HALKAAN KA AKHRISO W.W MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER 17-MAARSO-2020

0
Tuesday March 17, 2020 - 08:58:59 in Wararka by
  • Visits: 1189
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO W.W MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER 17-MAARSO-2020

    Madaxweyne Farmaajo oo war ka soo saaray caabuqa Coronavirus Madaxweynaha JF/Soomaaliya Md. Max amed C/hi Farmaajo oo u diray shacabka So omaaliyeed farriin ku aaddan caabuqa Cor onavirus (Covid-19) ayaa tilmaamay in ay ka go'an tahay Dowladd

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweyne Farmaajo oo war ka soo saaray caabuqa Coronavirus Madaxweynaha JF/Soomaaliya Md. Max amed C/hi Farmaajo oo u diray shacabka So omaaliyeed farriin ku aaddan caabuqa Cor onavirus (Covid-19) ayaa tilmaamay in ay ka go'an tahay Dowladda Soomaaliyeed ilaa linta badqabka caafimaad ee dalka. Madaxweynaha ayaa xusay in caabuqan oo ku faafay dalal badan ay diiwaan gelisay Wasaaradda Caafimaadka X/F/Soomaaliya bukaan laga helay oo ah muwaadin Sooma aliyeed, arrinkaas oo ay tahay in uu feejign aan dheeraad ah u horseedo shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed sidii ay ugu mido obi lahaayeen xakameynta iyo ka hortagga cudurkan. "Ilaa iyo hadda waxaan xaqiijinnay gud aha dalkeenna 1 qof oo bukaan ah. Xan uun kan waxaa khatartiisu gaarsiisan tahay meel aad u sarreysa oo waxa uu si deg-deg ah u gu faafay dalal badan oo ay ka mid yi hiin da lalka dariiskeenna ah ee Itoobiya iyo Kenya." Madaxweynaha ayaa ugu baaqay shacabka Somaliyed inay u hoggaansamaan ta looyin ka caafimaad iyo awaamiirta dowladeed ee lagaga hortagayo faafidda cudurka Covid-19 oo ay ugu horreyso in la yareeyo isu-socod ka,safarrada iyo isu-imaanshaha laga maar mi karo. "Bulshada ayaa laf dhabar u ah dadaalka ay dowladdu kaga hortageyso cudurkan, si daas darteed waa in ay u istaagaan wacyig elinta, una hoggaansamaan farriimaha caaf imaad iyo qorsheyaasha dowladdu ay kaga hortageyso in dalkeenna uu ku faafo caab uqa Coronavirus." Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Fa rmaajo ayaa faray Xukuumadda Federaalka Soomaaliya in ay dar-dar geliso tallaabooyin ka iyo qorsheyaasha ka hortagga cudurkan, lana mideeyo cududda iyo caqliga shacabka iyo Dowladda Soomalaiyeed si aynu uga gudubno marxaladdan adag.

Kiiskii ugu horreeyey ee Coronavirus ah ee Somaliya oo laga helay Muqdisho

D/Soomaaliya ayaa xaqiijisay in kiiskii u gu horreeyey ee Coronavirus ah laga helay dalka, gaar ahaan M/Muqdisho ee Somaliya.

Wasiirka caafimaadka Fowsiya Abiikar ay aa shaaca ka qaaday in kiiskan laga helay qof ka mid ah dadkii ka yimid dibedda ee la gu karantiilayey garoonka Muqdisho, ayada oo natiijada baaritaan lagu sameeyey ay soo baxday, islamarkaana xaqiijisay inuu qabo fayruska.

Wasiirka ma aysan shaacin dalka uu ka yimid qofkaas, hase yeeshee dadka lagu ka rantiilayey Muqdisho oo 3 qof ahaa ayaa ho rey loo sheegay inay ka yimaadeen dal ka ShiinahaWasiirka ayaa shaaca ka qaadd ay in qofkan uu hadda wanaagsan yahay, isla markaana uusan wax halis ah ku hayn muw aadiniinta kale,oo lagu hayo meel aysan dad kale u dhoweyn.

Dowladda Soomaaliya oo joojisey duulim aadyada Caalamiga ah

Ka dib kulan deg deg ah oo ay yeesheen Xubnaha Wasaaradda Gaadiidka iyo Duul ista Hawada iyo R/Wasaaraha Soomalaiya Xasan Cali kheyre ay aa waxaa lagu go’a amiyey in la joojiyo duulimaadyada Caal amiga ah ee yimaada Soomaaliya iyo kuwa ka ba xa. Wasiirka Wa saaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Maxamed Cabdullaahi Salaad (Oomaar) ay aa sheegay in si looga digtoonaado Cudurka Coronavirus la jooinayo duulimaadyada Ca alamiga ee yimaada soomaaliya iyo kuwa ka baxa dalka laga bilaabo 18 Bishaan muddo 15 Maalin ah.

Waxaa uu sheegay Wasiir Oomaar in ay dowladda mudnaan gaar ah siin doonto diya aradaha wada howlaha gargaarka Bani’aada nimo. Tallaabada Shalay Wasaaradda Gaa diidka iyo Duulista Hawada ay ku joojisey Du ulimaadyada Caalamiga ah ayaa waxaa uu ku soo aadayaa xilli Shalay kiiskii ugu horre eyey ee Cudurka Coronavirus laga helay Magaalada Muqdisho

Maamulka G/Banaadir Oo La Wareegay Xarun Ay Gacanta Ku Heysay AMISOM

Maamulka G/Banaadir ayaa 10-sanno ka dib la wareegay Hoggaanka Xarunta O.P.D. oo Ciidanka Booliska ee AMISOM u aheyd Goob ay ku daweeyaan dadkabukaan socodka.

G/G/Banaadir ahna Duqa M/Muqdisho Md.Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Finish) ayaa Hogaanka AMISOM eeshaqeynayeen.

Sidoo kale G/Cumar Finish ayaa la ware egay matoorro Casri ah oo Xarunta O.P.D. loogu adeegi jiray. Munaasabadda Maamul ka G/Banaadir uu kula wareegayay Xarunta ayaa waxaa Goobjoog ka ahaa Taliyaha Ciid anka Booliska Soomaaliyeed iyo Taliyaha qeybta guud Gobolka Banaadir ee Ciidanka Booliiska iyo sidoo kale Saraakiil kale oo ho wlgalka AMISOM ee Soomaaliya.

Al-Siisi oo FARMAAJO ka dalbaday inuu MASAR iyo Itoobiya dhex-dhexaadiyo

Madaxweynaha dalka Masar, Cabdifitaax Al-siisi ayaa dhiggiisa Soomaaliya, Md.Max amed C/hi Maxamed (Farmaajo) ka dalba day inuu dhex-dhexaadiyo isaga iyo ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed.

Al-siisi ayaa qoraal uu Axadii soo gaarsii yey Madaxweyne (Fa rmaajo) ugu baaqay inuu kala shaqeeyo xal u helista arrinta bi yo-xireenka ee ay ha atan isku hayaan 2da dal. Warqadda la soo gaarsiiyey madaxweyn aha Soomaaliya ayaa waxaa keenay kaaliy aha wasiirka arrimaha dibadda Masar ee ar rimaha Afrika, Abuubakar Xifni Maxamuud. Kaaliyaha oo wareysi gaar ah siiyey Ida acadda Goobjoog ayaa sheegay in xukuuma dda Qaahira ay rajo weyn ka qabto inuu Far maajo xalin karo xiisada u dhexeysa wada mada Itoobiya iyo Masar, isaga oo ka faa’I deysanayo saxiibtinnimadiisa labada dhinac.

"Soomaaliya waa dal muhiim ah, siyaado iyo miisaan leh, xiriir fiican la leh labada dhi nac, waxaan hubaa in madaxweyne Farmaa jo oo ka faa’ideysanaya xiriirkiisa saaxiibtinni mo ee ra’isul wasaare Abiy uu xal u helista biyo-xireenka qeyb ka noqon karo, Masar-na saacidi karo”. ayuu yiri Abuubakar Xifni Max amuud.

Sidoo kale wuxuu soo hadal qaaday kaal iyuhu ahmiyadda uu webiga Nile-ka u leey ahay Masar, isagoo carrabka ku dhuftay in la’aantiisa ay u sababi karto shaqo la’aan ba ahsan. "Webiga Nile waxaa ku tiirsan biyo ah aan 97% dadka Masar, dalkeenna ma jirayo Nile la’aantiis, waa amni qaran, haddii dhibaato soo gaarto waxaa shaqo la’aan no qon doona 4 Milyan oo qof, inta kalena biyo la’aan iyo harraad”. ayuu sii raaciyey Abu ubakar Xifni.

Masar iyo Itoobiya ayaa in muddo ah isku haya arrinta biyo-xireenka ee Webiga Nile, iy adoona ay fashilmeen wadahadallo lagu dhe x-dhexaadin lahaa labada dowladood.

Xigasho:Caasimadda.Net

Laba Askari oo lagu toogtay Muqdisho

Laba Askari oo ka tirsan Ciidamada DFS ayaa lagu toogtay Isgoyska Sanca ee M/ Muqdisho Dilka 2dan Askari, ayaa wuxuu ka dhacay agagaarka Isgoyska Duhurnimadan shalay, waxaana goobtaasi ka baxsaday da bleydii dilka gaysatay.

Askarta la dilay ayaa wararka waxa ay sheegayaan inay ku mashquulsanaayeen iib sashada qaadka, isla markaana si gaadmo ah loo dilay. Kooxdii ka dambeysay dilka As kartaasi ayaa ka baxsatay goobta, waxaana markii meesha gaaray Ciidamada dowladda oo baaritaan goobta ka sameeyay. Amniy aadka shabaab ayaa si adag ugaarsi ugu ha ayo Ciidamada dowladda Federalka Somal iya ee

Taliye Ciidan oo Xalay la dilay & faah faahin kasoo baxeysa

Wararka laga helayo M/Laas-caanood ee G/Sool ayaa waxaa ay shegayaan in Xalay halkaasi lagu diley Taliyihii Ciidamada Sirdo onka G/Sool ee Soomaaliland.Taliyaha la dil ey oo lagu Magacaabi jirey Cabdiqani Guha ad ayaa dad ku sugan laac-caanood waxaa ay sheegeen in rag hubeysan ay ku hor too gteen Gurigiisa hortiisa xilli uu ku sug naa,iyaga oo goobta ka baxsaday.

Ciidamo ka tirsan Booliiska Soomaaliland ayaa gaarey halka dilka uu ka dhacay,iyaga oo howlgallo baaritaano ka sameeyeen ah dadkii ka dambeeyey dilkaas. Wararka qaar ay aa waxaa ay sheegayaan in Taliye Guha ad nuu maalmahaan ku howlanaa baarista kiiskii lagu dilay G/miyihii Maxkamadda G/Sool Xasan Sh.Maxamuud oo 2dii Bishan qarax gaarigiisa loogu xiray lagu khaar ijiy ay.Si kastaba xaalada Amni ee M/Laas-Ca anood ayaa sii xumaaneysay 2-dii sano ee la soo dhaafay waxaana ka dhacay dilal iyo qaraxyo ay ku dhinteen madax iyo Shacaba


Ciidamada xoogga dalka oo la wareeg ay Gacan ku haynta degmada Janaale.

Ciidamo aad u hubeysan oo ka tirsan mi latariga Soomaaliya oo ay taageerayaan ku wa AMISOM ayaa la wareegay M/Janaale ee G/Sh/Hoose oo ay saldhigyo waaweyn ku leeyihiin kooxda Al-Shabaab, sida ay xaqi ijisay warbaahinta dowladda.

Ciidamada Dawladda ayaa hawlgalko oda bilaabay maalintii Axadda ee daraad iya goo ka dhaqaaqay degmada Awdheegle.

Ciidamada ayaa si taxadar leh ku socda iyagoo mararka qaar gaadiidka ka dagaya si ay u hubiyaan minooyinka dhulka lagu aaso oo ay Al-Shabaab u isticmaalaan inay ku qar xiyaan ciidanka kuna hor istaagaan socodko oda.

Saraakiisha ciidanka oo ay soo xigeynay say warbaahinta dawladda ayaa sheegaya in ujeedka hawlgalku yahay sidii Al-Shabaab looga saari lahaa M/Janaale oo ah xarun mu hima oo ay ka soo abaabullaan weerarrada ay ka fuliyaan G/Sh/Hoose iyo M/Muqdisho.

Sidoo kale waxa 7yadii ugu da mbeeyay kordhay duqeynta diyaaradaha aan duuliya ha lahayn ee Maraykanka ee lagu bartilma ameedsanayo xubnaha Al-Shabaab.

7dkii hore duqeyn uu Maraykanku ka ful iyay Janaale waxa uu sheegay inuu ku dilay shan ka tirsan waxa uu ugu yeeray argagixis ada inkastoo warbaahinta taageerta Al-Shab aab ay sheegeen in dadka weerarkaasi lagu dilay ay ahaayeen rayid.

Soomaaliya iyo Talyaaniga oo kala saxe exday heshiis lagu horumarinaayo wax-soo-saarka Dalka

Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshada ha XFS iyo hay’adda dhinaca horumarinta u qaabbilsan Talyaaniga, ayaa si rasmi ah u kala saxeex day heshiis ku saabsan ma shruuc kor loogu qaadayo qeybaha wax-soo-saarka ee Soomaaliya ga ar ahaan dhinaca horumarinta Beeraha, Kall uumaysiga iyo Khayraadka kale ee Dalka.

Mashruucan oo ay fulinayaan hay’adaha UNIDO, ILO iyo FAO, ayaa munaasibad loo gu qabtay xarunta Safaaradda Talyaaniga ee Soomaaliya, waxa si wada-jir ah u saxee xay W/W/Ganacsiga iyo Warshadaha JFS Inj; C/hi Cali Xasan iyo Madaxa hay’adda dhi naca horumarinta ee Talyaaniga Mr; Gugle ilmo Giordano, iyada oo ay goob-joog ka ah aayeen Safiirka dawladda Talyaaniga u fadh iya Soomaaliya Ambassador; Alberto Vec chi, madax ka socotay hay’adaha UNIDO, FAO iy ILO iyo weli ba sidoo kale mas’uuliy iin ka tirsan Wasaaradda ganacsiga.

Madaxa hay’adda dhinaca horumarinta u qaabilsan Talyaaniga Mr; Gugleilmo Giorda no oo halkaas ka hadlay, ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay inay mashruucan ka fuli yaan wadanka, waxaana uu xusay in mashr uucani bilow u yahay mashaariic kale oo ho rumarineed oo ay Dalka ka fulinayaan. Safii rka D/Talyaaniga ee Soomaaliya, Alberto Vecchi oo isagu na dhankiisa halkaas ka ha dlay, ayaa sheegay inay ka dawlad ahaan ay garab taagan yihiin Soomaaliya isla mar ahaantaana ay diyaar u yihiin inay kala sha qeeyaan dhinacyada horumarka iyo dhisma ha dawladnimo ee dalka.

W/Ganacsiga iyo Warshadaha Inj; C/hi Cali Xasan ugu dambeyn halkaas ka hadlay, ayaa sheegay in mashruucani uu ahmiyad weyn u lee yahay guud ahaan dalka, waxa ana uu xusay in sidoo kale lagu horumarinaa yo hay’adaha dawladda ee qaabilsan dhin aca Wax-soo-saarka dalka isaga oo sidoo kale na tilmaamay in mashruucan ay si wa da-jir ah uga soo wada-shaqeeyeen Wasaar adaha Ganacsiga, Kalluumaysiga, Beeraha iyo weli ba sidoo kale hay’adaha caalamiga ah ee fulinaaya mashruucan.

"Mashruucan oo ah mashruuc bilow ah, wuxu horumarin u yahay horumarinta qeyba ha wax-soo-saarka ee dalka iyo in la dhiso hay’adaha qaabilsan wax-soo-saarka, runtii waa mashruuc ahmiyad weyn u leh dalka oo si aada loogga soo shaqeeyey, waxaana si wada-jir ah mashruucan uga soo shaqeeyey Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha iyo weli ba hay’adaha dawladda ee Wax-soo-sa arka dalka”. Ayuu yidhi Inj. Cabdullaahi Cali Xasan.

Wasiirka Ganacsiga oo hadalkiisa sii wa ta, ayaa yidhi: "Mashruucani wuxu kor u qaa dayaa dhaqaalaha wadankeena, wuxu dad ka u abuurayaa shaqo, wuxu lee yahay fursa do dhaqaale, wuxu abuurayaa meelahii laga sameyn lahaa warshadaha dalka iyo weli ba sidoo kale inuu innoo abuuraayo tartan dhex -mara hay’adaha wax-soo-saarka ee dalka oo ay ku tartamaan wax-soo-saarka Dalka.”.

Guddiyo ka tirsan golaha shacabka oo go’aan kasoo saaray qaadka Kenya iyo Itoobiya

Guddiyada arrimaha bulshada, gaadiid ka iyo maaliyadda ee baarlamaanka Sooma aliya oo shalay kulan ku yeeshay M/Muqdi sho ayaa soo saaray go’aan degdeg ah.

Go’aankaas ayey guddiyadan ku dal badeen in gabi aha anba la joojiyo qa adka laga keeno dalalka Kenya iyo Itoobiya ee loo soo iib geeyo Soomaaliya.

Guddiyadan oo dhamaantood ka tirsan xildhibaanada golaha shacabka ee baarlama anka Soomaaliya ayaa sababta ay go’aanka as u gaareen ku sheegay in ay la xariirto kha tarta caabuqa dunida kusii baahaya ee Cor onavirus oo laga helay dalalka deriska la ah Soomaaliya ee Kenya iyo Itoobiya, kuwaas oo maalin walba ay Soomaaliya uga yimaa daan diyaarado qaad-sida.

Gudoomiyaha guddiga arimaha bulshada ee golaha shacabka xildhibaan Cali Cusma an Xirsi ayaa sheegay in bulshada Soomaali yeed ay kasoo gaarayaan codsiyo la xariira in la joojiyo qaadka/jaadka, si dalka looga badbaadiyo in uu soo galo caabuqa Coro navirus. Guddomiyaha ayaa sheegay in qa adka laga keeno dalalaka deriska ah ee laga helay kiisaska cudurkaas gacmaha lagu soo guro, isla markaana xukuumadda ay ka dalb anayaan in si kmg ah loo joojiyo qaadka dal ka ka soo gala Kenya iyo Itoobiya.

Sidoo kale waxa uu sheegay in DFS lo oga bahan yahay in ay qaado talaabooyin badan oo looga hor tegayo faafidda cabuqa Coronavirus, sida in la joojiyo duulimaadya da ka imaanaya dalalka uu ka dilaacay cud urkaas iyo wax kasta oo dalka iyo dadka lo oga badbaadi karo Coronavirus.

Sidoo kale xildhibaano ka hadlay kulanka ay iskugu yimaadeen guddiyadan ayaa xuk uumadda Soomaaliya ka dalbaday inay la qaadato go’aankaas sida KMG ah qaadka lo oga joojinayo dalka, si looga baaqsado in cu durkaas si fudud ku soo galo dalka.

Ciidanka xoogga oo xaliyay xiisad ka taagneyd degaanno hoostaga Baladweyne

Taliska Ciidanka qeybta 27-aad ayaa ku baxay shaqaaqo dhawaan sababtay dil oo ka dhacaday degaano ku dhow xadka G/Hiiraan uu laleey ayay Ismamulka So omaa lida Itoobiya.

Saraakiisha ku baxd an shaqaaqada oo uu hoggaminayay abbaan duulaha qeybta, Gen; Saalax Yacq uub iyo Saraakiil kale ayaa waxay socdaalko oda ku tageen degaannda Kabxanleey, Bu rdhiinleFeer-feer ,waxanay kulamo la yee sheen Odayaasha dhaqanka iyo maamulka degaanka Soomaaliada Itoobiya.

Abaanduulaha qeybta Gen:Saalax Yacq uub oo warbaahinta lahadlay ayaa waxaa uu sheegay in Ciidamada Dowladda ay ku raad joogan kooxadii dilkafulisay, waxaana ma maulka ismamulka iyo Odayaasha degaan ka ka dalbaday inay ka qeyb qaataan soo qabashada Raggaas.

Axmed Madoobe oo dalacsiiyey Taliye weerar afka ah ku qaadey Madaxda Dowladda

Madaxweynaha DGJ Axmed Maxamed Isl aam ayaa shalay oo Isniin ah Taliyaha Ciid amada Daraawiishta Jubb-aland ee D/Afmad ow G/le Mahad Islaam u dalacs-iiyay darajadaG/le dhexe

Md.Axmaed Madoobe oo kulan gaar ah la qaatay Sar akiisha Ciidamada Darawii shta ee ku sugan D/Afmadow ayaa uga ma had celiyay shaqada adag ee ay u hayaan shacabka iyo nabadgalyada ay deegaanka as kusoo dabaaleen.

War kasoo baxay Madaxtooyada Jubbal and ayaa lagu sheegay in G/le dhexe Mahad Islaam uu iska diidey afganbi la doonayay in lagu minjo xaabiyo nabadgalyada D/ Afmad ow taas oo DF ay la damacsan tahay meelo badan oo dalka kamid ah.


Dhakhaatiir ku khasban inay bukaann ada qaar daweeyaan qaarna iska daayaan iyagoo dhimanaya

Dhakhaatiirta safka hore uga jira dagaal ka ka dhanka ah Caabuqa Corona ee dalka Talyaaniga ayaa sheeg ay inay kala dooranaya an bukaannada ay nolo shooda badbaadinaya an iyo kuwa aysan bad baadineynin. Xilli ay sii badanayaan dadka uu ku dhacayo cudurka, maalin walbana ay boqollaal qof kusoo biirayaan, Talyaaniga ay aa xaalad adag ku wajahaya sidii bukaanna da loogu heli lahaa sariiraha isbitaallada oo ku filan - Xaaladdan ayaana lagu tilmaamay mid la arko xilliyada ay socdaan dagaallada lagu hoobto oo kaliya.

"Haddii qof ay da'diisu u dhaxeyso 80 ilaa 95 neefta ku dhaggantahay, uma badna ina ad u dhaqaaqdo sidii aad u daweyn lahayd," ayuu yiri Dr Christian Salaroli, oo madax ka ah qeybta bukaannada halista ah loo gudb iyo ee isbitaalka magaalada Bergamo ee ka tirsan gobolka waqooyiga Talyaaniga dhaca ee Lombardia, mar uu la hadlayay wargeys ka Corriere della Sera.

"Erayadan waa kuwo aad u xun, laakiin waxaa wax laga qoomameeyo ah inay run yihiin. Ma fileyno inay dhacaan waxa aad u gu yeertaan mucjiso."

Laakiin arrintani ma waxay khuseysaa Caabuqa Corona ee ku faafay Talyaaniga, taasoo micnaheedu tahay in go'aannada la xiriira nolosha iyo geerida ay lagama maarm aan yihiin?

'Dookh adag'

Caabuqa Corona wuxuu si gaar ah dilaa uga noqday waddanka Talyaaniga - 1,000 dhimasho ayaa la diiwaan galiyay, halka tir ada dadka uu ku dhacay ay marayaan 24,747 qof.

Waddankan ayaa ah kan 2Aad ee ay ku nool yihiin waayeellada ugu badan adduun ka, marka laga soo tago kan 1aad oo ah Jap an, sida laga soo xigtay Q Midoobay.

Taasi micnaheedu waa in dadka da'da ah ay halis ugu jiraan inay aad u xanuunsadaan marka uu ku dhaco cudurkan.

Horaantii bishan, hay;ad dalka Talyaan iga u qaabilsan arrimaha gurmadka caafim aadka, oo magaceeda loo soo gaabiyo SIA ARTI, ayaa soo saartay warbixin ay dhakha atiirta uga digeyso inaysan isbitaallada ka he li karin sariiro ku filan oo bukaannada oo dhan lagu daweeyo.

Waxay hay'addan dhakhaatiirta kula tali say in halkii ay ugu adeegi lahaayeen bukaa nnada sida ay u kala horreeyaan, ay qaata an "go'aanno adag", iyadoo xoogga saaraya bukaannada ay u maleynayaan inay si dha khso ah u bogsan karaan haddii daweyn heer sare ah la siiyo.

"Arrintu ma aha in hay'adda SIAARTI ay soo jeedineyso in bukaannada qaar la daw eeyo qaarna laga xannibo daweynta. Waa sidaas cagsigeeda, xaaladda taagan ayaa dhakhaatiirta ku kallifeysa inay diiradda sa araan daweynta bukaannada ay dawada wax u tareyso," ayaa lagu yiri bayaanka ka soo baxay hay'adda.

'Musiibo Sunaami ah'Talyaaniga wuxuu leeyahay qiyaastii 5,200 oo sariiraha loogu talagalay bukaanka xaaladda halista ah ku jira, in badan oo ka mid ah sariirahanna wa xaa horayba u buuxiyay bukaanno ay neefsa shada dhibeyso.

Gobollada Waqooyiga ku yaalla ee Lom bardy iyo Veneto waxay leeyihiin kaliya 1, 800 oo sariiraha nooaas ah, oo ah marka la isku daro kuwa laga heli karo isbitaallada do wladda iyo kuwa sida gaarka ah loo leeyahayba.

Dr Stefano Magnone, oo ka shaqeeya gobolka Lombardy, ayaa BBC-da u sheegay inay gaarayaan meesha ugu dambeysa ee awooddooda ah.

"Xaaladdu way kasii dareysaa maalinba maalinta ka dambeysa, sababtoo ah waxaan kusii dhawaaneynaa halka ugu dambeysa ee ay gaarsiisan tahay tabarteenna dhinaca sariiraha loogu talagalay bukaannada xaalad dooda halista tahay, iyo sidoo kale qeybaha kale ee caadiga ahba, wayna sii adkaaney saa in la daweeyo dadka uu ku dhacay Co rona, maadaama ay tirada aad usii bad aneyso," ayuu yiri.

"Gobolkeenna wuxuu gabi ahaanba gaa ray heer uusan waxba qaban karin, wayna naga soo xirmeen awoodihii dhinaca bani'aa danka iyo kuwa tiknoolojiyadda labadaba".

Horaantii isbuucan, waxaa barta Twitter-ka si weyn ugu faaftay qirashadan uu samee yay Dr Daniele Macchini, oo ah dhakhtar ka shaqeeya qeybta bukaannada halista ah ee loo yaqaanno ICU-da ee gobolka Bergamo.

Dr Salaroli wuxuu u sheegay wargeyska Co rriere in shaqaalaha caafimaadka dareenkoo da uu yahay "mid aad u naxdin badan" iya doo qaar ka mid ah dhakhaatiirta la shaq eysana ay niyad jab weyn ka qaadeen go'aa nnada adag ee ay gaarayaan.

"Waxay arrintan qabsan kartaa Dhakhtar rug caddaa ah oo wax badan shaqeynayay iyo mid dhalinyaro ah hadda kusoo biiray shaqada labadaba, waxaana laga rabaa in ay go'aan ka gaaraan wax ku xiran bani'aad annimadooda,", ayuu yiri.

"Waxaan arkay kalkaaliyeyaal khibrad 30 sano ah leh oo oynaya iyo dhakhaatiir rug caddaayo ah oo jareynaya marka ay bu kaannada la tacaalayaan."

'Codsiga uu Talyaaniga u dirsaday Yur ub' Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Talya aniga, Luigi Di Maio, oo la hadlayay BBC-da, ayaa ugu baaqay Yurub inay ugu deeqaan qalabka Isbitaallada.

Laakiin wuxuu sidoo kale muujinayay rajo wanaagsan, isagoo sheegay in ilaa ha dda ay jiraan 10 magaalo oo ka tirsan Waq ooyiga Talyaaniga oo uusan wali cudurka gaarin, kuwaasoo laga xayiray in la galo ama laga baxo.

"Talyaaniga waa waddankii ugu horree yay ee ka tirsan Yurub oo uu saameeyay Ca abuqa Corona," ayuu yiri Di Maio. "Laakiin waxaan sidoo kale rajeynayaa in Talyaaniga uu noqdo waddanka ugu horreeya ee ka baxa xaaladdan halista ah".

Saraakiil Millateri oo Xabsiga la dhigay

Boqortooyada Sucuudiga ayaa xabsiga dhigtay boqolaal shaqaale dowladeed ah oo ay ku jiraan saraakiil ka tirsan militariga iyo ciidamada ammaanka kuwaasi oo lagu eed eeyey laaluush iyo iney si xun uga faa’iid eysteen xafiisyada ay maamulayeen ee dowladda.

Arrinta ayaa waxaa xilli danbe oo Axad dii ah ku dhawaaqay guddiga qaran ee Suc duuga u qaablsan la dagaalanka musuq-ma asuqa (Nazaha) kuwaasi oo sheegay in baa rayaashu ay soo gudbin doonaan dacwada ha ka dhanka ah dadka la xirxiray.

Nazaha ayaa boggeeda Twitter-ka ku soo qortay in la xiray lana maxkamadeyn do onno ilaa 298 mas’uul oo lagu soo oogi doo nno dacwado ah danbiyo ay ka mid yihiin laa luush, iyo ku takri fal awoodeed waxaana la sheegay in ay six un u maamuleen adduun dhan 101 milyan oo doollarka Mareykanka ah.

Dadkan la eedeeyey waxaa ka mid ah 8 sarkaal oo ka tirsan wasaaradda difaaca, ku waasi oo lagu tuhmayo iney ku lug leeyihiin musuq maasuq iyo lacago si sharci-darro ah la isku weydaarsado oo quseeya qandara asyada dowladda intii u dhaxeysay 2005 ilaa 2015-kii. Waxaa sidoo kale dadka la xiray ka mid ah 29 sarkaal oo ka tirsan wasaaradda arrimaha gudaha oo ay ku jiraan saddex korneyl, iyo 2 jeneraal.

Laba garsoore ayaa sidoo kale loo xiray Iney qaateen lacago laaluush ah kuwaasi oo lala xiray 9 sarkaal oo iyana ku eedeysan musuq maasuq ka Jaamacadda Almaarefa ee magaalada Riyadh, kadib markii qeyb dhi smaha jaamacadda ah uu burburtay falkaasi oo sababay dhimasho iyo dhaawac.

Hay’addu ma bixin magacyada iyo tafa asiil dheeri ah oo la xiriirta kiisaskan iyo shaqsiyaadka loo xirayba


Madaxweynaha Somaliland oo shaaciy ey tirada dadkii ay karantiileen

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Ca bdi oo Saxaafadda kula hadlay M/Harg eysa ayaa ka digay Khataraha Caabuqa Cor onavi rus iyo Qorshaha Xukuumaddu ka leedahay Ka hortagiisa.

Waxaa uu sharaxaad ka bixiyey War bixintii u dambeysay ee ku aadan sida Somaliland u ga digtoo naateyCudurka Carona,wa xaana uu shee gay in dham maan xaduuda ha laga soo galo Soomaalland ay W/Caafimaadka ka wado baaritaano iyo hubin.

Waxaa uu hadalkiisa intaasi ku daray in Xubnaha Wasaaradda Caafimaadka ay kara nt iileen dad badan oo ku sugan deegaana da,Tukaraq,Yubube,Dhahar,Wajaale,Berbera,lowya-Cadde iyo Garoonka diyaaradaha Cigaal ee Magaalada Hargeysa.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in Soomal ai land ay walwal ka qabto caabuqa Caronavi rus sida dalalka Caalamka oo kale maadaa ma dal al kamid ah gobolka Geeska Afrika uu Cudur kaasi soo gaarey.

Ugu dambeyn waxaa uu sheegay in So om aaliland ay sii wadeyso sidii looga hortagi la haa Cudurka Caronavirus,waxaana uu she eg ay in dhamaan Madaxda Soomaaliland iyo Shacabka looga baahan yahay inay qaat aan awaamiirta Wasaaradda Caafimaadka Soom aaliland.

Kenya oo dib usoo celisay diyaaraddo da gaal oo maalmiihii ugu dambeeyay dul heehaabayay gobolka Gedo

Diyaaradaha dagaalka ee ciidamada ci rka Kenya ayaa ka duulay hawada maamul ka Ju baland ka dib isku dhacyo dhexmaray ciidam ada Jubbaland iyo kuwa DFS, kuwaas oo gu daha iskula galay Mandheera.

Dayuuradahaan ayaa buux dhaafiyay xud uudaha M/Buula-Xaawo iyo koonfurta dhina ca xadka,iyagoo roondo amni ka sameeyay xadka ay Soomaaliya la wadaagaan, balse haatan dib ayay uga guureen halkaas.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in day uuradaha ay sababeen cabsi soo wajahday shacabka. Midowga Yurub ayaa sheegay dha cdooyinkii ugu dambeeyay ee ka dhacay xud uuda Kenya iyo Soomaaliya iyo xiisadda dhaw aanahan ka taagneyd gobolka Gedo ay abuu rtay xasillooni darro waxaana ka dha shay kha saare nafeed iyo barakac.

Xog muhiim ah oo ay soo saartay Hay’adda UNICEF.

Caalamka waxaa si weyn wel-wel ugu haya Corona Virus oo sababa cudurka Covic 19, si aad ah ayuuna ku sii fidayaa, sidaasi awgeed waxaa lagamamaarmaan ah in la barto sida looga hortago maadama uusan laheyn aawo.

Tallaabooyinkani waxa ay lagama maarmaan u yihiin qof walba, si uu uga hortago Viruska Corona (Covid-19). Qormadan waxa iska leh Hay’adda UNICEF, sidaasi awgeed Xogtan ehelkaaga iyo asaxaabtaadaba la wadaag si aad uga xoreysid welwel aan loo baahneyn.

1. Coronuhu waa Virus waaweyn waxaana la gu qiyaasaa inuu leegyahay (400-500 micro), si daas darteedna nooc walba oo maryaha af ka lagu xidho ahi (mask) waa uu innagaga filan yahay inaan ka gaashaamano caabuqa.

2. Virus kan Coronuhu ma dhex sabbaynayo hawada, laakiin waxa uu ku dhagayaa walxa ha. Sidaas darteedna, isu gudubku kuma dha cayo hawada.

3. Marka Virus ku gaadho oogada shay ka sa maysan bir (metal) waxaa uu kusii dul noolaan karaa 12 Saacadood. Gacmahaaga oo aad si wacan u dhaqdo ayaana kaaga filan kahortagg iisa.

4. Marka uu gaadho oogada dharkana, viruska Coronuhu waxa uu kusii dul noolaan karaa 9 saacadood, sidaas darteedna dharka oo aad maydho ama cadceeda oo aad ku wadho mu do labo saacadood ah ayaa ku filan si aad u di shid Virus ka.

5. Virusku marka uu soo gaadho gacant aa dana, keliya waxa uu kusii dul noolaanayaa 10 daqiiqo. Sidaad awgeed ku falaxalo Jeermis dile ay Alcohol ku jirto si aad isaga nadiifisid.

6. Marka heerkulku gaadho 26-27 °C, Viruska Coronuhu waa uu dhimanaya, kuma noolaan karo goobaha kulul. Waxa kale oo talo ah cab itaanka biyaha kulul (diirran) iyo isku dhigidda cadceeda si xanuunka aad uga hortagtid. Iska ilaalinta cunnooyinka qaboow sida Iskiriinku waa muhiim

7. Ku luqluqashada biyo diirran oo milix leh wa xa ay dili doontaa Viruska ku jira dhuunta, taa soo kaa badbaadin doonta in uu sambabkaaga gaadho Virusku.

Maraykanka oo soo saaray tallaalkii ugu horeeyay ee Covid19

Maraykanka ayaa soo saaray tallaalkii ugu horeeyay ee lagu xakamayndoono faafitaanka cudurka Covid19, Xilli cudurkaan uu gaaray in ka badan 150 dal.

Tijaabo ayaa tallaalkaa n ku socota. 6 7baad kadib, ayaa la filayaa inuu si rasmi ah u dhaqan galo. Waxaa markii ugu horeysay lagu tijaabiyay bukaan qaba cudurka Coranavirus.

Waxaa si guud loogu tijaabindoonaa dadka qaba cudurkaan, oo dadooda ay tahay inta u dhexeysa 18 illaa 55 jir.

Tallaalka, oo loo yaqaan mRNA-1273, ay aa isku dayaya inuu kiciyo jawaab celinta ha bdhiska difaaca jirka, wuxuuna durbadiiba muu jiyey ififaale wanaagsan.

"Helitaanka tallaal aamin ah oo wax ku ool ah si looga hortago infekshanka SARS-CoV-2 waa ahmiyad caafimaad oo deg deg ah,” ayuu yiri Agaasimaha mac’hadka caafimaadka qar anka, Anthony S. Fauci, M.D.

Tirada dhimashada Mareykanka ee fayras ka ayaa kor u kacday ilaa 69, halka tirada gu ud ee la xaqiijiyay ay gaareyso 3,800, sida la ga soo xigtay Jaamacadda Johns Hopkins University ee Maryland.

Madaxweyne Donald Trump ayaa ku dhaw aaqay xaalad deg deg ah jimcihii taasoo ah is ku day la doonayo in lagu joojiyo faafitaanka viruska ee Mareykanka.

Adduunka oo dhan, Ururka Caafimaadka Adduunku waxa uu diiwaangeliyay ilaa 165 ,000 xaaladood iyada oo geerida guud ay ta hay 6,500.


WASAARADDA CAAFIMAADKA SOMALIYA OO WAR CUSUB SOO SAARTEY


Wasaaradda Caafimaadka X Soomaaliya ayaa soo saartey talo oyin la xiriira ka hortagga cudurka Caronavirus ee laga helay guda ha dalka Soomaaliya markii ugu horeysay,kuwaas oo ku wajahan Waalidiinta iyo Ardeyda Soomaaliyeed

Wasaaradda ayaa soo saartey 7 Qodob oo ku saabsan Waajiba adka saaran waalidiinta Soomaaliyeed ee la xiriira badqabka Arday ga ay u diraan goobaha Waxbarashada ee ku yaalla dalka.

Sidoo kale Wasaaradda ayaa soo saartey 7 Qodob oo ku socda Ardayda Soomaaliyeed,kuwaas oo u badan sida looga hortegi karo Cudurka Coronavirus,sida lagu garto iyo waxa looga baahan yahay qofka uu ku dhaco Cudurkaas.

Hoos Ka Akhriso Todobada qodob oo ay soo saartey Wasaaradda Caafimaadka.

Tifaftiraha cusub ee BBC Somali oo shaqada billaabay

Muhyadin Roble oo dhawaan loo magac aabay Tifaftiraha laanta Afsoomaaliga ee BBC-da ayaa shalay si ra smi ah uga shaqo billaabay xafiiska, isagoo sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay doorka cusub ee uu la war eegay. Maamulka BBC-da oo war-saxaafa deed soo saaray ayaa ku dhawaaqay mag acaabista Mr Roble.

Madaxa BBC-da ee Bariga Afrika Rachael Akidi Okwir ayaa tiri: "Aad baan ugu farax san nahay in Muhyadin uu nagu soo biiray. Wuxuu howl-wadeennada BBC-da ka mid noqday waqti ay saameyn aad u ballaaran le edahay laanta Afsoomaaliga. Isagoo madax u ah qeybta digital-ka iyo Raadiyaha, diira ddiisa ugu horreysa wuxuu saari doonaa in uu dusha kala socdo isbaddalka dhinaca digi tal-ka iyo casriyeynta idaacadda soo jirtay 63-ka sano".

Khibrad iyo aqoon dhinaca saxaafadda ah Ka hor inta aan loo xulanin madaxa laan ta Afsoomaaliga ee BBC-da, Muhyadin wux uu kasoo shaqeeyay Warbaahinta arrimaha Bani'aadannimada diiradda saarta ee Radio Ergo (oo horay loo oran jiray IRIN).

Halkaas wuxuu ku hoggaaminayay koox wariyeyaal ah oo wararkii ay ka sameyn jire en arrimaha bani'aadannimada ee dalalka Soomaaliya, Kenya, Itoobiya iyo Yemen ay ahaayeen kuwo abaalmarinno muteystay.

Wuxuu heystaa shahaadaha heerka loo yaq aanno MA oo uu ku qaatay waxbarashada Xiriirka Caalamiga ah, Siyaasadda Arrimaha Dibadda iyo Diblomaasiyadda.

Sidoo kale wuxuu shahaadada BA ku qa atay Aqoonta Saxaafadda iyo Xiriirka Caa lamiga ah, taasoo uu ka dhigtay Jaamacad da United States International University.

"Sharaf weyn ayey ii tahay inaan hogga amiyo Laanta Afsoomaaliga ee BBC Somali, oo ah warbaahinta ugu muhiimsan, kalsoon ida ugu weynna ka heysata dadka ku hadla luqadda Soomaaliga - kuwooda ku nool ge eska Afrika iyo kuwooda qurbajoogta ahba. BBC Somali Waxay qeyb ka tahay dhaxalka Soomaalida, waxay u tahay aqoonsi iyo hab nololeed, waxaana iyadoo jirta dhageysigee da indhaha kusoo kala qaaday dhowr jiil oo aan aniguba ka mid ahay. Aad baan ugu far axsanahay inaan qaato fursaddan," ayuu yiri Muhyadin oo cabirayay dareenkiisa.

Sidoo kale, qoraal uu soo dhigay boggi isa Facebook-ga ayuu ku sharraxay dareen kiisa ku aaddan kusoo biiritaanka BBC-da

Muyadin waa tababare saxaafadeed oo khib rad leh, qoraa iyo falanqeeye ka faallooda ar rimaha Geeska Afrika.

Qormooyinkiisa shaqo waxaa lagu daab acay wargeyskayada The East African, The Jamestown Foundation, African Arguments iyo kuwo kaleba. Wuxuu sidoo kale kasoo muuqday warbaahinno caalami ah oo ay ka mid yihiin Aljazeera, DW, VOA, France 24 iyo CBC.


Bogga cayaaraha


Ciyaar wanaaga waxaan ka dhaxay Awo owahey Nuur Shaarkey oo Cawa iyo Maali kooxdii Horseed ahaa

Waxaa noo suurta gashan isagoo magaalada Mogadishu joogo in aan wareysanto ciyaartoygii caanka ka ahaa Soomaaliya Nuur Cabdi Xaaji Shaarkey wiilkiisa oo hadda u ciyaaro kooxaha ka dhisan magaalada Mogadishu, Wiilkaas oo lagu magaacabo Maxamed Nuur Shaarkey ayaa waxaa uu ka warbixiyey taariikhdiisa ciyaartooy iyo sida uu ugu soo biiiray iyo heerka uu ciyaaraha ka gaaray.

Waxaa waxreysigaa noo soo wareysatay wariyaheena Fahmo Mohamud ee Somaliweyn Radio ee Gothenburg.

Paul Pogba, Harry Kane Illaa Eden Hazard – Akhriso Xiddigaha Waaweyn Ee Dhaawaca U Jiifa Iyo Siday Uga Faa’iidaysanayaan Horyaallada Hakadka Galay

Horyaallada kubadda cagta ee qaaradda Yurub iyo kuwa kale ee dunida ayaa hakad loo geliyey xanuunka Coronavirus, waxaana ay dib u bilaabmi doonaan bisha dambe, hase yeeshee taasina hubanti maaha.

Waddanka Talyaaniga oo ah kan uu ugu daran yahay qaaradda Yurub, waxa uu Talyaanigu ku laayay dad badan, sidoo kalena Faransiiska, Germany, Spain iyo Britain ayaa intaba ay dad badan ugu dhinteen, walina wuxuu ku faafayaa xawaare la xakamayn kari la’yahay.

Tartamada horyaallada ee hakadka la geliyey, waxay faa’iido u noqdeen ciyaaryahanno dhaawac ku maqnaa oo soo kabanaya, kuwaas oo markii hore ay yaraayeen fursadda ay u heli doonaan inay kusoo laabtaan xili ciyaareedkan oo socda, hase yeeshee fasaxani jaanis u noqday.

Xiddigahan dhaawaca ah oo ay kooxahoodu daraadood u dhibaatoodeen, waxa qaarkood ay ku sugan yihiin waddamo kale oo aan ahayn kan ay kooxdoodu ka dhisan tahay, sababtuna waa inuu soo kabashadiisa u aaday meel ku habboon, sida cimilooyinka kulaylka ah iyo goobo ay ka dhow yihiin dhakhaatiir xirfadleyaal ah oo markii horeba qalliino ku sameeyey.

Haddaba, waxa aanu halkan idiinku soo gudbinaynaa ciyaaryahannada fursadda soo kabasho ay u noqotay hakadka la geliyey ciyaaraha, marka dib loo bilaabana rajada ka qaba inay safka hore kasoo raacaan amaba usbuucyo kaddib ay dib u xidhnaan funaanadda.

Paul Pogba (Manchester United): Xiddiga reer France waxa uu kasoo kabanaya dhaawacyo kuraanta iyo lugta ah oo uu ku maqnaa tan iyo dhamaadka sannadkii hore, kuwaas oo keenay inuu u baahdo qalliin iyo sookabashooyin. Waqtigiisa waxa uu ku qaadanayaa magaalada Dubai oo uu ku doortay cimilada kulaylka ah, laakiin tababare Ole Gunner Solskjaer ayaa tibaaxay in usbuucyada soo socda uu kubbad-sameeyahani kusoo laaban doono garoomada.

Hakadka galay horyaalka Premier League, waxa uu Pogba siinayaa fursad uu dib ugu soo laabto kulamada ugu soo horreeya ee kooxdiisa maadaama toddobaadyadii uu tababaruhu sheegay ay ku dhamaadeen waqtiga kala-guurka ah ee kulamada Premier League hakadka ku jireen.

Marcus Rashford (Manchester United) Waxa uu dhaawacmay isaga oo 19 gool u dhaliyey kooxdiisa, garoomadana laguma arag tan iyo January 15, xilligaas oo dhaawac muruqa ah oo heerka labaad ah uu soo gaadhay.

22 jirkan waxa hore loo sheegay in uu seegi doono ciyaaraha ka hadhsan xili ciyaareedkan, sidoo kalena waxa uu shaki ku jiraa in dalkiisa uu kala qayb-geli doono ciyaaraha Euro 2020 oo iyagana uu shaki ku jiro haddii ay bilaabmi doonaan bisha June. Laakiin tababare Ole ayaa bishii hore sheegay in Rashfrod ay suurtogal tahay inuu soo laabto ka hor inta aanu xili ciyaareedku dhamaanin, inkasta oo uu qiray inay adag tahay, laakiin waxa fursad uu kusoo laabto qaybaha dambe ee xili ciyaareedka siin karaya waqtiga uu horyaalku hakadka galay.

Harry Kane (Tottenham Hotspur) Maalintii sannadka cusub ee kooxdiisa Tottenham la kulantay khasaaraha 1-0 ah oo ay SOuthampton iska hor yimaaddeen, ayaa Harry Kane ugu dambaysay garoomada, waxaanu intii ka dambaysay oo dhan u jiifay dhaawac.

Toddobaadkii hore ayuu dib ugu soo laabtay tababarka, waxaanu bilaabay inuu si xorriyad ah u ordo, dhibaato la’aan kubadda u laado, isla markaana uu u muuqdo mid taam ah.

Bisha April marka uu horyaalku dib u bilaabmo, waxa Harry Kane uu ka mid noqon doonaa naadigiisa, waana xilligii marka horeba loo qorsheeyey inuu kusoo kabto.

Son Heung-min (Tottenham Hotspur) Spurs dhabarka ayay ka jabtay markii uu Son ku biiray liiska dhaawacyada, laakiin Isniinta maanta ayay ku beegan tahay waqtigii la filayey inuu garoomada kusoo laabto.

Laacibka reer Korea oo gacan ka jabay, waxa uu fursad u haystaa inuu laba toddobaad si fiican u qaato tababarka ka hor inta aanu horyaalku bilaabmin, kaddibna uu u halgamo sidii uu Jose Mourinho u badbaadin lahaa.

Alisson Becker (Liverpool): Goolhayaha koowaad ee Liverpool, waxa uu laba toddobaad ku seegayay ciyaaraha, laba kulanna hore ayay u dhaceen oo uu maqnaa, sida midkii Atletico Madrid ay ku karbaashtay ee uu Adrian qaladaadka waaweyn sameeyey.

Marka uu horyaalku bilaabmayo bisha dambe, Liverpool waxay dib u heli doontaa Alisson oo taam ah.

Xiddigaha kale ee dhaawaca ah ee iyagana uu fursadda u noqday fasaxu waxa ka mid ah:

Tammy Abraham (Chelsea)

Eden Hazard (Real Madrid)




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip