Maxay ka dhigan tahay; ku celcelinta Midowga Yurub ee dhaleecaynta ridista Xukuumadda R/wasaarihii hore XC Khayre.?

0
Thursday July 30, 2020 - 22:32:21 in Wararka by
  • Visits: 1516
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxay ka dhigan tahay; ku celcelinta Midowga Yurub ee dhaleecaynta ridista Xukuumadda R/wasaarihii hore XC Khayre.?

    Tan iyo markii Baarlamaanka Soomaaliya ay codka kalsoonida kala laabteen R/wasaare Xassan Cali Khayre iyo Xukuumadiisa Sebtidii, waxaa iska soo daba dhacayey baaqyo ka imaanayey dhinacyo kala duwan oo dhaliilaya habkii loo maray kalsooni kala noqosha

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tan iyo markii Baarlamaanka Soomaaliya ay codka kalsoonida kala laabteen R/wasaare Xassan Cali Khayre iyo Xukuumadiisa Sebtidii, waxaa iska soo daba dhacayey baaqyo ka imaanayey dhinacyo kala duwan oo dhaliilaya habkii loo maray kalsooni kala noqoshada Xukuumadda, waxaanna ay dhinacydaasi ku tilmaamayaan sidii ay wax u dhaceen in ay ahayd hannaan baal-marsan datuurka iyo xeer-hoosaadka Baarlamaanka. Dowladda Maraykanka, Xafiiska UNka u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, iyo Midowga Yurub ayaa ka mid ah dhinacyada ka falceliyey kalsooni kala noqoshada RW-ha, waxaanna dhinacyadaasi ay walaac ka muujiyeen suurtagalnimada fashil ku yimaada heshiiskii dowladda dhexe iyo maamul goboleedyadu ay ku gaareen Dhuusamareeb. Qoraal uu bogiisa Twitter-ka ku soo qoray Mahdi Guuleed oo si KMG ah u haya xilka RW-ha ayuu kaga dalbaday dalalka saaxiibada la ah Soomaa liya in ay ixtiraamaan go'aanka Baarlamaanka, maadaama Soomaaliya ay tahay waddan madax-bannaan oo ka tirsan Jimciyadda qurumaha ka dhexeysa [UN].
      
      Midowga Yurub ayaa mar kale walaac ka muujiyey kala dirista Xukuumadda, waxaanna hadalkani uu ku soo beegmay xilli ay kala dagtay xiisadii ka dhalatay kalsooni kala noqoshada RW-ha, iyada oo Madaxwaynaha laga sugayo maalmaha soo socda inuu magacaabo shaqsigii qaban laha xilka RW-ha.
         Dhinaca kale, dad ka mid ah kuwa siyaasadda gorfeeya, waxay u sababaynayaan goolka laga dheliyey Xassan Cali Khayre markii ay garabkiisa ka baxeen saaxiibbo badan oo uu isku halaynayay, waxaanna dadka qaar ay iswaydiinayaan sida ay ku dhacday in; Xassan Cali Khayre muddadii uu xilka hayey isaga oo hormuud u ahaa guulaha inta badan loo nisbeeyo Dowladda;

       haddeey tahay dhismaha hannaan maaliyadeed oo adag, yagleelida haykal ciidan, la dagaalanka musuqmaasuqa, haddana in uu dagaal galay isaga oo aan diyaar-garoobin, markii uu lahaa doorashadu waa in aysan dib u dhicin waxaa muuqatay inuu tumayay muusik aanu jeclaysan madaxw eynaha iyo saaxiibadii, waxaa la is lahaa, haddii ay madaxwaynaha is qabtaan, ugu yaraan wuxuu helayaa saaxiibo badan oo Baarlamaanka iyo Xuku umadda ku jira oo isgarab taagi doonaan, taasi ma dhicin maalin cad ayaa laga adkaaday, sidii ay wax u dhaceen waxay ku tuseysaa in aan la isku halayn karin siyaasada Soomaaliya, oo xaaladu tahay "siyaasadu saaxiib joogta ah ma laha, ee dan joogtaa ayeey leedahay”
       
W/Q: C/shakuur Cilmi Xassan E-mail:

shakuurcadde73@hotmail.com


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip