Qarax lagu dilay dad isku diyaarinayay Munaasabadda Ciida

0
Friday July 31, 2020 - 18:00:55 in Wararka by
  • Visits: 314
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qarax lagu dilay dad isku diyaarinayay Munaasabadda Ciida

    Ugu yaraan 17 qof ayaa ku dhimatay qarax ka dhacay gobolka Logar ee dalka Afgaanistaan.Weerarkan ayaa la sheegay in loo adeegsaday baabuur walxa qarxa laga soo buuxiyay. Qarax ayaa yimid xilli dhawaan dowladda dalkaas iyo kooxda Taliban ay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ugu yaraan 17 qof ayaa ku dhimatay qarax ka dhacay gobolka Logar ee dalka Afgaanistaan.Weerarkan ayaa la sheegay in loo adeegsaday baabuur walxa qarxa laga soo buuxiyay. Qarax ayaa yimid xilli dhawaan dowladda dalkaas iyo kooxda Taliban ay ku heshiyeen xabadjoojin, taas oo kooxda Taliban ay sheegtay in ujeedka uu yahay maalmaha ciidda. Kooxda Taliban ayaa beenisay inay ka dambeysay qaraxa, halka kooxda IS oo weeraro horay uga geysatayna aanay ilaa iyo hadda ka hadlin weerarka. Afhayeenka gobolka Logar ayaa wakalaadda wararka ee AFP u sheegay in weerarka la aaminsan yahay in uu geystay qof isa soo midaamiyay, waxaana uu ka dhacay meel aan ka fogeyn xafiiska barasaabka gobolkaas, halkaas oo dad badan ay ka dukaameysanayeen. "Argagixisada waxaa ay markale weerar geysteen habeenka ciidul Adxa, waxaana ay dileen dad badan," ayuu yiri afhayeenka wasaaradda amniga, Tariq Arian. Dhanka kale afhayeen u hadlay kooxda Taliban Zabihullah Mujahid waxaa uu sheegay "in iyaga aanay ku lug lahayn weerarka". Ilaa iyo hadda lama oga cidda ka dambeysay weerarkan oo dhacay xilli dad badan oo ku nool dalkaas ay filayeen inay si nabad ah ku ciidaa


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip