Farax ii codeey yaa yiri?

0
Thursday July 23, 2020 - 18:21:44 in Wararka by
  • Visits: 1459
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Farax ii codeey yaa yiri?

    Wakiilada Nidaamyada Doorasho ee Caalamiga ah ayaa shir isagu yimid London, Shirka waxaa ka hadlay wakiilada: Qof iyo Cod, Axsaabta badan, Hal xisbi, Hal musharax iyo kuwa kale. waxaa la soo jeediyay in Wakiilka Habka "Qof iyo Cod" uu sanna

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wakiilada Nidaamyada Doorasho ee Caalamiga ah ayaa shir isagu yimid London, Shirka waxaa ka hadlay wakiilada: Qof iyo Cod, Axsaabta badan, Hal xisbi, Hal musharax iyo kuwa kale. waxaa la soo jeediyay in Wakiilka Habka "Qof iyo Cod" uu sannadkaa ka howl galo Somaliya.     waxa uu yiri: Dowr su’aalood ayaan qabaa.waxaana ka mid ah. waqtigii ku haboonaa mala joogaa?. Goob kasta Sanduuq codeed mala geey karaa ?. Nabadu maka jirtaa Somaliya ?. Goobjoogayaal Caalamiya ma tagi karaan ?. Musharaxa laftiisa miyaa maamulayo doorashada ?. Saxaafaddu xur ma tahay ?. Abuuje & Gurbiye weli ma xiran yihiin?. yaa xaq u leh in uu codeeyo ama loo codeeyo?. Caburin iyo Dollar Doorashada maka qeyb galayaan?. Gudiga heer Qaran ee Doorashadu xur ma yahay ?. Dadku cabashadooda Banaanbax nabadeed ma ku muujin karaan?. ( F.S: 1)
Mr. Qof iyo Cod, ayaa Ooyin la dhacay. waxaa lagu yiri: maxaa kugu dhacay oo kaa ooyinsiiyay?. waxa uu yiri: Jawaabihiina ayaa Maya, Maya u batay, Somaliyana uma socdo Hadaan ahay Mr. Qof iyo Cod ee Mr. Muddo kororsi iyo Mr. Doorasho dadban ha loo diro. Hadey ku fashilmaana Xalka ha laga sugaa Mr. Qof iyo Qoray.
Mr. Axsaabta badan ayaa yiri: Geel la’aan iyo Guul la’aan Galmudug islama qabato, ee walba Gogosha wax guracan oon gadmeeyn oo Go’aan u eg ,ku soo Gangabeeya ( F.S: 2aad). Guddi Farsamana Gunaanad lagama sugo. Maamul gobaleedna meel iskuma Raaco, ee maxaa xal ah intaan ololaha Dorashada la bilaabin. ( F.S: 3aad)
Mr. Hal Xisbi, ayaa yiri: Horta, shirka Dhuusa mareeb oo ey Qadar iyo …..ka maqan yihiin miyaa……..
Run miyaa? ma ogi.
Qore: Yahya Amir



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip