Beesha Caalamka oo War kasoo saartay hadalkii Xaliimo Yareey
Xubnaha Beesha Caalamka ee taageera Soomaliya ayaa waxaa ay war kasoo saareen hadalkii dhawaan ay Baarlamaanka ka hor sheegtay Guddoomiyaha Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka Qaranka,kaas oo ku saabsanaa soo bandhigista labadii nooc doorasho.
Qoraal kasoo baxay Xubnaha Beesha Caalamka ayaa lagu soo dhaweeyay hadalkaas, iyaga oo uga mahad celiyay Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka Qaranka oo ay hoggaamiso Guddoomiye Xaliimo Yareey. Dhinaca kale Saaxiibada caalamiga ah ee Soomaaliya ayaa soo dhaweeyay
Shirka uu Madaxweyne Farmaajo ku dhawaaqay ee uu ku casuumay dowlad
goboleedyada iyo Gobolka Banaadir,kaas oo dhacaya inta u dhaxeysa 5-8
Luulyo, 2020.
Xubnaha Beesha Caalamka ee War-Saxaafadedka soo saaray ayaa kala ah
Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Belgium, Denmark,
Ethiopia, Midowga Yurub, Finland, France, Jarmalka, Urur-gobaleedka
IGAD, Ireland, Italy, Japan, Netherlands, Norway, Sweden, Switzerland,
Turkey, Uganda, Boqortooyada Ingiriiska, Mareykanka, iyo Qaramada