HALKAAN KA AQRISO W.W MOGTIMES EE SAAKAY OO AH 31-MAY-2020

0
Sunday May 31, 2020 - 07:14:01 in Wararka by
  • Visits: 744
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AQRISO W.W MOGTIMES EE SAAKAY OO AH 31-MAY-2020

    Dowladda oo ku dhawaaqday gargaar deg deg ah oo loo dirayo gobolada dalka R/Wasaaraha X/F/S.Xasan Cali Kheyre ayaa xalay shir guddoomiyay Shirka joogta da ah ee Guddiga Qaran ee xakameynta sa fmarka COV ID19,kaas oo habeen walba si joogta ah

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda oo ku dhawaaqday gargaar deg deg ah oo loo dirayo gobolada dalka R/Wasaaraha X/F/S.Xasan Cali Kheyre ayaa xalay shir guddoomiyay Shirka joogta da ah ee Guddiga Qaran ee xakameynta sa fmarka COV ID19,kaas oo habeen walba si joogta ah u qab sooma. Shirka oo u qabso omay hab muuqaal Internet-ka ayaa waxaa looga hadlay arrimaha Caafimaad ee gobolada dalka gaar ahaan Coronavirus iyo sidii gurmad loo gaarsiin lahaa. R/Wasaare Kheyre ayaa amray in garg aar caafimaad oo dheeraad ah si degdeg ah loola gaaro gobolladda dalka, si loo badba adiyo dadka uu cudurku soo ridanayo loona xakameeyo faafidda COVID-19. Horay ayaa dowladda Soomaaliya wax aa ay gurmad Caafimaad oo kala duwan ay gaarsiisay Gobolada dalka oo laga helay kiis as kamid ah Cudurka Coronavirus,sida Ca daado, Kismaayo, Jowhar, Magaalada Garo owe iyo deegaano kale.


Senator Muuse Suudi oo walaac ka mu ujiyay in dowladda loo daayo baaritaan ada dhacdadii Gololey

   Senator Muuse Suudi Yalaxow oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Aqalka Sare ayaa codsaday in baaritaano dheeraad ah lagu sa meeyo dhalinyaradii dhawaan lagu laayay degaanka Gololey ee G/Sh/Dhexe.

    Waxaa uu sheegay ka hor inta aan dhali nyaradda la dilin in ciidamo ka tirsan Milatariga Soomaal iya Qarax lala eegtay oo kha saare xooggan uu kasoo ga aray, waxaa uu sidoo kale xusay in dhaqatiirta  iyo Ciid anka lagu laayay degaanka kasoo wada jee daan hal Beel.

   Waxaa uu walaac ka muujiyay in dowlad da dhexe ee Soomaaliya loo daayo in ay ba aritaano ku sameyaan falkaasi, waxaana uu caddeeyay inaan baarista falkaasi lagu aam ini karin dowladda Soomaaliya.

    "Dadka labada meelood lagu laayey waa isku hal dad. Baabuurta ciidamada laga qar xiyey 9 ayaa ku dhimatay, dhaqaatiirta la la ayeyna 8 ayaa dhimatay… Wiilasha nin ka mida oo dhaqaatiirta ahaa isagoo indhaha ka xiran ayaa yiri: annaga sidaad rabtiin na yeela ee Gabdhaha dhaafa..” ayuu yiri Mu use Suudi oo intaas ku daray inuu arrintan baaris ku sameeyay.

    Waxaa uu sheegay inaysan ahayn in Ci ddii dhimata Alshabaab loo saariyo, isagoo soo qaatay Geeridii Gudoomiyihii Gobolka Banaadir C/raxmaan Yariisow oo uu sheeg ay inay weli shaki ka qabaan cidda abaab ushay dilkiisa.

    "Arrintan dad dowladda u shaqeeya oo in    shaqada laga baxsho ka cabsanaaya baarit eeda laga sugi maayo, waxaan kaloo laga sugeynin dad isku buuqsan oo waxba kala ogeyn.. arrintan caalamka ayaa laga suga yaa, wax lagu kalsoon yahay oo dalkan ka ji ro ma jiraan” ayuu yiri Muuse Suudi.

Dadka u dhintay Covid 19 oo gaaray 73 qof

   Wasaaradda Caafimaadka DFS ayaa faah faahisay Wararkii ugu dambeeyay Cudurka COVID 19 ee Soomaaliya.

    Warbixinta kasoo baxday W/Caafimaadka ayaa sidaan u qorneyd:

30 May 2020: Warbixinta COVID-19 ee Soomaaliya.

> Laga Helay: 88

> Galmudug: 47

> Somaliland: 29

> Benadir: 10

> Puntland: 2

> Lab: 71

> Dhedig: 17

> Bogsasho: 17

> Dhimasho: 1

———————

> Tirada Guud Laga Helay: 1,916

> Bogsashada Guud: 327

> Dhimashada Guud: 73

Golaha ammaanka oo waqtiga u kordhi yay ciidamada Amisom, baaqna u diray dowladda federalka iyo dowladdaha xubnaha ka ah

   Golaha Ammaanka ayaa isku raacay kulan 29kii Maajo ku dhexmaray qadka internetka in waqtiga loo kordhiyo howlgalka ciidamada Amisom ee Soomaaliya.  Muddo sagaal bil ood ah, ayaa loo kordhiyay, iyadoo sabab lo oga dhigay si ay u taageeraan amniga doora shooyinka Soomaaliya ee qorshaysan 2020 /2021.

    Waxaa go’aankaan isku raacay 15-ka xub nood ee golaha ammaanka, kadib markii ay ka doodeen qaraar tirsigiisu ahaa 2520 oo ka hadlayay joogitaanka ciidamada Amisom ee gudaha Soomaaliya.

     In ka badan 19,626 askari oo katirsan ho wgalka Midowga Afrika ee Amisom ayaa ku sugan gudaha Soomaaliya. Muddada loo kor dhiyay ayaa ku eg horaanta sanadka soo socda ee 2021.

    Golaha ammaanka ayaa sheegay in mud dadaas 9-ka bilood ah ay ciidamada Amis om qabandoonaan shaqoo yin ay kamid yihi in, in ay dib-u-habeyn ku sa meyso howlaha lagu taageerayo Qorshaha Kala-guurka sida xaaladaha nabadgelyada; hagida iyo caawin ta ciidamada amniga Soo maaliya; ka caawin ta sugidda iyo dayactirka wadooyinka muhi imka ah ee sahayda, oo ay ku jiraan meela ha laga qabsaday Al-Sha baab; qabashada hawlgallo qorsheysan oo lala beegsanayo Al-shabaab iyo taageerista DFS iyo Dowlad aha xubnaha ka ah federa alka ee ku aaddan hirgelinta xayiraadda gu ud ee dhoofinta dhu xusha. Goaha ammaan ka wuxuu ku baaqay baah ida degdegga ah ee loo qabo in la sameeyo iskaashi buuxa oo dhexmara DF& dowlad aha xubnaha ka ah federaalka, Goluhu wux uu ugu yeeray 2da dhinac inay horumar dhe eri ah ka sameeyaan xilliga kala guurka, isa goo ku booriyay inay qaadaan tillaabo la ta aban karo oo ay kamid yihiin,  gaaritaanka go'aan siyaasadeed oo loo wada dhan yah ay oo ku saabsan wadaagidda awoodda iyo Kheyraadka; dib u soo celinta kulamadii caa diga ahaa ee Golaha Amniga Qaranka iyo dardargelinta qorsheynta farsamada iyo amniga ee doorashooyinka.

Shabaab oo xukun dil ku fuliyay nin 50 jir ahaa

    Ururka Shabaab ayaa tuulo hoostagta Degmada Qoryooley ee G/Sh/hoose, waxa ay ku toogteen nin ay ku eedeeyeen inuu ahas Sixiroole.

     Ninkaan ayaa waxaa xukunka dilka ah ku riday Maxkamadda Al Shabaab ee G/Shab ellaha hoose, kadib markii sida maxkamad da sheegtay uu qirtay muddo shan sano inuu ku shaqeynssnaayay falalka Sixirka.

    Ninka la dilay oo 50 sano jir ahaa ayaa la gu magacaabi jiray Abuukar Xaaji Cumar, inkastoo aysan jirin cid difaaceysay oo qare en u aheyd, haddana waxaa ku dhacay xuk un hal dhinac ah.

      Qaadiga maxkamadda Shabaab ayaa sheegay qof kasta oo lagu soo qabto falalka la xiriira Sixirka in maxkamadda ay ka gaari doonto go,aan cad.

     Dadweyne la isaga soo kala uruuriyay tu ulooyinka hoostagga Degmada Qoryooley ee Shabaab gacanta ku hayaan ayaa daaw anaayay qaabka dilka uu u dhacaayay.

     Al Shabaab ayaa inta badan Magaalooyi nka ay maamulaan ku dila dad sida ay shee gaan xukun uu ku dhaco oo maxkamadaho oda ay xukmiyaan.

UNICEF” Dhacdadii Gololey waxay horseedi kartaa dambi dagaal”

   warsaxaafadeed kasoo baxay Hay’adda Q/Midoobey ee UNICEF ayaa muujiyay sida ay uga walaacsan tahay falalka isugu jiray afduubka iyo dilkii loo geystay todoba qof oo shaqaala ca afimaad ah iyo qof kaloo rayid ah oo ku sugnaa xarun caafimaad oo ku taa lla tuu lada Gololey ee Gobolka Sh/Dhexe.

 UNICEF ayaa dhacdadaasi sheegtay inaan la aqbali Karin dilka shaqaalahaasi,isla mar kaana ay tahay mid xadgudub ah oo dhan ka ah sharciga caalamiga ee arimaha binia adanimada iyo habdhaqanka caadiga ah.

      "Waxaan ka naxnay afduubka iyo dilidda  7shaqaale caafimaad ah oo joogay xarun caafimaad oo ku taal K/Soomaaliya, Bartilm aameedsiga shaqaalaha daryeelka caafima adka ayaa si weyn xadgudub ugu ah sharc iga caalamiga ah waxayna u horseedi kartaa dambi dagaal. Weeraradan foosha xun wax ay faragalin ku hayaan ilaalinta aasaasiga ah ee caafimaadka iyo in dambiilayaashu lal a xisaabtamo” ayaa lagu sheegay War ka soo baxay UNICEF Warka UNICEF ayaa int aasi kusii daray "Shaqaalahan caafimaad ku waxay ahaaye en geesiyaal waxa ay bixin ji reen daryeel na fo lagu badbaadiyo carruur ta iyo qoysaska”


Xisbiyada Mucaaradka qaarkood oo ka hadlay go’aanka Kheyre ee doorashada

    R/Wasaaraha DFS Md.Kheyre ayaa cadd eeyay mowqifkiisa ku aaddan doorashada, isagoo xusuusiyay golihiisa Wasiirada in sha rciyada ay ku joogaan xilalkana ku hayaan ay tahay mid ku timid doorasho.

   "Doorasho ayaa ka dhici jir tey dalka nooceey rabto ha ahaatee, waana tan sharciya da aan halkan ku joogno na siisay, afartii sano waa in mar doorasho la galo doorasho da dka intooda badan isla ogol yihiin oo saamileyda siyaasada badankood ay qeyb ka yihiin”ayuu yiri R/Wasaaraha oo hadalkan ka jeediyay kulankii khamiista ee Golaha Wasiirada ku yeesheen dhanka Muu qaalka ee Zoom Meeting.

     Qaar ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka ayaa ka falceliyey hadalkii khamiistii kasoo baxay R/wasaare Xasan Cali Kheyre ee uu ku sheegay inay ka go’an tahay in dalka ay doorasho ka dhacdo.

    "Waxaan soo dhowaynayaa hadalka R/wa saare Kheyre uu ku balanqaaday in la qabto doorasho xiligeeda ku dhacda, la isku raacs anyahay,xasiloon saamilayda siyaasadeed na qayb ka yihiin, si loo ilaaliyo xasiloonada dalka iyo wadajirka ummada. Waxaan kaloo bogaadinayaa fahamka ku aaddan in doora shadu ay wax kasta oo kale ka muhiimsan ta hay, mudnaana ka leedahay, maadaama ay lafdhabar u tahay xasiloonada dalka” ayuu yiri Hoggaamiyaha xisbiga Wadajir Cabdirax maan Cabdishakuur Warsame.

   Madaxweynihii hore ee Galmudug Cabdik ariin Xuseen Guuleed ayaa sidoo kale soo dhaweeyay tilaabadda uu qaaday R/Wasa araha. "Waxaan soo dhaweynayaa hadalka ka soo yeeray R/wasaare Khayre ee tibaax aya lagama maar-maannimada in dalka ay ka qabsoonto doorasho xiligeedii ku dhacda, lagana talo galiyo dhammaan saamileyda si yaasadeed, dalkana u horseedda daganaan iyo xasilooni siyaasadeed”

   Sidoo kale qaar ka mid ah Siyaasiyiinta iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa soo dhaweynayay in doorashada ay ku dhacdo waqtigii loogu tala galay.

Meydka danjirihii Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya oo dibada loo qaaday

    Wasiiro ka tirsan XFS ayaa garoonka Aa dan cadde ee M/Muq disho salaadda jinaa sada kula tukaday  all ah ha naxariistee mayd ka safiirkii jaamacada ca rabta ufadhiyey Sooma aliya danjire Xaamud sa mraan Alkuwait oo ku geeriyooday Muqdi sho. Allha ha naxariistee Meydka Safiirka ay aa loo qaaday dalka uu udhashay ee sacuu diga si loogu aaso waxaana madaxdii Sa go otinta ka qaybgashay ay uga tacsiyadeen eh elada marxuumka,dowladda Sacuudiga iyo sidoo kale Jaamacadda carabta oo uu Soo maaliya uqabilsanaa. wasiirka arrimaha diba dda iyo iskaashiga Caalamiga ah danjire Ax med Ciise Cawud  iyo Wasiirka Gadiidka iyo duulista hawada ee XFS Maxamed C/hi Sala ad (Oomaar) oo ku hadlayay afka DFS ayaa tacsi udiray sha cab weynaha iyo D/Sacuudi ga geeridii ku ti mid allah ha naxariistee saf iirkii jaamacadda carabta ufadhiyey Soomaa liya danjire Xaam ud samraan Alkuwait oo ku geeriyoday Mu qdisho.

      "Dowladda Soomaaliyeed waxa ay ka ta csiyadeyneysaa geeridii naxtinta leh ee ku ti mid allah ha naxariistee safiirkii jaamacadda carabta u fadhiyey Soomaaliya danjire Xaam ud samraan Alkuwait oo ku geeriyooday Muqdisho"sidaa ayay yiraahdeen masuuliyi inta dowladda Soomaaliya.

    sidoo kale waxaa ku sugnaa Wasiiro ka ti rsan XFS Saraakiil ka tirsan Ciidanka Boolis ka iyo culuma,udiin.

    Marxuum Danjire Xamuud Samraan Al jowhari Alxuweydhi oo ahaa ergeyga gaarka ah ee Xoghayaha guud ee Jaamacadda Car abta iyo Madaxa ergada Jaamacadda Carab ta ee Soomaaliya ayaa fiidnimadii Sabtida, oo ku beegneed 23 May, 2020 ku geeriyoo day hoygii uu ka deganaa Caasimadda Mu qdisho.

Taliyaha Ciidanka Xoogga oo ka hadlay dhalinyaradii lagu laayay degaanka Gololey

   Taliyaha Ciidanka xoogga dalka Soomaali yeed Odawaa Yuusuf Raage oo Xalay shir jaraa’id Ku Qabtay M/Cadaado ayaa ka hadlay dhalinyaradii lagu laayay degaan ka Gololey. Waxaa uu sheegay in xooga dalku aysan wax lug ah ku lahayn dhacdad ii dadka lagu laayey ee Gololeey.

  Waxaa uu Sheegay in baaritaano horudhac ah ay ku ogaadeen Ciidanka xoogga dhacda daasi aysan ka dambeyn.

     Dhinaca kale waxa uu sheegay in xoogga dalku wado baaritaan iyo hawlgal dhacdada asi ku aadan, xogo horudhac ahna ay hele en, dhawaan ay soo bandhigi doonaan.

      Dhalinyaradaan la dilay ayaa ahaa Shaq aalaha Xarun MCH oo ku taalla deegaanka Gololeey,isla markaana  rag hubeysan ay de egaankaas ka afduubteen,isla markaana me ydkooda laamiga deegaanka Gololeey la soo dhigay.

      Dhalinyarada meydadkooda la soo dhig ay deegaanka Gololeey ayaa waxaa kamid ah laba dhalinyaro ah oo Caanka ahaa D/Ba lcad,kuwaas oo lagu kala Magacaabi jiray Cabdirisaaq Cabdullaahi Qobleey iyo Cumar Xuuti Filfil.

Wasiir Faratoon"In Soomaaliya hub la siiyo waa dambi iyo xad gudub sharci”

      Xukuumadda Somaliland ayaa eedeyn u jeedisay dowladda Soomaal iya, waxayna dambi iyo xad gudub sharci ku tilShalayy in Dowlada Masar ay Hub siiso Soomaaliya, iy adoo xustay in ay Somaliland ahaan filayaan inuu Caalam ku arintan wax ka qabto. W/W/Arrimaha Dibedda Somalilaa nd Prof :Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Farat oon), oo u warramay Wargeyska Gees ka Af rika ayaa sidoo kale tilmaamay in Somalila nd aan ma rnaba laga qaban karin Do ora sho ay Soom aaliya waddo, waxaanu si gaar ah u dhaliilay siyaasiyiinta ka soo jeeda So maliland ee ku sugan Somaliya,oo uu xu say inaanay dal iyo dad midna aanay matalin.

     "In Soomaaliya hub la siiyo waa dambi  iyo  xad gudub sharci, Caalamkuna wuu ar kaa, ee waxaanu filaynaa inuu wax ka qab to”. ayuu yiri Wasiir Faratoon.

    Waxaa uu intaasi kusii daray "Waa edeb-darro iyo gef in Rag Soomaaliya jooga ay si khaldan uga hadlaan Somaliland iyo arrimah eeda, Somaliland Doorashadeeda iyo waxay qabsanayso iyada ayey u taallaa, Doorasho oyinka Soomaaliya lagu qabanayaana wax haba yaraatee Somaliland ka khuseeyaa ma jiraan, Soomaaliyana Somaliland shuqul kuma leh”

     Ugu dambeyntii waxaa uu xusay "kuwa doonaya inay Soomaaliya wax ka noqdaan ee Somaliland dhalasho ahaan ka soo jeeda nama matalaan, ee waa Rag shaqo tagay, waxay ka qabsanayaana iyaga ayey jirtaa, laakiin Ragga Somaliland ka soo jeeda ee Soomaaliya u shaqo tagay ma matalaan, magaceegana kuma hadli karaan”.

Tiradda dadka uu soo ritay Covid 19 ee dalka Jabuuti oo sare u kacday

  W/Caafimaadka ee J/Jabuuti ayaa Shalay shaacisay in 280 kiis oo cusub oo Fayraska Korona ah dalkaasi laga helay 3maalmood ee la soo dhaafay. Tiraddaasi ay aa ah mid sarreysa marka loo eego 7dii la soo dhaaf ay oo uu dalkaasi u muuqday mid guul ka ga aray xakameyn ta Fayraska.

    Dowladda dalkaasi ayaa shaacisay in 26, 366 qof oo ay ka baartay cudurka laga helay 3,194 qof, halka 1,286 dadkaasi kamid ah ay ka biskoodeen xanuunka. Tirada dadka cud urka ugu dhintay dalkaasi ayaa hadda gaar tay 22 qof.

   Jabuuti oo tirada dadkeeda lagu sheego In ay ku dhawdahay milyan qof ayaa waxa ay diiwaangelisay kiisaska ugu badan ee Bari ga Afrika.

  Jabuuti ayaa dhawaan khafiifisay xayiraad ay dalkeeda kusoo rogtay Fayraska Korona awgii,waxana khubarada caafimaadku ay sheegayaan in shacabka badankood aanay fulin taloyinka C/fimaadka ee ay ka midka yi hin gacma dhaqashada iyo kala foganshaha.

Madaxweynaha Galmudug oo lagu soo dhaweeyay Gaalkacyo

   Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa gaaray M/Gaalkac yo G/Mudug, ka dib safar dheer oo uu uga soo amba baxay M/Dhuusamareeb ee Caas imada Galmudug.

     Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa wax aa Gaalkacyo ku soo dha weyey Xildhibaano ka tirs an labada gole ee Baarl amaanka DFS, Wasiiro ka tirsan xukuumadda Ga lmudug Maamulka G/Mudug iyo kan degma da Gaalkacyo iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Gaalkacyo.

  Madaxweynaha Galmudug oo la hadlay Dadkii kasoo qeyb galay soo dhoweyntiisa ayaa u balan qaaday Bulshada ku nool M/Gaalkacyo wax badan uu Maamulkiisu dhinacyo badan Baahiyaha Aas’aasiga uu gacan ka gaysan doono,kuwaas oo ay ka mid yihiin Caafimaadka,Saldhiga Booliska oo la qalabeyn doono iyo Mashaariic kale.

Puntland oo dib u fureysa Maxkamad daha

    Waxaa Shalay shir ku wada yeeshay xa runta wasaaradda caafimaadka Puntland ma suuliyiinta wasaraadda iyo garsoorka Punt land, waxaana laga wada hadlay talaaboo yin caafimaad ee lagu yaraynayo khatarta cu durka COVID-19 si dib loogu bilaabo adeega maxkamadaha oo bulshada reer Puntland muhiimad joogto ah u leh.

    Agaasimaha Guud ee W/Caafimaadka Dr. Abdirisaaq Xirsi Xasan ayaa ugu horayn uga mahadceliyay mas uu liyiinta garsoor ka kulankan ay wa da yeelanayaan ka asi oo la doonayo in la iskula meel dhigo tala abooyinka caafimaad ee loo baahanyahay in la hirgeliyo inta aan dib loo bilaabin shaqo oyinka maxkamadaha.

     Waxaana uu faray in loo bahanyahay in maxkamadaha oo shaqadoodu socoto hada na laga hortago in xanuunka safmarka ah ee COVID-19 uu ku fido xarumaha maxkamada ha oo dad badan iskugu yimaadaan inta ba dan.

    Waxa uu soo jeediyay in loo baahanyahay in hoolka dacwadaha lagu qaadayo la xad ido dadka gelaya gudaha sidoo kalena qofk asta la hubiyo inta uusan galin xaaladiisa caafimaad sida in la ogaado qandhada iyo in uu wato Afxir (mask) iyo gacmo gashi (glo ves) si looga yareeyo khatarta xanuunka.

     Gudoomiyaha maxkamada sare Puntland Nuur Ciise Mohamed ayaa isna dhankiisa soo dhaweeyay kulankaan oo xusay in loo baahanyahay in la ogaado qaabka dib loogu bilaabi karo shaqada garsoorka iyada oo la ga fakarayo xanuunka Covid 19, waxaana uu uga mahadceliyay masuuliyiinta wasaar adda caafimaadka taladooda ayna sida ay tahay u qaadanayaan hadii Eebe Idmo.

W/w/Caafimaadka Dr Jamac Farax Xasan oo kulanka soo xiray ayaa ku amaanay sha qada ay hayaan garsoorka, waxaana uu xus ay in ka wasaaradd ahaan ay masuuliyad ka saarantahay inay la socdaan badqabka caaf imaad ee cidkasta oo meel iskugu imaanay sa si looga hubiyo inuusan fidin xanuunka COVID-19.

Wasiirkii hore ee Warfaafin ta”Doora shada oo xilligeedii lagu qabtaa waa xaq dastuuri ah”

     Wasiirkii hore ee Warfaafinta DFS Md. Daahir Maxamuud Geelle ayaa ka falceliyay hadalkii R/Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ee ahaa in doorashadda ay ku dhici doonto waqtigii loogu tala galay.

      Waxaa uu sidoo kale sheegay in doora shada in waqtigeeda in lagu qabto ay tahay xaq dastuuri ah.

     Qoraal uu soo saaray Daahir Geelle ayaa sidaan u qornaa:

     Faallo ku saabsan hadalkii ra’iiswasaara ha ee la xiriiray Doorashada:

    1. Doorashada oo xilligeedii lagu qabtaa xaq dastuuri ah waaye ee ma aha deeq uu qof bixinayo.

2.Inuu R/wasaaruhu tilmaamay saamileyda siyaasadda waa wax wanaagsan iyo garashadii oo soo noq oneysa.

    3. Ilaa hadda waxaan maqalnaa hadal ee waxaan sugeynaa fulin oo ah halka ay arrin tu u dhimaneyso.

     4.Xukuumaddu waa inay iska tirto tagta deedii xumeyd ee ku aaddaneyd dhinacyada xuquuqul insaanka iyo xorriyaadka, ayna joo jisaa wax isdaba marinta ay dhaqanka ka dhigatay tan iyo markii ay talada qabatay.

    5.Kalsoonidu kuma timaad dhihid ee wa xay ku timaadaa ku dhaqan. Waqti ayaan u baahan nahay si aan u ogaanno in wixii la sheegay iyo waxa la falay ay is leeyihiin.

   6. Xukunka oo si nabad ah lagula kala war eego, waa muuqaal ilbaxnimo oo dhowraya badqabka qofka kursiga fadhiya iyo midka u hanqal taagayaba.

XIGASHORADIORISAALA.COM

 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip