Howlgal Dad lagu soo qabtay oo laga sameeyay Shabeellaha Dhexe

0
Monday June 29, 2020 - 19:35:45 in Wararka by
  • Visits: 229
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Howlgal Dad lagu soo qabtay oo laga sameeyay Shabeellaha Dhexe

    Ciidamada dowladda Federaalka iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM ayaa saacadaha soo dhaafay waxaa ay howlgallo ka sameeyeen deegaano dhowr ah oo hoostaga Degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Hoose. Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM aya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamada dowladda Federaalka iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM ayaa saacadaha soo dhaafay waxaa ay howlgallo ka sameeyeen deegaano dhowr ah oo hoostaga Degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Hoose. Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa howlgalka sigaar uga fuliyay deegaanada kala ah Jaamaca, Mareereey, Mukaydheere iyo Haanshiiq, isla markaana waxaa howlalka lagu soo qabtay dad loo shakiyay inay xiriir la leeyiin Al-shabaab.

                      Taliyaha Guutada 3-aad ee Ciidamada Xoogga dalka Abshir Maxamuud Maxamed Shaqtaqey oo hogaaminayay howlgalka ayaa waxaa uu sheegay in Ujeedka uu ahaa mid lagu xaqiijinayay amniga deegaanada hoostaga Degmada Balcad.

            Sidoo kale Taliye Abshir Shaqtaqey ayaa waxaa uu tilmaamay in dadka lagu soo qabtay howlgalka oo u badan dhalinyaro ay haatan ku socdaa baaritaano kala duwan, iyadoo qaarkoodna lasii daayay.

Isaga oo sii hadlaayay Taliyaha Guutada 3-aad ee Ciidamada Xoogga dalka ayaa waxaa uu sheegay in shacabka ku dhaqan deegaanada hoostaga Balcad looga baahan inay la shaqeeyaan Ciidanka, si looga hortego weerarada xiliyada qaar ka dhaca halkaas.

              Howlgalkaas ayaa waxaa uu kusoo aadayaa, iyadoo dhowr weeraro toos ah iyo kuwo loo adeegsaday Madaafiic lagu qaaday Degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe, halka kuwo kalena Al-shabaab ay ku qaadeen Saldhigyada Ciidanka dowladda iyo AMISOM ay ku leeyihiin halkaas.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip