nool Gobolka Jiangsu ayaa laga helay cudurka Strombocytopenia Syndrome' (SFTS) SFTS waa cudur ay sababaan bunyafayruus.

Kanaalka wararka CNA ayaa sheegay in 23 qof uu ku dhacay cudurka gobolka Anhui. Shan ka mid ah bukaannadan ayaa dhintey, halka labo kale oo dheeraad ah oo laga helay fayraska laga diiwaan geliyey Gobolka Zhejiang.

CNA ayaa sheegtay in haweeney da’deedu tahay 60-jir oo ku sugan Gobolka Jiangsu laga helay fayraska kadib markii ay la kulantay qandho, qufac iyo daal.

Feyruskan cusub ee loo yaqaan 'Biyavirus' ayaa markii ugu horreysay oo la helay waxay ahayd 2009, iyadoo laga diiwaan galiyay gobollada Henan iyo Anhui.

Heerarka dhimashada ayaa u dhexeeya 1 iyo 5 boqolkiiba, iyadoo dadka da'da ah ay u badan tahay inay dhintaan. "Astaamaha hore waa daal iyo qandho, mararka qaar.

MILLITERIGA ALJERIA OO KA DIGAY INUU DALKA LIBIYA ISKU ROGO "SOOMAALIYA CUSUB”

Milliteriga dalka Algeria ayaa waxay Digniintaasi ku sheegeen Qoraal lagu soo daabacay Majaladda ku hadasha Codka Milliteriga ee dalkaasi, waxaya tilmaameen haddii Qaba’illadda Libiya la hubeeyo xilligan inay taasi Libiya u rogi doonto waxa loogu yeeray Soomaalida Cusub "New Somalia” ama "صومال جديد”

Maqaalka waxaa Cinwaan looga dhigay: Algeria oo ka digtay "Soomaaliya Cusub”haddii la hubeeyo Qabaa’ilka Libiya

الجزائر تحذر من "صومال جديد” في حال تسليح قبائل ليبية

"Xaalladda cusub ee haatan ka jirta dhulka Libiya waxay khatar badan tahay sida uu qof kasta qiyaasi karo, iyadoo waxyeelladda ka dhalan kartadagaal u qorsheysan dhinacyada ku lugta leh Colaadda Libiya saamayn xooggan ku yeelan karto dalalka Mandiqadda” ayaa lagu yiri Qoraal lagu soo daabacay Majalladda Milliteriga Algeria ee Cadadkii soo baxay bishan aynu ku jirno ee August.

Majaalladda waxay kaloo hoosta ka xariiqday Muhiimadda ay leedahay inay Xal Siyaasadeed gaaraan Dhinacyada ku dagaalamayo dalkaasi, iyagoo u maraya dariiqa Wada-xaajoodka.

Dalka Algeria waxay Libiya la wadaagaan Xuduud dhererkiisu dhan yahay Kun Kiilomitir, isla markaana waxaa labada dal ka dhexeya Xiriir Taariikhi ah, inkastoo haatan laga cabsi qabaa inuu dagaalka Libiya waxyeello gaarsiiyo dalkaasi.

Dhinaca kale, Majalladda ku hadasha Codka Milliteriga ee dalka Algeria waxay mar kale ku celisay Digniintii uu Madaxweynaha dalkaasi, C/majiid Teboone ku sheegay indalka Libiya la mid noqon doono Soomaalidda Cusub, isagoo xaalladda haatan ee Libiya barbar dhigay Colaadihii sokeeye ee Somalia ka dhacay sanadkii 1991-kii.

Bartamihii bishii la soo dhaafay ee July, waxa uu Madaxweynaha dalka Masar, C/Fataax Alsisi waxa uu la kumay Hoggaamiyayaal Dhaqameed ka socda qaar ka mid ah Qabaa’illada ku nool Bariga dalka Libiya, isagoo ku booriyey inay Dhalliny arada hubka qaataan, kuna biiraan Ciiddan ka Khaliifa Xaftar ee dagaalka kula jira Dowladda Libiya ee ay QM aqoonsan tahay.

Sidoo kale, Odayaasha Qabaa’illadda ee la kulmay Madaxweyne Alsisi waxay codsad een inay Milliteriga Masar faragelin ku same eyaan Libiya, si ay u badbaadiyaan Madax-bannanida dalkaasi

HABKA DOORASHADA MARAYKANKA EE KA DUWAN DUNIDA OO DHAN

 Doorashada madaxtooyada ee dalka Mar aykanka ayey ka hadhsanyihiin wax ka yar 100 maalmood. Laakiin waxa suurto gal ah mush araxa codadka ugu badan ka hela shacabku aanu noqon ka ku guulaysta madaxti nimada.

Arintan ayaa saba bteedu waxay tahay in madaxweynaha aa nay toos u dooran codbixiyeyaashu, laakiin ay doortaan gudiyo la yidhaa Electoral College, oo ah guddiyo gob olladu leeyihiin oo ah gole codbixineed.

WAA AYO CIDDA AY SHACABKU U CODEEYAAN?

Marka shacabka Maraykanku u dareeraan codbixintan doorashada madaxtinimada waxay codkooda siinayaan saraakiil ka tirsan gola yeasha codbixineed.

Erayga "gole" marka loo adeegsanayo doo rashada Maraykanka waxa loola jeedaa koox masuuliyad wadareed saarantahay. Waana dadkaas kuwa ay tahay shaqadooda in ay doortaan madaxweyne iyo madaxweyne ku xigeen.

Goleyaasha codbixineed waxay kulmaan afartii sannadood ba mar oo ah dhawr todo baad ka dib maalinta doorashadu dhacdo si ay u gutaan waajibkaa saaran.

SIDEE AYUU U SHAQEEYAA GOLE CODBIXINEED?

Tiradada xubnaha gole codbixineed ee gobol yeelanayaa waxay ku xidhantahay bed ka iyo tirada dadka ku nool gobolkaa.

Waxa jira 538 gole codbixineed oo dalku leeyahay.

 Gobolka California ayaa leh golaha ugu badan ee codbixineed oo ah 55, halka gobollo kale oo dhawr ah oo aan dadkoodu badnayni sida Wyoming, Alaska iyo North Dakota ay iy aga goleyaashoodu ka kooban yihiin saddex xubnood.

Xubin kasta oo ka mid ah gole codbixineed waxay leedahay hal cod, markaa musharaxa ay tahay inuu ku kuulaysto madaxtinimadu waa inuu helaa aqlabiyada codadkaas oo ah 270 iyo dheeraad ah si uu madaxweyne u noqdo.

Qoraalka sawirka,

Badanaa gobollada gole yaashooda codbi xineed waxay codkooda siiyaan hadba musharaxa codadka ugu badan ka hela shacabka gobollada ay metelaan.

Tusaale ahaan, hadii musharaxa Jamhuur igu ka helo 50.1% codadka shacabka gobolka Texas, wuxuu helayaa codadka golaha codbi xineed ee gobolka oo ah 33 cod.

Waxa jira laba gobol oo keliya (Maine iyo Nebraska) oo codadka goleyaashooda codbi xineed lagu qaybiyo sida ay u kala heleen mu sharaxiintu codadka shacabka ee gobolladaas.

Waana sababta ay musharaxiinta mada xweynenimadu ugu dedaalaan in ay kasbada an gobolladaa codadka goleyaashooda codbi xineed la kala jiidan karo, ee gobolkaa gole hiisa codbixineed dhankii uu doono codka siin karo ee aanay xoogga u saarin in ay codad ba dan ka helaan dalka oo dhan.

Gobol kasta oo uu ka helo musharaxu co dadka gole codbixineedkiisu waxa ay ka dhig antahay in uu u sii dhaweynayo guusha uu ku heli karo 270 cod oo uu ka helo gole codb ixineedyadas.

Musharaxu ma heli karaan codadka shacabka ee ugu badan oo ma waayi karaa madaxti nimada?

HAA WAY DHICI KARTAA.

 Waa suurto gal in musharax ka helo shaca bka codadka ugu badan guud ahaan dalka laakiin uu ku guul darraysto inuu helo codadka gobollada ee gole codbixineedyada si uu u helo 270 cod oo ka mid ah codadkooda.

Run ahaantii, laba ka mid ah shantii doora sho ee ugu dambeeyey ayaa waxa madaxt inimada ku guulaystay musharax codad yar ka helay shacabka guud ahan.

Sannadkii 2016 Donald Trump codadka uu shacabka ka helay waxay ku dhawaad saddex milyan oo cod ka yaraayeen inta ay heshay Hill ary Clinton, laakiin madaxtinimadii isagaa ku guulasystay sababt una waxay ahayd inuu isagu helay aqlabiyada co dadka goleyaasha cod bixineed.

Sannadkii 2000 ayaa Goerge W Bush wuxuu 271 cod ka helay goleyaasha codbixineed laakiin kumuu guulaysan aqlabiyada codadka shacabku toos u dhiibteen in kasta oo Al Gore, musharaxii Dimuqraadiga ee la tartamayey codadka uu shacabka ka helay ka badnaayeen nus malyuun intii Bush helay.

Saddex madaxweyne oo keliya ayaa Maray kanka ku guulaystay madaxtinimada iyaga oo aan helin aqlabiyada codadka shacabka, dham aantoodna waxay xilka hayeen qarnigii 19, waxaanay kala ahaayeen John Quincy Adams, Rutherford B Hayes iyo Benjamin Harrison.

QAABKAN MAXAA LAGU XUSHAY?

Markii dastuurka Maraykanka la qorayey 1787 waxaa suurto gal noqon weyday in cod dadweyne lagu doorto madaxweynaha. Sab abtu waxay ahayd dalka oo aad u weynaa oo isgaadhsiintuna aad u adkayd.

Isla waagaa waxa sidoo kale aan la isku wada raacsanayn in la aqbalo in madaxweyna ha ay doortaan wakiillo shacabku soo doorteen oo magaalo madaxda Washington fadhiya.

Markaas ayaa dadkii qorayey dastuurku waxay abuureen qaabkan gole codbixineed ka ah oo gobol waliba soo xulanayo xubihiisa.

Gobolada yaryar ayaa hanaankani awood badan siiyey si ay go'aan ugu yeeshaan doora shada madaxweynaha maadaama oo gobol lada kale ka dad badan yihiin.

Hanaanka gole codbixineedyadu waxa kale oo uu awood siiyey gobollada koonfureed oo dadkii la adoonsan jiray bulshada ku dhaqan qayb weyn ka ahaayeen. In kasta oo aanay dadkii adoomaha ahaa cod lahayn, hadana wa xa lagu daray tirintii tirakoobka lagu jaan goy nayey bulshada gobolladaa ku nool oo qofka adoonka ah waxa lagu qiimeeyey waagaa inuu u dhigmo saddex daloolow dalool qofka xorta ah. [macnaheedu yahay in saddexdii qof ee adoomi ahi ay u dhigmaan hal qof oo xor ah].

Maadaama oo tirada golaha codbixineed ay ku xidhnayd bedka iyo tirada dadka gobolka ku nool, gobollada koonfureed waxay awood ba dan ku yeesheen doorashada madaxweyna ha maadaama oo ay tiro badan oo goleyaal codbixineed ah yeesheen.

XUBNAHA GOLE CODBIXINEEDYADU MA QASAB BAA INAY CODKA SIIYAAN MUSHARAXA GUULAY STAY?

Gobollada qaarkood xubnaha gole codbix ineedyadu waxay u codayn karaan musharaxa ay doonaan iyaga oo aan tix gelinayn cidda shacabku codka ugu badan siiyeen. Laakiin xaqiiqadu waxa weeyi in xubnahaas ay had iyo goor u codeeyaan mushraxa ku guulaysta aqlabiyada codadka shacabka ee gobolkooda.

Hadii xubin ka tirsan gole codbixineedka gobol codka siin waayo musharaxa hela codad ka ugu badan ee gobolkooda waxa lagu shee gaa ''damiir laawe". Sannadkii 2016 ayaa tod oba xubnood oo gole codbixineed sidaa u cod eeyeen laakiin natiijadii waxba kamay bedelin xubnahaa damiir laaweyaasha noqday..

MAXAA DHACAYA HADII MUSHARIXIINTA MIDKOOD NA WAAYO AQLABIYAD?

Golaha wakiilada, oo ah aqalka hoose ee golaha sharci dejinta Maraykanka ayaa mar kaas oo kale u codaynaya doorashada mada xweynaha.

Arintani waxay dhacday mar keliya oo ahayd 1824 waagaas oo musharaxiinta midko odna heli waayey cod aqbaliyad ah oo kuwa goleyaasha codbixineed ah.

Maadaama se oo laba xisbi oo qudha ay ku keliyeysteen hanaanka Maraykanka, suurto gal ma aha in ay haatan taas oo kale dhacdaa.

RAG HUBEYSAN OO TOOGASHO KU DILAY SHAQAALAHA HAY’AD GARGAAR

 Rag hubaysan ayaa weerar ku qaaday ko ox ka mid ah shaqaalaha gargaarka ee dalka Niger, halkaas oo ay ku dileen lix muwaadin oo Faransiis ah, hagahooda maxalliga ahaa iyo darawalkoodii, sida ay xaqiijiyeen saraakiisha dawladdu.

Raggan hubaysan ayaa waxay wateen moo tooyin waxayna ku fure en rasaas, gudoomiy a ha gobolka Tillabéri, Tidj ani Ibrahim, ayaa sidaa si u sheegay wakaalada wararka ee Far ansiiska ee AFP.

Waxay joogeen gobolka Koure, oo caan ku ah dalxiisayaasha doonaya inay arkaan geriga duurjoogta ah, noociisii ugu dambeeyey Galb eedka Afrika.

Madaxtooyada Faransiiska ayaa iyana dha nkeeda xaqiijisay dhimashada muwaadiniintan Faransiiska ah.

Nimankan Faransiiska ah ayaa u shaqeyn ayay koox gargaar oo caalami ah, wasiirka difa aca ee Niger Issoufou Katambé ayaa u shee gay wakaalada wararka ee Reuters. Horaantii, masuuliyiintu waxay ku sifeeyeen keliya inay ahaayeen dalxiisayaal.

Hay’adda samafalka ee Faransiiska ee ACT ED oo ay ka tirsanaayeen ayaa iyana dhankee da sheegtay in qaar shaqaalaheeda ka mid ah ay qayb ka ahaayeen masiibadan.

Madaxweyne Emmanuel Macron, ayaa khad ka taleefanka kula hadlay dhiggiisa Niger Mah amadou Issoufou, sida lagu baahiyey warsax aafadeed aan la faahfaahin waxyaalihii ay ka wada hadleen



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip