Dhalashadii illaa dhimashadii Boqor Xayle Salaase (WQ: Khaalid Mahad Cismaan "Curaagte")

0
Sunday March 08, 2020 - 18:11:01 in Wararka by Mogadishu Times
  • Visits: 160
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dhalashadii illaa dhimashadii Boqor Xayle Salaase (WQ: Khaalid Mahad Cismaan "Curaagte")

    Xayle Salaase (Haile Selassie I ) , oo magaciisa dhabta ah lagu magacaabi jirey Tafari Makonnen, wuxuu ku dhashay magaalada Herer , tariikhdu markii ay ahayd 23kii Julaay , 1892 kii .Wuxuu magaalada Addis Ababa ku bakhtiay 27 kii Ogos,1975kii. Odeyga

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xayle Salaase (Haile Selassie I ) , oo magaciisa dhabta ah lagu magacaabi jirey Tafari Makonnen, wuxuu ku dhashay magaalada Herer , tariikhdu markii ay ahayd 23kii Julaay , 1892 kii .Wuxuu magaalada Addis Ababa ku bakhtiay 27 kii Ogos,1975kii. Odeygan caanka ahaa ayaa soo hoggaamineyay Itoobiya intii u dhaxaysay 1930kii ilaa 1974 kii, wuxuu Itoobiya la tiigsadey xadaarad iyo casriyow qotodheer, isaga oo u sahlay in ay ka qayb qaataan siyaasadda Africa xilliyadii ka dambeysay dagaalkii labaad ee adduunka. Sidoo kale Xayle wuxuu Itoobiya u fududeeyay in ay ka mid noqoto Ururkii Ummadda (Leage of Nation ) iyo Qaramada Midoobeyba , Addis Ababana wuxuu ka dhigay xarunta Midowga Africa (African Union ) Xayle iyo Menilek ll ba , waxaa owowgood la odhan jirey Sahle Selassie (Midna wuxuu u ahaa awow labaad midna wiilkiisa ayaa dhalay ).Sahle ayaa ka tilin jirey boqortooyadii Shewa ee Amxaarada. Xalye Aabihii wuxu la taliye sarre u ahaa Menilek ll , marna badhasaabkii xukumi jirey Gobolka Herer. Xayle , aqoon tiisii horre wuxuu ku qaatay gurri dhexdii , waxaana halkaas wax ku bari jirey wadaadyo mutacalimiin ah. Mudo ka dib waxa ay boqortooyadii aad ula tacajabtey kartida iyo aqoonta uu leeyahay Xayle waxaana loo dhiibey xilal kala duwan . Ugu horeyn madaxa gobolka Sidaamada , ka dib na badhasaabka Herer, oo uu aabihiina ahaan jirey . Wuxuu isku dayay inuu soo ciyaarsiiyo siyaasaddo cusub oo kor loogu qaadayo sumcadda iyo awooda dawladda kiiyoo billaabay inuu shaqaalaha qaybta uu maamulo u sameeyo mushahaaro. In ta aka dib wuxuu guur saday Wayzaro Menen oo uu Minelik ll awow u yahay sanndku markii uu ahaa 1911 kii.


Waxay sidii ahaataba markii ay Minelik ll iyo Xalye is fahmeen mudo yar ka dib waxaa geeriyooday Minelik ll 1913 kii. Waxaa halkii lagu caleemo saaray Lij Yasu oo uu awow u yahay Minelik , laakiin Yasu wuxuu la kulmay caqabado badan tiiyoo loo aanayneyey inuu Islaamka la leeyahay xidhiidh xoogan , sidii Minelik oo kalena muu noqonin mid caan ah oo ay isku raacsanyihiin Muslimiintii iyo Kiristaankii Itoobiya .

Dhinacyadii ka soo horjeedsaday Lij Yasu oo ahaa Kiristaanka waxay garab siiyeen Xayle oo noqday qofka kaliya ee ay ku aamini karaan xilka boqortooyada .1916 kii , markii uu Yasu saddex sanno ku fadhiyay kurisga ayaa laga tuuray , waxaana la caleemo saaray Zauditu , oo ahayd ina Minelik ll , kadib waxay noqotay boqoradii dalka Xalylena waxaa loo magacaabay dhaxal sugaha kursiga boqor tooyada .

Zauditu waxay siyaasaddeedu u muuqatay mid xag-jir ah.Lakiin , waxaa hal abuuris la garab taagnaa Xayle oo doonayay in la casiriyeeyo hawlaha dawlad nimo .Nasiib wanaag sanndkii 1926 kii ayuu ku guulaystay in Itoobiya xubin ka noqoto Ururkii Ummadda. Sannadihii ku xigay sannakaas Xalyle wuxuu billaaby duulimaadyo is daba jog ah oo uu ku bookhanayo saddexda magaalo ee Roma , Paris iyo London, wuxuuna noqday qofkii koobaad ee xil sare ka haya boqotooyinka Itoobiya ee dibeda waddanka uga baxa.

1928kii wuxuu sahansaday xilka Negus oo ah " Boqor” , laba sanno ka dib waxaa geeriyootay boqorad Zauditu , waxaana isaga loo caleemo saaray boqor ahaan (2dii Nov, 1930 kii ) waana markii uu la baxay magaca Xayle Salaase (Haile Selassie) . Hal sanno ka dib wuxuu Xayle ikhtiiracy dastuur cusub kaas oo yarayna awooda madaxda kale ee boqortooyada (baarlamaanka) .

Sidoo kale ilaa 1920kii marka dib loo eego saamayn weyn buu ku lahaa siyaasadda Itoobiya, wax qabadyadiisii ugu weynaana waxaa ka mid ahaa Iskuulada oo uu gaadhsiiyay ilaa heer gobol(Jaamacadda Addis Ababa waxaa la odhan jirey Haile Selassie University ) , ciidamadda oo uu xoogeeyay , iyo nidaam cashuur qaadiseed oo uu sameeyay. Intaa waxa dheer , wuxuu isku hawli jirey sidii uu u caawin lahaa bulshadiisa , awooda dawladda dhexena kor u qaadilahaa .

Dhanka kale , markii uu xilka hayay mudo shan sanno ah ayuu Talyaanigu ku soo duulley Itoobiya 1935kii , Xalyle wuxuu bilaabay kacdoonno lagaga soo horjeedo Talyaaniga, laakiin 1936 kii waxaa lagu qasbay in uu dalka dibeda uga baxo , waana sanndkii uu qudbada qiirada leh ee dadyawga badan soo jiiddatey ka jeediyey xaruntii Ururkii Ummadda ee Geneva 30kii June , 1936kii (Ururkii Qaramada Midoobey ka horreeyey ) .

Xilligan ayaa ahayd waayadii uu soo hurreyey dagaalkii labaad ee adduunku, wuxuuna taageero ka helay Ingiriiska, taasoo uu ciidamo ku alkumay Sudan. Ciidamaddii Xalyle ee Sudan oo Ingiriiskana taageero ka haysta ayaa dib ugu spoo duulley Itoobiya, waxayna gacanta ku dhigeen magaalada Addis Ababa sannadkii 1941 kii , bishii koowaad (Toddoban sanno ayaa ah kuwa Itoobiya ay ka reebtay taariikhdeeda ) Waxa mar labaad Xalyle uu dib u noqday boqor kii dalka , wuxuuna soo celiyay awoodii dawladnimo.

Sidoo kale , wuxuu mar labaad xoogga saaray dib u qaabayn lagu saxayo dhaqaalaha, Waxbarashada , iyo Arrimaha bulhsada oo ay ku jireen in uu Jaamacadda Addis Ababab University oo la odhan jirey "Haile Selassie University” ka aas-aasay Kulliyadda Arrimaha Bulshada .

Wuxuu isku deyey in uu casriyeeyo hannaanka dawladnimo,uu uu ka dhigo mid ku dayasho mudan . In ta aka dib , sannadkii 1955 kii wuxuu dib u cusbooneysiiyay dastuurkii , cusbooneysiintaas oo uu ku kasbanayo awoodii uu lahaa inuu sii laban laabo. Si ka duwan sidaas, sanndkii 1960 kii ayay hor yeesheen mucraadkii ka soo horjeeday xukunkiisa ee Derg.

Lakiin, 1963 kii markii ay waddanka ka dheceen dhibaatooyin bulsho oo badani sida gaajo iyo shaqola’aan , ayaa wuxuu ku guulaystay inuu door muhiima ka ciyaaro aas-aaskii Ururka Midowga Africa,hase yeeshee waxaa aloosnaa xaaladdo aad u daran oo kale oo ay kow ka ahaayeen ciidamo goboleedyadan lagu magacaabo Dhergi , oo haystay arragtidii Shuuciyada oo gacanta ku dhigey goballo dhawr ah (Marxist ) , balse waanu sii watay xukun kii sii ilaa 1974kii.

Ugu dambeyn , Dhergigii wey ka guuleysteen Xayle waxayna ku xidheen guriigii uu ka talin jireygudihiisa .Laakiin ilo wareedyo dhawr ah ayaa sheegaya dhimashadiisu in ay ahayd mid dabiici ah.Halka cadeymo xilli dambe soo baxayna ay shaaciyeen in gacanta lagu bakhtiiyey oo loo adeegsaday xukun uu bixiyey Mengistu oo xukunka fuushanaa 1974kii ilaa 1991kii.

W/Q : Khaalid Mahad Cismaan (Curaagte )




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip