Bangiga horumarinta Afrika oo Soomaaliya ka cafiyey deymihii uu ku lahaa

0
Wednesday March 25, 2020 - 07:53:25 in Wararka by
  • Visits: 271
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Bangiga horumarinta Afrika oo Soomaaliya ka cafiyey deymihii uu ku lahaa

    Wasiirka maaliyadda xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaalle Beyle ayaa sheegay in Bankiga horumarinta Afrika uu Soomaaliya ka cafiyey deyntii uu ku lahaa, kadib dadaal dheer oo ay bixisay dowladda Soomaaliya. "Waxaan aad ugu fa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka maaliyadda xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaalle Beyle ayaa sheegay in Bankiga horumarinta Afrika uu Soomaaliya ka cafiyey deyntii uu ku lahaa, kadib dadaal dheer oo ay bixisay dowladda Soomaaliya. "Waxaan aad ugu faraxsanahay oo aan umadda Soomaaliyeed ugu hambalyeeynayaa dadaal dheer kadib in Bangiga horumarinta Afika uu cafiyay deyntii Soomaaliya uu kulahaa, sida ka muuqata Warbixinta uu soo saaray ee AFDB waxa ay muujineysaa in Soomaaliya isbadalka muuqda ay ka sameysay hagaajinta hanaanka dhaqaaleheeda" ayuu yiri wasiir Beyle.

            Wasiirka maaliyadda xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa sidoo kale sheegay inay dadaal ugu jiraan sidii dhamaan dalka looga cafin lahaa deymaha ay ku leeyihiin dalal badan iyo hey’ado caalami ah.

                    "Dowladda oo kaashaneysa shacabka Soomaaliyeed waxaa ka go’an in ay sii wado dadaalka isbadal ee dhaqaalaha dalka. Waxaan u mahad celinayaa saaxibadeena caalamka, si gaar ah Ingiriiska iyo Midowga Yurub oo garab buuxa nagu siiyey in deyntaan uu naga cafiyo Bangiga horumarinta Afika” ayuu yiri wasiir maaliyadda Cabdiraxmaan Beyle.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip