HALKAAN KA AQRISO W.W MOGTIMES EE SAAKAY OO AH 28-JUNE-2020

0
Sunday June 28, 2020 - 11:05:44 in Wararka by
  • Visits: 807
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AQRISO W.W MOGTIMES EE SAAKAY OO AH 28-JUNE-2020

    Madaxweyne Farmaajo oo farriin hamba lyo u diray walaalaha Jabuuti Madaxweynaha JFS Md. Maxamed C/hi Farmaajo ayaa u diray dhi ggi isa dal ka Jabuuti Md. Ismaaciil Cu mar Geelle, do wladda &guud ahaan shaca b ka dalka aan walaalaha nahay e

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweyne Farmaajo oo farriin hamba lyo u diray walaalaha Jabuuti Madaxweynaha JFS Md. Maxamed C/hi Farmaajo ayaa u diray dhi ggi isa dal ka Jabuuti Md. Ismaaciil Cu mar Geelle, do wladda &guud ahaan shaca b ka dalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti hambalyo ku aadd an sannad guur adii 43-aad ee ka soo wareeg tay xornimada Jamhuuriyadda Jabuuti. Madaxweyne Farmaajo ayaa tilmaamay in shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay maanka ku hayaan garab istaagga iyo naf-hurnimada reer Jabuuti ay u muujiyeen dalk eenna xilliyadii adkaa, taas oo garab weyn u ahayd D/-dhisida& samata-bixinta Somaliya. "Dowladda iyo shacabka reer Jabuuti hiil ka iyo garab istaagga hagar la'aaneed ee aad noo muujiseen gaar ahaan wakhtiyadii adkaa waa mid aan marnaba ilaawi doonin, waa mid shacabka iyo D/Soomaaliyeed ay id iin ogsoon yihiin". Madaxweyne Farmaajo ayaa xusay door kii ay ku lahaayeen shacabka halgankii xorni mo doonka ahaa ee walaalaheen Jabuuti, waxa uuna xoojiyay xiriirka walaaltinimo ee ka dhexeeya labada dal. "Shalay waxaa farxad noo ah inaan la qe ybsanno walalaheen Jabuuti dabbaal-degga xuska sannad guurada 43-aad ee xornimad ooda ee kasoo wareegtay markii Jabuti xorn imada ka qaadatay gumeystihii Faransiska. MadaxweyneFarmaajo ayaa u rajeeyay shacabka reer Jabuuti iyo Madaxweyne Ism aaciil Cumar Geelle isku duubni, nabad waar ta iyo horumar dhinac walba ah.

Guddomiyaha G/Banaadir oo soo dhow eeyay ansixinta Matalaada G/Banaadir.

     Guddoomiyaha G/Banaadir ahna Duqa Muqdisho Md.Cumar Maxamuud Maxamed Finish ayaa ka hadlay ansixinta xeerka Ma talaada G/Banaadir ee G/Aqal ka Sare ee Baarlamaanka So om aaliya.

Qoraal uu soo saaray Duqa Muqdisho Cu mar Finish ayuu ugu Mahadceliyay Baarlam aanka JFS oo Shalay si aqlabiyad leh u ans ixiyay xeerkii Matalaadda G/Banaadir ee Aqalka Sare, isa goo sheegay inay kaalin la ma ilaabaan ah oo taariikhda gashay. "Wa xaan u mahad celinayaa Baarlamaanka JFS oo Shalay si aql abiyad leh u ansixiyay xeer kii Matalaadda G/Banaadir ee Aqalka Sare, Waxaad muujiseen kaalin lama ilaabaan ah oo taariikhda gashay oo aad ugu hiiliseen shacabka Gob olka Banaadir.

    Waxaan hambalyo la wadaagayaa Shac abka G/Banaadir guushaas u soo hoyatay, taasoo ku timid Adkeysi, Sabar badan, aba alkii ay Qaranka u galeen ee canshuurtooda ku bixiyen Dowladnimada miraheedi Shalay ayay heleen” ayuu yiri Duqa Muqdisho Cum ar Finish.G/G/Banaadir ayaa waxaa uu sidoo kale u mahad celiyay Madaxweyne Ma xamed C/hi Farmaajo oo uu xusay inuu ge ed dheer iyo geed gaaban u koray sidii G/B anaadir matalaad ugu heli lahaa Aqalka Sa re. "Sidoo kale waxaan u mahadcelinayaa M/ha JFS Md. M.C/hi Farmaajo oo geed dhe er iyo geed gaaban u koray sidii G/Banaadir matalaad ugu heli lahaa Aqalka Sare, ann agoo horay u taageernay baaqiisii uu Baarl amaanka ka hor-jeediyay 6-dii bishan June    2020, waxay aheyd tallaabo geesinnimo leh” ayuu sii racsiiyay hadalkiis Cumar Finish.

     Kulan ay Shalay yeesheen xildhibaana da baarlamaanka ayaa 142 Xildhibaan waxa ay oggolaatay inuu G/Banaadir 13 xubnood ku yeesho Aqalka Sare, 4 ayaa diidday, ma na jirin cid ka aamustay.

2da Nooca ee Guddiga doora shooyinka Qaranka ay soo jeediyeen in doora shadu u dhacdo

     Guddiga doorashooyinka Qaranka Xali imo Ismaaciil Ibraahim ayaa soo jeedisay 2 qaab oo ay sheegtay inay doonayaan inay u dhacdo doorashada Somaliya, 2daasi qaab ayaa keenaya dhammaan dib u dhac ku yim aada doora shada Soomaaliya.

    Midka 1aad Waxa ay sheegtay in loo ba ahan yahay 13 bilood oo ka bilaabaneysa bi sha Julaayo 2020 kuna eg Agoosto 2021.

   "Doorashada Soomaaliya ma qabsoomay so waqtigii loo gu talogal ay,Sidaas darteed, waxan u baahnahay 13 bilood gu dahood oo ka bilaabanaysa July 2020-ka kuna dha maa naysa August 2021-ka”ayay tiri Xaliimo Yar eey.Midka 2aad

     Waxa ay sidoo kale sheegtay inay u baah an tahay nooca 2aad in la eego haddii taasi ay dhici weyso,taasoo ku aaddan in doora shadda Waqtiga lagu darayo ay noqonto la ga bilaabo 20-ka July 2020-ka ilaa 21-ka March-keeda.

Ardayda dugsiyada Sare ee Somaliland oo u fariisatay imtixaanka Shahaadiga

    Inka badan toban kun oo arday ayaa u far iisatay imtixaanka ee Dugsiga Sare ayaa Shalay u fariisatay Imtixaanka Shahaadiga.

Wasiirka

     Wasaaradda Waxbarashada iyo Saynis ka Somaliland Axmed Maxamed Diiriye ay aa si rasmi ah u daahfur ay qa adista imtixaanka.

Wasiirka waxbarashada Axmed Maxamed Diiriye ayaa la hadlay ardayda ka hor inta aan loo qaybin war qadaha Imtixaanka lasoo diyaariyay, isa ga oo kala hadlay ilaalinta shuruucda iyo xa alad da looga feejignaanayo faafitaanka Cudurka dilaaga ah ee COVID-19.

    Daah furka Imtixaanka oo lagu qabtay Du gisga sare ee Muuse Yuusuf ee M/ Laasca anood ee G/Sool waxa uu ka shaaciyay in si da loo qorsheeyay uu u socon doono gelista Imtixaanka. Shuruudaha lagu galayo waxa uu Arday da uu la hadlay u sheegay in guud ahaan Gobollada Somaliland ay ka siman yi hiin oo aysan jirin Magaalo ama gobol.

    Ardayda ayaa la kala fogaayay, waxaana la dhimay fasalada tirada ay ku gali jireen, Arday waliba waxaa la siiyay Agabka Afka iyo sanka daboola (Face Mask), Gacan ga shi iyo agab kale oo looga hartagayo faafita anka Fayruska Corona.

    Guddiga la dagaalanka Covid-19 ee So maliland ayaa 7baadkii tagay ku dhawaaqay in la qaaday xaalad iyo Xayiraad waliba oo ka dhalatay cudurka Coronavirus, inkasta oo aan guud ahaan deegannada maamulkaas ka dhamaan Cudurka Covid-19

Puntland iyo Galmudug oo Caa wa War-murtiyeed wadajir ah soo saaray

    M/Gaalkacyo ee Xarunta G/Mudug ayaa Shalay oo sabti ah waxaa lagu soo Gaba-gabeeyay Shir Madaxeedkii iskaashiga ee u dhexeeyay dowlad G/Galmudug iyo Puntla nd. Shirka ayaa waxaa laga soo saaray War-Murtiyeed ka kooban 7 qodob oo 2da dhinac ay ku heshiiyeen, waxaana Warbaah inta u Akhriyay Wasiirka amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi.

    Galmudug iyo Puntland ayaa ku heshiiyay arrimo kala duwan, waxaana qeyb ka ah Isk aashi dhanka amniga ah, xaajinta cadaalad da nabadaynta iyo dib u heshiisiinta iyo si doo kale iskaashiga iyo horumarinta dhanka dhaqaalaha ah.

     Sidoo kale 2da dhinac ayaa isku afgartay in aragti midaysan laga qaato arrimaha doo rashooyinka dalka ka dhacaya dhamaadka sanadkaan 2020/2021 iyo geedisocodkana naanka dawladnimada Soomaaliya.   Hoos ka Akhriso War-murtiyeedka laga soo saaray Shirka Puntland iyo Galmudug.

 

Xildhibaannada Golaha Shacabka oo ansixiyay Xeerkii Matalaada Gobolka Banaadir

    Xildhibaannada G/Shacabka ee Baarla maanka FS ayaa Shalay ansixiyay xeerkii matalaada Aqalka Sare ee G/ Banaadir oo maalmihii la soo dhaafay dood adag ka jirtay

Illaa 142 Mudane ayaa u codeysay in G/ Ba naadir uu ku yeesho Aqalka Sare matalaad dhab ah, kaa soo ah 13 Senator, halka 4 Mudane ay diiday.

     Tani ayaa ka dhigan in Aqalka Sare ay tiradiisa guud ay noqon doonto 67 Senator, halka markii hore uu ka ahaa 54 Senator oo Maamul goboleedyada ka socday.

Madaxweyne Farmaajo oo uga mahad cel iyey Goddoonka iyo Xildhibaanada G/Sha cabka fulinta codsigiisii ku aaddanaa Ma taladda Siyasaded ee G/ Banaadir

    Madaxweynaha JFS Md.Maxamed C/hi Farmaajo ayaa uga mahadceliyey Guddoon ka iyo Xildhibaanada Golaha Shacabka BFS tixgelinta iyo fulinta codsiigii Madaxweyne ee ku aaddanaa xaqiijinta Mataaladda siyaa sadeed ee G/Banaadir, taas oo uu ku soo jeediyey furit aankii Kal-fadhigii 7aad ee Baarlamaan ka. Madaxwey naha ayaa tilmaamay muhi imad da go’aankan taariikhiga ah oo aan ho rey lo ogu dhiirran, inuu ku yimid dadaal wa dajr ah oo ay muujiyeen shacabka iyo dowla dda So omaaliyeed oo Shalay ay ka go’an tahay in la sii amba-qaado hannaanka dimu qraadiya dda loo dhan yahay ee dalka.

    "Golaha Shacabka BFS waxay ka jawaab een dareenka shacabka Soomaaliyeed, gaar ah aan rajada bulshada Caasimadda. Waa guul weyn in Muqdisho ay hesho qoondo ku saabsan Matalaad Aqalka Sare, waayo waa caasimaddii Qaranka, waa astaanta dowlad nimadeena, waana muraayaddii dadka iyo dalka Soomaaliyeed."

    Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale ka codsaday Xildhibaanada sharafta leh iyo Guddiyada dib-u-eegista dastuurka inay ka shaqeeyaan sidii maqaamka Caasimadda u noqon lahaa mid cad inta lagu gudo jiro mu ddo xileedka Golayaasha Sharci-dejinta.

     Sidoo kale, Madaxweyne Maxamed C/hi Farmaajo ayaa adkeeyey in mataaladda siya asadeed ee G/Banaadir uu ku yeelanayo Aq alka Sare oo Shalay ay ansixiyeen Golaha Shacabku ay noqoto mid adkeysa dowlad nimadeenna taabo galka ah iyo dib u dhiska dalkeenna. DHAMMAAD

Somaliland oo si kedis ah kula wareegtay Xarunta Universaltv ee Hargeysa         Xoogaga ammaanka ee Somaliland ayaa Shalay xoog kula wareeg ay Xarunta Telefishinka  Universal ee M/Ha rgeysa. Ciidamada Booliska ayaa duhurnim adii Shalay xafiiska ka dareeriyay Shaqaala ha TV-ga, ka dib markii ay gudaha u soo gal een xafiiska, shaqaalihii oo hawshooda ku guda jira.

     Ciidamada ayaa sifo aan sharci ahayn ku weeraray Xarunta Universaltv oo ku taala daanta galbeed ee Magaalada Hargeysa, mana jirin maxkamad ay amar uga haysteen la wareegidaasi. Maxamed Diiriye Meecaad, Agaasimaha Xarunta Universaltv ee M/Harg eysa ayaa sheegay in si lama fillaan ahayd ay dulaan ugala kulmeen C/Booliska.

    "Anagoo ku jirno warkii abaare kowda iyo dheeraad ayaa waxaa noo yimid Ciidamada Somaliland, oo runtii iyagoo aan waxba noo sheegin, warqad maxkamadeedna oo ay wa teen ayna tuseyna jirin ayay soo galeen xa runta, warkii bay joojiyeen. Shaqaalihii inta la uruuriyay ayaa dibadda la isugu keenay, waxaa nagala qaaday moobeelada, cabaar baa meel nalagu haayay.” Ayuu yiri Agaasi maha oo la hadlay BBC. Wuxuu sheegay in uu Ciidamada Booliska weydiiyay sababta ay ula wareegayan xaruntooda, waxaase loo sheegay in Wasaaradda Warfaafinta kala laabatay ruqsadii ay ku hawlgalayeen.

     "Waxaan weydiiyay maxaa dhacay oo ji ra, ileen haddii meesha la xiraayo waxay ah ayd inaad maxkamadda soo martaan, idin koo sita warqadda maxkamadana noo timaa daan, waxay yiraahdeen waxaa na soo dirt ay Wasaaradda Warfaafinta Somaliland, oo tiri ruqsaddii baa lagala noqday TV-ga. Laga bilaabana saacaddaa TV-ga wax shaqo ah ma qaban karo.”Ayuu yiri Agaasime Mecaad

    Maalintii Khamiisti ayay Ciidamada Boo liska xoog kula wareegeen Xaruntii Dhexe ee Telefishinka Star ee M/Hargeysa, sabab aan illaa iyo hadda la sheegin.

Somaliland oo faahfaahisay sababta ay u xirtay Xafiiska TV-ga Universal

    Xukuumada Somaliland ayaa albaabada Iskugu laabtay xaruntii uu telefishanka Uni versal ku lahaa M/Hargeysa. Ciidamada bo oliska Somaliland oo amar la soo siiyey ay aa  la wareegay xarunta telefishanka Univer sal

    Wasiirka warfaafinta Somaliland Saleeba an Koorre ayaa sheegay in sababta ay u xir een TVga Universal ay tahay khudbaddii ma daxweynaha Somaliland ee xuska 26june oo aanay baahin.

    Waxaa uu sidoo kale sheegay inay diide en amarro kasoo baxay Somaliland inay dha qan galiyaan, islam arkaana ay qeybka tah ay sababta loo xi ray.

Wasiirka ayaa xusay in ay kala laabteen ruqsadii uu ku shaqeynayay TV-ga Universal guud ahaan degaanada Somaliland

Xarunta baarlamaanka Jubbaland oo lagu dhaariyay Xildhibaan Cusub

     Waxaa xarunta golaha wakiillada dawlad goboleedka Jubbaland Shalay lagu dhaa riyay xildhibaan Maxamad Nuur Janagale oo buuxinaya booskii uu baneeyay xildhibaan Jaamac Cabdi Guure oo xilkiisii iska casilay 13kii bishan Juun ee aynu ku guda jirno.

     Xildhibaan Maxamad Nuur ay aa xilka kur sigan horay uga qab tay baarlamaankii 1aad ee G/wakiillada Jubb aland waana xildhibaan kii xilkan kula tarta may xildhibaanka haatan is casilay.

    Hab raaca doorashada xildhibaannada G/ wakiillada Jubbaland ayaa dhigaya in xil dhi baanka baneeya kursigiisa uu booskiisa buu xinayo xildhibaankii kursigan kula tar tamay. Xildhibaanada Jubbaland ayaa had da dib bi laabay Kulamadooda caadiga ah ka dib mar kii ay Fasax galeen, waxaana aad u yaraa kulamada baarlamaanka,maadama ayasan aqoonsan dowlada dhexe ee Somaliya

Dabley hubaysan oo laba Askari ku dilay Muqdisho

     Dabley hubaysan ayaa D/Kaaraan ee G/Banaadir waxa ay ku dileen 2 Askari oo ka tirsanaa Ciidamada DF Somaliya.

    Goobjoogayaal ayaa ku warramay inuu dil ka si gaar ah uga dhacay meel ku dhaw Ma sjidka Irshaad ee Kaaraan, waxaana la toogt ay laba Askari oo ka tirsanaa Ciidanka Mini shiibiyada xili ay ku jireen goob lagu gooyo boonada Gaadiidka  Carro-gediska.

    Dableydii dilka gaysatay ayaa durbadiiba waxa ay ka carareen goobtii ay ku dileen 2da Askari, waxaana meesha tagay Ciidama da Booliska.  Booliska ayaa goobta dilka uu ka dhacay waxa ay ka soo qaadeen maydka 2da Askari ee la dilay, waxaana socda Baari taanka koo xdii dilka gaysatay.

    Beegsiga lagu haayo Ciidamada dowlad da ayaa wali ka sii socda M/Muqdisho, wax aana dilalkaasi gaysanaya amniyaadka Urur ka Al Shabaab.

Xildhibaano ka horyimid metelaada Aqalka Sare ee gobolka Banaadir

    Illaa 72 xildhibaan oo ka tirsan Golaha Shacabka ayaa ka soo horjeestey Metel aada Aqalka Sare oo uu maanta ansixiyay Baarlamaanka Federalka.

     Qoraal ay ku saxiixan yihiin xildhibaanad an oo ka soo jeeda Maamul Goboleedyada Puntland,Jubbaland iyo Koofurgalbeed ayaa lagu sheegay in ay sharci darro tahay isla markaana ay ka soo horjeedo dastuurka kordhinta lagu sameeyay senatarada Aqalka Sare. Kulan ay Shalay isugu yimaadeen xil dhib aanada Golaha Shacabka ayaa waxaa u co deysay oo ansixiyay 142 xildhibaan in 13 ku rsi lagu kordhiyo Senatarada Aqalka Sare.    HOOS KA AKHRISO 


Madaxweyne Waare oo ka hadlay Matal aada gobolka Banaadir

    Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa boggaadiyay matalaadda G/Banaadir ee Aqalka Sare oo Shalay ay ansixiyeen Xildhibaannada G/Shacabka. Md.Waare wa xaa uu cadeey ay in matala adda iyo maqaamka ay yihi in 2arrin oo kala duwan oo loo baahan yahay in la fah mo.

    Waxaa uu sidoo kale u mahadceliyay Xi ldhibaanada Golaha Shacabka go’aanka ge esinimada leh ee ay qaateen kuna aadan in la muujiyo Matalaada Aqalka Sare ee gobol ka Banaadir.

 

Sh. Shaakir oo war kasoo saaray dagaal beeleedyada ka socda Galga Du Ud

    Sh.Maxamed Shaakir Cali Xasan oo ka mid ah hoggaanka Ahlu Sunna Waljamaaca ayaa war ka soo saaray dagaal beeleedyada ka soo cusboonaaday deegaanada Xananb uure iyo Qalanqalle ee waqooyiga G/Galgad uud.

    Qoraalka ka soo baxay xafiiska Sh.Sha akir ayaa waxaa ugu horreyn dhinacyada diri raya looga dalbaday inay dagaalka ku joo jiyaan, si shuruud la’aan ah.

     Sidoo kale waxaa loogu baaqay waxgar adka, culimada iyo odayaa sha dhaqanka In ay u istaag aan sidii looga hortagi lahaa dag aalladaasi.

    Ugu dambeyn Ahlu Sunna ayaa sheegtay in xilligan aan loo baahneyn dagaallo sokee ye,islamarkaana ay muhiim tahay in laga wa da shaqeeyo nabadda.

 Dagaallada ka socda Galgaduud ayaa wax aa ku dhintay 10 qof, iyadoo ay ku dhaa wac meen tiro kale oo ay ku jiraan dad rayid ah oo aan waxba Shalaysan.

Ciidamo la wareegay deegaano ay ku dag aalameen maleeshiyaad Gobolka Galga duud

     Ciidamada Militariga qaybta 21aad & Cii danka Nabad Suggida Maamulka Galmudug ayaa la wareegay deegaano maalmihii la soo dhaafay ay ku dagaalameen maleeshiy aad. Ciidankaan oo ka ambabaxay Magaalo oyinka Dhuusamareeb & Guriceel ee G/Gal gaduud, ayaa ugu dambeyn la wareegay am maanka deegaanka Xananbuure, waxaana ay ku sii wajahan yihiin deegaanka Qalanqa ale oo ka mid deeganada maleeshiyaadka ku dagaalame en. Dagaalka dhexmaray 2da maleeshiyo beeleed ee ka soo kala jeeda Guriceel & Cadaado ayaa waxaa ka dha shay Khasaare dhimasho, waxaana la shee gayaa ku dhawaad 10 ruux inay ku dhinteen dagaalka oo uu ku jiro Wasiir hore oo ka tir sanaa Maamulkii Madaxweyne Xaaf.

    Madaxweynaha Maamulka Galmudug ay aa ku amray Ciidamada inay deganaan ku soo celiyaan deeganada lagula dagaalama an,islamarkaana ammaanka si wayn u suga an. Dagaalka dhexmaray beelahan walaala ha ah ayaa ka bilowday arrimo la xiriira dhul Baraago ah oo ay ku wada murmeen qaar ka mid ah maleeshiyaadka, kadibna xaalad da ay isku bedeshahay gacan ka hadal dhiig badan ku daato.

    Wali deegaano & Degmooyin ka tirsan G/Galgaduud waxaa ka taagan xiisadaha & colaada la xiriirta maleeshiyaadka dhulalka isku dagaala.

Ciidamada Booliska oo gacanta ku dhig ay askari 8 sano ka hor dilay 2 Hawen ah

    Ciidamada Booliska oo gacanta ku dhigay askari 8 sano ka hor dilay 2 Haween ah Wa xaa gacanta lagu dhigay askari ka tirsan Cii damada Booliska oo 8 sano ka hor dil ka ge ystay M/Muqdisho sida uu sheegay taliska ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

     Askariga la qabtay ayuu taliska Booliska sheegay inuu 8 sano ka hor  laba ruux oo ha ween ah ku dilay Xaafad ka tirsan D/Kaar aan ee G/Banaadir.

    Taliska Booliska ayaa sheegay in dilka uu geystay askarigaan uu yimid kadib markii As kariga uu haweenka weydiistay lacag yar bal se ay diideen taasoo keentay inuu dilkaas u geysto taariikhda markay aheyd 3 May Sanadkii 2012.

   Taliska ayaa sheegay in askarigaan uu ku jiro gacanta laamaha Amniga isla markaa sna dhawaan uu wajihi doono cadaaladda si looga abaal mariyo dilkii ula kaca ahaa ee uu u geystay haweenkaas shacabka ahaa.

    Qabashada askarigaan ayaa imaaneyso xilli aysan cadaaladda marin askar ka tirsan Ciidamada Dowladda oo maalmihii ugu dam beeyey dilal u geystay dad Shacab ah oo ku sugnaa M/Muqdisho.

Hoos ka akhriso qoraalka uu soo saaray Taliska Booliska Dowladda

    Taliska Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, ayaa gacanta ku Soo dhigay askari ka tirs anaa Ciidanka Boliiska oo 8 sanno ka hor D/ Kaaraan dil ugu geysatay 2 Marxuumiin oo dumar #Uur leh ahaa.

3/May/2012, ayuu Abshir Cabdulaahi Bas eey (Abshir Dheere) wuxuu dilay Marxuumi inta kala ah;- Nimco Xasan Cali iyo Dahabo Calasow Axmed, sababta dilka ayaa ahaa cadad lacag aad u yar oo uu ka doonay ay.Qof kasta oo faldanbiyeed gala Cii danka Boliiska Soomaaliyeed gacan ayuu ku Soo dhigidoonaa Cadaaladana wuu dha dha mindoonaa, isaga oo kasoo hor muuqa ndo onaa Maxkamada Awooda u leh.

Kiisaska Covid-19 Ee Caalamka Oo Ku Dhow 10 Milyan

   Tirada guud ee kiisaska dadka uu soo ritay cudurka COVID-19 dunida oo dhan ayaa ku sii dhowaaneysa 10 Milyan oo kiis. Jaamaca dda    Johns Hopkins oo iyadu si gaar ah u diiwaange lisa kiisaska COVID-19 ee dunida ayaa Sa btida Shalay ah sheegtay in kiisasku ay haa tan kor u dhaafayaan 9.8 milyan oo kiis.

     Mareykanka ayaa wali ah dalka diiwaan geliyey tirada ugu badan ee Coronavirus ca alamka oo dhan, waxaana kiisasku ay kor u dhaafayaan 2.4 milyan. Brazil ayaa ku jirta kaalinta labaad waxayna diiwaangelisay 1.2 milyan oo kiis. Russia ayaa iyana ku jirta kaa linta saddexaad, iyadoo dalkaasi uu diiwaan geliyay in ka badan 600,000 oo kiis.

    Mareykanka ayaa sidoo kale ah dalka hog aaminaya kiisaska ugu badan ee dadka u dhintay COVID-19, iyadoo ay cudurkan u geeriyoodeen ilaa 125,039 oo qof.

     Brazil ayaa iyana waxaa ku geeriyooday ilaa 56,000, halka Britain oo ah dalka 3xaad ee diiwaangeliyey dhimashada ugu badan ay dalkeeda ku geeriyoodeen in ka badan 43,000.

    Dawlad-goboleedka Victoria ee dalka Aus traliya ayaa Sabtida Shalay ah soo warisay ilaa 41 kiis oo COVID-19 ah, iyadoo ay ta hay maalintii 11-aad ee xiriir ah ee halkaasi laga soo wariyo kiisas ka badan 10 qof.

     Dowladda Australia ayaa sheegtay in ay sii wadi doonto dib u furista dhaqaalaheeda, inkastoo uu cudurkan safmarka ah ku faaf ayo Victoria.  Lix kiis oo cusub ayaa Sabtida Shalay aheyd laga soo wariyay gobolka Ne w South Wales ee dalka Australia.

   Jariidadda The Times of India ayaa wari say in tirada kiisaska cusub ee Shalay oo Sabti aheyd laga shaaciyay dalka India ay yi hiin 18,552 kiis, taasi oo ka badan tiradii la soo wariyay Jimcaha oo ahayd 17,296.

    Dhanka kale, dadka socotada ah ee ka soo jeeda Mareykanka, Russia, iyo dalal ka le ee aan hoos u dhigin tirada dadka uu soo rito COVID-19 ayaan loo ogolaan doonin in ay booqdaan wadamada reer Yurub marka ay dalalkaasi xuduudahooda dib u furaan 1-da bisha Luulyo.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip