Puntland oo sheegtay inay noqoneyso Dowlad gaar ah

0
Monday June 29, 2020 - 22:18:52 in Wararka by
  • Visits: 223
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Puntland oo sheegtay inay noqoneyso Dowlad gaar ah

    Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Baarlamaanka Puntland, Xil.Ismaaciil Maxamed Warsame ayaa ka hadlay xaalada Siyaasadeed ee dalka iyo mowqifka Puntland ee Matalaada Gobolka Banaadir iyo Xeerarka doorashooyinka oo ay ansixiyeen Golaha Shacabka. Xil

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Baarlamaanka Puntland, Xil.Ismaaciil Maxamed Warsame ayaa ka hadlay xaalada Siyaasadeed ee dalka iyo mowqifka Puntland ee Matalaada Gobolka Banaadir iyo Xeerarka doorashooyinka oo ay ansixiyeen Golaha Shacabka. Xildhibaanka oo la hadlay BBC-da ayaa sheegay in aan wax sharci ah loo marin 13 kursi ee Aqalka sare laga siiyay Gobolka Banaadir,sidoo kalena Puntland aqbaleyn go'aanada lagu gaaro Xeerarka doorashooyinka oo ay badankood ansixiyeen Xildhibaannada Golaha Shacabka. Waxaa uu sheegey Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Baarlamaanka Puntland, Xil.Ismaaciil Maxamed in Puntland dooneyso in ay noqoto 'dowlad' ka gaar ah Soomaaliya inteeda kale, haddii buu yiri aan wax laga qaban xaaladaha taagan. labadii maalmood ee la soo dhaafay ayaa waxaa Puntland kasoo baxayay hadalo xanaf ah, oo ay uga soo horjeedaan Go'aankii Xildhibaannada Golaha Shacabka ay Gobolka Banaadir ugu ansixiyeen in 13 Xubnood laga siiyo Aqalka Sare.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip