Iiraan oo dalbatay in loo soo xiro Madaxweynaha Mareykanka

0
Monday June 29, 2020 - 18:04:47 in Wararka by
  • Visits: 213
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Iiraan oo dalbatay in loo soo xiro Madaxweynaha Mareykanka

    Dawladda Iiraan ayaa soo saartay amar xarig ah oo ka dhan madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, iyadoo ka codsatay Booliiska caalamiga ah ee INTERPOL inay gacan ka geystaan soo qabashadiisa. Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka Iiraan Cali Alqasimehr a

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dawladda Iiraan ayaa soo saartay amar xarig ah oo ka dhan madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, iyadoo ka codsatay Booliiska caalamiga ah ee INTERPOL inay gacan ka geystaan soo qabashadiisa. Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka Iiraan Cali Alqasimehr ayaa sheegay in Trump iyo inka badan 30 Xubnood oo kale ay ku eedeynayaan ku lug lahaanshaha weerarkii 3 Bishii Janaayo ee sanadkan 2020 ee lagu dilay Jeneraal Qassem Soleimani,kaas oo ka dhacay Magaalada Baqdaad ee wadanka Ciraaq.         Wakaaladda Wararka ee ISNA-da ayaa werisay in Alqasimehr uu carabka ku adkeeyay in Iran ay sii wadi doonto sii wadida dacwadiisa xitaa marka madaxweynaha Mareykanka uu waqtiga xilheyntiisa ay dhamaato.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa weli ka jawaabin eedeynta iyo codsigaan ka yimid dowladda Iiraan ee ah in laga caawiyo soo xerida, iyada oo loo heysto dilkii Jeneraal Qassem Soleimani.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip