Mahad Salad oo shaaciyey 'qorshaha DAGAALK lagu' hayo Cali Mahdi Maxamed iyo Muxiyadiin Darboweyne

0
Saturday February 29, 2020 - 07:39:12 in Wararka by
  • Visits: 1145
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mahad Salad oo shaaciyey 'qorshaha DAGAALK lagu' hayo Cali Mahdi Maxamed iyo Muxiyadiin Darboweyne

    Qoraalkan hoose waxaa bartiisa facebook kusoo qoray xildhibaan Mahad Salaad Aflagaadada iyo barobagaandada ka dhanka ah Madaxweyne Cali Mahdi iyo Muxiyadiin Darba-Weyne waa colaad iyo isir nacayb loo qabo qabiilka Hawiye! Maalmahaan waxa baraha b

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qoraalkan hoose waxaa bartiisa facebook kusoo qoray xildhibaan Mahad Salaad Aflagaadada iyo barobagaandada ka dhanka ah Madaxweyne Cali Mahdi iyo Muxiyadiin Darba-Weyne waa colaad iyo isir nacayb loo qabo qabiilka Hawiye! Maalmahaan waxa baraha bulshada soo buux dhaafiyay dad mas'uulyihiin sheeganaya oo aflagaadeynaya Madaxweyne Cali Mahdi iyo Muxiydiin Darba-Weyne. Waxaan iswaydiiyay maxaa lagu heystaa labadaan Oday. Baaritaan dheer kadib waxa ii soo baxay colaad iyo isir nacayb loo qabo qabiilka Hawiye in ay tahay waxa loo beegsanayo mas'uuliyiintaan. Madaxweyne Cali Mahdi wuxuu yiri "Mudulood waa shiri karaa, cid wax uusan rabin Soomaaliya ka sameyn kartana majirto" waana hadal gar ah, sababtoo ah isagoo dalkaan ka soo noqday Madaxweyne ayuu waayay xurmadii iyo xaq dhowrkii uu ku lahaa dalkaan mid shaqsi ah iyo mid deegaan intaba. Tusaale ahaan:

1. Dabayaaqadii sanadkii tagay ayay ahayd markii ilaalada Madaxweyne Farmaajo ee loo yaqaano koofiya gaduuda ka celiyeen mid kamid ah baraha Koontorool ee laga ilaaliyo madaxtooyada Soomaaliya, kuna xujeeyeen in uu la yimaado aqoonsi (ID CARD) uu ku maro wadada Makka Almukarama ee hor marta madaxtooyada Soomaaliya!

2. Madaxweyne Cali Mahdi oo aad uga xumaaday arintaan ayaa raadiyay Madaxweyne Farmaajo si u ogaado in uu wax la ogyahay askarta celisay iyo in ay tahay wax ay iyagu soo hindiseen. Laakiin nasiib daro mar kale ayaa Farmaajo ku yiri aqoonsi (ID CARD) halaguu sameeyo Caliyow!

3. Iyada oo intaas ay ku dhacday ayaa mar sadexaad lagu yiri isaga iyo bahdii uu ka dhashay ee Mudulood kuma shiri kartaan gurigiina, markii ay yiraahdeen yaa noo diidana mar kale ayaa lagu yiri Farmaajo fasax soo waydiista!

Haddaba hadii intaas oo shey halmar kugu wada dhacaan maxaad samayn lahayd? Aniga waxaan qabaa Madaxweyne Cali Mahdi waa asluubeystay ee intaas ka badan ayaa la gudbooneed. Kase hor dhici maayo ee xilligeeda ayaan la sugaynaa iyadaaba lagu tagi doonaaye!

Mida adeerkey Muxiyadiin Darba-Weyne nin Wasiir ah, una gafay Odayga iyo Bah Weynta Hawiye oo yiri adiga iyo dadka u hadlaya Gobolka Banaadir reer Baadiyeyaal ayaad tihiin, ayuu u jawaabay. Wuxuuna ku yiri Gobolka Banaadir canshuurtiisa ayaad cuntaa, waxna lagaa waydiin maayo ee dantaada haka habsoomin”. Waaba yaabe muxuu haleeyay oo isagana lagu heystaa?!

Aniga waxay ila tahay meeshaan waxaa ka muuqda dagaal qaawan oo lagu soo qaaday dadkaan Hawiyaha ah. Lana rabo dad ahaan iyo deegaan ahaanba in la baabi’iyo, kuwii siyaasada ku matalayayna waa gabeen, oo sidii niman dalal kale Xildhibaano iyo Wasiiro u ah ay barwaaqo sooran iyo horumar la hiigsanayo ka sheekeynayaan. Dadkii ay matalayeena hoostooda ayay ku baaba’een!

Madaxweyne Cali Mahdi iyo Adeer Muxiyadiin waad mahadsantihiin ee shaqada meesha aad ka haysaan kasii laba jibaara, aniga iyo inta ila fikirka ahna gadaal naga fiirin meysaan ee garbihiina naga daya inshaa’allah.

Mahadsanidiin.


Hon. Mahad Salad

XIGASHO:CAASIMADDA.NET



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip