HALKAAN KA AKHRISO:- WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH ISNIIN 2-dA MAARSO2020-KA

0
Monday March 02, 2020 - 09:00:09 in Wararka by
  • Visits: 912
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO:- WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH ISNIIN 2-dA MAARSO2020-KA

    Xildhibaanadii Muqdisho yimid oo lasii daayey iyo Kenya oo war kasoo saartay 11 ka mid ah xildhibaanada baarla manka Kenya, oo Shalay loogu qabtay ga roonka diyaaradaha Jomo Kenyatta ee Na irobi sababo la xiriira safar ay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xildhibaanadii Muqdisho yimid oo lasii daayey iyo Kenya oo war kasoo saartay 11 ka mid ah xildhibaanada baarla manka Kenya, oo Shalay loogu qabtay ga roonka diyaaradaha Jomo Kenyatta ee Na irobi sababo la xiriira safar ay Dorraad ku yimaadeen Muqdis ho,ayaa lasii daay ey. Xoghayaha Wasaa radda Amniga Gudaha Kenya Moffat Ka ngi ayaa sheegay in 11-ka xildhibaan aan wax dacwado ah lagu soo oogi doonin. Kangi ayaa intaas ku daray in xildhibaan ada ay sharaxaad ka bixiyeen safarkooda, islamarkaana ujeedka safarkooda uu la xiriiray arrimaha amniga iyo waxbarshada gobolka Waqooyi Bari, sida ay yiraahden. Xildhibaanadan ayaa lagu eedeeyey inay Soomaaliya u safreen ayaga oo aan marin nidaamka fasaxa saxda ah ee dow ladda. Sharci-dejiyayaashan Soomaalida ah, oo laga soo doorto Mandhera iyo Wa jir, ayaa garoonka lagu celiyey Shalay ka dib markii ay kasoo laabteen Muqdisho. "Booliska ayaa weydiiyey su'aalo adag oo la xiriira safarkooda," Waxaa sidaas laga soo xigtay ilo-wareedyo ku sugan garoon ka. Safarkooda ayaa yimid xilli ay xiisad xo oggan ka dhex oogan tahay dowladda So omaaliya iyo maamulka Kenya ay taagee rto Jubaland, islamarkaana ay ciidamo So omaali ah ku sugan yihiin xuduudda dhan ka Mandhera, halka wasiirka amniga Ju baland Cabdirashiid Janan uu ciidamo ku haysto Mandhera. Magacyada xildhibaanada iyo deegaa nada laga soo doorto ayaa kala ah: Ahm ed Kolosh (Wajir West), Ibrahim Abdi (La fey), Rashid Kassim (Wajir East), Moha med Hire (Lagdera), Omar Maalim (Mand era East), Bashir Abdullahi (Mandera North), Adan Haji (Mandera West), Kullow Maalim (Banisa), Adan Ali sheikh (Mande ra South), Mohamed Dahir (Dadaab) iyo Ahmed Bashane (Tarbaj). Xildhibaanada Kenya ayaa laga doo nayaa inay afhayeenka baarlamanka iyo wasaaradda arrimaha dibedda ogeysiiy aan ka hor inta aysan safar ku aadan dal kale.

Wasiirka A/Dibadda Somaliya Oo La Kulmay Ra’iisul 

Wasaaraha Suudaan

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashi ga Caalamiga, Md.Danjire Axmed Ciise Cawad, ayaa Shalay oo Axad aheyd, boo qasho sharafeed ugu tagay Ra’iisul was aaraha Suudaan, Dr.Abdalla Adam Ham dok.Intii ay ku guda-jireen kulanka ayaa waxa ay uga wadahadleen xiriirka labo ge esoodka ee 2da dal ee walaalaha ah u dhexeeya, kaasoo ka turjumaya daa cadnimada ra bitaanka iyo waxtarka dad aal ka lagu horumarinayo iskaashiga wadajirka iyo muhiimadda ay leedahay is ku duwidda.

Xiriirka Soomaaliya iyo Suudaan waa mid lagu garto xushmad is-dhaafsi, is ogg olaansho dhowr arrimood oo heer caalami ah iyo mid goboleed oo labada dalba muh iimad gaar ah u leh.

Hoggaamiyaha AhluSunna Macallin Ma xamuud oo ka ambabaxay M/Dhuus amareeb

Hoggaamiyaha guud ee Ururka Ahlu Sunna Macallin Maxamuud Xasan Faarax ayaa ka dhoofay Shalay M/Dhuusamareeb isagoo ku sii jeeda M/Garo we ee xarunta dowlad gobo leedka Punland. Macallin Ma xamu ud ayaa kamid ah ma dax ka tirsan ururka Ahlu Su nna oo isu dhiibay ciidamada dowlada ka dib dagaal ay ciidamada Ahlu Sunna la gal een ciidamada dowlada.

Ka bixitaanka M/Dhuusamareeb ee Ma callin Maxamuud Sheekh Xasan ayaa ka dambeysay kadib markii uu Habeen hore la kulmay Madaxweynaha Galmudug Axm ed Cabdi Kaariye.

Macallin Maxamuud ayaa warar soo baxayay Dorraad ay sheegeen inuu cod saday inuu gaaro M/Garowe halkaasoo uu ugaga sii gudbi doono M/Nayrobi ee dalka Kenya.

Waxaa soo baxayay Habeen hore wa rar sheegayay in Madaxda ugu sareysa do wlada federalka ay dooneysay in Muqdisho la geeyo hogaamiyaha Ahlu Suna iyo weliba qaar kamid ah madaxda ururkaas.

Madaxweynaha Galmudug Oo Kulan La Qaatay Sheekh Shaakir

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor qoor ayaa Shalay Xarunta Madaxtooyad da kulan kula qaatay Sheekh Maxamed Shaakir oo ahaa Madaxii Xukuumadda Galmudug.

Madaxweyne Qoorqoor iyo Sheekh Shaakir ayaa waxaa kulan siiyay Taliyaha qeybta 21-aad ee Ciidanka Xoogga dalka Generaal Mascuud Maxamed Warsame oo Mas’uul ka ah amniga Hogaamiy eya asha Ahlusunna Waljamaaca.Warar la hel ayo ayaa sheegaya in kulanka u dhex eeyay Madaxweynaha Galmudug iyo She ekh Shaakir looga hadlay dagaalkii maalin ka hor Magaalada Dhuusamareeb ku dhexmaray Ciidanka dowladda iyo kuwa Ahlusunna, kaasi oo geystay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Sidoo kale kulanka labada Mas’uul ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Generaal Mascuud Warsame oo ah Taliyaha qeybta 21-aad ee Ciidanka Xoogga iyo Sheekh Cabdirisaaq Saadaq Ashcari oo kamid ah xubnaha sar sare ee Ahlusunna.

Macalin Maxamuud Sheekh ayaa isna Habeen hore kulan la qaatay Madaxwey na ha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor, iyadoona Qoorqoor uu hogaa miyaha uga mahadceliyay tanaasulkii ay sameeyeen.

Si kastaba Sheekh Maxamed Shaakir iyo Macalin Maxamuud oo ah hogaamiyey aasha Ahlusunna ayaa Dorraad isku dhi ibay Ciidanka dowladda, kadib markii Ciid anka dowladda ay weerar xoogan ku qa adeen Xarunta Inji oo ay deganaayeen Culimada Ahlusunna.

Maxkamadda Ciidamada Oo Xukun Ku Riday Nin Dagaal Lagu Soo Qabtay

Cabdiraxmaan Cumar Cabdi Daawle oo magiciisa afgarashadu yahay Xamza ayaa loo heystaa kamid ahaanshiyaha Alshabaab gaar ahaan in uu kamid ahaa Ragga sida dhuum aaleysiga u weerarta far iisimaha Ciidamada.

26-kii September 2019 ayaa laga soo qabtay Baladul-Amiin isaga oo dhaawac ah, waxa ayna ciidamada xoogga ku war eejiyeen ciidamada Amniga oo iyagana la tacaalay dhaawac kasoo gaaray weerar xiligaas Al-shabaab ay ku qaadeen Ciid anka dowladda.

Ina Cumar Cabdi Dawaale ayaa waay ay mid kamid ah lugihiisa oo ay ka fursan waayay howlwadeenada caafimaad in laga jaro. Garsoorayaasha ayaaa ugu da mbeyn go’aan ku gaaray Cabdiraxmaan Cumar Cabdi Daawle lagu xukumo xabsi daa’in sida uu dhinacyada dacwadda u sheegay Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute, guddoomiyaha Maxkamad da Darajada 1aad ee Ciidamada Qal abka Sida.Xukunsanaha ayaa haysta fursad ka le oo uu ku dalban karo Rafcaan muddo ku siman 30-cisho xukunka kadib.


Golaha Wasiirada Hirshabeelle oo ku shiray magaalada Jowhar,kana hadlay arrimo dhowr ah.

Madaxweyne ku-xigeenka Maamulka Hi rshabeelle ahna Ku-simaha Madaxweyn aha Cali C/hi Xuseen Guudlaawe ayaa Shalay shir guddoomiyey kulanka todo baadlaha ee golaha wasiirada, kaasi oo looga hadlay arimo ay ka mid yihiin is-xog wareysi la xiriira howlaha wasaaradaha iyo ka hortaga Musiibooyinka ka dhasha fat ahaadaha.

Sidoo kale, shirka waxaa warbixin koo ban looga dhageystay qaar ka mid ah Wasaaradaha,Wasiirka Wasaarada Beer aha iyo Waraabka ayaa golaha Wasiirada maamulka Hirshabeelle usoo bandhigay daraasaad ay wasaaradu ka sameysay ka hortaga qataraha fatahaadaha.

Maadama lagu jiro xili jiilaal ah lagama maarmaan ay tahay in laga hortago fata haado dhaca sida kuwii dhacay sanadkii hore wasaarada beeraha ayaa golaha la wadaagtay muhiimada ay leedahay in laga howlgalo oo caro bixin lagu sameeyo wab iga dhexdiisa taasoo muhiim ah xalna u ah ka hortaga fatahaado dhaca.

Sidoo kale kulanka waxaa warbixin loo ga dhageystay Wasiirka Wasaarada Caaf imaadka,isagoo ka warbixiyay heerka uu marayo cudurada shuban biyoodka ah ee ka dilaacay qeybo badan oo ka mid ah magaalooyinka HirShabeelle.

Wasiirka Caafimaadka ayaa sheegay in daawooyin ka hortaga shubanka ah ay gaarsiiyeen cusbitaalada Magaalooyinka Jowhar iyo Beledweyne sidoo kale wasii rka ayaa sheegay in xarumo dadka shub anka uu soo rito ay ka hirgeliyeen deeg aanada Hirshabeelle.

Ugu dambeyn wasiirka ayaa sheegay in todobaadyadii lasoo dhaafay dad ku dhow 495-ruux oo uu soo ritay cudurkaan loo fid iyay adeeg caafimaad sidii todobaadkii ho re ay xaaladu ahaydna ay hadda ka wan aagsan tahay.

Cali Ciid:”Waan la heshiinay Xaaf waxa na uu ka qeybgalayaa Caleemasaarka Madaxweyne Qoorqoor.”

Madaxweyne ku xigeenka mamulka Galmudug Cali Daahir Ci id ayaa sheegay in Maa mulkiisu ay la heshiiyeen Madaxweynihii hore ee Galmudug Axmed Duca ale Geelle uuna ka soo qeybgali doono munaasabada caleemasaarka

Madaxweyne Qoorqoor oo aan la shaacin xilliga ay dhacayso.

Md.Cali Daahir Ciid Madaxweyne ku xigeenka ayaa sheegay in qodobad ay ku heshiiyeen ay dhowaan shaacin doonaan.

Isagoo ka hadlayay dagaalkii ka dhacay Dhuusamareeb ayuu sheegay Cali Ciid in ciidamadii Ahlu Sunna qeybtii ugu damb eysay ee ahaa kuwii dagaalka ka qeybg alay ay ku biiri doonaan ciidamada Galmudug.

Hase yeeshee Madaxweyne ku xigeen ka Galmudug ayaan ka hadlin xaalada hoggaamiyaashii Ahlu Sunna oo haatan ku sugan Dhuusamareeb.

Md.Cali Daahir Ciid Madaxweyne ku xi geenka Galmudug waxaana uu shaaciyay in Xaaf iyo Madaxda Ahlu sunna ay isku afgarteen in ay ka qaybgalaan Caleemo saarka Madaxweynaha Galmudug.

Warkan laga soo xigtey Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Cali Ciid ayaa u muuqda mid haddii uu dhab yahay soo afj araya mugdigii ku jirey inay shaqeyso Maa mulka uu madaxda ka yahay Madaxweyne Qoor-qoor.

Al-Shabaab oo hortaagan dhismaha ma daxtooyada maamul

Hal sano kadib wali HirShabelle kuma guuleysan in ay billaabaan dhismaha xaru maha madaxtooyada iyo baarlamaanka HirShabelle oo ay maal gelineysay dowla dda Soomaaliya.

Al-Shabaab ay aa san adkii hore baajiyay dhismaha as, kadib markii ay u hanjabeen shaq aalihii dhisayay, wadayaasha gaadiidka qa labka soo qaadi lahaa iyo ceelasha biyaha dhismaha bixiya.

Al-Shabaab ayaa dadkaas ugu hanja bay dil, waxaana ilaa hadda aan jirin isku day ku saabsan dhismahaas, iyadoo ay maamulka hore u bur-buriyeen dhismiyaa shii hore ee madaxtooyada iyo baarlaman ka oo si ku-meel gaar ah loogu shaqeyn ji ray.

Ilo-wareedyo ayaa sheegaya in Hir Shabelle ay wadi waysay dhismahaan sab abo amni aawgeed waxaana loogu goodi yay qof kasta oo door ku yeesha dhismah aas in la dili doono.

Baarlamanka HirShabelle hada malah an xarun ay ku shiraan waxaana loo kiree yaa hoolka hoteel ku yaalla Jowhar oo qa yba ka mid ah dagan yihiin mas’uuliyiinta HirShabelle halka madaxtooyadana laga dhigay xarun ay leedahay hay’ad ka shaq eysa arrimaha beeraha oo ku taala Jow har.

R/wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyrre ayaa sanadkii hore dhagax dhigay dhismaha xarunta madaxtooyada, baarlamaanka iyo xarumo wasaaradood, hase yeeshee waxaa muddo kadib jooji yay dhismaha xarumahaas Al-Shabaab.

Arintaan waxay dhabar jab ku tahay HirSh abelle oo sugi la’a amaanka magaalada Jowhar oo ah xarunta uu ku shaqeeyo maamulka HirShabelle.

Dagaalamayaal shisheeye oo ku biiray ururka Daacish ee farriisinka ku leh Puntland

In ka badan soddon 30 dagaalyahanno ah ayaa ku biiray ururka ISIS ee ku sugan dhulka buuralayda ee gobolka Bari, war bixinnada sirdoonka ayaa daaha ka qaad ay, iyadoo shan ka mid ah la rumeysan ya hay inay ajnabi yihiin.

In ka badan shan sano, ISIS-Sooma aliya waxay dagaal kula jirtay kooxda la tartamaysa ee al-Shabaab. ISIS ayaa qo rashada dagaalamayaasha ajaanibta u arkaya inay qayb ka yihiin istiraatiijiyado oda xoojinta sida ay tilmaamayaan warbi xinnada sirdoonka.

Saddex dagaalyahan oo ka socda Ye men iyo laba kale oo ka yimid Ciraaq, ay aa lagu arkay xerada tababarka IS ee lagu magacaabo Al-Qurayshi, taasoo kutaala dhulka buuralayda ee gobolka Bari (Punt land)

Ilo wareedyo dhowr ah ayaa sheegaya in kooxdu ay ku qasbantahay in ay dag aalyahanadeeda u dirto koonfurta Sooma aliya, oo ah gobol ay si weyn gacanta ugu hayaan kooxda la tartamaysa ee Al-Sha baab, sida uu qoray Cabdiqani Xasan, oo ah weriyaha Reuters ee Puntland.

Toddobaad ka hor, dagaalyahan IS-Somalia waxaa lagu arkayay iyagoo taba bar cu lus ku sameynayay gudaha Pun tland, taa soo sii kicineysa dareenka ciid amada amniga dowlad-goboleed nabdo on ee Puntland. Ma cadda sida dagaalya hannada shisheeye ay gudaha ugu soo ga leen dalka, laakiin duullaanka qorsheysan ee Koonfurta Soomaaliya ka socda ayaa sidoo kale laga yaabaa inuu saamayn ku yeesho dhadhaqaaqa mintidiinta, marka loo eego hawlgallada degdegga ah ee ciid amada XDS iyo kuwa Mareykanka ay ka wadaan gobolka.


Xiisad ka taagan ‘Macdan Qaali ah’ oo laga helay deegaan ka mid ah Somaliland

Golaha Guurtida Somaliland ayaa Shal ay markii u horeysay ka hadlay xiisad co laadeed oo ka dhex qaraxday Beelo wada dega deegaanka Shidan ee gobolka Sa naag.

Labadan Beel ayaa si weyn isugu dag aalsan Macdan qaali ah oo laga helay de egaankaasi, midaasi oo dhalisay isku dh aca labada beel iyo in xiisadoodu gaadho meel sarre.

Guddoomiyaha golaha guurtida Soma liland, Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa si rasmiya ugu dhawaaqay guddi nabad eed soo dejiya xiisada labada Beel, kuwa asi oo safar ku tagi doona deegaanka ay ka taagan tahay xiisadu.

Hoos ka aqriso magacyada guddiga:

1. Axmed Daahir Jirde (Guddoomiye)

2. Maxamed Sheekh Cabdiraxmaan

3. Cali Maxamed Huruuse

4. Cumar Nuur Xasan

5. Maxamed Faarax Axmed

6. Axmed Xaaji Cabdi Xuseen

7. Xasan Cumar Axmed

8. Diini Cabdillaahi Handi

9. Cawil Cismaan Maxamuud

10. Khadar Xuseen Sahal

11. Cawil Cabdillaahi Caydiid

Xiisada ka dhex qaraxday labada beel ee wada dega deegaanka Shidan oo meel xun gaadhay ayaa waxay daba socotaa ka dib markii deegaankaasi laga helay Mac dano qaali.

Guddoomiyaha gobolka Mudug oo be eniyay in hoggaamiyaha Ahlsunna la gusoo dhoweynayo Puntland

Gudoomiyaha gobolka Mudug ee dhin aca Puntland, Axmed Muuse Nuurayaa beeniyay warar Shalay la isla dhexmar ayay oo ku saabsan in Puntland ay soo dhoweynayso hogg aamiyaha guud ee Ahlusunna Waljaa mac Macallin Maxa muud Sheikh Xasan. Guddoomiyaha ay aa yidhi,” Nimankaasi garab siyaasadeed ayay ahaayeen. Wax iskaashi oo hadda naga dhexeeya ma jiraan.”

Axmed Muuse Nuur ayaa sheegay in garabka Ahlusunna ay Soomaalinimo u im aan karaan Puntland, balse waxaa uu me esha ka saaray in wax xiriir siyaasadeed ah ay laleeyihiin Puntland.

"Ahlusuna nalama joogto noomana soo socoto, mana doonayno in iyagoo car aysan oo jabhad ah ay inoo yimaadaan, la akiin iyagoo culimo ah Soomaalinimo waan u imaan karan Puntland,” ayuu yidhi Axmed Muuse.

Macalin Maxamuud Sheikh Xasan ayaa muddo bil kahor ah si qarsoodi ah ku yim id Garowe, isagoo xilligaas warbaahintu ay qortay in uu madaxweyne Deni kawada hadleen sidii loo fashilin lahaa qorshaha xukuumada Soomaaliya ka wado Galm udug.

Xaalad deg deg ah oo lagu soo rogay Washington Cabsi la xariirta Viruska Carona.

Mareykanka ayaa ku dhawaaqay qofkii ugu horeeyey ee u geeriyooda cudurka coronavirus kaasoo ku dhintay waqooyig a-galbeed Washing ton State.

Saraakiisha ayaa sheegay in qofka dhi ntay uu ahaa nin konton jir ah oo dhibaa tooyin caafimaad qaba.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa tilmaamay in inkastoo ay kiis aska sii badnaan karaan laakiin in Marey kanka uu diyaar uyahay dadaal kasta oo loogu tagayo in cudurka uu faafo.

Masuuliyiinta Mareykanka waxay she egeen inay sii kordhinayaan xayiraadaha safarka ee Iran, waxayna ku boorinayeen Muwaadiniinta Mareykanka inay ka fog aadaan aaditaanka wadamada Talyaaniga iyo Kuuriyada Koofureed kuwaasoo kamid ah wadamada uu aad ugu faafay cudurka dadna ay ugu geeriyoodeen.

In ka badan 85,000 oo kiis oo ah cu durka coronavirus ayaa laga diiwaang eliyay 57 waddan oo adduunka ah, iyadoo ay ugeeriyoodeen qiyaastii 3,000 oo qof , sida laga soo xigtay Ururka Caafimaadka Adduunka.

Kiisaska ugu badan iyo dhimashada waxaa laga diwanagaliyey dalka Shiinaha, oo ah halka uu fayrasku kasoo bilaabmay dabayaaqadii sanadkii hore.

Turkey oo ‘duqeyn ku dilay’ 2,200 ask ari oo ka mid ah ciidamada dowladda Syria

Warbaahinta dalka Turkiga ayaa daa bacday in dowladda Turkiga ay duqeyn ku burbirsay saldhigyo ciidamada Syria ay ku lahaayeen magaalada Idlib ee dalkaas.

Dowladda Turkiga ayaa sheegtay inay duqeyntaas ku burburisay sideed diyaar adood oo Helic opter, hal diyaa rad oo kuwa du uliye la’aanta ah, iyo 100 Taangi oo ay lah aayeen ciidamada dalka Syria.Wasiirka ga ashaandhigga Turkiga Hulusi Akar ayaa sheegay inay duqeyntaas ku dileen 2,200 ka mid ah ciidamada dowladda madaxwey ne Bashar Al-Assas, oo ku sugnaa saldhi gga weerarka lagu qaaday.

Sidoo kale, wasiirka ayaa sheegay in uj eedka laga lahaa howlgalkaas uu yahay is difaacid ka dhan ah askarta taliska Asad ee weerarka kusoo qaaday cutubyo ka tirsan ciidamada Turkiga.

Duqeynta ay Turkiga la beegsatay sal dhigga ay ku sugnaayeen ciidamada Syria ayaa kusoo aadayo xilli maalmo ka hor ay ciidamada Syria dileen 34 ka tirsan cii danka dalka Turkiga.

Madaxweyne Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa horey ugu hanjabay inay jawaab Militari ka bixin doonaan weerarkii askarta looga dilay.

Dowladda Turkiga ayaa sheegtay in ciidamada Turkiga ay ka shaqaynayaan sidii ay u ilaalin lahaayeen dadka rayidka ah ee maxalliga ah iyada oo qayb ka ah heshiiskii Sept. 2018 ay la galeen Ruu shka, kaas oo mamnuucaya falalka garda rada ah ee aagga dib-u-celinta ee laga sa meeyay agagaarka Idlib.

Duqii Magaalada Djibouti oo is casilay

Duqa M/Djibouti, haweeneyda lagu ma gacaabo Faadumo Cawaale Cismaan ay aa Shalay si lama fillaan ahayd xilka isaga casishay.

Faadumo Cawaale Cismaan waxay ah ayd haweeneydii ugu horeysay oo duq ma gaalo ka noqota Wadamada Geeska Afr ika dhaca.

Wararka ayaa sheegaya in is casi laadeeda ay ka dam beysay, ka dib markii ay diiday amar dib lo ogu soo celinayo xu bno ka tirsanaa Sha qaalaha Xafiiskiisa, oo kol hore ay shaqada ka eriday.

Faadumo Cawaale Cismaan oo ka tirs an Xisbiga talada dalkaasi haya ayaa xilka loo doortay bishii March ee sanadkii 2017.

Tallaabada ay isu casishay Faadumo Ca waale ayaa layaab gelisay bulshada reer Jabuuti, iyadoo dadkuna uu aad u hada lhayo is casilaadeeda.

Madaxda Wadamada Afrika ayaa lagu dhaliilaa inay shaqada ku ciriiriyan Maamu lada Dowladaha Hoose, oo aynaan shaqa dooda u madaxbannaanayn.

Deni oo daahfuray Barnaamijka Talaalka Xoolaha Nool

Madaxweynaha Puntland, Siciid C/hi Deni ayaa daahfuray Ololaha Talaalka iyo Daweynta Xoolaha Nool ee Puntland, ka asoo la gaarsiin doono 5 Milyan oo kamid ah xoolaha ku nool Gobolada Puntland.

Xoolaha ayaa laga talaalayaa cudurka ku dhaca sambabka ariga, waxaana uu soc onaya muddo laba bilood ah.

Munaasabadda daahfurka waxaa Ma daxweynaha ku wehelinayay Wasiirka Wa saaradda Xanaanada Xoolaha Puntland, Siciid Cisman Aadan (Fiisikis), Shaqalaha Wasaaradda Dhakhaatiirta xoolaha soo daweyndoona iyo Saraakiil ka tirsan Ma daxtooyada.

Madaxweynaha Puntland ayaa muuji yay sida uu ugu faraxsanyahay inuu Sha lay ambabixiyo dhakhaatiirta soo talaali do ona 5 Milyan oo ka mida xoolaha Punt land, waxa uu sheegay in xooluhu ay yih iin laf-dhabarta dhaqaale ee dalka, isla markaana ay inoo leeyihiin faa’idooyin badan, sidaas darteedna loo baahan yahay in laga warqabo xoolaha caafimaa dkooda.

"Runtii waxaa farxad Shalay noo ah in aan daah-furayno shaqo hal bowle u ah horumarka Puntland, sida la sheegey dha qaaleheenna waxaa laf-dhabar u ah xoolaha. Waxa xooleheenna marar badan suuqyadii loo dhoofin jiray looga xiray xan uun dartii, waxaan aad ugu rajo weynahay in Puntland ku guuleysato inay dhammaan xanuunnada faafa iyo kuwa khatarta ahba cidhib tirto.” Ayuu yiri Madaxweyne Deni.

Madaxweyne Deni ayaa neefkii ugu hore eyay talaalka siiyay, dhakhaatiirta ayuuna kula dardaarmay inay xil iska saaraan haw sha loo igmaday, waxaana uu bogaadiyay Wasasaradda Xanaanada Xoolaha Puntl and, oo qorshahan soo diyaarisay, isagoo tilmaamay inuu rajo wanaagsan ka qabo inuu guul ku soo dhammaado talaalka xoolaha Puntland.

Malaysiya oo yeelatay Raysal wasaare cusub

Malaysiya ayaa yeelatay raysal wasaa re cusub, wax ka yar hal toddobaad kadib iscasilaadii lama filaanka ahayd ee Mah athir Mohamad taas oo siyaasadaa dalka asi galay xaalad jahwareer ah Muhyiddin Yassin, oo ay taageerayaan xisbigiisi la dagaallaka musuqmaasuqa, waxaa dhaari yay dalkaasi.

Mr.Mahathir, waxa uu jiraa da'aadda 94 sano, kaas oo ka mid ahaa siyaasinta u gu muuhimsan dalkani muddoo tobannaan sanadood ah. Laakiin waxaa ku qeexay magacaabidda Mr Muhyiddin mid khiya amo qaran ah.

Waxa uuna ballan qaaday, inuu baarl aman ka dalkaasi cod ka raadsan doono, si uu uga hortago taageerada Muhyiddin.

Mr Mahathir, ayaa ahaa hoggaamiye la doortay kan ugu weyn dunida, kaddib markii uu ku soo noqday xilka 2018, xilli gaas oo isbahaysi la samaystay Anwar Ibr ahim Mahathir, isaga oo ka adkaaday isba haysiga talada dalkaas hayey ee lagu mag acaabi jirey Barisan Nasional coalition, kaas oo xukunka hayey in kabadan 60 sano.

Isaga oo xilligaas hawlgabnimadiisii uu ka soo laabtay si uu ula tartamo, ardayg iisii dhanka siyaasadda, ee Najib Razak.

Guushaa lamafilaanka ahaydna, waxa uu caydhiyey raysalwasaarihii xilligaas Najib Razak, kaas oo xukun dul hoganayo, kaas oo ku saabsan inuu lacag malyamaad ah dalka ka dhacay.

Mr Mahathir ayaa geliyey siyaasadda waddanka jahwareer dhamaadkii usbuucii hore markii uu is casilay, isaga oo jabiyay xulafadii uu la lahaa Mr Anwar.

Laakiin tallaabadaas ayuu dib uga noq day, maadaama Mr Anwar uu markii hore go'aansaday inuu u tartamo raiisel wasaa raha halka Mr Muhyiddin dhisay xulufa diisii.

Xisbiga BN ayaa hoggaanka u hayey siyaasadda dalka Malaysia tan iyo markii dalkaasi uu madaxbaanida ka qaatay Bri tain sanadkii 1957, balse isbahaysigaan oo bari xoog badnaan jiray ayaa sumcad iisu hoos u dhacday sanadihii u dambe eyey.

Sidee ayay tahay xaaladda tahrii bay aa sha Soomaalida ah ee ku sugan xadka Giriigga?

Dowladda Turkiga ayaa sheegtay in ku mannaan muhaajiriin ah ay durba ka gu dbeen xadka dal kaas, iyagoo usii gudbay qaar ka mid ah dalalka Yurub, arrintan ayaa ka damebysay kaddib markii dhow aan uu Tukrigu xadkiisa albaabbada u fu ray.

Faahfaahinta warkaasina Bushra Noor Maxamed ayaa inoo haysa. Qoxootigan waxaa ka mid ah Somaali halkaasi dano kala duwan u joogay, waxay qayb ka yihiin qoxootigan ku qulqulaya xadka xidhan ee Greega.

Qaar ka mid ah dadka ku go'doonsan xadka u dhexeeya labada dal oo Soomaali ah oo nala hadlay ayaa sheegay inay aad u walaacsan yihiin oo xaaladdoodu aysan wanaagsanayn, iyaga oo la kulmay taca ddi farabadan.

Cabdikaafi Maxamed Cali oo ka yimi muqdisho ayaa isna sheegay, in taladii la siiyey uu qaatay oo uu doonayo inuu isagu dib isaga laabto oo uu ka rejo dhigay xa aladda hadda uu arkay.

Madaxweyanaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayey u muuqata inuu ka dhamaaday dulqaadkii u hayay qulqulka muhajiriinta ka dib markii 33 askari looga dilay duqayn ka dhacday magaalada Idlib oo ku taalla waqoyiga dalka Suuriya.

Erdogan ayaa sheegay in Turkiga uus an xamili karin muhajiriinta cusub ee dal kiisa kusoo qulqulaya, wuxuuna intaasi raaciyay in midowga yurub ay uga baxeen ballamadi ay dalkiisa la galeen sannadki 2016-kii.

Madaxweyanaha ayaa sheegay in 18-kun oo muhaajiriin ah ay ka tallaabeen xu duudaha u Turkiga la wadaago wadamada Yurub kadib markii albabada loo furay mu haajirinta si ay xadka uga talaabaan.

Greega ayaa sheegay in ay albaabada ka xirteen muhajirinta sida sharci darada ah uga soo talaabada xadka Turkiga.

Ciidamada ayaana dadka ku kala ery aaya suntan dadka ka ilimeysiisa. Wasirka difaca dalkaasina wuxu sheegay in dalki isa usan aqbaleynin muhajirin cusub.

Turkiga ayaa hoy u ah muhaajirin ga areysa 3.7 milyan oo badankood ka kala yi mid Suuriya iyo Afghanistan.

Mr Edrogan wuxuu waddamada reer galbeedka ku eedeeyey ballamihi ay horay u qaadeen ee ku saabsanaa qoxootiga iney jabiyeen.


Guddiga diyaarinta xeerarka dhameys ti raya sharciga doorashooyinka Qaranka oo la magacaabay


```Guddigaan oo xubno ahaan gaaraya 17 xildhibaan ee ka kala tirsasn labada gole ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa shaqadiisu ay tahay inay ka shaqeeyaan xeerarka hoos imaanaya sharciga doorashooyinka qaranka ee uu dhowaan saxiixay madaxweynaha dowladda soomaaliya maxamed cabdullahi farmaajo sida lagu sheegay warqadda sida wadajirka ah ay usoo saareen guddoonnada labada ee baarlamaanka soomaaliya.

 

xeerarka hoos imaanaya sharciga doorashooyinka qarankaee laga doonayo inay ka shaqeeyaan guddiga la magacaabay ayaa waxa ay kala yihiin.

1-xeerka deegaanmeynta kurasta baarlamaanka.

2-xeerka xaqiijinta qoondada haweenka ee soo gelaya baarlamaanka.

3-xeerka dorashada xubnaha labada aqal ee kasoo jeeda gobolada waqooyi ee Soomaaliland.

4-xeerka xuquuqda metalaadda gobalka Banaadir.

sababta xeerarkaan looga soo shaqeynayo ayaa lagu tilmaamay in ay tahay usahlidda codbixiyeyaasha iyo inay doorashada noq-ato mid qaran oo lawada leeyahay si sharciga doorashooyinka ulahaado muggiisa.

Warqadda labada guddoon kasoo baxay ayaa lagu she-egay in guddiga la magacaabay ay la shaqeeyaan guddiga doorashooyinka qaranka ee u idman qabashada doorashooyinka guud ee dalka islamarkaana wadatashiyo ay la yeeshaan ma-daxda dowladda, madaxda maamul gobaleedyada, hay,adaha ammaanka ee dalka daneeyeyaasha siyaasadda soomaaliya iyo ururada bulshada rayidka ah.

Muddo bil ah ama bil iyo bar ayaa looga fadhiyaa guddi-gaan inay kusoo dhammeeyaan xeerarka kaabaya sharciga doorashooyinka qaranka ee afarta gaaraya ayna horkeenaan xil-dhibaannadda labada aqal ee baarlamaanka soomaaliya kulank-oodii wadajirka ahaa kolka ay yeeshaan si ay warbixinta usiiyaan.

Sharciga doorashooyinka qaranka ayaa waxaa horay uga horyimid madaxda maamul gobaleedyada dalka ka jira qaar ka mid ah kuwaa ayaanan la ogyen haatan sida ay ku yeelayaan wadatashiyada la doonayo in lagala fadhiisto xeerarka hoos imaanaya sharciga doorashooyinka qaranka.

Guddigii shalay la Magacaabey oo bilaabey Shaqadooda

Shalay qoraal kasoo baxay Guddoomiyeyaasha labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa lagu Magacabey guddi ka Shaqeeya diyaarinta xeerarka dhameystiraya sharciga doorashooyinka Qaranka.

Guddigaas oo ka kooban 17 Xubnood oo laga soo kala xulay Xildhibaannada labada Aqal ayaa waxaa ay hataan guda galeen Shqadii loo igmadey ee diyaarinta Xeerarka Sharciga doorashooyinka Qaranka.

Senator Xuseen Sheekh Maxamuud oo kamid ah Xildhibaannada Aqalka Sare kana tirsan Guddiga ayaa sheegay inay howshooda bilaabeen lagana sugayo xeerarka kala ah, Deegaameynta Kuraasta, Xeerka xaqiijinta Qoondada Haweenka, Xeerka Doorashada Xildhibaannada labada Aqal ee kasoo jeeda Gobolada Waqooyi (Soomaaliland) iyo Xeerka Xaquuqda matalaada gobolka Banaadir


.

BOGGA CAYAARAHA..

GERARD PIQUE "WAXAY AHAYD CIYAARTII UGU XUMAYD ABID EE REAL MADRID SOO BANDHIGTO”


Difaaca Barcelona ee Gerard Pique ayaa dhaliilay qaab ciyaareedkii Real Madrid ay soo bandhigtay kulankii xalay ka dhacay Santiago Bernabeu ee lagu burburiyey kooxdiisa, isla markaana lagaga qaatay saddex dhibcood iyo hoggaanka horyaalka LaLiga oo lagagala wareegay.

Gool uu Vinicius Junior dhaliyey iyo mid kale oo dhamaadkii uu ku daray Mariano Diaz oo taabashadiisii ugu horreysay gool u beddelay, ayaa Real Madrid siiyey guul ay u qalantay, laakiin Pique oo ciyaarta kaddib warbaahinta la hadlay waxa uu sheegay in indhihiisu ay qabteen bandhiggii ugu xumaa ee Real Madrid abid ay ka samayso Santiago Bernabeu kulankii xalay, gaar ahaan qaybtii hore.

"Ciyaarta annaga ayaa maamlaynay qaybtii hore. Waxaanay Real Madrid soo bandhigtay ciyaarteedii ugu xumayd ee aan abid arko garoonka Santiago Bernabeu qaybtii hore. Laakiin qaybtii dambe ayay dib noo soo riixeen, waxayna naga dhaliyeen goolka koowaad xilliniyad-jab ah.” Ayuu yidhi Gerard Pique.

Difaaca Barcelona waxa uu kale oo uu sheegay in kooxdiisu ay qaybtii horeba ciyaarta dili karaysay haddii ay ka faa’iidaysan lahaayeen kubbadihii ay khasaariyeen, waxaanu yidhi: "Haddii aanu ciyaarta inteeda badan samayn lahayn qaybta hore. Uma jeedo inaan cid dhalleeceeyo, koox walba dhibaatadeeda ayay haysatay, laakiin aad ayaanu u wanaagsanayn. Anaga ayaa ciyaarta haysanay, haddii aanu ka faa’iidaysan lahayn fursadahayagii qayybta horena, waxay ku noqon lahayd inay buur fuulaan (Real Madrid).”

Ugu dambayn Piqieu waxa uu qiray in Real Madrid ay qaybtii dambe xoogaysteen, waxaanu yidhi: "Dib ayay isku xoojiyeen oo way na saameeyeen, laakiin ismaanaan dhiibin, waxayna ila tahay inaanu samaynayno wax noogu filan inaanu ku guuleysano horyaalka LaLiga.”

ENGLAND - PREMIER LEAGUE

Everton 1 - 1 Manchester United

Tottenham Hotspur 2 - 3 Wolverhampton Wanderers

SPAIN - LALIGA SANTANDER

Sevilla 3 - 2 Osasuna

Athletic Bilbao 1 - 0 Villarreal

RCD Espanyol 1 - 1 Atletico Madrid

Mallorca 0 - 1 Getafe

Real Madrid 2 - 0 Barcelona




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip