SAWIRO:Shirkada Somtel oo ka farxisay caruur Agoon iyo danyar isugu jirtay

0
Tuesday May 12, 2020 - 15:42:50 in Wararka by
  • Visits: 1093
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    SAWIRO:Shirkada Somtel oo ka farxisay caruur Agoon iyo danyar isugu jirtay

    Shirkadda Isgaarsiinta Somtel ayaa Deeq Dhar Ciid ah Gaarsiisay Caruurta Danyarta & Agoomaha Ku jira Xarunta Dr Kadare Ee Dhaqan Celinta & Daryeelka Caruurta ee kutaala magaalada Muqdisho. Somtel ayaa deeqdan dharka ah ugu tala gashay in a

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shirkadda Isgaarsiinta Somtel ayaa Deeq Dhar Ciid ah Gaarsiisay Caruurta Danyarta & Agoomaha Ku jira Xarunta Dr Kadare Ee Dhaqan Celinta & Daryeelka Caruurta ee kutaala magaalada Muqdisho. Somtel ayaa deeqdan dharka ah ugu tala gashay in ay uga farxiso caruurta agoonta iyo kuwa danta yar ee ku xareesan xarunta dhaqan celinta iyo daryeelka Caruurta ee Kadare, waxaana dharkan caruurta loogu tala galay in ay ku ciidaan. Madaxa Suuqgeynta Somtel Mudane Axmed Ciise Xaaji ayaa sheegay in shirkada Somtel isku hooshay in ay ciidsiiso caruurta agoonta iyo danta yar ee ku jirta Xarunta Dr Kadare, waxa uuna sheegay in dhar u qeybiyeen in ka badan 300-oo caruur ah. Axmed Ciise madaxa Suuqgeynta Somtel ayaa tilmaamay in shirkada Somtel u taagan tahay mar kastana diyaar u tahay in ay gacan siiso dadka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa agoonta iyo danta yar . Xaliimo Cabdulle oo ah Maamulka Xarunta Daryeelka caruurta Danyarta & Agoonta Dayacan Dr Kadare ayaa uga mahad celisay shirkada Somtel deeqdan dharka ciida ah ee ugu tala galeen caruurta xarunta ku xareesan . Shirkada Isgaarsiinta Somtel oo kamid ah shirkadaha ugu waa weyn ee dalka ayaa gacan ka geesata caawinaada dadka Soomaaliyeed, waxa ayna shirkada marar badan sidan oo kale uga farxisay caruur isugu jirta agoon iyo kuwa danyar ah.  


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip