Dhageyso:-Guddoomiye Xaliimo yareey oo u jawaabtay Madasha Xisbiyada

0
Monday June 29, 2020 - 18:13:27 in Wararka by
  • Visits: 224
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dhageyso:-Guddoomiye Xaliimo yareey oo u jawaabtay Madasha Xisbiyada

    Guddoomiyaha Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka Qaranka Xaliimo Ismaaciil (Xaliimo yareey) ayaa ka jawaabtay eedeyn ay u soo jeediyeen qaar kamid ah Xisbiyada,kuwaas oo qaarkood ka dalbaday inay is casisho. Guddoomiye Xaliimo y

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiyaha Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka Qaranka Xaliimo Ismaaciil (Xaliimo yareey) ayaa ka jawaabtay eedeyn ay u soo jeediyeen qaar kamid ah Xisbiyada,kuwaas oo qaarkood ka dalbaday inay is casisho. Guddoomiye Xaliimo yareey ayaa sheegtay in aysan aheyn Guddigooda dad dambiile ah oo qaban waayay Shaqadii loo diray,hayeeshee ay horay u soo gudbiyeen in baahi badan oo la xiriirta arrimo doorashada ay jirto. Waxaa ay sheegtay in weli aan la helin waxyaabihiimii muhiimka u ahaa doorashada,sida Dhaqaalaha,hayeeshee Madasha Xisbiyada laga doonayay inay dhaqaalahaas la baadi goobaan,balse ay jawaab uga dhigeen is casil.

           "Anaga waxaan is casileynaa hadii aan dambiile noqono oo haqadii naloo diray aan qaban weyno,feberaayo 2017 ayaan sheegnay in ay ka maqan yihiin waxyaabihii doorashada lagu qaban lahaa welina ma helin laakin in Guddiga la iska eedeeyo ma ahan ayay tiri” Guddoomiye Xaliimo Yareey.

              Guddoomiyaha Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka Qaranka Xaliimo Ismaaciil (Xaliimo yareey) ayaa Maalin ka hor waxaa ay ka hor sheegtay Xildhibaannada Golaha Shacbaka inay Guddigooda u baahan yahay muddo 13 Bilood ah si doorasho loo qabto.

xigasho:-radiorisaala.com




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip