Barlamaanka Puntland oo madaxweyne Deni u sheegay in uusan aadin shirka Muqdisho

0
Monday June 29, 2020 - 18:38:15 in Wararka by
  • Visits: 242
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Barlamaanka Puntland oo madaxweyne Deni u sheegay in uusan aadin shirka Muqdisho

    Barlamaanka Puntland ayaa ugu baaqay madaxweyne Deni iyo xukuumadiisa in aysan ka qeyb galin shirka madaxweynaha dowlada federalka ku qabanayo Muqdisho, illaa inta laga saxayo waxay ugu yeereen xad gudubka loo geystay sharuucda iyo xeerarka doorashad

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Barlamaanka Puntland ayaa ugu baaqay madaxweyne Deni iyo xukuumadiisa in aysan ka qeyb galin shirka madaxweynaha dowlada federalka ku qabanayo Muqdisho, illaa inta laga saxayo waxay ugu yeereen xad gudubka loo geystay sharuucda iyo xeerarka doorashada. Baaqaan ayaa qeyb ka ah go'aan kasoo baxay barlamaanka Puntland, kaasoo loogasoo horjeestay dhammaan xeerarkii uu meel mariyay golaha shacabka, sida kuraasta gobolka Banaadir, Koontada dumarka iyo xeerarka kale. Barlamaanka Puntland wuxuu sheegay haddii gobolka Banaadir uu kuraas helo, in gobolada Sool, Sanaag iyo degmada Buuhoodle ay ka maqan yihiin xuquuq lamid ah. Go'aanka barlamaanka waxaa lagu sheegay in Puntland ay qaadanayso tallaabo kasta oo lagu badbaadinayo jiritaankeeda, Waxayna ugu baaqeen aqalka sare in uusan meel marin xeerarka aqalka hoose kasoo baxay.
messenger sharing buttonwhatsapp sharing button

           Halkan ka akhriso bayaanka barlamaanka Puntland.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip