Maxkamadda Ciidamada oo la horkeenay Askari laba qof ku dilay Muqdisho
Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa Maanta waxaa ay bilowday dhageysiga dacwadda askari 24-Kii Bishii Apriil xilli habeen ah Magaalada Muqdisho ku dilay laba qof oo Shacab ah.
Askariga oo lagu Magacaabo Dable Boolis Xasan Aadan Xasan ayaa waxaa 1-dii Bishii Ramadaan uu agagaarka Isgoyska Jubba, iyada oo uu Magaalada Bandow la xiriira ka hortagga COVID-19 ka jiro uu ku dilay Xasan Cali Cadaawe iyo Madiino Cabdullaahi Cabdi.
Xeer ilaalinta Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida oo soo eedeysay Dable Boolis Xasan Aadan Xasan iyo Qareenada u doodayaya Eedeysanaha ayaa maxkamadda hadal-jeedintooda dhageysatay, waxaana goobta la horkeenay markhaatiyaasha.
Xeer ilaaliyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida Cabdullaahi Buulle Kameey ayaa weeydiistay Garsoorayaasha Maxkamadda in lagu xukumo Dable Boolis Xasan Aadan Xasan ciqaab u dhiganta qodobada ku xusan eedooda.

0 