HALKAAN KA AQRISO W.W MOGTIMES EE SAAKAY OO AH 30-JULY-2020

0
Thursday July 30, 2020 - 10:06:11 in Wararka by
  • Visits: 811
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AQRISO W.W MOGTIMES EE SAAKAY OO AH 30-JULY-2020

    Xildhibaanada Beesha Mudullood iyo Duqa Muqdisho oo C/Qaadir Cosoble u doortay Musharaxooda Xilka Ra'iisul Wasaaraha Dalka. M/Muqdisho gaar ahaan Hotelka Doorbin ay aa waxaa Habeen hore ku yeeshay Xildhibaanada 2da Aqal ee Beesha Mudulloo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xildhibaanada Beesha Mudullood iyo Duqa Muqdisho oo C/Qaadir Cosoble u doortay Musharaxooda Xilka Ra'iisul Wasaaraha Dalka. M/Muqdisho gaar ahaan Hotelka Doorbin ay aa waxaa Habeen hore ku yeeshay Xildhibaanada 2da Aqal ee Beesha Mudullood ku metela Baarlamaanka FSoo ay ku jireen Wasiiradii Xa san Cali Kheyre. Kulanka ayaa wa xaa ka qeyb ga lay G/G/Banaad ir ahna Duqa Mu qdisho Md.Cumar Maxamuud Maxamed Fini sh, Wasiiro iyo 14 Xildhibaan ee Mudullood, iyadoo looga hadlay Isbedelkii Deg-dega ahaa ee Xildhibaanada G/Shacabka kalsoonidii ay u gala noqde R/ Wasaarihii dalka Xasan Cali Kheyre iyo Xukuumaddiisii iyo in Beesha la wa daagto Madaxdaweynaha sida kursiga u dan eynayaan. Inta uu socday kulanka ayaa Xildhibaanada Baarlamaanka ee ku metela Beesha Mudullo od waxaa falanqeyn dheer ay ka yeesheen xa aladda dalka iyo shaqsiyada ay u arkaan inuu buuxin karo booska Ra'iisul Wasaaraha Xukuu madda ee ka imaanaya Mudullood. Intaas ka dib Xildhibaanada Beesha iyo Gu ddoomiyaha G/Banaadir Cumar Finish ayaa ku balamay in Xildhibaan Cabduqaadir Cosoble Cali uu Beesha Mudullood ku metelo xilka Ra'ii sul Wasaaraha XFS, sidoo kalena loo geeyo Madaxweynaha. Xildhibaano ka qeyb galay kulanka oo la ha dlay Idaacadda Dalsan ayaa waxaa ay u she egeen in Xildhibaanada ay isku raaceen Go'aa nkaas, isla markaana Madaxweyne Maxamed C/hi Farmaajo kala hadlayaan sidii uu xilka R/ Wasaarenimo ugu magacaabi lahaa Xil.Cabduqa dir Cosoble. Xildhibaan Cabduqaadir Cosoble ayaa ka mid ah Xildhibaanada Mucaaradka ku ah dowl adda uu hogaamiyo Madaxweyne Farmaajo, is agoo hoggaamiye ka ah Xisbiga Ileys kana tir san Hoggaanka Madasha Xisbiyada Qaran ay ku jiraan Madaxweyneyaashii hore ee dalka ee Xasan Sh iyo Sheekh Shariif. Saacadihii lasoo dhaafay ayaa waxaa Xar unta Madaxtooyadda ka socday kulamo siyaas adeed oo uu Madaxweyne Farmaajo la qaad anayay siyaasiiyiin iyo Mas'uuliyiin u hanqal-ta agaya xilka R/Wasaaraha, iyadoo taas ay usii dheer tahay inuu kulan gaar ah la qaatay Mad axweynaha Galmudug oo aad ugu ololeynaya in beeshiisa loo dhiibo xilka isagoo wada Mad axweynihi hore ee Galmudug Cabdikariin Xuse en Guuleed iyo Axmed C/Salaam Xaaji Aadan. Wararka ayaa intaas kusii daraya in Mad axweynaha Hirshabeelle uu isna kulan gaar ah la qaatay Madaxweyne Farmaajo, isagoona wada siyaasiyiin iyo Xildhibaano ku heeb ah oo aan magacyadooda la helin, kuwaasi oo la doonayo in loo dhiibo xilka R/Wasaaraha dalka. Si kastaba Xildhibaan Cabduqaadir Cosoble ayaa waxaa uu kamid ahaa Musharixiintii u tar tantay xilka Madaxweynaha JFS sannadkii 2017, isagoona helay Codad gaarayay 25 Cod, kuna haray wareega koowaad ee Doora shadaas, waxaa kaloo uu kamid yahay Siyaasiyiinta sida weyn ugu ololeynayay Maqa anka iyo Metelaadda Gobolka Banaadir ee Aqalka sare ee Dalka.


Sii hayaha Xilka Ra’iisul Wasaaraha oo kormeeray Bankiga dhexe

    Siihayaha R/Wasaaraha dalka, Md.Mahdi Maxamed Guuleed, oo Shalay kormeer ku teg ay Bangiga dhexe ee dalka ayaa maamulka bangiga kala hadlay dardar-gelinta shaqooyin ka qaranka ay u hayaan iyo horumarinta dhaq aalaha dalka.  Md Mahdi Guuleed oo xarunta bangiga dhexe kulan kula qaatay guddoonka bangiga dhexe ayaa ka dhageystay sida howl uhu u socdaan waxuuna kula dardaarmay inay ku dadaadaal sii horumarinta shaqooyinka qaranka ee dhanka maaliyadda.

    Bankiga dhexe ayaa mas’uul ka ah samayn ta iyo maaraynta lacagta dalka, ka shaqaysiin ta hannaanka xisaabeed ee dalka, abuuridda hannaanka bixinta lacagta oo midaysan iyo Is ku dubba rididda qorshaha dib-u-soo celina ha ntida qaranka

    Kormeerka uu Sii hayaha R/Wasaaraha dal ka uu ku tegay xarunta bangiga dhexe ayaa qa yb ka ah dadaallada lagu hubinayo habsami u socodka shaqooyinka dowladda iyo ka hor tag ga saameyn ka dhalata isbedelka siyaasadee d, lagula soconayo hannaanka hir-gelinta qor shayaasha hor-tebinta leh ee wasaaraha xuku umadda iyo hay’adaha kale ee dawladda, sare u qaadidda isla xisaabtanka, hufnaanta iyo da ah-furnaanta.

      Maxkamadda gobolka Banaadir oo xukuntay Wariye Gurbiye, kadibna loo gudbiyey xasbiga dhexe

Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa Shalay soo gaba-gabeysay kiiska Wariye Cabdicasiis Axmed Gurbiye oo dhowr jeer la horgeeyey maxkamaddaasi, kadib markii loo soo jeediyey edeymo culus oo isaga ka dhan ah.

Garsooraha maxkamadda gobolka Banaadir ayaa sheegay in Wariyaha la gu helay qodobka 368 ee xe erka ciqaabta Soomaaliyeed oo ku saabsan faafinta warar been abuur ah. Sidoo kale wuxuu ku dhawaaq ay in lagu xukumay lix bilood oo xarig ah iyo gacanaax lacageed oo dhan 5 milyan oo shilin Soomaali ah.

    Maxkamadda ayaa sidoo kale sheegtay inuu racfaan qaadan karo Wariyaha, hadii uusan ku qanacsaneyn xukunka xabsiga ah ee lagu rid ay.

    Kiiska Wariye Gurbiye ayaa soo jiitamayey bilihii u dambeeyey, iyada oo markii afaraad Shalay la horgeeyey maxkamadda oo ku dhaw aaqday go’aankaasi, waxaana wararka ay she egayaan in xabsiga dhexe loo gudbiyey Gur biye, kadib xukunka Shalay lagu riday.

    Dhanka kale qaar ka mid ah ururada u doo da saxaafadda ayaa ka soo horjeestay go’aan ka maxkamadda, iyaga oo shaaciyey inuu yah ay mid aan la aqbali karin.

    "Maxkamadda ayaa horay uga diiday Cabdi casiis inuu wax qoro Afar Bilood oo banaanka uu ku joogay damiin, waxeyna nagu noqotay la ma filaan in xeerka ciqaabta Soomaaliyeed loo adeegsado kiiska Wariyaha oo aan ka dignay dhowr jeer in Shalay Lix bil oo xabsi ah lagu xukumay ma ahan wax la aqbali karo.” ayaa lagu yiri qar qoraal ah ka soo baxay ururka sux ufiyiinta ee marka magaciisa la soo gaabiyo loo yaqaano FESOJ.

      Si kastaba ha’ahaatee Cabdicasiis Axmed Gurbiye oo ah tafaftiraha Goobjoog FM ayaa horey waxaa loo sheegay inay soo eedeysay Villa Soomaaliya, kadib markii uu warbixin xas aasi ah oo ku aadan sida loo xakameeyey Cov id-19 uu ka qoray dowladda Somalia.

Ururka Suxufiyiinta FESOJ Oo Si Kulul U Cambaareyay Xukunka Lagu Riday Wariye Gurbiye.

     Isutagga Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee FESOJ ayaa si kulul u cambaareeyay xariga sharci darrada ah ee lagu riday Wariye Cabdi casiis Gurbiye oo ah tafaftiraha warbaahinta Goobjoog ee M/Muqdisho. Waxaa ay caddeeyen Isut agga Suxufiyiinta FESOJ in xukunka Maxkamadda G/ Banaadir ku riday Wariya ha inuu yahay mid siyaasa deysan, iyadoo xeer ilaalinta 3 jeer badashay Kiiskiisa ayna cadeynin cidda soo dacweysay ilaa hadda. "Maxkamadda ayaa horay uga dii day Cabdicasiis inuu wax qoro 4 Bilood oo ban aanka uu ku joogay damiin, waxeyna nagu noq otay lama filaan in xeerka ciqaabta Soomaali yeed loo adeegsado kiiska Wariyaha oo aan ka dignay dhowr jeer in Shalay Lix bil oo xabsi ah lagu xukumay ma ahan wax la aqbali karo" ayaa lagu yiri Qoraal kasoo baxay Ururka FESOJ.

        Sidoo kale Qoraalka Ururkaas ayaa wa xaa lagu sheegay in FESOJ xukunka Maxk amadda G/Babnaadir ay ku riday Cabdicasiis Axmed Gurbiye ay ka qaadan doonto Racfaan. Maxkamadda G/Banaadir ayaa Shalay xukun ku riday Tifatiraha Warbaahinta Goobjoog ee M/Muqdisho Cabdicasiis Axmed Gurbiye, wax aana ay xukuntay 6 Bilood oo xarig ah, waxaa na Maxkamadda ay sheegtya xukunka Cabdic asiis loo Cuskaday Qodobka 368 oo ah faafin ta War been abuur ah. .

Maamulka Gobolka Banaadir oo xarrigga ka jaray dhismaha Waddo Inter-lock ah.

     Muqdisho:-Guddoomiye ku xigeenka Maam ulka iyo Maaliyadda gobolka Banaadir Md. Axmed Xasan Iimaan iyo guddoomiye ku xig eenka arrimaha bul shada iyo wacyigelin ta G/Basma Caamir Jaketti ayaa si wadajir ah xar igga uga jaray Waddo Inter-lock ah oo laga sa meynaayo degmada Xamar-Jajab ee gobolka Banaadir.

      Guddoomiye ku xigeennada Gobolka Bana adir ayaa bu lshada degmada kula darda arm ay in ay ilaashadaan […]

 


Madaxweynaha Galmudug & Duqa Muqdi sho oo kulan xasaasi ah yeeshay

      Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galm udug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa Ho yga uu Ka dagan yahay M/Muqdisho Ku qaab iley Guddoomiyaha G/Banaadir ahna Duqa M/Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar filish).

    Kulan gaar ah oo ay yeesheen 2da ma s'uul ayaa waxaa ay ka wada hadleen xaa lada siyaasadeed ee dalka oo xilli kala-gu ur ah lagu jiro iyo si doo kale wada-shaq yen dhex-marta Maamulka Galmudug iyo Ma amulka G/Banaadir. In kastoo kulanka 2da ma s'uul waxyaabihii kasoo baxay aan Warbaahin ta lala wadaagin ayaa wararka qaar waxaa ay sheegayaan in Madaxweynaha Galmudug uu Guddoomiyaha G/Banaadir kala hadlay sidii uu uga qeyb-geli lahaa Shirka wadatashiga Mada xda DFS & D/Gboleedyada 15-ka Bisha Ago osto uga furmaya M/Dhuusamareeb.

      Guddoomiyaha G/Banaadir ahna Duqa M/Muqdisho Md.Cumar finish ayaan ka qeyb-gelin shirkii dhawaan ka dhacay M/Dhuusama mreeb ee Galmudug, kaas oo ay ka soo baxe en qodobo dhowr ah oo aan weli la fulin.

Wasiirka Cadaaladda Soomaaliya oo dalbaday in sharci laga soo saaro Maraaki ibta sharci darrada uga jillaabta biyaha Soomaaliya

    Wasiirka wasaaradda Cadaaladda ee XFS ayaa Shalay wax uu ka hadlay sumeynta la sheegay in dawlado ajaaniib ahi ay sumeeya an biyaha badda Soomaaliya. Wasiir  Xasan Xuseen Xaaji ayaa waxa uu sheegay in biyaha baddeena Soomaaliya ay ku jiraan khayraad aad u fara badan, isla markaasina ay bulshada Soomaaliyeed ka helaan faa’iidooyin kala duwan.

    Waxa uu xusay in dawlada Soomaaliya lo oga baahan yahay inay ilaaliso khayraadka dalka,si looga faa’ideysto. Wasiir Xasan Xus een Xaaji ayaa waxa uu sheegay in dawlada Soomaaliya ay sharci ka soo saarto marakiib la sheegay in biyaha Soomaaliya ay ku daadi yaan walxo sun ama kiimikaallo ah, kuwaas oo wax u dhimi kara khayraadka baddeenna Soomaaaliya.

    Inta badan Maraakiib ajaanib ah ayaa wax aa la sheegay in hab sharci darro ah uga jillaa btaan biyaha Soomaaliya, taas oo uu wasiirku dalbady in lagala xisaabtamo, isla markaasina laga soo saaro sharci.

     Hadalkan ayaa Wasiirka Wasaaradda Cad aaladda ee XFS  waxa uu ka hor jeediyay kula nkii Shalay ee G/Shacabka ay ku yeesheen xarunta Villa Hageysa ee Muqdisho.

Soomaaliya oo helaysa $25M si loogu xoojiyo miisaaniyada lagu yareynayo saameynta COVID19

    Bangiga Horumarinta Afrika (AFDB) ayaa an saxiyay $ 25M  oo loogu tala galay Somaliya, si kor loogu qaado dadaalada miisaaniyadeed ee qaran si loo yareeyo saameynta qaranka ee masiibada Covd19. Lacagtan ayaa loo adeegs an doonaa in lagu fuliyo 3 jawaab celin oo isku xiran oo ku saabsan masiibada COVID-19, kor u qaadida nidaamka caafimaadka iyo taageeri dda wax soo saarka xoogga shaqaalaha iyo waxqabadka dhaqaalaha Soomaaliya.

Qeybta caafimaadka, lacagaha ayaa loo istic maali doonaa in lagu balaariyo bixinta qalabka difaaca shaqsiyeed, kordhinta awooda ICU ee dalka iyo sare u talaabooyinka ka hortaga iyo caabuqa.

    Deeqda lacageed ee Bangigu wuxuu la jaan qaadayaa ujeeddooyinka horumarineed ee Soomaaliya iyo qorsheyaasha u diyaarsanaan ta iyo ka-jawaab celinta COVID-19.

Waxay sidoo kale la jaan qaada istiraatiijiyad da Bangiga ee tobanka sano ah, iyo istiraatiijiy addiisa Isdhaxgalka Gobolka Bariga Afrika iyo dadaal ballaaran oo lagula dagaallamayo nug laanta iyo dhisidda adkeysiga Afrika.

Xubnaha ugu cadcad ee midkood loo wado inuu noqdo Ra’iisal Wasaaraha cusub

     Madaxweynaha JFS,Md.Maxamed C/hi Far maajo ayaa haataan ku mashquulsan, sidii uu u soo magacaabi lahaa R/Wasaaraha xigga ee dalka, ka dib kalsooni kala noqoshadii Xildhib aanada Golaha Shacabka ee R/ Wasaare Xas an Cali Khayre.

     Gudoomiyaha GShS, Md.Maxamed Mursal Sh. Cabdiraxmaan ayaa Sabtidii Madaxweyne Farmaajo ugu yeeray inuu soo magacaabo R/ Wasaare cusub, ka dib markii uu ku dhawaaq ay in Xildhibaanada G/Shacabka ay codka kals oonida kala laabteen Goliii Fulinta.

    Madaxweynaha Somaliya ayaa hadda gac anta ku haya liis ay ku qoran yihiin shakhsiya ad fara-badan, balse waxaa ugu muhiimsan to ddobo xubnood, kuwaa oo midkood ay suurt agal tahay inuu noqdo R/Wasaaraha soo soc da.

    Xubnaha ugu cadcad in midkood uu noqon karo Ra’iisal Wasaaraha soo socda ayaa wa xay kala yihiin Cabdikariin Xuseen Guuleed, Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha iyo Amniga ee Dowladdii Xasan Sheekh Maxamuud, Cabd iraxmaan Yabarow, Madaxa Laanta afka Som aliga ee VOA, Axmed Cabdisalaan Xaaji Aad an, Ra’iisal Wasaare Kuxigeenkii hore ee Dow laddii Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf Axm ed,Nuur Diiriye Xirsi (Eng Fuursade), Agaasim aha Madaxtooyada Somaliya, Jabriil Ibraahim Cabdulle, Madaxa Hay’adda CRD, Cabdullaahi Goodax Barre, Sii Haayaha Wasiirka Waxbara shada Somaliya iyo Eng Cabdullaahi Cali Xas an, Sii Haayaha Wasiirka Ganacsiga Somaliya

    Shakhsiga noqon kara R/Wasaaraha xiga waxaa khasab ah inuu nodo mid codka kals oonida ka heli kara Xildhibaanada Golaha Sha cabka, marka uu horgeeyo Madaxweynaha.

    Sidoo kale waxaa khasab ah in R/Wasaara ha uu ka yimaado Maamulada Galmudug iyo Hirshabelle midkood. Madaxweyne-yaasha 2daasi maamul ayaana haataan Caasimadda Muqdisho ka wada xusul-duub ay ugu jiraan, sidii uu R/Wasaaraha uu dhankooda uga ima an lahaa.

     Madaxweyne Farmaajo oo ka fiirsasho ba dani samayn doono ayaa waxaa dhici karta in R/Wasaaraha cusub uu ka soo dhex xusho mid aanba ahayn 7ada xubnood, ee hadda uu isha ku hayo.

      Shakhsiga aan la ogayn inuu noqon doono R/ Wasaaraha la dhawrayo ayaa noqon doono R/Wasaarihii ugu mudada gaabnaa ee xafiiska asi loo magacaabo, 20kii sano ee ugu dambe ysay dib u yegleelidda Dowladnimada Somaliy a, marka aad eegto billooyinka yar ee u harsan Dowladda Madaxweyne Farmaajo.

Golaha Shacabka oo dood adag ka yeeshay Sharci muhiim ah

    Xildhibaanadda golaha shacaka oo kulan ay ku yeesheen xarunta ku meelgaarka ah ee Villa Hargeysa  ayaa akhrinta 1aad marsiiyeen Hindise Sharicyeedka dib-u-eegista Sharciga la dagaalanka Burcad badeeda iyo ka hortaga af duubka sharci LR.36 ee soo baxay sodonkii bishii April sanadkii 1975-kii,waxaana muhiima da sharcigan uu dalka u leeyahay golaha u fa ah faahiyay sii hayaha wasiirka Cadaaladda Md. Xasan Xuseen Xaaji.

     "Sharicgaan waxa uu ,muuhiim u yahay dal  ka waana loo baahanyahay in dib-u-eegis lagu sameeyo si aan xal ugu helno baddeyna maa daama ay jiraan bara akiib si sharci daro u soo galo dalka iyo si dii aan xal ugu heli la heyn arrimaha burc ad baddeeda.

     Dhinaca kale mudanayaasha golaha ahaca bka ayaa akhrinta 2-aad marsiiyeen ku noqo shada miisaaniyadda dowladda ee sanadka 2020-ka,waxaana xildhibaanadda golaha warb ixinta guddiga u akhriyay xildhibaan Dr Cilmi Maxamuud Nuur oo ka mid ah guddiga maaliy adda, miisaaniyadda, qorsheynta iyo la xisaabt anka Hay’adda Dowladda ee G/shacabka.

     Qaar ka mid ah xildhibaanadda G/shacabka ayaa fikradahooda ka dhiibtay warbixinta gud diga ee ku aaddan ku noqoshada miisaaniyad da sanadka 2020-ka,waxaana kulanka joogay wasiirka maaliyadda XFS iyo ku xigeenkiisa sidoo kale waaxda Miisaaniyadda ee wasaara dda maaliyadda.

    Wasiirka Maaliyadda XFS Dr. Cabdiraxma an Ducaale Bayle ayaa ka jawaabayay su’aala ha xilidhibaanada waxaana uu ka codsaday in ay meel mariyaan. "Shalay waxa aan baarla maanka markale ka hor akhrinay ku noqosha da Miisaaniyadda 2020, inagoo sidoo kale ka jawaabnay su’aalaha Baarlamaanka ee ku aad dan arrimaha Miisaaniyadda.

    "Waxa aan ka rajeynayaa Xildhibaanada So omaaliyeed in ay meel mariyaan dib-u-eegidda Miisaaniyadda oo muhiim u ah sii wadidda how laha Dowladda.ayuu ku daray hadalkiisa wasiir ka maaliyadda XFS Md.Bayle.

     Guddoomiyaha G/Shacabka Md.Maxamed Mursal Sh. Cabdiraxmaan ayaa soo xeray Sha lay kulanka ay yeesheen xildhinaabada waxaa nasoo xaadiray kalfadhiga Shalay 144 Mudane


Safaaradda Mareykanka oo taageere ysa tababar ka socda Muqdisho

    Safaaradda Mareykanka ayaa taageereysa tababarkii ugu horeeyay oo ceynkiisa ah, oo xilligan dhalinyaro Soomaaliyeed lagu siinayo M/Muqdisho, si kor loogu qaado fursadaha sha qo abuurka ee dhalinyarada.

    Tababarkan oo ku saabsan beeraha iyo bee rashadooda ayaa dhalinyarada loogu tababara yaa beerista khudaarta, waxaana bixineysa Ha y’adda USAID, oo iskaashi kala sameynay sa Safaaradda Mareykanka ee Somaliya. Ujeed ada ayaana ah in lagu xoojiyo kobaca dhaqaal aha iyo horumarinta wax soo saarka ee dalka..

Qoraal ka soo baxay Safaaradda Mareykanka ayaa lagu yiri "Bixinta fursadaha maalgashi iyo abuurista shaqo abuur loo sameeyo dhalinyara da Soomaaliyeed waxay kobcineysaa kobaca dhaqaalaha iyo horumarka Soomaaliya.”

    Qoraalka ayaa sidoo kale waxaa lagu yiri "Beeraleyda ka rajada qabta ee Muqdisho wax ay hadda ka shaqayn karaaan oo maamuli kar aan aqalka dhirta lagu koriyo, kuna beero khud aar macaan oo biyo yar.”

Madaxweynaha Galmudug oo kulan la qaatay Xaaf

      Madaxweynaha D/G/Galmudug Axmed Ca bdi Kaariye Qoorqoor oo ku sugan M/Muqdi sho ayaa kulan la qaatay Madaxweynihii hore Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf.

       2da Mas’uul ayaa waxaa ay ka wada had leen arrimo la xariiira dadaalada uu Madaxwey ne qoorqoor ka wado xaaladda guud ee siy aasadda Soomaaliya iyo tan maamulka Galmu dug.  Qoraal uu soo saaray Madaxweynihii hor e Galmudug Axmed Ducaale Geelle ayaa wa xaa uu ku yiri "Waxaan hoyga uu ka daganyah ay M/Muqdisho ku booqday walaalkeey Madax weynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qo orqoor, waxaana ku amaanaya kuna bogaadi nayaa howsha wanaagsan ee uu Galmudug ka qabtay”.

     Md.Xaaf ayaa Madaxweyne Qoorqoor ku bogaadiyay sidii ay Galmudug u marti galisay shirkii dhawaan  Madaxada maamul Goboleed yada iyo dowladda federaalka ugu qabsoomay Magaalada Dhuuusamareeb

Koonfur Galbeed oo ka hadashay fulinta Barnaamijka Baxnaano ee Dowladda

     Kullan la xiriira heerka howlgalka Barnaami jka Baxnaano ee Dowladda Soomaaliya ay ku taageerrayso Bulshada nugul iyo saameynta uu Ayaxa u geystay qoysaska K/galbeed ayaa Shalay ka dhacay xarunta madaxtooyadda D/G/K/Galbeed ee M/Baydhabo,ka dib markii halkaas uu gaaray wasiirka Shaqada iyo Arrim aha Bulshada Soomaaliya, Sadiq Xirsi Warfa.

   Kulanka waxaa ka qaybgalay G/ Baarlamm anka D/G/K/Galbeed, Cali Saciid Fiqi, Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada K/galbeed, Madaxa Barnaamijka Baxnaano, Fardowsa Ax med C/hi, wasiirro ka tirsan maamulka iyo qay baha bulshada ee Magaalada Baydhabo.

      "Barnaamijka Baxnaano wuxuu gaaray dee gaanno badan oo Gobolka ah wuxuuna gacan ka gaystay isbadal bulsho iyo horumarinta nol asha dadka nugul.” ayuu yiri Cabdukadir Cu mar C/hi, Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bul shada Koonfur galbeed. Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada X FS Md.Sadiq Xirsi Warfa ayaa sheegay DFS in ay dadaal galinayso horumarinta Bulshada iyo deegaannada dalka, isagoo caddeeyay Barn aamijka Baxnaano inuu door wayn ka qaadda nayo sidii loo dhimi lahaa saboolnimada.

    "Waxaan dadaal galinaynaa sidii aan ugu ab uuri lahayn fursado qoysaska shaqeeya, kuwa ugu saboolsan iyo kuwa nugul ee dalka ku no ol si ay u helaan kaalmo lacageed iyadoo ujee dku yahay in la soo afjaro saboolnimada.” ayuu yiri Wasiir Sadiq.

      Guddoomiyaha Baarlamaanka D/G/K/Gal beed,Md.Cali Saciid Fiqi ayaa sheegay Barna amijka Baxnaano inuu gacan ka geysanayo si dii bulshada ay ugu nagaadi lahaayeen deeg aannadooda ,halkaa oo ay ku helayaan taage ero,halkii ay magaalooyinka u soo barakici la haayeen, wuxuuna DFS& Wasaaradda Shaq ada iyo Arrimaha Bulshada Soomaaliya ku am maanay dadaalka la xiriira horumarinta Bulsha da nugul,isagoo sheegay in dhinacooda ay soo dhaweynayaan heerka fulinta ee Barnaamijka Baxnaano.

     Barnaamijka Baxnaano oo qayb ka ah siy aasadda Ilaalinta Bulshada ee WSh& Arrimaha Bulshada,waxaa bishii April ka daahfuray Muq disho, Madaxweynaha JFS, Md.Maxamed C/hi Farmaajo, wuxuuna Barnaamijkan kaalmo laca geed muddo sannad ah ku taageerraya 1.3 Mil yan oo ruux ,kuwaaso ka mid ah qoysaska ugu nugul ee Soomaaliya.

Maleeshiyaad la wareegay Xarun uu ku Shaqeeyo Maamulka Puntland

      Wararka ay ka imaayana Degmada Xarfo oo ka tirsan G/Mudug ayaa waxaa ay sheeg ayaan in Shalay maleeshiyaad hubeysan ay xoog kula wareegeen Xarunta uu ku Shaqey nayay Maamulka degmadaas.

    Maleeshiyaadkaan oo la sheegay inay ka mid yihiin dadka ku nool Degmada Xarfo ayaa waxaa ay ka cabanayaan in aysan Madaxda Puntland fulin balan-qaadyo ay horey ugu sa meeyay & Xaquuq ka maqan.

     Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku daraya an in Ciidamo katirsan kuwa Daraawiishta Pun tland oo ka baxay Gaalkacyo ay ku wajahan yi hiin D/Xarfo,kuwaas oo lagu amray inay si aw ood ah maleeshiyaadka uga saaraan Xarunta degmada haddii ay ka bixi waayaan. Dhowr je er oo hore ayay sidaan oo kale deegaannada Puntland uga dhacday in Xarmo maamul lala wareegao,waxaana horay ay maleeshiyaad hubeyan ay sanad ka hor ula wareegeen Kont oroolka kastamka ah ee degmada Xarfo. .

Puntland iyo shirkadda DP- World oo meel adag kala taagan iyo madaxweyne Deni oo bisha August ku wajahan Dubai

     Wasiirka Dekedaha Puntland Maxamed Ca bdi Cismaan (Majiino) ayaa Shalay shaaciyay in shirkadda DP-world aysan wax shaqo ah ka qabanin tan iyo markii ay la wareegtay maamu lka dekeda Bosaso sanadkii 2017.

    Wasiirka oo hortagay barlamaanka Puntland ayaa u sheegay in shirkadda DP-world la qaad anayaan kulankii ugu dambeeyay oo lagu kala baxayo, kaasoo ah in shirkaddu billowdo bal aarinta dekeda ama inay ku soo celiso gacanta maamulka Puntland.

      Wasiirku wuxuu sheegay in madaxweyne Deni bisha August uu ku wajahan yahay dalka Imaaraatka, halkaas oo lagu qabanayo shir gar naqsi ah oo u dhexeeya Puntland iyo madaxda DP-world.

     Ballantii ugu dambeeyay ee ahayd in dhism aha dekeda la billaabayo waxay ahayd bishii march ee lasoo dhaafay, hase yeeshee, shirka dda DP-world, waxay ku cudur daaratay cudu rka Covid19 oo kala xiray dunidii.

     Wasiir Majiino ayaa xusay Puntland in ays an si fudud uga bixi karin heshiiskaan oo ah heshiis caalami ah, isagoo sheegay haddii ay ku degdegaan inay caqabado badan kaga ima an karaan. Dhinaca kale, barlamaanka Puntl and ayaa dib u dhigay dib u eegista heshiiska an, iyagoo ka war sugaya kulanka Dubai iyo wixii kasoo baxa.

Puntland oo xabsiga dhigtay Askar dad Shacab ah rasaaseeyay

    Taliska Ciidamada Booliska qeybta G/ Nug aal ayaa waxaa ay Shalay Xabsiga dhigeen 2Askari oo loo heysto inay rasaaseeyeen haw een u badan Ganacsato oo banaanbax ka dhig ayay M/ Garoowe ee Xarunta G/ Nugaal. Askartaan ayaa wa xaa la sheegay in xilli Dorraad Ganacsatada yar yar xilli ay banaanbax ka dhigayeen Barxada M/Garoowe ay rasaaseeyeen,waxaana rasaa staasi ku dhaawacmay 3Ruux oo mid kamid ah uu dhaawaca u geeriyooday.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip