HALKAAN KA AQRISO W.W MOGTIMES EE SAAKAY OO AH 5-4-2020

0
Sunday April 05, 2020 - 09:17:43 in Wararka by
  • Visits: 1074
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AQRISO W.W MOGTIMES EE SAAKAY OO AH 5-4-2020

    Xukuumadda oo ka tacsiyadeysay geerida ku timid halyeeygii weynaa ee Cabdulqaadir Cali Boolaay Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalx iis X/F/Soomaaliya, Maxamed Cabdi Xayir " Maareeye" ayaa ka tacsiyadeeyay geerida Alle ha u naxariiste

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xukuumadda oo ka tacsiyadeysay geerida ku timid halyeeygii weynaa ee Cabdulqaadir Cali Boolaay Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalx iis X/F/Soomaaliya, Maxamed Cabdi Xayir " Maareeye" ayaa ka tacsiyadeeyay geerida Alle ha u naxariistee marxuum Dr. Cabdu lqaadir Cali Boolaay. Sidoo kale, Wasiir Kuxigeenka Warfaafin ta XFS, Aadan Isaaq Cali ayaa ka tacsiyade eyay geeridii ku timid marxuum Cabdulqaa dir Cali Boolaay. "Alle ha u naxariisto halgamaa Dr. Cabdu lqaadir Cali Boolaay oo Shalayy ku geeriyo oday London, waxaan xanuunka iyo muruga da la qaybsanaynaa dhammaan bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan qoyska reer Cali Boolaay. Waxaan ku booqday isbitaal ku ya ala London isagoo xanuunsan, waxaa uu ila wadaagay talooyin dhaxal gal ah, talooyin u badnaa wadaniyadda." ayuu yiri Wasiir kuxi geenka Warfaafinta. Dr. Boolaay waxa uu ahaa shakhsi kaa lin muuqata ka galay warbaahinta Soomaal iya, wuxuuna wax kasoo saari jiray wargeys yadii Corriera Della Somalo, New Era, Unin one, Stella di October, Xidigta Oktoobar & "Waarimeysid" oo ka soo kala bixi jiray Ma gaalooyinka Muqdisho iyo Rotterdam. Janatul fardowsa Alle hooy alle ha uga dhigo, Aamiin Aamiin aamiin.
Dib u dhac ku yimid Imtixaanka dugsiy adda Sare iyo dhexe ee dalka

Wasaaradda Waxbarashada Xukuum adda Soomaaliya ayaa sheegtay imtixaanka shahaadiga ah ee fasalka 12aad & 8aad in uusan ku qabsoomi karin xilligii loogu talag alay taxadarka Coronavirus awgii, waqtiga rasmiga ah ee uu dhacayana dib laga soo sheegi doona.

Waxaa sidoo kale sheeg tay in Wasaaradda ay ku ho wlan tahay sidii ardayda Soomaaliyeed ay u heli lah aayeen qorshe ay kusii wadan karaan waxb arashadooda.

"Wasaaradda waxbarashada Hiddaha & Tacliinta Sare ee XFS oo tixgalineysa talooy inka caafimaad ee la xiriira ka hortagga & xakameynta cudurka dilaaga ah ee COVID-19, ayaa waxa ay ku wargalineysa ardayda Soomaaliyeed ee ku guda jira diyaargarow ga imtixaanka fasalka 12aad & 8aad in uu san ku qabsoomi karin xilligii loogu talaga lay. Waqtiga rasmiga ah ee uu dhacayo imt ixaanka dib ayaa laga soo sheegi doona. Mahadsanidiin.” ayaa lagu yiri War kasoo baxay Wasaarada.

Dowladda Soomaaliya ayaa horay u fas axday dhammaan Iskuullada iyo Jaamacad aha ku yaalla dalka si looga hortaggo Cudur ka Covid 19.

W/Haweenka iyo Horumarin ta Xuquuqda Insaanka JFS oo warsaxaafaded soo saartay

W.Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka ee DFS waxay si aad ah uga xun tahay kufsiga loo geystay 3 carruur ah oo da’doodakala tahay 3 jir iyo 4 sano jir, ku waasoo dhibka loogu geystay degmada Afg ooye ee DGK/Galbeed intii u dhaxeysay 30-ka illaa 31-ka Maarso 2020, halka gabar jirto 7 sano oo ku sugnayddee gaanka Bala nballe ee D/G/Galmudug lagula kacay fal ku fsi ah 20kii Maarso 2020. Wasaaraddu wa xay si xoog leh u cambaareyneysaa falalk aas foosha xun, ayadoo ku nuux nuuxsatay in ficilladani ay ka hor imaanayaan mabaa dii’da Islaamka, Dastuurkeenna kmg ah iyo xeerka Biri ma geydada Soomaaliyeed. Tani waxay mar kale bannaanka soo dhigeysaa u nuglaanshaha carruurta, gabdhaha iyo haw eenka ee dhibaatadaku saleysan jinsiga.

Wasiir Deqa Yaasiin waxay tiri: "Waxaan ugu baaqeynaa qof walba inuu ixtiraamo dhowr-sannaanta iyo sharafta dhibbanayaa sha iyo qoysaskooda, kana fogaado dambi la xiriira sheegitaanka magacyadooda iyo in sawirradooda lagu faafiyo meel kasta oo ay ku jiraan warba ahinta bulshada, sababtoo ah waxay wax u dhibi karaan dambi-baarista socoto iyo in mustaqbalka dacwad ciqaab eed la soo oogo, ayadoo sidoo kale sababi kara in ay ka horjoogsadaan dhibbanayaa sha inay si caadi ah oo ceeb ka madaxban naan u noolaadaan.

”DFS waxaa mar walba ka go'an ciribtirka dambiyada ciqaab la’aan ta ee xadgudubka galmada iyada oo hubin eysa in dhammaan dambiilayaasha la marsiiyo ciqaabta ay mu dan yihiin. Wasaa raddu waxay si dhow ula shaqaysaa xafiis ka Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka si caddaaladda loo horkeeno ku wii falalkaan geystay, waxayna xiriir dhow la leedahay qoysaska dhibbanayaasha si loo siiyo taa geerada ay u baahan yihiin. Wax aan ka codsaneynaa qof walba inuu kusoo wargel iyo dhammaan kiisaska xadguduby ada ee galmada ciidanka Booliiska ama Xafi iska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, ku waa soo ah halka ugu horreysa ee wax lo oga qabanayo halista isla xisaabtan la’aan ta. Wasaaradda ayaa hoosta ka xariiqaysa baahida loo qabo in si deg deg ah loo meel mariyo Hindise Sharciyeedka Dembiyada Jin sigaoo hadda horyaalla Baarlamaanka Federaalka. DHAMMAAD

Maxkamadda Ciidamada oo dil toga sho ku xukuntay Askari ka mid ahaa Ila alada Senator caan ah

Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ay aa Shalay dil toogasho ah ku xukuntay Maxamed Cabdi Nuur Geeddi oo loo yaqa ano Madax Yarey, kaasoo todobaadkii hore ku dilay Dhuusamareeb Shaafici Cabdi Xaaji Diiriye.

Maxkamadda Ciidamada ayaa si degdeg ah u bilowday dhageysiga kiiskan muddo to dobaad gudahood, kaddib markii loo soo gacan geli yay askariga dilka geys tay oo ka mid ahaa Ilaala da Senatar Ugaas Dha gey.

Sidoo kale Maxkamad da ayaa shan sano oo xa bsi ciidan ah ku ridday Maxamed C/wali Xa san Boqol oo la sheegay inuu sabab u ahaa murankii ka dhashay dilkii Marxuum Shaaf ici.

Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada 1aad ee Ciidamada Qalabka Sida Col. Xas an Nuur Shuute ayaa ku dhawaaqay xukun ka kiiskan, isaga oo ku sugan magaalada Dhuusamareeb, waxaana dhageysiga max kamadeynta sarkaalkaas aheyd mid furan oo ay goobjoog ka ahaayeen ehelada marx uumka la dilay, saraakiisha ciidamada iyo dad kale.

Dilka Shaafici Cabdi Xaaji Diiriye oo dha cay 28-kii bishii hore ee Maarso ayaa waxaa ka muragooday dadka deegaanka, waxaana uu ahaa Shaafici mid ka mid ah dhalinyar ada ugu firfircoon magaalada ee sida weyn looga yaqaan Dhuusamareeb.

Madaxweynaha Puntland oo isbedel ku sameeyay Taliyeyaasha Booliska Nugaal & Mudug

Warsaxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha Maamulka Puntland ayaa la gu sheegay in isbedel Madaxweynaha uu ku sameeyay Taliyeyaasha Booliska Gobolada Nugaal & Mudug.

Warsaxaafadeedka ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha Puntland ayaa sidan u qor naa.

Madaxweynaha Puntland Md.Siciid a Abdullaahi Deni ay aa soo saara, Xeer Madaxw eyne Lr. 25 April 4, 2020, kuna saabsan isku bedel Taliyeya asha Qaybaha Booliska G/Nu gaal iyo Mudug.

Madaxweynaha Puntland:-Markuu arkay: Dastuurka Puntland Qodobkiisa 80-aad.

Markuu arkay: Baahida loo qabo Dar-dar gel inta Amniga Qayabaha Booliska ee Gob olada Puntland.

Markuu arkay: Aqoontooda, kartidooda iyo waayo-aragnimadooda Ciidanimo.

Wuxuu xeeriyey:

Waxaa G/sare Muumin Cabdi Shire loo be delay Taliyaha Qaybta Booliska G/Mudug. Waxaa G/sare Cabdiqaadir Jamac Dirir loo bedelay Taliyaha Qaybta Booliska G/Nug aal.

Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.

Suldaanka guud ee beelaha Somaliland oo ku dhowaaqay: "Waa muqadas midnimada umadda Soomaaliyeed”

Suldaanka guud ee Beelaha Somaliland, Suldaan Maxamed Cabdiqadir oo markii u horeysay ka hadlay Wada-hadalada Soo maaliya iyo Somalil and, ayaa sheegay in midnimada umadda Soomaaliyeed ay tah ay mu qadas.

Suldaanka ayaa sheegay in marnaba ay kala maarmi karin Soomaalidu, dhibaato kas ta oo soo kala dhex-gasha, isla markaana ay waajib tahay in dib loo furo wada-hadalada DF iyo Som aliland.

Sidoo kale waxa uu suldaanku sheegay in Odayaal dhaqameedku ay leeyihiin go’aan ka masiirka bulshada, maadama ay ka talin ayaan samaha umadda, ayna waajib tahay in laga qeyb galiyo wada-hadaladaasi.

Suldaanka ayaa waxa kale oo uu fariin ad ag u diray dadka u ololeynaya kala goynta umadda, isagoona xusay inay dad wada dha shay yihiin Somaliland iyo Soomaaliya, bal se ay siyaasada isku qabteen Niman gaar ah oo bulshada reer Somaliland ka madax-banaan.

Suldaanka guud ee Beelaha Somaliland, Suldaan Maxamed Cabdiqadir oo arrintaasi ka hadlayana waxa uu yiri

"Ma xukuumada unba kali isaga dhigaysa wada-hadalada, anigu waxaan qabaa in wixii siyaasada ay ka hadli karaan odayaasha dhaqanku”.

"Anigu waxaan leeyahay Salaadiinta yaan laga tagin ee wada-hadalada Soomaaliya iyo Somaliland halagu soo daro, cidna naga ma mamnuuci karto wada-hadalada, waxaa na ka codsaneyna xukuumada inay nagu soo daraan wada-hadalada labada dhinac”.

"Umadda Soomaaliyeed ma kala maarm eyso meelkasta oo ay kala joogaan, dhibaa to kastoo ku kala dhex timaada, waxaana diyaar u nahay inaan si fiican uga qeyb qaad ano wada-hadalada Soomaaliya iyo Somali land”.

Wuxuuna intaas kusii daray Suldaanku "Dadka madax-dhaqameedka ayaa xukuma oo ay u dhago nugul-yihiin, markaa madax dhaqameedka haddii loo dhago nugulyahay waxay soo dhaweeyaan wax wada qabsiga umadda markii horeba Soomaaliya isku aheyd”.

"Shalay ninka yidhi waan ka maarmay be en buu sheegaya oo Soomaali ma kala ma aranto, markaa waxan leeyahay wada-hada lada Soomaaliya iyo Somaliland waa muqa das aan la dafiri karin”.

Xukuumada Somaliland oo daba socota hadalka Suldaanka ayaa Dorraad sheegtay inay ‘tallaabo sharci ah’ ka qaadeyso Sulda anka guud ee Somaliland iyo Odayaal dhaq ameed kale oo ka hadlay wada-hadalada Soomaaliya iyo Somaliland. Waxayna xukuu mada Muuse Biixi la xirii reysay baaqyada Odayaashaasi dhaqanka qorshe ay sheeg tay inay dabada ka riixeyso DFS.

xigasho:caasimadda.net

Howlgal ka socda Magaalada Jowhar & dad lagu qabtey

Ciidamada Booliska Maamulka Hir-Shab eelle ee M/jowhar ayaa xalay ilaa saakey wa xaa ay gudaha degmadaasi ka wadaan how lgallo baartaano ah,kadib markii xalay halka asi uu ka dhacay qarax geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.

Qaraxa oo ahaa miinada nooca dhulka la gu Aaso ayaa waxaa ku dhintey hal ruux,wa xaana ku dhaa wacmey Shan ruux oo uu ka mid yahay Xildhi baan ka tirsan Baarlamaan ka Hir-Shabeelle oo lagu Magacaabo Saka riye Muumin Hilowle.

Ciidamada ayaa waxaa la sheegay inay howlgalkooda ku baadi goobayeen dadkii ka dambeeyey qaraxaas,isla markaana miinada ku Aasay goob xilliyada qaar ay isugu imaan jireen dad isugu jira Shacab iyo Madax inta ba.

Ciidamada ayaa waxaa Goobjoogayaal sheegeen inay howlgalka ka sameeyeen ag agaarka Xaafadaha ku dhow dhow halka qar axa uu ka dhacay oo ah inta u dhaxeysa gar oonka kubadda cagta jowhar ee Shoongale iyo Boosteejada laga raaco gawaarida soo aada M/Muqdisho,isla markaana lagu qabq abtey dad farabadan.

Wararkii ugu dambeeyey ee naga soo ga araya M/Jowhar ayaa waxaa ay sheegayaan in xaaladu ay tahay mid degan,isla markaa na dadka howlgalka lagu qabqabtey la geey ey Saldhiga Booliska Magaalada Jowhar.

Madaxweyne Qoor Qoor ” Waxaan farayaa laamaha amniga in ay xiraan Xuduudaha Galmudug”

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa dhammaan ugu ba aqay bulshadda degaanada maamulka Gal mudug in ay muujiyaan feejignaan dheeri ah oo ku saabsan ka hortagga Cudurka Corona Virus.

Waxaa uu sheegay in dhammaan Bulsha da degaanada Galmudug uu ugu baaqayo in ay yareynyaan Kulamada ay isku imaanaya an,maadaama Cudurka Corona Vuris uu dalka dhibaato ku haayo.

Waxaa uu ka dalbaday Shaqaalaha Caaf imaadka Galmudug in ay galaan heegan bu uxa, islamarkaana ay ka shaqeyn doonaan sidii loo yareyn lahaa waxyeeladda Cudurka.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmu dug ayaa ugu dambeyntii amar ku bixiyay in la xiro Xuduudaha Galmudug si looga hort ago Cudurka Corona Virus.

”Waxaan farayaa laammaha amniga in ay xiraan Xuduudaha Galmudug ay la wad aagto itoobiya,waxaan joojinay jaadka mana aqbaleyno in hubinta caafimaadka la sahla do ” ayuu yiri Madaxweyne Qoor Qoor.

Puntland oo markale fagaare ku gubtey Jaad farabadan

Taliska Qeybta Booliska G/Bari ee Maa mulka Puntland ayaa Goob Fagaare ah wax aa ay ku gubeen Qaad(Jaad) si Qarsoodi ah loo gelin lahaa Lahaa M/Boosaaso.

Taliyaha G/Bari G/sare Xuseen Cali Maxa muud ayaa sheegay in si walba oo loo soo qariyo Qaadka ay Ciidamadu Soo qaban doonaan lana Gubi doono.

Taliye Xuseen ayaa u mahad celiyay Ciida mada Booliska Ee ku sugan Kantaroolka Bo osaaso Ee soo qabtay jaadka,xili si qarsoodi ah loo soo gelin lahaa Gudaha Magalada Boosaaso. Ugu dambeyn waxaa uu digniin u direy Taliyaha dadka Ganacsatada ah ee ku dhiirnaya inay si qarsoodi ah jaadka ku soo gelinayaan M/Boosaso,isagoo sheegay inay tallaabo ka qaad doonaan.

Madaxweynaha Jubbaland oo amray in la joojiyo dagaalka Duleedka Kismayo

Madaxweynaha maamulka Jubbaland Ax med Maxamed Islaam Madoobe ayaa amray in si deg deg ah loo xoojiyo dagaal beel eedka duleed ka M/Kismaa yo oo dad ba dan ay ku dhi nteen.

Waxaa uu sidoo kale she egay Madaxweynaha Jubb aland ay jiraan gacmo ka baxsan maamulka Jubbaland oo dhibaato ku haya dadka de gaankaasi, isla markaana ay tilaabo ka qaadi doonaan.

Madaxweynaha ayaa xusay in maamulka Jubbaland ay Ciidamo kala dhex dhigi doon aan beelaha ku dagaallamaya duleedka Kis maayo.


Milkiilaha idaacadda ugu afka dheer Muqdisho oo si kulul ugu jawaabay Hay’adda sirdoonka NISA

Milkiilaha idaacadda ugu afka dheer Mu qdisho ayaa markii ugu horeysay jawaab ku lul ka bixiyay khilaaf soo kala dhex galay Tali ska hay’adda sirdoonka NISA iyo weriye ka tirsan idaacadda VOA-da laanteeda afka Soomaaliga.

Abwaan Cusmaan Cabdullaahi Guure oo ah milkiilaha Ra dio Kulmiye oo ka howlgasha M/ Muqdi sho ayaa markii ugu horeys ay si cad u she egay in khila afka u dhaxeeya Hay’ adda NISA iyo weriye Haaruun Macruuf uu yahay arag afkana xiro isla mark aana ujeedada ay tahay in lagu cabsi geliyo warbaahinta ka howlgasha dalka gudihiisa.

"Hanjabaadda NISA ee weriye Haaruun Macruun waa farriin lagu cabsi gelinayo war baahinta gudaha si ay afka uga xirto” ayuu yiri Abwaan Guure oo sheegay in war lagu qoray Twitter-ka NISA aanu ahayn mid lagu jaan gooyo cadaaladda dalka.

Abwaan Guure ayaa sheegay in hay’adda NISA ay ka mid yihiin madax si fiican u gara naya warbaahinta xorta ah iyo xorriyadda ha dalka, sidaasi daraadeedna aanay qofka saxafiga ah ka hor istaagi karin inuu guto wa ajibaadkiisa.

Hadalka milkiilaha Radio Kulmiye oo ka mid ah idaacadaha faraha badan ee mowjad da FM-ta ka soo gala oo xaruntoodu tahay Muqdisho ayaa ku soo beegmaya xilli Hay’a dda NISA si weyn uga carootay baaritaanno weriye Haaruun Macruuf ku sameynayay qa raxyada ka dhaca Soomaaliya iyo halka laga soo abaabulo.

Shacabka Muqdisho oo inta badan ka mid ah dhageystayaasha idaacadda Radio Kulmi ye ayaa ku xiran barnaamijyada kala duwan ee ka baxa mudada ay hawada ku jirto, gaar ahaan barmaajka KALAMAAN ee ay tebiya an weriyeyaal, abwaano iyo majaajiliistayaal caan ah, kaasi oo noqday kan soo jiitay dare enka iyo xiisaha dhageystayaasha ugu bad an.

Madaxda sare ee hay’adda sirdoonka NISA ayaa lagu dhaliilay qaabka ay uga fal celisay baaritaanka weriye Haaruun Macruuf ee ku saabsan mid ka mid ah dhacdooyinka ugu xasaasisan ee dalka Soomaaliya lana xariira dhinaca ammaanka sida baaritaana da falalka lagu dhaawacayo xasiloonida da lka oo ay ugu horeeyaan qaraxyada iyo dilal ka lagu khaarajinayo dadka indhaha u ah bul shada Soomaaliyeed

XIGASHO:SOMALIWEYN.COM

QM oo xaqiijisay in ruux la shaqeeyna ayay laga helay Cudurka Corona Virus

Xafiiska Qaramada Midoobey ee Soom aaliya ayaa xaqiijiyay Shalay in shaqaale ca alami ah oo ka shaqeeya shirkad gaar loo leeyahay oo qandaraas ku leh Q/Midoobay laga helay cudurka coronavirus (COVID-19). Ruuxa ayaa ka howlgallaayay Shirkad ga ar ah loo leeyahay oo Qandaas kula jirta Q/Midoobey, islamarkaana ka howlgasha Garoonka Aadan Cadde.

Q/Midoobey waxa ay sheegtay inay ku wa rgalisay Wasaaradda Caafimaadka XFS xilli hore oo Shalay ah.

Wasaaradda Caafimaadka Somaliya ay aa Dorraad sheegtay inay soo kordheen 2 kiis oo Covid-19 ah, mid waa muwaadin Soom aali ah, midna waa Ajnabi.

Tirada guud ee dadka qaba Coronavirus ee Soomaaliya waa 7 ruux, tirada bogsatay waa hal ruux kaliya, majirto dhimasho illaa hadda la diiwaangeliyay oo Covid-19 guda ha Somaliya.

Madaxweyne Trump: Muhiim uma arko in maaskaro wajiga lagu xirto.

Madaxweynaha dalka mareykanka Don ald Trump, ayaa shaaciyey inuusan xiran do onin waxyaaba afka iyo sanka lagu xirto ee dadka ka caawiya ineysan qaadin Fayraska corona, iyaddo cudurka Covid-19, uu si dar an u saam eeyey wad danka mareykanka sido kale bahda caafi maadku ay ku taliyeen in la xirto af-duubka ga canta ka gaysta inuus an faafin cudurkan.

Donald Trump, ayaa intaasi ku daray in ta ladda xarunta ka hortaga cuduradda ee CDC, aysan qasab ku noqonayn inuu raaco balse waxaa uu soo jeediyey inay quman ta hay inuu xirto maaskaro waqtiyada uu qaa billayo madaxda kale.

Tiradda dadka cudurka Covid-19 ugu dhin tay waddanka Mareykanka ayaa maalin kali ya gaartay 1300, taas oo ka dhigeysa tiraddii dhimasho ee ugu badnayd ee muddo 24 saa cadood ah dunida laga diiwaan geliyo.

Faah faahin ka soo baxaya duqeyn ka dhacday Gobolka Baay

Faah faahin ayaa ka soo baxaya duqeyn ka dhacday Gobolka Baay, kaasoo ay fuli say diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee Mareykanka.

War ka soo baxay Wasaaradda Warfaa funta ayaa lagu sheegay in duqeyntan ay is ka kaashadeen Howlgalka Mareykanka ee Qaarada Afrika AFRICOM iyo Ciidanka xoogga dalka.

Duqeyntan ayaa la sheegay in lagu dilay shan xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab, wax aana ay ka dhacday deegaanka Xabaal Ba rbaar ee Gobolka Baay.

Mareykanka ayaa kordhiyay duqeymaha uu ka fuliyo Soomaaliya, waxaana dhowaan jirtay warbixin ka soo baxday Hey’addaha Xuquuqda Aadanaha oo sheegeysa in du qeymo dhacay horaantii bishii Febraayo lagu dilay dad rayid ah.

Maxaa sababey in dalka Soomaaliya weli laga cunayo maandooriyaha Qaadka?

Ka dib markii xayiraad lagu soo rogey kee nista Qaadka Soomaaliya ayaa waxaa soo if-baxaya in mandooriyahaan si joogto ah uga soo galo xuduudaha Badda iyo dhulka dalalka Kenya iyo Itoobiya uu la wadaago da lkaan ku yaal geeska Afrika.

Dowlada Federaalka oo horey u joojisay duulimaadyadii Qaadka ee ka imaan jirey Na yrobi ayaa sida xo go lagu kalsoon yahay u sheege en warbaahinta, ayaa nooca Jaad ka loo yaqaan Mii rowga M/Muq disho kaga yimaadaa dhinaca Badda iyadoo M/Marka tahay halka uu ka soo dago.

Sida xogtaan sheegeyso waxaa sidoo kale baraha kontroolada soo dhaafiya oo soo galiya M/Muqdisho qaar ka tirsan ciidam ada DFS ee ku sugan aagaga G/Sh/Hoose.

Dhinaca kale dalka Itoobiya oo xuduud dheer la leh dalka Soomaaliya gaar maamu lada Jubaland, Puntland iyo Somaliland ay aa waxaa ku adkaatey in hay’adahooda amn iga ka joojiyaan in Qaadku soo gaaro guda ha magaalooyinka Hargeysa iyo Garowe.

Maamulka Puntland oo amar ku soo saar ey in la joojiyo Qaadka guud ahaan ayaa si da wararka aan heleyno xaqiiinayaan in uu weli ka soo galo gobolada xuduudka la leh dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya sida ‘Mudug, Cayn iyo Sool”.

Inkastoo saraakiisha hay’daha amniga magaalooyinka Galkacayo, Garowe iyo Bos aso maalmihii la soo dhaafey saxaafada u soo bandhigeen gubista Qaadka qarsoodi ahaanta ku soo galay Puntland ayaa hadana waxaa jira sida GO fahansan yahay in ciida mada dowlada ay ka caga-jiidayaan iney si rasmi ah u fuliyaan awaamiirta iney dadka ku dhex iibinaya mandooriyahaan magaalo oyinka waaweyn dhexdooda gaar ahaan caa simada MGPL ee Garowe talaabo ka qaa daan.

Somaliland oo xuduud dhow la leh dalka It oobiya ayaa sidoo kale M/Hargeysa waxaa si aan qarsoodi aheyn suuqayadeeda loogu iibiyaa Jaadka nooca loo yaqaan Harari-ga.

Cudurka Coronavirus ama COVID19 ayaa waxaa lagu kala qaadaa qaabab ay kamid ta hay taabshada, Cudurka Coronavirus ama COVID19 ayaa waxaa lagu kala qaadaa tab shada taas oo ah mid dadka iyo alaabta ah, iyadoo Viruska faafiya xanuunkaan ku noola ado meelaha qaarkood muddo gaareysa 1-5 cisho.

Qaadka oo ay soo guraan dad beeraley ah islamarkaana soo mara ganacsatada iibg eysa ayaa waxaa lagu soo ridaa Jawaano soo mara gacmo farabadan oo kala duwan kaas oo marka ugu dambeysa ku dhamaada af-ka qofka cunaya maandoorayaan. Sida wacyi galinta ay fasaxdey hay’ada caafim aadka adduunka "WHO” lagu sheegey, qof ka waxaa laga dalbanayaa in gacmihiisa sha mbo ama saabuun ku dhaqo 30-kii daqiiqa ba mar, halka bacaha iyo alaabta kale ee la gu soo iibsadey yihiin faafiyaasha

Kowaad ee fayruskaan.


Ku dhawaad 40 ruux Somali oo Covid-19 ugu geeriyootay Yurub

Xanuunka COVID-19 ee uu dhaliyo Cor onavirus ayaa faro ba’an ku haya qaar ka tirsan Soomaalida qurbaha, gaar ahaan kuwa ku nool Yurub, oo aad cudurka uu u d

Ilayo.

Dalalka Sweden iyo Britain oo kaliya wax aa xanuunkan ugu ge eriyooday dad 40 qof ku dhow oo Soomaali ah iyada oo ay tobannaan kalena la jiifaan.

Sababta ugu weyn ee kiisaskan cudurkan ku badiyey ayaa lagu sheegay in inta badan ay Soomaalida wada degan yihiin ama ay isugu tegaan xaafadaha.

Arrintan ayaa waxaa hadda ku baraarug ay dowlado ay ka mid tahay dowladda Swed en oo billowday barnaamijyo si toos ah loo gu wacyigelinayo Soomaalida halista faafit aanka cudurkan.

Dadka ugu badan ee Somalida ayaa wax a ay ku dhinteen dalka UK, iyadoo ay jiraan Boqolaal kale oo wali la liita xanuunkaan.

UK Somalida ku dhimatay ayaa waxaa wal aac laga muujinayaa sidii loo duugi lahaa, iyadoo la arkaayay muuqaalo Baraha Bulsha da la soo galiyay oo muujinaya maydadka dad Somaliyed oo Masaajid lagu xareeyay.

Spain oo noqday dalka 2aad ee ugu dhi mashada badan Cudurka Corona virus

Dalka Spain ayaa noqday dalka 2aad ee ugu dhimashada badan cudurka Coronav irus, iyadoo uu gaaray in ka badan 10 kun oo qof oo u geeriyooday cudurkaas.

Saraakiisha Caafimaadka ayaa xaqiijiyay in tirada dadka uu haleelay cudurkan uu ga aray 117,710, waana dalka labaad ee ugu badan ee cudurkan si weyn u saameeyay, Mareykanka ayaa ka horreeyay oo 7 jeer ka badan.

Tirada dhimashada dalka Spain ayaa gaa rtay 10,935, waxaa ka horreeya oo kaliya dal ka Talyaaniga oo gaartay 13,915.

Dhimashadii ugu badneyd ayaa dhacday maalin kaliya, markii la xaqiijiyay geerida 950 qof hal maalin ah.

Somaliland oo sheegtay in 3Magaalo dad ku sugan laga baarayo Corona Virus

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dha qanka iyo Wacyigelinta Somaliland Md. Sale ebaan Yuusuf Cali Koore, ayaa sheegay in xanuunka COVID-19 uu soo gaaray Somaliland, sidaa darteed waxa uu bu lshada u soo jeediy ey inay qaataan fariimaha guddiga heer qaran ee ka hortaga xanuunka COVID19.

Wasiir Saleebaan Yuusuf Cali Koore ay aa xusay in cudurku oo soo gaaray magaalo oyinka Hargeysa, Burco iyo Berbera, waxa na uu yidhi "haatan Xanuunku Hargeysa , Burco iyo Berbera wuu jooga ee is ilaaliya oo salaanta, isku soo dhawaashaha iyo gac an qaadka joojiya, qof ayaa dilli kara boqol qof isaga oo aan ogayn ama aan masuuliy ad iska saarin marka aynu qaadno tallada dhakhaatiirta”

Wasiirka W/W/Dhaqanka iyo Wacyigeli nta Somaliland Md Koore waxa uu intaasi ku daray "Dad ayaa tijaabadooda la wadaa way na badan tahay, 2dii qof ee hore waynu xa qiijinay inuu hayo, bahalkii (Corona) wuxuu inala jooga degelka ee yaynaan is diidsiin..”

Ugu danbayn Wasiir Koorre waxa uu bu lshada u soo jeediyey inay qaataan farriima ha guddiga heer qaran ee ka hortaga xan uunka COVID19.

Wasiirka Warfaafinta ayaa ka mid ah gud diga ka u diyaar-garowga ka hor-tagga Coronavirus ee Somaliland.

Tirada dadka u dhintay Coronavirus Taly aaniga oo gaartay 15,362, oo qof

Dowladda Talyaaniga ayaa xaqiijisay in uu sare u kacay dadka u dhintay cudurka Corona Virus. 24 kii saac ee lasoo dhaafay waxaa dhintay in ka badan 681.

Tiradda guud dadka u dhintay Cudurka ayaa gaartay 15,362, oo qof. Tirada dhima shada ee Yurub ayaa gaartay ilaa 40,000, hal ka Maraykanka gudah eeda tirada dhimashadu ay gaartay in kaba dan 7,000, taas oo tirada dhimashada addu unka oo dhan ka dhigaysa in ka badan 58, 000, sida lagu sheegay xogta ay soo aruur isay jaamacadda Johns Hopkins.

Adduunka oo dhan, tirada kiisaska ayaa ku dhow 1.1 milyan, iyadoo tirada soo-kaba shada ay ku dhowdahay 226,000.

Kuwait oo xaqiijisay dhimashadii ugu horeysay ee Corono Virus

Dowladda Kuwait ayaa shaacisay geeri da hal bukaanoo qabay cudurka ‘coronav irus’, waana tii ugu horreysay ee nooceeda oo kale ah oo laga soo wariyo dalka.

Wasaaradda caafimaadka ayaa warbix in ay soo ku sheegtay in qofka uu yahay 78 jir ka yimid Yurub. Sababta geeridu waxay ahayd wadne qabad,uu sababay COVID-19.

Tiradda dadka uu soo ritay Cudurka Coro na Virus ee dalka Kuwait ayaa korortay 24-kii saac ee lasoo dhaafay waxaan ay gaa rtay 479.

Tirada dhimashada ee Yurub ayaa gaar tay ilaa 40,000, halka Maraykanka gudahee da tirada dhimashadu ay gaartay in kabadan 7,000, taas oo tirada dhimashada adduunka oo dhan ka dhigaysa in ka badan 58,000, sida lagu sheegay xogta ay soo aruurisay jaamacadda Johns Hopkins. Adduunka oo dhan, tirada kiisaska ayaa ku dhow 1.1 milyan, iyadoo tirada soo-kaba shada ay ku dhowdahay 226,000.

Qoys Soomaaliyeed oo ka qeybgeli waay ay aaska wiilkooda oo Corona u dhintay

Qoyska wiil Soomaali ah oo u dhintay xa nuunka Coronavirus ayaa ka qeybgeli waa yay aaskiisa oo lagu qabtay magaalada Lon don kadib markii laba ka mid ah walaaladii la gu arkay calaamadaha corono taasoo sabab tay in la karantiilo, sida uu sheegay afhaye en u hadlay qoyska.

Ismaaciil Maxamed oo 13 jir ahaa ayaa Isniintii ku dhintay isbitaalka King's College ee magaalada London.

Jimcihii ayaa la aasay balse hooyadii iyo lix walaaladii ah ayaa ku jira karantiil umana suraglin inay aaskiisa ka qeybqaataan.

Qof u hadlay qoyska ayaa sheegay in 'ay aad uga murugoodeen" inaysan ka qeybg elin aaska wiilkooda balse waxaa la sheegay in loo diyaariyay qaab muuqaal ah inay toos uga daawadaan aaska internet-ka iyagoo gurigooda jooga.

Salaada janaasada ayaa lagu tukaday iyadoo ay dadka kala fogyihiin si cudurkan u usan u faafin Marxuumkan da'da yar waxaa la aaminsan yahay inuu noqday qofkii ugu da'da yaraa ee coronavirus ugu dhintay gudaha UK.

Afhayeen u hadlay isbitaalka ayaa shee gay in dhimashada wiilkan yar loo sababe eyay saameynta xanuunka corona, laakiin wax faah-faahin dheeri ah ma uusan bixinin.

Qoyska Ismaaciil oo bayaan ay soo saareen uu shaaciyay qof saaxiib la ah ayaa sheegay "inay musiibo weyn ku tahay" geeridiisa.

Waxaa la aaminsan yahay in Ismaaciil uu u dhintay xanuunka Coronavirus

Waxay intaas ku dareen inuusan horay u qabin cudurro muuqday oo dhibaato ku ahaa caafimaadkiisa, wixii ka horreeyay isbuucii hore oo laga helay Covid-19.

Qoyskiisa waxay ku sheegeen inuu haa ''wiil naxariis badan misana lahaa dhoolacad deyn diiran" Waxay dadweynaha ugu baaq een inay dhageystaan talooyinka dowladda sida kala fogaanshaha bulshada.

In ka badan £67,000 ayaa qoyskan loogu uruuriyay bogga GoFundMe oo uu furay Mark Stephenson oo ah afhayen u hadlay qoyskan


 


C/KARIIN GUULEED OO KA DIGAY IN CUDURKA CORONAVIRUS MARMARSIIYO LOOGA DHIGTO DIB U DHACA DOORASHOOYINKA


Madaxweynihii hore ee Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed oo ka mid ah Musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha Soomaaliya ee doorashada 2021 ayaa war saxaafadeed ka soo saaray xaalada doorashooyinka Qaranka iyo cudurka adduunka oo dhan dhibaatada ku haya ee Coronavirus.

War saxaafadeedka uu soo saaray Madaxweyne Guuleed ayuu ugu horeyn kaga hadlay cudurka Coronavirus iyo culeyska uu ku haayo nolosha dadka iyo dhaqaalaha caalamka, waxaana uu ku baaqay in cudurkaas ay dadka Soomaaliyeed, shacab iyo dowlad, mucaarad iyo muxaafad ay si midnimo leh uga hortagaan.

Sidoo kale waxaa uu ka digay in cudurkaas aan marmarsiiyo looga dhiganin qabsoomid la’aan doorashooyinka qaranka, isagoo ugu baaqay dowladda iyo Guddiga qaran ee doorashooyinka in doorashooyinka lagu qabto waqtigooda oo aysan marnaba cidi ku fekirin dib u dhis iyo muddo kororsi, taasoo uu xusay inay dalka gelin karto dib u dhac iyo qalalaase siyaasadeed iyo mid amni.

Halkan hoose ka akhriso war saxaafadeedka:-

Ayadoo uu aduunku si ba’an ugu sii faafayo Cudurka Coronavirus "Covid 19”, dhibaato culusna uu ku hayo noloshii aadanaha iyo dhaqaalahii caalamka intaba, ayaa waxaa muuqata in dalkeena oo markii horaba la daalaa dhacayey duruufahiisa gaarka ah uu halis ugu jiro – Allaha naga badbaadiye – inuu halakeeyo cudurkaas khatarta ah oo dhibaato daran ku haya dowladahii waaweyna ee horumarka ka gaaray xagga caafimaadka iyo dhaqaalaba.

Haddaba waxaa nala gudboon haddii aynu nahay shacab iyo dowlad, muxaafad iyo mucaarid, dowlad dhexe iyo dowlad gobaleedyaba inaan muujino MIDNIMO QARAN, meelna oga soo wada jeesano ka hortagga, la tacaalidda iyo ka samata bixinta bulshadeena cudurkaas halista ah ee COVID19, anagoo meel iska dhigeyna waxii kala aragti duwanaasho ah ee noo dhaxeysay, ilaa inta aynu dadkeena iyo dalkeena ka samato bixineyno khatarta weyn ee ku soo fool leh ee uu wato cudurkaas.

Sidaa daraadeed waxaan si mas’uuliyad ay ku dheehan tahay u soo jeedin lahaa talooyin kaan soo socda:

1. Waxaa dowladda dhexe laga doonayaa inay qaadato mas’uuliyadeeda ku aadan ka hortagga iyo la dagaalanka curdurkaas, anigoo dowladda ku amaanaya tilaabooyinka ay ilaa hadda qaadayna, haddana waxaad mooda inuu wali jiro gaabis la xiriira qaadashada tilaabooyinkii lagama maarmaanka u ahaa la tacaalidda iyo ka hortagga cudurka, kuwaas oo ay ugu muhiimsan yihiin:

A. Dhismaha guddi qaran oo ka kooban madaxda sare ee dowladda dhexe, madaxda dowlad gobaleedyada, madaxda kala duwan ee mucaaradka iyo madaxda qeybaha bulshada, si loo muujiyo MIDNIMO QARAN, abaabul iyo in meel looga soo wada jeesto halista cudurka, la tacaalidiisa iyo xakameyntiisa.

B. Billaabidda olole heer qaran ah oo tabarucaad loogu ururinayo la dagaalanka cudurka COVID19, si loo helo qalabkii iyo adeegyadii lagama maarmaanka u ahaa ka hortagga, la tacaalidda iyo xakameynta cudurka.

C. Qaadashada go’aano adag oo la xiriira xakameyta faafista cudur ee bulshada dhexdeeda, sida hakinta isku socodka bulshada, xakameynta shirarka iyo isku imaatinka waaweyn iyo waxii tilaabooyin ah ee hadba la jaanqaadaya marxalad kasta.

D. Joojinta gabi ahaanba canshuuraha la saaro mushaaraadka, macaashu macaashka iyo badeecadaha aasaasiga u ah nolasha dadweynaha, sida cunooyinka, daawooyinka iyo qalabka caafimaad, mudada lagu jiro la dagaalanka cudurka COVID19, si dadweynaha Soomaaliyeed ay sicir jaban oo macquul ah ugu helaan badeecadahaas taabanaya nolashooda.

E. Ku wacyigalinta bulshada halista cudurka iyo sida sahlan ee uu u faafo loona kala qaado.

2. Waxaan madaxda dowlad gobaleedyada dalka ugu baaqayaa in ayagoo eegaya ahmiyadda la dagaalanka cudurkaan halista ah ay si dhow uga wada shaqeeyaan ayaga iyo dowladda dhexe la tacaalidda halista cudurka COVID19.

3. Waxaan siyaasiyiinta, aqoonyahanka iyo waxgaradka kale ee Soomaaliyeedba ku boorinayaa in ay qeyb mug leh ka qaataan ololaha qaran ee la dagaalanka, xakameynta iyo la tacaalidda halista cudurka COVID19.

4. Waxaan dhaqaatiirta iyo culuma’udiinka Soomaaliyeed u soo jeedinayaa inay kaalin lixaad leh ka qaatan wacyigalinta bulshada, ayadoo la adeegsanayo hal ku dhaggii caafimaad ee ahaa "ka hortagga ayaa ka wanaagsan daaweynta”.

5. Waxaan ganacsatada iyo dadka Soomaaliyeed ee uu Ilaahay hantida siiyey ku guubaabinayaa in ay kaalin weyn oo wax ku ool ah ka qaataan samata bixinta shacabkooda iyo umaddooda, ayagoo ku deeqaya tabarucaad muuqda, qiimaha badeecadahana hoos u dhigaya, waana inay ka fogaadaan kana taxadaraan in ay uga faa’ideystaan Shacabkooda dhibaateysan duruufaha adag ee ay wajahayaan.

6. Waxaan dhammaan shacabka Soomaaliyeed ugu baaqayaa in ay si dhab ah u qaatan halista iyo khatarta cudurkaas halakeeyay dhammaan dunida, galaaftayna ilaa hadda nolosha in ku dhow 50 kun oo qof, xanuunkiisana ilaa hadda la daala dhacayaan in ka badan hal milyan oo qof.

Shacabka Soomaaliyeed waxaa si gaar ah looga doonayaa inay u dhaga-nuglaadaan, Amarada dowladda iyo Talooyinka hay’adaha caafimaadka ee ku aadan cudurkan.

7. Waxaan jaaliyadaha Soomaaliyeed ee dibadaha ku nool ee aynu ogsoonahay in dad badan uu cudurku nooga laayey usoo jeedinayaa kuna adkeynayaa in ay qaataan talooyinka, raacaana tilaabooyinka ay qaateen dowladaha ay ku nool yihiin.

8. Ayadoo laga ambaqaadayo oraahdii taariikhiga aheyd ee ” GACANNA WAA KU DAGAALAMEYNAA GACANTA KALANA WAA KU CODEYNAYNAA” ee uu yiri – Allaha u naxariiste – Marxuum Cabdirashiid Cali Sharmaarke sanadkii 1964tii, xilli dalku uu wajahayey xaalad adag oo dagaal iyo mid doorashooyin qaran, waxaan soo jeedinayaa arrimaha soo socda:

A. In aan gabi ahaanba la joojin howlaha kale ee halbowlaha u ah dowladnimada iyo qarannimada, si xikmadeysan ay u socdaa loona wado, ayadoo la adeegsanayo adeegyada kala duwan ee tiknoolajiyada casriga ah ee lagu kulmi karo laguna wada shaqeyn karo ayadoon meel qura la wada joogin.

B. In laga foojignaado khatarta dhagar qabayaalka Al-shabaab iyo kooxaha burcadda abaabulan ah, ee laga yaabo in ay ka faa’ideystaan xilli ay bulshada dhamaanteed ku sii jeedo lana daalaa dhaceyso la dagaalanka cudurka, sidaa daraadeed waa inay jirtaa foojignaan amni ee guud, si gaar ahna xil la iskaga saaro ilaalinta suuqyada iyo goobaha muhiimka u ah bulshada iyo dowladnimada.

C. In dowlad iyo mucaaradba laga fogaado in la siyaasadeeyo cudurka, ayadoo looga golleeyahay gaarista ujeedooyin siyaasadeed oo gaar ah.

D. In aan cudurka loo adeegsan marmarsiyana looga dhiganin qabsoomid la’aan doorashooyinka qaranka, waxaana dowladda, guddiga qaran ee doorashooyinka iyo ciddii kale ay khuseysaba ugu baaqeynaa kuna adkeynaynaa in doorashooyinkaas lagu qabto waqtigooda, aysanna marnaba cidi ku fekarin dib u dhigis iyo muddo kororsi, taas oo wadanka gelin karta dib u dhac, qalalaase siyaasadeed iyo mid amni intaba.

9. Waxaan Beesha Caalamka guud ahaan, gaar ahaan dalalka aynu saaxiibada nahay ugu baaqayaa in ay ka gacansiiyaan dowladda soomaaliya ka hortagga iyo la dagaalanka halista cudurka COVID19, si hagar la’aan ahna ugu soo gurmadaan shacabka Soomaaliyeed ee wajahaya marxad adag oo uusan dhaqaale ahaan iyo adeeg ahaanba kaligiis wajihi karin.

Gabagabadii waxaan Allaah ka rajeynayaa in uu naga badbaadiyo khatarta iyo dhibaatooyinka cudurka, nooguna deeqo quluub isku duubni awood noo siisa ka gudbidda marxaladaan adag ee inagu soo foolka leh. Guul, Midnimo iyo Wadajir.

C/kariin Xuseen Guuleed Madaxweynahii hore ee Galmudug

Galmudug.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip