CURYAAMINTA HAWLAHA CIIDANKA.!!!=Faallo=

0
Wednesday June 24, 2020 - 14:33:36 in Wararka by
  • Visits: 1538
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    CURYAAMINTA HAWLAHA CIIDANKA.!!!=Faallo=

    Muddo hadda laga joogo bil ayaa nin saaxibkey ah oo Madaxtooyada Soomaaliya ka shaqeeyaa ii sheegay inuu jiro qorshe uu wato Taliyaha sirdoonka, Fahad Yaasiin, oo markasta oo uu Ciidanka Dowladdu horukac yar ka sameeyo dagaalka lagula jiro Alshabaab

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muddo hadda laga joogo bil ayaa nin saaxibkey ah oo Madaxtooyada Soomaaliya ka shaqeeyaa ii sheegay inuu jiro qorshe uu wato Taliyaha sirdoonka, Fahad Yaasiin, oo markasta oo uu Ciidanka Dowladdu horukac yar ka sameeyo dagaalka lagula jiro Alshabaab lagu dabro si aysan horey ugu socon.
Wuxuu saaxibkey tusaale usoo qaatay Jeneraal Odawaa oo isagoo ah Taliyaha ciidanka lugta guulo kasoo hooyey dagaalo adag oo Shabaab looga qabsaday tuulooyin ka tirsan Afgooye iyo Qoryooley markiiba xilkii howlgada looga qaaday soo jeedin ka timid Fahad Yaasiin dartii, markii uu ku taliyey in Odawaa loo magacaabo taliyaha Xoogga si uu u fariisto xafiiskiisa ku yaalla Wasaaradda gaashaan dhigga.
Xilkii hoggaaminta ciidanka waxaa dabadeed loo magacaabay Jeneraal kale oo markii uu dhowr bilood car car lasoo baxay isagana xilkii laga qaaday.
Isla xilkaas ayaa 9 bilood ka hor markale loo magacaabay Jeneraal Cabdixamiid Dirir oo dardartii uu ku socday ku qabtay deegaanka Jannaale iyo tuulooyin dhowr ah oo kale. Waxaan hadda qoraalkan u qorayaa xasuusta uu igu reebay warkii saaxibkey ii sheegay ee ahaa ” Jeneraal C/xamiid Dirir oo guulo dagaal soo hooyey, waxaad meel ku qorataa inuusan xilkan hayn doonin Bil ka dib, sababtoo ah lama rabo Taliye guul ka keena dagaalka Alshabaab”.
Jeneraal C/xamiid, maanta ayaa Madaxweyne Farmaajo xilkii ka qaaday, isaga oo loo magacaabay Taliyaha Ciidanka aan hadda jirin ee BADDA. Waxaana lagu beddalay oo taliskii ciidanka Lugta loo magacaabay Jeberaal kale oo Ciidanka Badda ku magacownaa.
Waxaan saaxibkey weydiiyey waxa ay tahay danta uu Fahad Yaasiin ka leeyahay xil ka qaadista Taliye kasta oo Ciidanka hawlgaliya, guulna gaara.?
Wuxuu yiri ” Fahad, wuxuu aad ugu mashquulsanyahay muddo kororsi madaxweynaha loo sameeyo, sidaasi darteed ma rabo in xilligan Shabaab meelaha ay heystaan laga xoreeyo.”
       


              Aniga oo aan jawaabtiisa ku qancin ayaa arkayaa in wax aan sanad dhameyn ciidanka lugta uu Madaxweynuhu u magacaabay maanta Taliyihii afaraad oo kaaga darane kii dhulka la geeyey Badda, kii Baddana la geeyey dhulka.!!
            Magacaabista iyo xilka qaadista saraakiisha Ciidanka bilooyin gudahood, waxay cuuryasmineysaa wixii horumar ah ee uu ciidanku ku tallaabsan lahaa. Waxayna arrimahaasi ku dhacayaan oo gadaal ka riixeysa awoodda faraha badan ee uu Fahad Yaasiin ku leeyahay maamulka Madaxweyne Farmaajo.
Waxaa qoray:Qaasim Nero.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip