Somaliland oo Turkiga kala hadleysa sababta meesha laga saaray ergaygii Turkiga u qaabilsanaa wadahalada DFS iyo Somaliland.

0
Thursday July 30, 2020 - 22:24:14 in Wararka by
  • Visits: 309
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Somaliland oo Turkiga kala hadleysa sababta meesha laga saaray ergaygii Turkiga u qaabilsanaa wadahalada DFS iyo Somaliland.

    Warar soo baxaya ayaa sheegaya in madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi uu Wasiirkiisa Arrimaha Dibedda Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) u diray dalka Turkiga. Wasiir Faratoon oo dhawaan gaaray Waddanka Turkiga ayaa lagu wadaa inuu kul

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi uu Wasiirkiisa Arrimaha Dibedda Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) u diray dalka Turkiga. Wasiir Faratoon oo dhawaan gaaray Waddanka Turkiga ayaa lagu wadaa inuu kulamo la qaato masuuliyiin ka tirsan wasaaradda Arrimaha dibedda ee Turkiga, waxaana la filayaa inay Dawladda Turkigu ay Wasiirka kala hadasho Shirkii Wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya ee ay Jabuuti marti-gelisay.          Wararka ayaa intaasi waxaa ay ku darayaan in dawladda Turkigu ay Wasiirka kala hadasho Warar muddooyinkii u dambeeyay ay Warbaahintu baahiyeen, kaasi oo sheegayay in Masar doonayso in Saldhig Millateri laga siiyo Somaliland, iyadoo la ogyahay in Masar iyo Turkigu ay si weyn isku khilaafsan yihiin Arrimaha dalka Liibiya.

           Socdaalkan Wasiir Faratoon ayaa ku soo aadaya, iyadoo ay muuqato in isbeddellada iyo dhaqdhaqaaqyada siyaasadeed ee ka socda Gobolka iyo Nawaaxigiisu ay saamaysay Siyaasadda Arrimaha dibedda ee Somaliland.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip