Shirkii Beelweynta Muddulood oo maanta la soo GabaGabeeyey iyo Warmuriyeed laga soo saaray{Daawo Sawirada Kulanka}

0
Thursday August 06, 2020 - 19:22:23 in Wararka by
  • Visits: 920
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shirkii Beelweynta Muddulood oo maanta la soo GabaGabeeyey iyo Warmuriyeed laga soo saaray{Daawo Sawirada Kulanka}

    Waxaa maanta Magaalada Muqdisho lagu soo geba-gabeeyay Shirkii Beelweynta Mudullood, ee 3-dii bishan ka furmay Caasimadda Muqdisho. Shirkan oo hal-ku-dhig looga dhigay 'Shirka Wadatashiga & Iscafinta Beelweynta Muddullood' aya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa maanta Magaalada Muqdisho lagu soo geba-gabeeyay Shirkii Beelweynta Mudullood, ee 3-dii bishan ka furmay Caasimadda Muqdisho. Shirkan oo hal-ku-dhig looga dhigay 'Shirka Wadatashiga & Iscafinta Beelweynta Muddullood' ayaa waxaa Magaalada Muqdisho kaga qaybgalay shan kun oo qof. oo isugu jiro qeybaha bulshada ay beeshu ka kooban tahay iyo marti shafa kale . shirkaan oo ka dhacay Xarunta Macaallin Nuur Maxamed Siyaad ee Degmada Hodan Magaalada Muqdisho Qodobbada shirka laga soo saaray oo saddex Qodob ka koobnaa ayaa diiradda lagu saaray 1.arrimaha bulshada, 2.ammaanka iyo 3.siyaasadda. iyadoo madaxda ka kala socotay Maamul Gobolleedy ada sida Madaxweynaha Maamul Goboleedka Hirshabeelle Md.Maxamed Cabdi Waare ,Madaxweynaha maamul gobolleedka Galmudug Axmed Cabdi Qoor Qoor, iyo siyaasiyiin Mucaarad iyo Muxaafidba leh oo ka qeyb galay shirkaasi Kuladii Hore uu ka mid ahaa Siyaasiga Hogaamiya Xisbiga Wadajir Md.Cadiraxmaan Cabdi Shakuur Warsame . dhammaan siyaasiyinta ayaa bogaadiyey kulanka Beelweynta muddullood ay qabteen kaasoo ay kaga tashanayeen aayaha deegaannadooda iyo shacabka dhibaatada ka heystaya Xag waliba . waxaa xusid mudan in geba-gabadii shirka uu maanta uu ka qaybgalay Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabd icasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen). uuna hadaallo ka jeediyey isagoo bogaadiyey kulankaan walibana in kulankanoo kale in la badiyo kula dardaarmay. dhinaca kale War murtiyeedka kulnakaa laga soo saaray ayaa waxaa AKhriyey Prof Cumar Dhageey, ka dibna Abaalmarinno la guddoonsiyey Madaxdii iyo masuu liyiinta soo agaasinta kulnkaa oo dal iyo dibadba leh iyo guud ahaanba inta isku xilqaatay inta shirka socda iyo dadaalka dheeriga ah dadkii sameeyey oo isugu jiro siyaasiyiin, culumo , aqoonyahanno, ganacsato, dhal linyaro, Haween,ciidamo iyo guud ahaanba howladeenada, kulankaaoo ku soo idlaaday jawi deeggan iyo farxda iyo bogaadinba leh wuxuuna ahaa bilowga kulamo dalka ka dhacaya ilaa laga gaarsiiyo soomaali oo ay beesha muddulood gogol u tahay . sida uu sheegay imaamka Beesha Muddulood

  Halkan ka Akhriso Nuxurka Warmurtiyeedka Shirka

  Halkaan Hoose ka  Daawo Sawirada ka Qeybgalayaasha

 


               Dhammaad


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip