Axmed Madoobe "Dhaqaalaha Soomaaliya oo dhutinayay ayuu Covid-19 sii nugleeyay"

0
Friday July 31, 2020 - 17:38:23 in Wararka by
  • Visits: 291
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Axmed Madoobe "Dhaqaalaha Soomaaliya oo dhutinayay ayuu Covid-19 sii nugleeyay"

    Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam oo khudbad jeediyay munaasabadda Ciidda Carafo awgeed ayaa waxa uu sheegay in Soomaaliya ay la daalaa-dhaceyso laba caqabadood oo xooggan oo kala ah xanuunka Covid-19 iyo ammaanka oo liita meelo ka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam oo khudbad jeediyay munaasabadda Ciidda Carafo awgeed ayaa waxa uu sheegay in Soomaaliya ay la daalaa-dhaceyso laba caqabadood oo xooggan oo kala ah xanuunka Covid-19 iyo ammaanka oo liita meelo kamid ah dalka. Axmed Madoobe ayaa sheegay in ay muhiim tahay in la qaato talada saraakiisha caafimaadka ee looga hortagayo xanuunka. Waxa uuna intaa ku daray in la dagaallankiisa uu sii nugleeyay dhaqaalaha dalka oo horayba u jilicsanaa . Waxa uu ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed, in qof kasta uu mas'uuliyad gaar ah oo xanuunkan lagu xakameynayo uu qaato, si ay u fududaan in lasoo celiyo adeegyadii dartii loo xayiray. Dhinaca kale waxa uu Madoobe ka hadlay howl-gal ciidamada ammaanka Jubbaland uu tilmaamay iney wadeen maalmihii lasoo dhaafay, isagoo ugu horreyn shacabka maamulkaas ku nool uga mahadceliyay wada shaqeynta ay la sameeyeen ciidamada nabad-gelyada, waxa uu isagoo sii hadlayay uu sheegay in howl-galladii ugu dembeeyay lagusoo qabtay maleeshiyaad iyo wax-yaabaha qarxa oo sida uu qeexay la doonayay in shacabka lagu dhibaateeyo.
whatsapp sharing button


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip