Qabiilada Somalida iyo Carabta!!!=Faallo=
1-Xiriirkii wanaagsanaa ee Somalida iyo Carabta Xamar.
Somaliya Magaalo xeebeedyda oo dhan waxaa soo degay Dad Cad cad oo Asal ahaan Carab ah iyo kuwo aan Carab aheyn oo kala ahaa: Hindi, Malesiya, Pakistan, Bangali,Iran, Yuhud, iyo Asiyaan kale, qaarkood waxaa ey Ganacsi ku lahaayeen Magaalooyinka ka fog Xeebaha, sida: Baydhabo, Baladweyn, Mahadaay, Mareg, Afgoi, Baardheere, iyo kuwa kale, waxaa loo xushmeyn jiray in ey yihiin Ganacsato Muslim ah, waxa eyna ka tirsanaayeen Qabiilada ey la degan yihiin.
Sidoo kale Carabta Xamar degan waxa ey ka tirsanaayeen oo kafiil ka ahaa Qabiilada deegaanka, sida ku cad Documentiyada la hayo, aad ayaa loo xushmeeyn jiray bacdamaa ey ahaayeen Dad Diinta Islaamka fidinayay badankoodu, lahaana Culumo caan aheeyd. ( F.S: 1aad)
2-Maxaa xumeeyaya Xiriirkii Carbta iyo Somalida ee Xamar?
Xiriirkaa wanaagsanaa waxaa uu xumaaday markii Ingriisku
uu yeman ka keenay Ciidamo Yemaniyiin ah iyo Xaasaskoodii kuwaa oo aad u
taageersanaa Mustacmaradii Ingriiska, halka Carabta kale ee Reer
Xamarku ey ku taageersanaayeen Somalida in xuriyad la helo.
Sannadkii 1948 ayaa qaar ka mid ah Carabtii Yemaniyiintu
waxa ey qabanqaabiyeen banaanbax ey ka soo bilaawday dhinaca via Rome
iyaga oo ku sii jeedo xaruntii Governatoraha Ingriiska oo deganaa wadada
Tiyaatarka dhinac marto.
Waxa ey lahaayeen waa in aan Somaliya Maxmiyad la galin
1950 ka, SYL na laga hortago, Xuriyaddana dib looga dhigo 1960ka, waana
in Somaliya la hoos geeyo Mustacmarada Ingriiska ee Cadan, bacdamaa
Yemaniyiintu ey ahaayeen kuwa kaliya ee Af Ingriiska yaqiin una
badnaayeen Ciidamadii Ingriisku Cadan ka keenay.
Yeman waxaa ka hor xuroobay Somalida oo xur noqotay
1960, laakin yeman waxa ey xuroowday 30 November 1967, markii hore
Mareykanku waa diiday in uu aqoonsado laakin dib ayuu ka aqoonsaday
xuriyadda yemen. Todobo sano oo Somalidu Xur aheyd, Ingriisku waxa uu
diidanaa in "Jaziiradda Sokadara” lagu daro Somaliya, laakin 7Sanno
kadib ayuu Abaal marin uga dhigay yeman.
Banaanbaxayaashii Reer yeman , Afar irdoodka Xamar weyne
markii ey marayeen ayeey isku dheceen wiil Somali ah oo dhawac ey u
geeysteen, willkaa oo aad looga yaqiin Xaafadda, dhalinyarada Somaliduna
ey jeclaayeen kana mid ahaa Horseedkii SYL, lana dhihi jiray: Maxamed
Baare. ( F.S:2aad)
Dhacdadii ayaa aad loo buun buuniyay, oo la yiri: wiilkii yaraa ee Maxamed Baare Barre waa dhintay Yemantii ayaana dishay.
Dadkii oo aan wax hubsan, isgaarsiintuna ey aheyd warka
la isku tabiyo oo kaliya, ayaa ku soo qamaamamay Xaafadihii Carabtii
reer Yeman, waa la wada bililiqeeystay ilaa habeenkii, waxaana la fara
xumeeyay Haween badan, ilaa Ingriisku yimid si uu u badbaadiyo,
rabshadaa waxaa loo yaqiin Hanoolaatadii 1aad, waxaa xigay Hanoolaatadii
Gobanima doonka.
Carabbtii kale iyo ee Reer Xamarka oo la fikir ahaa
Somalida kale ayaa iyana ku kacay yemantii, waxaana Yemantii loo raray
Xaafadda Bilaago carab, Shibista maanta.
3-Carabta iyo Baarlamaankii Somalida ee 1956
Baarlamaankii ugu horeeyay ee Somalida koofurta ayaa la
doortay, kaa oo ka koobnaa 70 xildhibaan. 60 ka mid waxaa la siiyay
Somalida waana doorasho, 10 waxaa la siiyay Ajaanibta waana soo Xulid.
60 Somali, 4 Carab, 4 Talyaani, 1 Bakistaan, 1 Hindi, wadarta guud 70
xildhibaan.
60ka Somalifa, waxa loo qeybiyay 25 Goob Codeed oo
midiiba laga soo dooranayo 1-5 xildhibaan, Shuruudaha: A) Qofka wax
dooran karo waa 21 Sanno jir iyo kii ka weyn. B) Qofka la dooran karo
waa 30 jir iyo ka weyn. C) Waa in uu wax ka yaqaan Luqada Carabiga iyo
laatiinka. D) waa in Deegaan doorasha, Somaliya uu deganaa ugu yaraan 2
Sanno doorashada ka hor. E) Doorashadu waa in ey noqotaa "mid toos ah
Magaalooyinka”, laakin "Miyaga waa in ey noqotaa Dorasho Dadban”. Oo ey
soo dooranayeen Gudiyo ka kooban 613 ,loona yaqiin waqtigaa " Shirs” (
Open council)
4-waxaa ku tartamay dhowr xisbi ( F.S: 3aad)
1-leegada SYL: waxa ey heshay 333,820 Cod oo ah 54.29% waa 43 Kursi.
2-Xisbiga Digil iyo Mirfle waxa uu helay, cod 159,967 oo ah 26.01% waa 13 kursi.
3-Somali Demo. Movement waxa uu helay cod 80,866 oo ah 13.15%waa 3kursi
4-Xisbiga Marexaan Union waxa uu helay cod 11,358 oo ah 1.85% waa 1 kursi
Wadartu waa 43+13+3+1= 60 Kursi+ 10 Ajaanibta. Wadarta codadka Guudna waa 614,904 Cod.
5-Arrinta aanan Fahmin weli.
Waxaan la yaab ah oo aanan weli fahmin, Xisbiga Somali
National Union oo helay 21,630 Cod oo u dhiganto 3.5% ma helin Hal
kursi, Laakin Xisbiga Marexaan Union oo helay 11,358 kaliya oo ah 1.85% .
waxa uu helay hal kursi. Xisbiga Somali National Union ayaa dheeraa
10,272 cod haddana hal kursi ma helin?
Xisbiyada tartamay ee aan Cod helin waa :1-Somali
National Union.2- Afgoi-Audegle .3- Hawiya Youth Union.4- Six Shidle. 5-
Bagiuni Fichirini. 6- Xisbiga Demogradiga Caluula.
FG: Wixii aan ka khalday iga sax, wixii ka dhimana ku dar, Mahadsanid.
Qore: Yahya Amir
Qabiilada Somalida iyo Carabta!!!=Faallo=
1-Xiriirkii wanaagsanaa ee Somalida iyo Carabta Xamar. Somaliya Magaalo xeebeedyda oo dhan waxaa soo degay Dad Cad cad oo Asal ahaan Carab ah iyo kuwo aan Carab aheyn oo kala ahaa: Hindi, Malesiya, Pakistan, Bangali,Iran, Yuhud, iyo Asiyaan kale, qa