HALKAAN KA AKHRISO WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER TALAADO-3-MARCH-2020

0
Tuesday March 03, 2020 - 09:23:31 in Wararka by
  • Visits: 917
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER TALAADO-3-MARCH-2020

    Guddoomiye Mursal '' Dalka wey ka dha ceysaa doorasho qof iyo cod ah Guddoomiyaha G/Shacabka ee BJFS Maxamed Mursal Sh.C/xmaan oo khudbad ka jeediyay furitaanka kalfadhiga 8-aad ee Baarlamaanka dalka Jabuuti ayaa sheegay in qorshuhu yaha

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiye Mursal '' Dalka wey ka dha ceysaa doorasho qof iyo cod ah Guddoomiyaha G/Shacabka ee BJFS Maxamed Mursal Sh.C/xmaan oo khudbad ka jeediyay furitaanka kalfadhiga 8-aad ee Baarlamaanka dalka Jabuuti ayaa sheegay in qorshuhu yahay dalka in laga qabto d oorasho qof iyo cod ah. Guddoomiyaha Golaha ayaa sidoo kale ka hadlay mas'uuliyadda ka sa aran qofka xildhibaanka ah dalkiisa guud ahaan gaar ahaan deegaanka laga soo doortay oo ay tahay marka uu fasaxa galo inuu u kuur galo xaaladaha deegaankiisa ka jira si warbixinta uu kasoo diyaariyo uu dib ugu soo celiyo Golaha Baarlamaanka, waxaana uu tilmaamay in horumarka dal walba uu ku xiranyahay sida dadkiisu ay uga faa'ideystaan waxaa uu Alle ku man eystay iyo sidoo kale maareeynta Md.Mursal ayaa sheegay in Baarlama anka Soomaaliya uu kalfadhigii la soo dha afay ku guuleystay ansixinta shuruuc dal ka muhiim u ah oo uu ka mid yahay sharc iga doorashooyinka oo madaxweynaha Jamhuuriyadda uu saxiixay, islamarkaana taasi ay suurtagelineyso in Soomaaliya la gu qabto doorasho qof iyo cod ah.

Xildhibaanada Galmudug oo muddo kor dhin u sameeyay muddada dhismaha Go laha Wasiirada Galmudug

Baarlamaanka dowlad goboleedka Galmudug oo Shalay kulan ku yeeshay M/Dhuusamareeb ayaa muddo bil ah u ko rdhiyay Madaxweynaha Galmudug Qoor-qoor inuu ku soo dhiso golihiisa wasiirada.

Madaxweyne kuxigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid oo Shalay hortagay Baar lamaanka Galmudug isaga oo ka wakiil ah madaxweyne Axmed Cabdi kaariye(Qoor Qoor.) ayaa ka horjeediyay qudbad uu ugaga warbixiyay arrimaha amniga iyo siyaasada Galmudug.

Xildhibaanada ayaa ugu dambeyn waa ay gacantaag ku ansixiyeen muddo kor dhinta oo ah bil kuna eg 31ka March 2020.

Baarlamaanka Galmudug ayaa kulankan uu aha kii ugu horeeyay ee ay yeeshaan tan iyo markii dagaal sababay in ururka Ahlu Sunna tanaasulo uu ka dhacay dhow aan magaalada Dhuusamareeb ee xarun ta dowlad goboleedka Galmudug.

Kenya oo ka jawaabtay eedeyn uga tim id Dowladda Soomaaliya

Dowladda Kenya ayaa waxba kama ji raan ku tilmaamtay eedeyn dhawaan uga timid DFS oo sheegtay in Kenya fara-galin ku heyso Qarannimada iyo madax-bannaa nida Soomaaliya.

Kenya ayaa sheegtay in eedeyntaasi tahay mid aan waxba ka jirin oo la doona yo in bulshada lagu marin habaabiyo, iyadoo lagu qarinayo hormar la'aanta dhin acyada badan iyo guul darrada siyaasade ed ee Dowladda hadda jirta.

Danjiraha Soomaaliya ee Q/Midoobay Abuukar Daahir Cismaan ayaa Jimcihii ay nu ka soo gudubnay sheegay in dowladaSoomaaliya ay qorsheyneyso in si rasmi ah cabasho ka dhan dowada Kenya u gu dbiso golaha ammaanka.

Laakiin Kenya waxaa ay sheegtay in eedeyntaasi tahay mid la doonayo oo kal iya mid muuqaalkeeda lagu xumeynayo isl amarkaana wax loogu dhimayo Dowladda Soomaaliya ka leedahay dano kale oo siyaasadeed.

Ma'aha markii ugu horreysay oo ay do wladda Soomaaliya sidan oo kale eedey mo ugu jeediso dowladda Kenya, iyadoo mar walbana dowladda Kenya eedeymaha asi ku tilmaameysay kuwo aan waxba ka jirin.

Diiwaangelinta Shirkadaha ka Shaqeyn aya Arrimaha Xajka oo bilaawdey

Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee XFS ayaa marka hore waxaa ay u mahad celisay dhammaan shirkadihii Soomaaliyeed ee u soo adeegay xujayda Soomaaliyeed xajkii 1440H/2019.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda ayaa waxaa lagu sheegay in ay bilaabayaan dii waangelinta Shirkadaha donaya inay san adkaan si daahfurnaan ah inay ugu tarta maan qaadista xujeyda Soomaaliya.

Hoos Ka Akhriso Qoraalka Wasaaradda oo u badan farriin ku socota Shirkadaha di yaaradaha dalka.

Waxaa ay Wasaaraddu in muddo ah soo wadday dejinta habkii iyo hanaankii la gu gudan lahaa shaqada Qaran ee u ade egidda Xujayda Soomaaliyeed ee xajka sanadkan 1441/2020; Hadaba, iyada oo la raacayo siyaasadda DFS oo ku dhisan hu fnaan & gudashada ammaanada Umadda Soomaaliyeed si’ waafaqsan Danta Dalka & Diinta ayay wasaaraddu si’ rasmi ah ugu dhawaaqday:

In adeegga Xajka sanad kasta yahay Tartan furan,

In Qabashada araajida iyo galalka shirk adaha danaynaya u adeegidda xujayda Soomaaliyeed ee sanadkan 1441/2020 ay soo gudbistaan galalkooda codsi mudd ada u dhaxaysa 04/03/2020 – 11/03/ 20 20.

U adeegidda xujayda Soomaaliyeed waxaa loo galayaa Tartan furan oo ay sim anyihiin shirkadaha Soomaaliyeed ee ku soo gudbista galalkooda codsi sanadkan 1441/2020 muddada sare ku xusan

Ugaaska BEESHA MAREEXAAN oo raa li gelin u diray beesha Mudullood

Ugaas Maxamed-Weli oo ah ug aaska B/Mareexaan ayaa beesha Mudullood ka raali geliyey hadal uu dhow aan ka jeediyey dood uu u qabtay TV-ga Somali Cable, Ugaas ka, siyaasiyiin iyo aq oonyah anno.

Ugaaska oo u waramay TV-ga Unive rsal ayaa sheegay in hadalkii uu horay u jeediyey oo ay dhibsatay beel weynta Mu dullood uu ka raali gelinayo.

Hadalka uu raali gelinta ka bixinayo Ugaas Maxamed Weli ayuu ku yiri,"Shirka beesha Mudullood waa shir qabiileysan, tu saale ayaan ku siinayaa siyaasiyiinta Mu dullood ee dowladda kasoo horjeeda waa niman qabiileysan oo awood, deegaan iyo hujuum ku jira, tusaale Sheekh Shariif afar tii sano ee Madaxweyne Xasan ma uusan hadlin, dowladaana laba sano iyadoo gaa rin ayuu mucaarad ku bilaabay. Xasan sid oo kale, waxay bilaabeen shirar iyo dhaar, marka shirarkaan ay wadaan Xasan, Shar iif iyo Cali Mahdi waa kuwo qabiileysan” ay uu xilligaas yiri ugaaska B/Mareexaan.

Ugaaska ayaa sidoo kale doodii uu ha beenkaas ka qeyb galay ka sheegay in siy aasiyiinta qabiileysan ee hoggaaminta dal ka ku wareeray aysan xal u heyn umadda Soomaaliyeed, isagoo hadalkiisa ku xusay in taasi ay tahay risaalo uu umadda Soom aaliyeed u diraayo, sida uu hadalka u dhig ay.

xalay ayuu sheegay Ugaas Maxamed Weli in haladkaas uu u weday madaxdii ho re ee dalka, isagoo sheegay in madaxdu aysan aheyn qabiil gaar ah, balse hadkii ka soo yeeray 2habeeno ka hor uusan si ula kac ah ugu jeedin beesha Mudullood.

"Hadalkeygii la dhibsaday oo qabiilka we yn ee Mudullood uu dhibsaday, aniguna ugaas Maxamed Weli aan ahay ma gar na qsan karno, waxaan rabaa walaalehey in ay raali ahaadaan, anigu hadalkaas kheyr uunbaan ula jeeday niman madax dalka ka soo noqday ninka madaxda ahna um adda ayuu u wada dhexeeyaa, isma la heyn Mudullood halkaas ayey ka gaarey saa, wax kasta oo dhacayna khaladkaas aniga ayaa qaatay Mudullood waxaan leey ahay raali ahaada walaaleheyow”ayuu yiri Ugaaska B/Mareexaan.isagoo sii hadlayey ayaa yiri, "Waan ogahay waxa aan u dhim anayo waana madaxweyne Maxamed C/hi Farmaajo, waxa aan ku qabo iyo waxa na ga dhexeeyana Alle ayaa og, dadkuna wa xa ay aaminsanyihiin waxa aan u dhima nayo, marka ‘Jisadeyda Eebaan ka sugi galaba waajaade’ mar kale waxaan leey ahay walaalehey Muduloodow raali aha ada”.


Sanater:- Qaybdiid oo sheegay in DF ay ku fashil antay amniga

Senator Cabdi Xasan Cawaale (Qayb diid) oo ah guddoomiyaha guddiga Dastu urta 2da ee baarlamaanka federaalka So omaaliya ayaa ka hadlay xaa ladda guud ee dalka, gaar ahaan arrimaha siyaasadda iyo amniga dalka.

Cabdi Qaybdiid oo ware ysi siiyey TV-g Universal ayaa is barbar dhig ku sameeyey waxyaabaha u qabsoo may dowladda iyo kuwa ay ka gaabisay muddada ay jirto. Ugu horreyn wuxuu she egay in dowladdu ay dadaal badan gelisay arrimaha siyaasadda iyo barnaamijka de yn cafinta oo haatan maraya meel wanaag san.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay inay ka ga abisay wax ka qabashada amniga iyo mas ’uuliyada ka saaran, isagoo xusay inuu go’ ay isku socodka gobollada dalka.

"Waxaa go’ay isku socodka dadka iyo Ciidamada Gobollada Dalka, taas badalke ed Dowladda ciidamadii loogu talagalay in ay u isticmaalo isku furista waddooyinkaas ay geysay Gobollada kale ee dalka”. ayuu ku yiri wareysiga uu bixiyey Cabdi Qay bdiid.

Senatorka oo hadalkiisa sii wata ayaa dowladda ugu baaqay inay u diyaar garow do, islamarkaana ay mas’uuliyad iska saar to sugida amniga doorashada soo socota.

Ugu dambeyn wuxuu u soo jeediyey ma daxda Qaranka inay xooga saaraan arrim aha nabad gelyada iyo dib u heshiisiinta oo muhiim u ah geeddi socodka Soomaal iya.

Hadalkaan ayaa ku soo aadaya, iyadoo bilihii dambe dowladda lagu dhaleeceynay ey in ciidamadii loogu talagalay inay la da gaalamaaan Al-Shabaab ay geysay deega ano ka kala tirsan maamullada Galmudug iyo Jubbaland oo ay haatan xiisado xoog an ka jiraan.XIGASHO:-Caasimadda.Net

Mas’uul ka mid ahaa musharixiintii madaxweyne ee ASW oo meydkiisa la ga hel ay xerada Inji ee Dhuusamareeb.

Md.Axmed Maxamed Kooshin oo ka mid ahaa musharixiintii ASW ee ka qayb galay doorashadii Sheekh Maxamed Sha akir ku sheegtay inuu yahay madaxweyna ha Galmudug ayaa meydkiisa laga helay xerada Inji ka dib markii ciidanka dowlad da federaalku la wareegay xearada.

Kooshin ayaa ka mid ahaa dadkii ku wehleiyey xerada Inj hoggaamiyeyaashii ASW intii uu socday dagaalkii qaatay 2da maalin ee sababay inay isdhiibaan ciidan kii iyo madaxdii ASW, sida ay Mustaqbal u sheegeen xubno kamid ah hay’adaha nab adgelyada Dhuusamareeb Kooshin ayaa geeriyooday maalin kii 1aad ee dagaal ka.

Dagaalkii ciidanka dowladdu ku qaadd ay xerada Inji ayaa sababay illaa hadda In ta la xaqiijiyey 2 Askari iyo Axmed Maxa med Kooshin, illaa hadda ma jiro war ku saabsan dagaalkaas oo ka soo baxay Gal mudug iyo DFS midkood.

Macalin Maxamuud oo ahaa hoggami yihii ASW ayaa u safray Garoowe isaga oo ku sii jeeda Sucuudiga halka Shaakir iyo Ashcari lagu wado in ay sii joogi doonaan gobolka.

Hoggaamiyihii Ahlusunna Waljamaaca oo Garowe ku sugan haatan

Hoggaamiyaha ururka Ahlusuna walj amaaaca Macallin Maxamuud Sheikh Xas an, ayaa socdaal qarsoodi ah oo laga qari yay saxaafada ku yimid M/Garowe ee caa simadda Puntland.

Masuuliyiin ka tirsan maamulka Puntl and ayaa ka gaabsaday inay ka hadlaan ujeedada imaatinka Macallin Maxamuud, balse oo maalmo ka hor lagala wareegay awoodii Ahlusunna ay ku lahayd gobolada dhexe ee Soom aali ya.

Wararka aan helay no ayaa sheegaya in macallin Maxamuud uu kulan la yeela ndoono madaxda Pu ntland ka hor inta uu san u duulin M/Nay robi, halkaas oo uu ku wajahan yahay maalmaha soo socda.

Dhawaan, Puntland waxay sheegtay in ay aad uga xun tahay sida loola dhaqmay Ahlusunna Waljamaaca, iyagoo ku eede eyay DFS inay duulaan ku tahay goboladii nabdoonaa ee iska xoreeyay ururka Alshabaab.

Horey, Puntland iyo Ahlsunna ayaa is ku mowqif ka taagnaa arrimaha ka socda Galmudug, waxaana jiray kulan madaxwe yne Deni uu Garowe kula yeeshay Macal lin Maxamuud Sh.Xasan bishii january ee sannadkaan.

Maxkamad kutaala Maraykanka oo la soo taagay nin loo haysto inuu xaaskii sa dilay

Nin Soomaali ah ayaa maxkamad lagu soo taagay dalka Maraykanka, isagoo lagu soo oogay dac wad ku saabsan in uu xaaskiisa dilay.

4-tii Maarso san adkii 2019, ayaa Muna Kuri oo ahayd xaas ka Cabdicasiis Kerow waxaa maydkee dii ayaa laga helay guri ku yaal xaafada City Heights ee mag aalada San Diego ee dalka Maraykanka.

Cabdicasiis Kerow ayaa ka dib la waay ey, markii hoyga ay ku noolaayeen laga helay maydka xaaskiisa, taasi oo keentay in amar lagu siiyo booliiska inay soo qab taan.

Aamina Salaad, oo ah walaasha marx uumada, ayaa sheegtay in Kerow uu mas' uul ka ahaa dilka walaasheed ayna cadd eyn buuxda u tahay markii uu baxsaday dhimashadeeda ka dib iyo maydkeeda oo laga helay gurigooda.

Waxay maxkamadda ka sheegtay inuu dhowr mar lasoo xidhiidhay una yimid, isa goo ku qeylinaya, "Waalashaada way iga qaldan tahay.”waxay sameysaa waxyaabo anshax xumo.”

Kerow waxaa lagu xiray Panama 20-kii Maarso 2019 waxaana loo celiyay Marey kanka, halkaas oo lagasii geeyay xabsiga San Diego Central Jail, si baaritaan loogusameeyo kiiska loo haysto.

Dhageysiga hordhaca ah ayaa la qab tay Jimcihii 28-kii Febraayo 2020 si xeer-il aalintu u soo bandhigto caddeyn ka dhan ah Kherow.

Ku-xigeenka baaraha caafimaadka Dr. Bethann Schaber wuxuu ka marag kacay in Muno kuri u geeriyootay dhaawac xa gga maskaxda ah.

Madaxweyanayaasha Turkiga & Ruush ka oo xal u raadinaya xiisadda Idlib

Madaxweynha Turkey Recep Tayyip Erdogan ayaa Khamiista booqan doona Russia, si uu ma daxweyne Vlad imir Putin ugala xaajoodo xiisad da sii kordheysa ee ka taagan Syria, waxaa sidaas Shalay sheegay xafiiskiisa.

"Madaxweynaha waxa uu booqasho hal maalin ah ku tagi doonaa Russia, 5-ta Mar ch,” waxaa sidaas bayaan ku yiri madaxt ooyada Turkey.

Turkey ayaa Axadii xaqiijisay inay bill owday howl-gal militari oo ka dhan ah cii damada Syria ee Russia ay taageerto ka dib isku dhacyo xooggan oo ka dhacay gobolka Idlib.Ankara, oo taageerta dagaal-yahanada Islaamiga ah ee gobolka, ayaa 19 askari oo Syrian ah ku dishay duqeymo ay ku fulisay diyaarado aan cidna wadin Axaddii, waxayna soo ridday laba diyaarad oo uu maamulka Syria leeyahay.

Hase yeeshee waxaa ka go’an inay ka fogaato isku dhac toos ah oo dhex mara ayada iyo Moscow, oo ay wadaagaan xiriir ganacsi iyo mid militari oo weyn.

Xiisadda hadda taagan ayaa ka dartay toddobaadkii tegay kadib markii 34 askari oo Turkish ah lagu dilay duqeymo cirka ah oo lagu eedeeyey xukuumadda Damas cus.


2 ka mid ah xildhibaanadii ugu miis aanka cuslaa oo iska casilay UPD iyo Himilo Qaran

2ka mid ah xildhibaanadii ugu miis aanka cuslaa ee xisbiyada UPD iyo HIM ILO QARAN ayaa ku dhowaaqay inay iska cas ileen xilalkii ay ka hayeen kana ba xeen.

Xildhibaan Cabdifat aax Daahir Ismaac iil ayaa warqad uu soo saaray ku sheegay inuu iska casilay xilka guddoomiye ku-xige enka xisbiga UPD, kana tagay xubinnima dii xisbiga.

"Waxaan doonayaa inaan shacabka u xa qiijiyo in mowqifkeyga ku aadan xuk uum adda hadda jirta uu sidiisa u taagan yahay. Waxaan sii wadi doonaa inaan la xi saabtamo hoggaanka liita ee dalka, waxaa na raadin doonaa Soomaaliya oo nabad iyo barwaaqo ku hesho hoogaan wanaag san,” ayuu yiri xildhibaan Cabdifataax.

Warqad taas la mid ah oo uu soo saa ray, ayuu isna xildhibaan Xuseen Carab Ci ise isaga casilay guddiga fulinta Himilo Qaran, kana baxay xisbigaas.

2da xildhibaanba waxay kasoo jeed aan gobollada Waqooyi, mana ayasan sha acin wax sabab ah oo ku aadan sababta ay isku casileen.

Hase yeeshee xubno ka mid ah xisbiyada UPD iyo Himilo Qaran, ayaa Caasimada Online u sheegay in labadan xildhibaan aysan la dhacsaneyn qaabka ay wax u wadaan xisbiyada mucaaradka, iyo in mucaaradooda ay u arkaan mid aan dhameystirneyn.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in saacada ama maalmaha soo socda ay xubno kale ay iska casili doonaan labadan xisbi, kuwaas oo kasoo jeeda gobollada Waqooyi.

Hoos ka aqriso labada warqad ee ay soo saareen labada xildhibaan

Taliska Xoogga Dalka oo digniin u jeed iyay Kenya, ka dib dagaalkii Beled Xaawo

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka ee G/Gedo, Korneyl Maxamad Caddow Cali (Sanka) ayaa Kenya ugu yeeray in ay jooj iso waxa uu ugu yeeray daan-daans ige eda ka dhanka ah Somaliya.Taliyaha ayaa sheegay inay soo afjareen dagaalkii xooga naa ee Shalay ka dhacay xuduuda D/Be led Xaawo la wadaagto Degmada Ma ndh era ee Gobolka Waqooyi Bari Kenya.

Taliyaha ayaa sid oo kale sheegay in ay ka itaal roonaa deen dadkii uu she egay inay taagee re ysay Dowladda Ken ya, ayna ka sifeey een xuduuda Degmada Beled Xaawo ee Gobolka Gedo.

Taliyaha oo Warbaahinta kula hadlay D/Beled Xaawo ayaa xusay in Cii danka Kenya ay madaafiic ku soo tuureen D/Bel ed Xaawo, intii uu dagaalku socday, taa oo burbur uu ka soo gaaray dhismooyin ku yaala degmadaasi.

Waxa uu Kenya uga digay inay joojiso xadgudubyada ka dhanka ah Somaliya, ha ddii kalena ay Ciidanka Xoogga Dalka ka bixin doonaan jawaab adag oo ku aadan.

Waxa uu intaa ku daray in Ciidamada Dowladda Somaliya ee ku sugan xuduuda Degmooyinka Beled Xaawo iyo Mandhera, ay u diyaarsan yihiin ka hortagga weerar kaga yimaada dadka ay taageereyso Ke nya, sida uu yiri.

Gudoomiye Kuxigeenka G/Gedo, Cis maan Nuur Xaaji ayaa dhankiisa ku good iyay inay gudaha u geli doonaan Deg ma da Mandhera, haddii markale laga soo abaabulo weerar ka dhan ah Degmada Be led Xaawo.

Dagaalkii Shalay ka dhacay duleedka Degmada Beled Xaawo oo ahaa mid xoo gan ayaa sababay khasaaro dhimasho, dhaawac iyo mid maaliyadeedba leh.

Dagaalkan ayaa noqonaya kiisii ugu xoo ganaa oo muddo sideed sano ah ka dhaca D/Beeld Xaawo, tan iyo markii laga xore eyay mintidiinta Ururka Al Shabaab.

Baarlamaanka Galmudug oo ansiiyay in muddo kordhin loo sameeyo Golaha Wasiirada maamulkaasi.

M/Dhuusamareeb ee Caas imadda maamulka Galmudug ayaa Shalay waxaa kulan ku yeeshay Xildhiba anada Galmu dug, waxaana kulan shir Guddoomiyay Guddoomiyaha Baarlam aanka Dr. Max amed Nuur Gacal. Ajendaha kulanka Xildhibaanada ayaa wu xuu ahaa ansixinta Codsi ka yimid Madax weyne Axmed Cabdi Kaariye Qoor qoor, kaasi oo ku aadan in muddo kordhin loo sameeyo Golaha Wasiirada Galmudug ilaa inta Qoorqoor kasoo dhisayo Golihiisa Wasiirada Cusub.

Codsiga ka yimid Madaxweynaha Gal mudug ayaa waxaa Xildhibaanada Baarla maanka ka hor Akhriyay Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid.

Ugu dambeyntii Xildhibaanada Galm udug ayaa ansixiyay Codsiga uga yimid dhanka Madaxweyne Axmed Cabdi Kaar iye Qoorqoor, waxaana laga dalbaday in Golihiisa Wasiirada Cusub uu kusoo dhiso muddo bil ah.

Xog cusub oo ku saabsan qaraxi lagu dilay gudoomiyihi maxkamada gobolka SOOL

Warar dheeriya ayaa ka soo baxaya qaraxii uu goordhoweyd ku geeriyooday Guddoomiyaha maxkamadda gobolka Sool ee Somaliland, Xasan Sheekh.

Guddoomiyaha ayaa ku naf waayay qarax loogu xiray gaarigiisa xili uu ka soo baxay xarun ay Wasaarada maaliyadu ku leedah ay magaalada Laascaanood.

Guddoomiyaha ayaa waxa uu gaarigu la qarxay isagoo ku sii jeeda Hotelka uu ka dagan yahay magaalada Laascaanood, abaaro 5:35PM, sida ay noo xaqiijiyeen oobjoogayaal.

Sida ay Caasimada Online ogaatay ma jirin qof kale oo Guddoomiyaha la saa rna gaariga, xiligii uu qarx ay.Guddoom iy aha ayaa u naf baxay dhaawac culus oo ka soo gaaray qaraxa loogu xiray gaari giisa, midaasi oo sababtay in uu geeriyoo do xili lagu howlanaa u fidinta gargaar deg -deg ah. Ciidamada Booliska Somaliland ayaa markiiba gaaray goobta qaraxaasi, iyagoona halkaasi ka bilaabay baaritaano ku aadan dhacdadan, maadama ay deeg aanada Somaliland ay ku cusub tahay in Mas’uul gaarigiisa loogu xiro qarax.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Laa maha amniga oo ku aadan qaraxan, wa low aan xiriir aan la sameynay Sar aaki isha amaanku ay ku gaabsadeen in qara xa lagu wado baaritaan.

Ilaa iyo haddana ma jirto cid sheegatay Mas’uuliyada qaraxaasi, oo noqday mid cabsi badan ku abuuray Mas’uuliyiinta So maliland, gaar ahaan Hay’adaha garsoor ka oo uu ka tirsanaa marxuumku.

Xigashocasimaddaonline.com


Ololaha Wacyigelinta Dib-u-eegista Das tuurka oo ka furmay Jowhar

Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ayaa Shalay ka daahfurtay magaalada Jowhar ee Xarunta Hirshabelle Ololaha Wacyige linta ee dib-u-eegista Dastuurka, waxaana ka soo qayb galay in ka badan 100 qof oo ka kala socda qaybaha kala duwan ee bu lshada ku dhaqan magaalda Jowhar.

Kulankaan oo socon doona muddo saddex maalin ah waxaa lagu soo bandhigi doonaa cutubyada dib-u-eegista lagu sameeyay iyadoo dirradda lasaarayo arrimaha u baahan wada xaajoodyada siyaasadeed sida awood qaybsiga, maqaamka caasimadda, hannaanka cadaaladda, hannaanka maaliyadda, aminga iyo khayraad wadaagga.

Ujeedada kulanka wacyigelinta ah ayaa ah in sare loo qaado ogaalka bulshada ee ku aadan dib-u-eegista dastuurka iyo in ay aragti ku yeeshaan arrimaha dib-u-eegista dastuurka.

Agaasimaha wacyigelinta wasaaradda dastuurka XFS Abdikani Ali Adan ayaa ugu horrayn sharaxay ujeedooyinka kulanka wacyigelinta dib-u-eegista dastuurka, waxa uu sheegay in ujeedadu tahay indadka ku nool jowhar ay aragtidooda ku biiriyaan dib-u-eegista dastuurka islamarkaana ay fahmaan qodobadda ku jira dastuurka ee u baahan in heshiis siyaasadeed laga gaaro.

Agaasime abdikani ayaa xusay in ololahan uu socon doono muddo saddex bilood ah, iyadoo wasaaraddu ay ku soo qabatay kulamo nuucaan oo kale ah magaalooyinka Muqdisho iyo Baydhabo.

Wasiiru dowlaha wasaaradda Dastuurka Hirshabelle, Mudane Xil. Sadakh Mukhtar oo kulanka si rasmi ah u furay ayaa uga mahadceliyay wasaaradda dastuurka XFS in kulankan ay ku qabato jowhar si dadka reer hirshabelle ay wax uga ogaadaan geedi socodka taarikhiga ah ee dib-u-eegista dastuurka islamarkaana ay aragtidooda ku biiryaan.

" Waxaa sharaf u ah dadka reer hirshabelle in ay aragti ku yeeshaan geedi socdka dib-u-eegista dastuurka, maadaama dastuurku yahay heshiis bulsho, Dastuurku wuxuu ku meel gaarka uga bixi karaa in sidaan oo kale loola tashto dadka fikradohoodana ay ku daraan” ayuu yiri Wasiir Saadaq Mukhtaar.

Dadakii ka soo qayb galay kulanka ayaa su’aalo laxiriira maqaamka caasimadda, awwod qaybsiga, qoondada haweenka, iyo arrimo kale waydiiyay khuburada ka socday wasaardda dastuurka.Kulankaan ayaa ah kulankii saddexaad oo ay qabato wasaaradda dastuurka, iyadoo kulammo nuucaan oo kale ah lagu qabtay Banaadir iyo Baydhabo, waana olole baahsan oo lagu qaban doono dhammaan dowlad goboleedyada.

Kuuriyada Koonfureed oo la timid farsa mo fudud oo lagu baaro Caabuqa Corona

Dadka ayaa Caabuqa laga baarayaa iyagoo aan gawaaridooda ka dagin Kuuriy ada Koonfure ed, oo ah wad danka 2aad ee Shiinaha ka dib uu saameynta ugu weyn ku yeeshay Caabuqa Corona ayaa la yi mid fikrad si sahlan dadka looga baari karo xanuunkan.

Inta badan gobolada dalkaas ayaa la ga furay goobo dadka gaadiidka wata ay isku baari karaan iyagoo aan gaarigooda ka dagin.

Adeeggan,oo loo yaqaanno "Drive Thr u", ayaa inta badan lagu yaqaannay makh aayadaha mashquulka ah iyo meheradaha kale ee laga dukaameysto.

Qaar ka mid ah khubarada dhinaca ca afimaadka ee caalamka ayaa sheegay in habka dardarta ku socda ee ay K/Koonfu reed ku baareyso Caabuqa uu yah ay mid saameyn leh oo ammaan mudan.

Waxay sheegeen in awoodda ay Kuuriya da Koonfureed u adeegsatay la tacaalista cudurkan cusub ay tahay mid aad u baa xad weyn oo ka wax tar badan dhammaan dalalka kale, oo uu ku jiro Mareykanka.

Ku dhawaad 70,000 oo ruux ayaa isb uucii lasoo dhaafay gudaha Kuuriyada Ko onfureed looga baaray xanuunka loo bixiyay Covid-19.

Dalka Japan ayaa tirada baaritaanka ee uu ilaa xilligaas sameeyay lagu sheeg ay qiyaastii 1,890, halka Mareykankana uu gaaray 445 baaritaan oo kaliya, sida ay sheegtay warbaahinta ABC.

Maxaa loogu hanjabay dhakhtarkii u gu horreeyay ee ogaaday caabuqa Cor ona?

Wararka runta ah iyo kuwa beenta ah ee ku saabsan caabuqa Corona

Dr. Todd Ellerin, oo ah agaasimaha wa axda la tacaasha cudurrada faafa ee Kuur iyada Koonfureed, ayaa sheegay in tirada badan ee baaritaanka la sameeyay ay tah ay mid lagu farxo. "Waxay ila tahay in shaqo wacan la qabtay", ayuu yiri Ellerin, wuxuuna xaqiiji yay saxnimada baaritaanka ka socda dalki isa. 2Hadda waxaa lagu jiraa xaalad deg deg ah, taasina waa tallaabadii aan qaadi lahayn", ayuu sii raaciyay hadalkiisa.

Kuuriyada Koonfureed oo uu si ba'an u saameeyay Caabuqa Corona ayaa maa nta oo Isniin ah soo tabisay 476 kiis oo cu sub, taasoo tirada guud ka dhigeysa 4,212. Waddankan ayaa laga xaqiijiyay 26 dhimasho oo uu sababay Corona.

Meelo ka mid ah Scotland ayaa dhowr ma almood ka hor laga sameeyay adeegga ba aritaanka Caabuqa Crona oo la mid ah midka ay sameysay K/Koonfur eed

Gobolka Scotland ayaa dadaal xoogg an ugu jira sidii uu uga hortagi lahaa inuu soo gaaro xanuunka dabayaaqadii sanad kii lasoo dhaafay kasoo billowday waddan ka Shiinaha. Isbuucii hore ayaa lagu soo warramay meel ka mid ah gobolkaas laga sameeyay baaritaan la mid ah midka ay sameysay K/Konfureed, kaasoo ah in dad ka laga baaro caabuqa iyagoo aan gawaa ridooda ka dagin.Scotland ayaa ah gobol ka kaliya ee ka tirsan UK oo wali uusan gaarin Caabuqa Corona.

Waa sidee xaaladda guud ahaan Dun ida?

Tirada guud ee uu Caabuqa Corona ku dilay caalamka oo dhan ayaa gaartay 3,000 oo ruux, iyadoo Shiinaha kaliya laga soo tabiyay 42 dhimasho oo hor leh.

In ka badan 90% dadka dhintay wax ay ku geeriyoodeen gobolka Hubei ee dal ka Shiinaha, kaasoo ah meesha uu ka dha shay cudurkan cusub.hase ahaatee wax aa jiray dhimasho oyin kale oo laga soo tabiyay ilaa 10 wad dan oo kale.

Iiraan ayaa Shalay xaqiijisay 12 qof oo u dhintay xanuunkan, taasoo tirada gu ud dalkaas ku dhimatay ka dhigeysa 66 ru ux.

Waxaa dadka dhintay ku jira sarkaal sare oo ka mid ahaa la taliyeyaasha hoggaami yaha sare ee Iiraan Ali Khamenei, sida ay warbaahinta Iiraan shaaciyeen.

Talyaaniga ayey ku dhinteen in ka ba dan 30 ruux, waana dalka ay saameynta u gu xun gaartay guud ahaan Qaaradda Yu rub.

Caalamka oo dhan waxaa ilaa hadda laga xaqiijiyay ku dhawaad 90,000 oo kiis.

Caabuqan ayaa hadda dalalka kale ee du nida ugu faafaya si ka dhakhso badan si da uu ugu fidayo Shiinaha.

XIGASHOBBC


 

Isku dayga ay Carabta Israel xukunka uga tuurayaan Netanyahu

Ra’iisul wasaare Benjamin Netan-yahu ayaa Axaddii taageerayaashiisa ku booriyey inay ka codee-yaan doorashada Sha-lay dhaceysa ee Israel, si uu u helo kursiga ama labada dheeriga ah ee uu u baahan yahay si uu usoo dhiso dowladda cusub.

Hase yeeshee, xilli uu olole ku jiray, ayaa awood kale oo ka mid ah siya-asadda Israel – Carabta laga tirada badan yahay – waxa ay doonayaan inay xamaa-sad iyo carro ka dhan ah Netanyahu iyo xulufadiisa Mareykanka u adeegsadaan inay doorashada u weeciyaan dhan kale.

Sharci-dejiyayaasha Carabta ayaa bulshadooda ku booriyey inay si weyn uga qeyb qaataan doorashada Shalay dhac-eysa, ayna muujiyaan sida ay uga soo horjeedaan qorshaha madaxweynaha Mareykanka ee nabadda Bariga Dhexe ee loogu magac daray "Heshiiska Qarniga.”

Carada Carabta Israel ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray qeyb ka mid ah qorshahan, taasi oo dib u calaameynaysa xuduudaha, islamarkaana qaar ka mid ah magaalooyinka iyo xaafadaha Carabta ka saaraysa Israel, kuna daraysa dalka mustaqbalka ee Falastiin

"Waxaa jira qof dejiyey qorshahan, waana Benjamin Netanyahu,” waxaa sidaas yiri Ayman Odeh, oo ah madaxa isbahaysiga xisbiyada Joint List, oo ay Carabta ku xooggan yihiin.

"Waxaan u baahanahay inaan xuk-unka ka tuurno, waa ninka naga carre-ysiiyey, waa qofka ka dambeeya Hesh-iiska Qarniga,” ayuu yiri Odeh, oo tagay xaafadda Taibe, oo noqon karta mid ka mid ah xaafadaha laga saaro Israel.

Codadka ra’yiga dadweynaha ayaa muujinaya in xisbiga Likud ee Netanyahu iyo xisbiga Bule and White ee Benny Gantz ay siman yihiin.

Carabta ayaa waxay hadda baa-rlamanka Israel ku leeyihiin 13 ka mid ah 120-ka kursi. Haddii Carabta iyo Isbahay-siyada Dhexe ay kordhiyaan saamigooda kuraasta, aad ayey u adkaan doontaa in Netanyahu uu helo kuraasta dheeriga ah, ee uu u baahan yahay si uu dowladda usoo dhiso.

80% Carabta wax ka og qorshaha Trump, ayaa kasoo horjeeda, sida ay muujisay ra’yi ururin la sameeyey 24-ka Febraayo.

Arik Rudnitzky, oo qaaday codkan ra’yiga ah, ayaa sheegay in qorshaha Trump uu kiciyey Carabta oo markii hore aan inta badan ka qeyb-geli jirin doorashada, waxaana la filayaa in doorashada Shalay ay ka qeyb-qaataan tiro ka badan tan doorashadii ugu dambeysay, oo ah 60% dadka xaqa u leh inay codeeyaan.

Jubbaland Oo Ka Hadashay Dagaal Cul us Oo Ka Socda Balad-Xaawo

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal xoogan oo weli ka socda duleedka Degmada Balad-xaawo ee Go-bolka Gedo, kaasi oo uu dhexeeya Cii-danka dowladda Federaalka iyo kuwa maamulka Jubbaland.

Dagaalkaan oo intiisa badan ka socda Nawaaxiga Xerada BP1 oo ay ku sugan yihiin Ciidanka Jubbaland ayaa wa-xaa la sheegay inuu dagaalka kusii fiday deegaano hor leh oo u dhow xuduudka gaar ahaan Magaalada Mandheera ee dalka Kenya.

Khasaaro isugu jirab dhimasho iyo dhaawac ayaa lagu soo waramayaa inuu dagaalka ka dhashay, In kastoo aan si dhab ah loo ogeyn inta uu la egyahay, ma-adaama aaga uu dagaalka ka socdo ay adeg tahay in xog laga helayo.

Dadka deegaanka oo la hadlay W-arbaahinta ayaa waxaa au sheegeen in gudaha Degmada Balad-xaawo ee Gob-olka Gedo ay kusoo dhaceen tiro Mada-afiic ah, kuwaasi oo ku dhacay Guryo ay-na gubteen, weli lama oga Khasaaraha ka dhashay.

Dhinaca kale maamulka Jubbaland ayaa ka hadlay dagaalka ka socda dulee-dka Balad-xaawo ee Gobolka Gedo, wax-aana Saraakiisha Ciidanka Jubbaland ay sheegeen in Ciidamo ka tirsan dowladda ay weerar kusoo qaadeen Ciidanka Jub-baland ee ku sugan Balad-xaawo.

Saraakiisha Ciidanka Jubbaland ayaa waxaa ay sheegeen inay iska difaa-ceen weerarkii uga yimid dhanka Ciidanka dowladda, isla markaana ay kuwa dow-ladda dib ugu celiyeen halkii ay kasoo dhaqaaqeen waa sida ay hadalka u dhi-geen.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in dagaalkan Shalay qarxay uu sameeyn ku yeeshay xuduudka Soomaaliya iyo Kenya gaar ahaan Magaalada Mandh-eera, waxaana gudaha Magaalada laga maqlayaa dhawaqa rasaas xoogan.


BOGGA CAYAARAHA


Mikel Arteta Oo Arsenal U Sheegay Hal ka Sabab Ee Uu Pierre-Emerick Auba meyang Uga Tagi Doono Kooxda Dham aadka Xilli Ciyaareedkan.

Tababaraha Kooxda Arsenal ee Mikel Arteta ayaa sheegay in ay Arsenal ku qasbnaan doonto in ay iibiso xiddiga Pierre-Emerick Aubameyang hadii ay kooxdu u soo bixi waydo champions League xilli ciyaareedka dambe.Gunners ayaa haatan ku jirta kaalinta 10-aad ee kala saraynta premier league iyaga oo uu hal kulan baaqi u yahay 8 dhibcoodna ka dambeeya kooxda kaalinta 4-aad ee chelsea.

Waxa ay 5 dhibcood oo kaliya ka dambeeyaan kooxda Man United xilli ay hal kulan oo baaqi ah gacanta ku haysta-an.Sida ay haat-an arimuhu yihiin Arse-nal ayaa u soo bixi karta cha-mpions League ha-dii ay ka-alinta 5-aad ku dha-maystaan gana-axana Man City dusha laga saarana uu sii joogo xilli ciyaareedka dambe.

Pierre-Emerick Aubameyang oo ah xiddiga ugu goolasha badan Arsenal ayaa lala xidhiidhinayaa in uu isaga tagayo kooxda Arsenal xilli uu xiiso ka helayo kooxda Barcelona.

Arteta ayaana sheegay in ay Arsenal waayi doonto xiddiga ugu fiican kooxda hadii ay xilli ciyaareedkan seegto champions League.

"Dhaawaca uu kooxda ku sababay in ayna ka ciyaarin champions League waa mid aad u weyn”ayuu Arteta yidhi.

"Xaalka dhaqaale ee kooxdu wuu xun yahay sababta oo ah Arsenal waxa ay ahayd in ay ka ciyaarto champions League”.

"Waxa aan samayn doonaa go’aan anaga oo qiimaynana sida ay xaaladu tahay hadii aan champions League ka ciyaa-rayno ama Europa League”.

"Waxa aan iska iibin doonaa xiddigaha ugu waaweyn hadii aanan u soo bixin champions League sababta oo ah si fu-dud ayaan heshiis uga saxiixan karnaa hadii aan champions league ciyaarayno”.

ENGLAND - FA CUPMARCH 2

Portsmouth 0 - 2 Arsenal

MARCH 3

22:45 Chelsea ? - ? Liverpool

23:00 Reading ? - ? Sheffield United

23:00 West Bromwich Albion ? - ? Newcastle United.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip