HALKAAN KA AKHRISO:- WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH ISNIIN 24-2-2020-KA

0
Monday February 24, 2020 - 08:45:41 in Wararka by
  • Visits: 1116
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO:- WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH ISNIIN 24-2-2020-KA

    Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay mutadawiciinta Joogtada ah ee Ololaha Isxilqaan Madaxweynaha JFS Md.Maxamed C/hi Farmaajo oo kulan la qaatay mutadawiciinta hormuudka u ah Olalaha Isxilqaan ayaa ku dhiirrigeliyey inay kordhiyaan dadaalkooda s

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay mutadawiciinta Joogtada ah ee Ololaha Isxilqaan Madaxweynaha JFS Md.Maxamed C/hi Farmaajo oo kulan la qaatay mutadawiciinta hormuudka u ah Olalaha Isxilqaan ayaa ku dhiirrigeliyey inay kordhiyaan dadaalkooda si degdeg loogu soo gabagabeeyo dib u dhiska Caasimadda, looguna gudbo wajiga 2aad ee Olalahan oo lagu hormarinayo guud ahaan gobollada dalka. Mutadawiciintan oo isugu jira Shaqaalaha Rayidka ah ee dowladda iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa la wadaagay Madaxweynaha warbixin ku saabsan goobaha dib loogu dhisayo Ololahan ee ilaa haatan gabo-gabada maraya oo ay ka mid yihiin Tiyaatarka Qaranka, Madxafka, Maktabadda, Taallooyinka iyo Garoonka Ciyaaraha ee Muqdisho. Madaxweyne Farmaajo ayaa bogaadiyay sida wadaniyadda leh ee shacabka Soomaaliyeed ay ugu hureen dib u dhiska dalkooda maal iyo muruq, taas oo horseedeysa in dib loo soo celiyo goobihii muhiimka u ahaa bulshada iyo bilicda dalkeenna. "Shaqadan muhiimka ah ee aad heysaan waa mid wax taraysa mustaqbalkeenna iyo kan ubadkeenna. Waxaan idin ku bogaadinayaa in aad sii xoojisaan doorka aad ka qaadaneysaan Ololahan, muwaadiniinta kalana aad ku wacyigalisaan idinkoo dareensiinaya qiimaha uu leeyahay". Madaxweyne Farmaajo ayaa dul istaagay sooyaalka dadka Soomaaliyeed ay u leeyihiin inay si muta-dawac nnimo ah u dhistaan dalkooda oo ay aaminaan gacmah ooda, isaga oo si faahfaahsan u soo bandhigay mashaari icdii, xarumihii iyo goobihii taariikhiga ahaa ee dadka iyo DFS si wadajirka u hirgaliyeen oo ilaa haatan la intifaac sado.


Md.Cali Mahdi ” Soomaali waxey u baah an tahay shir dib u heshiisiin qaran oo ay ku heshiinayaan beelaha Soomaaliyeed…”

     Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cali Mahdi asaga oo ka hadlayey shir ay beesha Mudullood Shalay ugu furmey Muqdisho ay aa wuxuu yiri ” Soomaali waxey u baahan ta hay shir dib u heshiisiin qaran oo ay ku he shiinayaan beelaha Soomaaliyeed si loo he lo dowlad adag oo Soo maali ku mideysan tah ay.Nidaamka Federaal ka waxaa inoo keeney Meles Zanawi ra’iise wa saarihii hore ee Itoobiya si Soomaali u helin mar danbe dowlad xoog leh oo lagu mideysan yahay”.

     Waan la qabaa Cali Mahdi aragtidiisa. So omaali iyagoon dhab u heshiin ayaa reer Ga lbeed iyo IGAD gaar ahaan Itoobiya u soo dhiseen nidaam dowladnimo oo aad u jahw areer badan, daciif ah oo talo bulsho ku im an nidaamkaas oo hore iyo gadaal loo soco dsiin la’yahay.

    Qabiillada Soomaalidu marka ay dhab u heshiiyaan oo kalsoonida ummadda soo no qoto ayaa la heli karaa dowlad adag oo lagu mideysan yahay. Al Shabaab-na laga adka an karaan. Ciidamada Amisom-na dalka la ga saari karaa. Wixii intaa ka soo hara waa iska dabawareeg iyo Afgooye ha gaarin.

Mursal iyo Beesha Caalamka oo ka wada hadlay doorashooyinka dalka

      Gudoomiyaha Golaha Shacabka ee Ba arlamaanka Somaliya, Md.Maxamed Mursal Sh.Cabdiraxman ayaa la kulmay Wakiilo ka kala socday Q/Midoobey, Mareykanka iyo Safiirada dalalka Leesku yiraahdo (Copenh egan Group), oo ah Safiirada dalalka saaxiib ka dhow la ah Somaliya.

    2da dhinac ayaa waxay kulankan diiradda ku saareen doorash ooyinka lagu wado in ay dalka ka dhacaan 2020/2021.

Qoraal lagu daabac ay bogga Golaha Shacabka uu ku leeyahay Facebook ayaa lagu sheegay in Safiirada, ay Baarlamaanka Somaliya ku ammaaneen doorkooda kaga aaddan samaynta sharciya da doorashooyinka dalka. "Safiirada ayaa ku ammaanay Baarlamaanka Somaliya hawla ha ay hayaan, ee la xiriira arrimaha doora shooyinka, gaar ahaan samaynta sharciyada muhiimka u ah doorashooyinka dalka. Sidoo kalena waxa ay ammaaneen horumarada ka la duwan ee ay gaartay DFS.” Ayaa lagu yiri qoraalka.

     Madaxweynaha JFS Maxamed C/hi Far maajo ayaa 20-kii bishan saxiixay Sharciga Doorashooyinka Qaranka, oo ay horey u soo meelmariyeen Xildhibaanada 2da Aqal ee Baarlamaanka Somaliya.

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ka hadashay duqayn ka dhacday G/Jubada dhexe.

     War- ka soo baxay Wasaaradda War-faaf inta XFS ayaa lagu sheegay in duqeynta de gmada Saakow lagu dilay 2sarkaal oo ka tir san Al-shabaab laguna dhaawacay mid kale. Waxaa kale oo war-saxafadeedka W/war-fa afinta Soomaaliya intaas ku daray in howlga lkaas lagu burburiyay talis ay Al-shabaab ku lahaayeen M/Saakow ee G/Jubada dhexe. DFS ayaa war-saxaafadeedkeeda ku she egtay in howlgalkan oo ay la kaashatay Ciidanka Mareyk anka ee Afrika uusan jirin khasaare ka soo gaaray da dka rayidka ah ee ku nool M/Saakow ee G/J/dhexe.

      Dowladda iyo Mareykanka ayaa iska kaa shada duqeymaha ka dhanka ah Al-shabab iyada oo dhowr jeer dowladda Mareykanka ay sheegtay in ay duqeyn ka fulisay Soo maaliya.

  Sanadkan 2020 ayaa waxaa uu Mareykan ka ka fuliyay howlgal dhibaca cirka ah oo kor u dhaafaya 20 weerar. Majirto wax wara oo ka soo baxay Xoogga Al shabaab oo looga hadlay weerarka Dowladda Soomaaliya ay sheegtay inay gaysatay degmada Saakow oo ay Maamulaan Dagaalyanada Al sha baab. G/Jubbada dhexe ee K/Soomaaliya ay aa waxaa gabi ahaanba Maamula Al shaba ab,waxaana Diyaarada Maraykanka sanadk aan ka gaysteen duqaynta ugu badan marka loo eego Goboladda kale ee dalka.

Dowladda Soomaaliya iyo WFP oo heshi is is-fahan ah kala saxiixday

       Dowladda Soomaaliya iyo Barnaamijka Cuntada Adduunka ee loo soo gaabiyo (WFP) ayaa kala saxiixday heshiis is faham ah kaas oo Dalka dhan loogu sameynayo xa rumaha digniinaha xilliga hore ee halis-wad areedyada. Wasaaradda Gagaarka iyo Maareynta Musiibo oyin ka Dowladda Soomaaliya oo da daal xooggan uga ji rta maareynta iyo ya reynta qattaraha Musiibooyinka ayaa ku guuleysatay in ay qabato mid ka mid ah hal-beegyada ugu mu hiimsanaa ee looga fadhiyay Wasaaradda

Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maare ynta Musiibooyinka Xamsa Saciid Xamsa iyo Madaxa ugu sarreeya hey’adda qeybteeda Soomaaliya Ceysar Arroyo ayaa labada dhi nac u saxiixay heshiiska.

      Heshiikan ayaa ah sidii loo xoojin lahaa loona abuuri lahaa xirfadda iyo agabka loo baahanyahay si Soomaaliya ay awood ugu yeelato in laga sii digo qataraha musiibooyi nka ka hor inta aanay dhincin

       Isfahamka ayaa dhigaya in dhammaan Dowlada Gobaleedyada iyo Maamulka Goba lka Banaadir loo sameeyo xarumaha sii dar sa halis-wadareedyada bixiyana digniinaha ka hor inta aanay qatarta soo dhawaan

      Xamsa Saciid Xamsa, Wasiirka Wasaa radda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyin ka Soomaaliya waxa uu sheegay in sam meynta xarumaha ka sii digo qataraha ay dowr weyn ka cayaari doonto in la xakame eyo qasaaraha ka dhasha musiibooyinka soo noq noqda ee dalka ka dhaca

     "Abuurista iyo kobcinta xarumaha ka sii diga halis-wadareedyada waxay noo sahley saa in aan awood u yeellanno in aannu ka ja waabno, yareyno isla markaasna aan maare yno musiibooyinka”. Ayuu yiri Xamsa Saciid Xamsa Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyina Soomaaliya

      Isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu Wasiir Xamsa Sheegay in Wasaaraddiisa ku dada aleyso sidii dalka uu uga gudbi lahaa Musiib ooyinka soo noqnoqda loona gaari lahaa xal waara.

      Dhiniciisa Agaasimaha WFP Soomaaliya Ceysar Arroyo ayaa sheegay in QM diyaar u tahay in ay ka taageerto Wasaaradda dhina cyada dhismaha kaabayaasha loogu tala ga lay maareynta iyo yareynta qattaraha musi ibooyinka Arroyo wuxuu sheegay in heshii ska oo socon doono muddo lix bil ah ay ka shaqeyn doonaan sidii uu u soo saari lahaa xirfadlayaal iyo xarumo awood u leh in ay sii saadaaliyaan kana sii digaan halis-wadare edyada. Heshiiskan oo seddex geesood ah waxaa dhinaca dhaqaalaha ka taageeraya hey’adda Sacuudiga laga leeyahay ee loo ya qaanno KingSalman Foundation.Ugu damb eyn Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Soomaaliya ayaa u mahad celiyay labada hey’adood howsha

ay ka taageerayaan dalka soomaaaliya.


 Maxaa ka jira dad looga shakisan yah ay Coronovirus ay soo galeen Muqdisho ayaga oo aan la baarin?

       Wasaaradda caafimaadka ee XFS oo war-saxaafadeed cusub ka soo saartay cu durka dilaaga ee Coronavirus, ayaa beenisay in dad qaba cu durka ay soo galeen M/ Muqd isho. Warbixinta wasaaradda ayaa waxaa lagu sheetgay in illaa iyo hadda aysan jirin qat ar la xiriirta cudurkaas ama wal wal laga qa bo inuu u soo gudbo Soomaaliya.

       Sidoo kale qoraalka wasaaradda ayaa waxaa lagu sheegay in uusan jirin qof isa goo aan soo marin hab raacyada lagu hub iyo cudurka uu dalka soo galay.

        Wasaaradda caafimaadka ayaa sidoo kale warkeeda ku shaacisay in guddi gaar ah ay u xilsaartay inuu ka shaqeeyo arrim aha la xariira Cronavirus, guddigaas oo ay sheegtay inuu xiriir la leeyahay hay’adaha caalamiga ah ee ka shaqeeya dhanka caafi maadka.

Halkaan hoose ka aqriso:

      Waaaarada Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada waxa si dhow ula socotaa xaal adaha cudurka Cronavirus ee dunida waxa yna sidoo kale odorostaa faafidda cudurka, la socodka xaaladaha iyo ka warqabka isku gooshka dadwaynahaya ku nool dalalka uu saameeyay cudurkaani.

       Wasaaradda Caafimaadku waxay u xils aartay guddi si joogta ah uga shaqeeyo arri maha la xiriira cudurka Cronavirus, waxayna xiriir joogto ah oo rasmi ah la leeyihiin dha maan hay’adaha caalamiga ah ee ku shaq ada leh caafimaadka iyo isku-gooshka,     sidoo kale waxaa joogto ah xiriirka wada shaqayn ee laamaha socdaalka, shirkadaha diyaaradaha iyo hay’adaha kale ee ku sha qada leh isu socodka iyo isku-gooshka dadwaynaha.

      Heerarka kala duwan ee Wasaaradaha Caafimaadka (Federaal & Maamul Gobol eed) waxay heegan buuxda galiyeen shaqaa lahooda xarumaha dalka laga soo galo iy adoo ruux walba uu musaafir ah uu marayo baarista asaasiga ah ee lagu hubinaayo xaa ladiisa caafimaad sidoo kale la xaqiijinaayo socdaalka iyo goobaha uu soo maray.

       Wasaarada Caafimaadka Federaalka Soomaaliya waxay xaqiijinaysaa in aysan jir in ilaa iyo haatan qatar la xiriirta cudurka ma na jirto qof isagoo aan soo marin hab raa cyada lagu hubiyo cudurka ama laga sha kisan yahay oo dalka soo galay.

       Muwaadiniinta iyo ajaanibta la xaqiijiyey inay ka badqabaan cudurka ee soo galay dal ka waxay Wasaarada Caafimaadka la soco taa xaaladohooda waxayna marisay hab ra aca diiwan galinta iyo xaqijinta faya qabkoda

      Wasaarada Caafimaadka waxay ku boo rinaysaa dhamaan war baahinta dalka iyo ku wa caalamiga ahba inaan la faafin war bixi nada xasaasiga ah ee la xiriira cudurkan oo aan la abuurin walaac aan jirin. Waxaan ku adkeeynaynaa dhamaan warba ahinta iyo dadweynahaba in warbixinta cud urka cronovirus aan laga qaadin meel aan Wasaarada Caafimaadka ahayn.

Mareykanka oo faah faahiyey duqeyn uu ka fuliyey Jubbada Dhexe

       War-saxaafadeed ka soo baxay taliska Ciidamada Maraykanka ee qaarada Afrika ee loo yaqaano (AFRICOM) ayaa lagu faah faahiyey duqeyn dhinaca cirka ah oo uu Mareykanka ka fuliyey degmo ka tirsan G/J/Dhexe.

       Qoraalka Africom ayaa lagu sheegay in Ciidamada Mareykanka oo kaashanaya Saa xiibadooda Soomaaliya ay Dorraad oo ku bee gneyd 22/2/2020 ay duqeyn dhinaca cirka ah ka fuliyeen deegaanka u dhow degmada Saakow ee Gobalka Jubbada Dhexe,isla ma rkaana ay ku la beegsadeen Xubno ka tirsan Al-Shabaab.

      Weerarkaas ayaa Mareykanka waxa uu sheegay inay ku dileen laba Xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab mid kalena ay ku dhaa waceen,sidoo kalena ay ku bur buriyeen Saldhigyo ay lahaayeen,hayeeshee aan wax khasaaro kasoo gaarin dadka rayidka ah.

"Al-Shabaab waxay dadka u dilaan si joogto ah oo aan kala sooc lahayn,waana kuwo xiriir la leh Al-Qaacida waxay dilaan Soomaa lida,iyaga oo aan waxba galabsan, waxay barakiciyaan qoysaska, waxaay ka qaadaan canshuur sharci darro si xoog ah . Waxay rabaan inay aragtidooda burburka si ballaar an ayuu yiri” , Kuxigeenka Taliska Mareykan ka ee Taliska Mareykanka ee howlgalada Af rika Janeraal Brig. Gen. Miguel Castellanos.

Mareykanka ayaa sanadkaan 2020 waxa uu kordhiyey weerarada dhinaca cirka ah uu ka fuliyo Soomaaliya,isla markaana uu la beegs anayo Xarumaha Al-Shabaab,waxaana mud do todobaad gudaheed ah uu laba duqeyn ka fuliyey Gobolka Jubbada Dhexe.

Itoobiya oo ka hadashay kulankii Farma ajo & Muuse Biixi & Raali gelintii

        Dowladda Itoobiya ayaa markii ugu hor eysay waxaa ay ka hadashay kulankii M/Ad dis Ababa ku dhex-maray Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/hi Farmaajo iyo Ma daxweynaha Soomaalil and Muuse Biixi,k aas oo uu garwadeen ka ahaa R/Wasa ara ha Itoobiya Abiy Axmed.

       Qoraal kasoo baxay Wasaar adda Arrim aha Dibadda Ito obiya ayaa waxaa lagu she egay in Raali gelintii uu Madaxweyne Farmaajo siiyey Soomaaliland iyo aqbalaadii Muuse Biixi ay keeni karto isku soo dhawaansho sidoo kalena ay tagay Guul ay gaareen labada dhinac.

      Sidoo kale Qoraalka Wasaaradda Arri maha Dibadda Itoobiya ayaa lagu sheegay in hadallada 2da Madaxweyne ee D/F/S oomaaliya iyo Soomaaliland,kulankii Addis Ababa ay ku yeesheen iyo sida ay wax u wa jaheen ay tahay rajo wanaagsan.

     Si kastaba in kastoo kulankii Madaxwey naha Soomaaliya iyo Madaxweynaha Soom aaliland Muuse Biixi uusan jirin ajende gaar ah oo ay ka hadleen ayaa hadana Dowl adda Itoobiya waxaa ay Magaalada Hargey sa u dirtey Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Maaliyadda dalkaas si loo dhameystiro wada-hadaladaas.

       Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi oo ka hadlay Warar sheegayay in Madaxweyne Farmaajo tagayo Hargeysa ay aa sheegay in warkaas uu yahay kaliya ha dal-heyn balse asyan xilligaan macquul aheyn in uu yimaado Magaalada Hargeysa.

Duqa Muqdisho oo xarigga ka jaray xarun ta 2aad ee Hay’adda socdaalka iyo Jinsiyadda dalka

      Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa M/Muqdisho Md.Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Finish) ayaa xarigga ka jaray xaruta 2aad ee hay’adda socdaalka iyo Jinsiyadda Soom aaliya oo laga hirgel iyay degmada Cabdi casiis ee gobolka Banaadir.

      Xaruntaan cusub ee laga daahfuray deg mada Cabdicasiis ayaa ah mid loogu adeegi doono bulshada caasimadda gaar ahaan 8-degmo oo katirsan gobolka Banaadir kuwa as oo kala ah, degmooyinka, Cabdicasiis, Kaaraan, Yaaqshid, Shibbis, Boondheere,      Hiliwaa,Shangaani iyo XamarWeyne.

      Agaasimaha guud ee hay’adda socdaa lka iyo jinsiyadda Soomaaliya, korneyl Max amed Aadan Koofi oo ka hadlay Munaasa badda ayaa xusay in furitaanka xaruntaan ay timid kaddib dalab uga yimid shacabka oo ahaa in la ballaariyo xarumaha hay’adda maadaama uu ciriiri badan ka jiray xarunta laga bixin jiray Baasaboorka,isagoo sheegay in xaruntaan ay hadda wixi ka dambeeya loogu adeegi doono bulshada ku nool 8 de gmo.

G/G/Banaadir ahna duqa M/Muqdisho Cumar Finish ayaa hay’adda socdaalka ku boggaadiyay shaqooyinka ay bulshada u he yso, waxaa uuna sheeyay in tani ay kamid ta hay dadaallada dowladdu ay ugu jirto in ade egyada loo dhaweeyo shacabka.

       Munaasabadda xarig jarka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa saraakiil ka tirsan dowlad da,Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliye ed,guddoomiye ku xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Gobolka Banaadir,mudane Ibraa hin Cumar Mahad Alle (Ibraahin Dheere) iyo

 masuuliyiin kale.

Ruushka oo war kasoo saaray saldhig ga milatari ee la sheegay inuu ka sameysan ayo Berbera

      Dowladda Ruushka ayaa markii u horeys ay si cad uga hadashay warar sheegaya in da maceeda uu yahay inay magaalo xeebe edka Berbera ka sameysato Saldhig Milateri.

Ruushka ayaa xaqiijiyey inuusan waqti xaa dirkan uusan diyaar u aheyn inuu Berbera ka sam eysato Saldhig Milateri, sida uu she egay Danjire Mikhail Golovanov.

       Mikhail Golovanov oo ah safiirka Ruush ka ee Soomaaliya iyo Jabuuti oo arrintaasi wax laga weydiiyay ayaa ka dhawaajiyey in dowladda Ruushku aysan wax saldhig ah ka sameysaneen Berbera, isagoona xusay in wax wada-hadal ah oo arrintaasi ku saabsan aan la qaban.

        Mikhail ayaa isagoo si kooban uga hadl aya arrinkaasi waxa uu yiri "Ruushku, ma waddo inuu dekedda Berbera ka samaysto saldhig milatari. Wada-hadalo arrintan ku sa absan lama qabanin”.

      Hadalkan Mikhail ee uu ku cadeynayo in dowladiisu ay waqti xaadirkan aysan qorshe yneyn in saldhig Milateri ay ka sameysato Berbera, ayaa waxa uu ku soo aadaya Warbixin si weyn u faaftay oo uu Wargeyska New York Times uu ku sheegay in uu Ruu shku wado qorshe uu Berbera kaga samey sanayo saldhig Milateri.

      Warbixinta Wargeyska oo soo baxday horaantii bishan ayaa waxa ciwaan looga dhi gay "Ruushka oo saamayn sii kordhaysa ku leh Afrika iyo Reer  Galbeed badan oo ka wer-wersan”.

       Waxaana warbixintaasi lagu sheegay in dowladda Ruushka ay si dhow isha ugu ha yso magaalo xeebeedka Berbera, oo ay ra bto inay saldhig ka sameysato, inkasta oo dowladda Ruushku ay iska fogeysay xaqiiqa da qorshahaasi.

Ciidamada Dowladda oo Xoolo nool ka soo furtay Al-Shabaab.

        Howlgal qorsheysan oo ciidamada Xo ogga Dalka ka sameeyeen tuulada Muuse-geel iyo kuwa kale oo ka tirsan gobolka Hii raan, ayaa ujeedkiisu ahaa sidii Kooxda Al-Shabaab looga sifeyn lahaa Waddooyinka u dhaxeeya deegaana da Moqokori iyo Max aas oo maleeshiyada Al-Shabaab ay si dhu umaaleysi ah ku soo galaan mararka qaar, ayna dadka shacabka kaga qaataan Xoolo baad ah. Saraakiisha Ciidamada Xoogga ay aa sheegay in arxan-laawayaasha Al-shab aab ay ka carareen illaa 400(Afar boqol) ne ef oo Ari ah oo ay dadka Shacabka ka dhac een, iyadoo ciidamadu ay weerareen goob ay ku aruurinayeen Xoolahaasi, waxaana la qorheynayaa in Xoolahaasi Dadkii lahaa ay ciidamadu dib ugu celiyeen.

      Ciidamada Xoogga dalka ee gobolka Hiir aan ayaa howlgallo lagu sugayay amniga ka sameeya tuulooyinka u dhaxeeya degmada Maxaas iyo deegaanka Muqokori, si ay suga an ammaan Deegaanadaasi.

7 qof oo ku dhintay dhul giriir ku dhuf tay dalka Turkiga

       Ugu yaraan todobo qof ayaa ku dhintey shan kalena waa ay dhaawacmeen markii uu dhulgariir ku dhuftay dalka Turkiga gaar ahaan gobolka xadka ay la leeyihiin Iran, sida ay mas'uuliyiintu sheegeen.

Dhul gariir ayaa cabirkiisu ahaa 5.7-magni tude, waxaana sidoo kale laga dareemay gobolka Van ee Turkiga.

        Dhismooyinka qaar ayaa burburay dad badanna waxay ku go'doonsan yihiin bur burka, Wasiirka Arimaha Gudaha ee Turkiga Suleyman Soylu ayaa shirkiisa jaraa'id ku sheegay.

       Wuxuu intaas ku daray in kooxaha ba adi goobka iyo samatabbixinta loo direy gob olka uu dhul gariirku ka dhacay.

       Dhulgariir xoog badan ayaa ku dhuftay bariga Turkiga horaantii sanadkan kaas oo sababay dhimashada 41 qof halka ay ku dha awacmeen 1,600 oo kale.

Al-Shabaab iyo dadka deegaanka Ceel-Cali oo ku dagaalamay dhagax qaali ah

        Wararka naga soo gaarayo G/Hiiraan, Gaar ahaan deegaanka Ceel-Cali ayaa she egaya inuu halkaas ka dhacay dagaal sabab ay dhimasho iyo dhaawac kaasoo u dhaxe eyey dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab iyo dadka Deegaanka.   Dagaalkaas oo ka yi mid kadib markii deegaanka lagu arkay Dha gax qaali ah oo dadka deegaanka ay hele en.Rag  Al-Shabaab oo maqlay Dhagaxa Qaaliga ah ee heleen dad ka Ceel Cali ayaa weerar kusoo qaaday, waxayna taas keentay inuu qarxo dagaal dhiig badan ku da atay.

   Sida ay sheegeen dadka deegaanka, dagaalka ayaa waxaa ku dhintay 2 qof oo Shacab ah, halka ay sidoo kale ku dhaaw acmeen ilaa 5 qof oo kale. Sidoo kale da gaalka ayaa wuxuu Khasaaro dhimasho iyo dhaawac leh kasoo gaaray Rag ka tirsanaa Al-Shabaab ee weerarka soo qaaday.

     Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ka tir san golaha shacabka kana soo jeeda dee ga anada lagu dagaalamay ayaa sheegay in Al-Shabaab ay loo soo farmuqay dadka helay dhagaxdaas, taas oo sababtay inay weerar ku qaadaan.

     Xildhibaanka ayaa sheegay in qaar ka mid ah dhagaxda gaadiid sida lagu qabtay deegaanka Siinka-dheer ee duleedka M/Mu qdisho, kadib markii ay ka war heleen in Mu qdisho loo soo wado, si looga iibiyo dadka daneeya. Odayaasha Dhaqanka Dee gaan ka Ceel Cali ayaa arrintaan ku tilm aamay wax laga xumaado, iyagoo xusay in Dhagax aas uu keenay dhimashada 2 qof oo Shacab ah iyo dhaawaca tiro intaas ka badan. Xigasho Caasimada

Xasan Sheekh oo farriin culus ka jeediy ey shirka beesha Mudulood

    Madaxweynihii hore ee DFS, Xasan Sh. Maxamuud oo ka qeyb galay furitaanka shir ka wadatashiga beelaha Mudulood ayaa ka hadlay xaaladda dalka, gaar ahaan tan M/ Muqdisho.

       Md.Xasan Sh.Maxamuud ayaa sheegay in marar badan la weydiiyey sababta marka uu madaxweynaha ahaa wax uga qaban wa ayey dhibaatada iyo xaaladda adag ee ay wajahayaan dadka shacabka ah ee ku dhaq an G/Banaadir, isagoona jawaabta uu bixiy ey ku sheegay in aysan moogeyn xaaladda jirta, balse dowladnimada ay soo bilaabeen, islamarkaana inta aysan soo gaarin halkan uu waqtigii ka dhammaaday.

    ”Aqyaarta halkan fadhisa iyo aqyaar kalaa su’aal i weydiisay marar badan oo igu yiri madaxweyne baad soo ahaydee magaala daan aad leedahay dadkeeda hala waxeeyo adigu maxaad u waxeyn weysay? anaga dowladnimadaan soo bilownay, mana aanan moogeyn intii aanan halkaan soo gaarin buu waqtigii naga dhamaaday”. ayuu yiri Xasan Sheekh Maxamuud.

     Sidoo kale wuxuu intaasi raaciyey hal ha yskii lagu yaqiinay ee Qabyo ”hal hayskii ca anka ahaa ee dad badan cilladeeyeen ee Qabyo ahaa, maamulka Muqdishana qabya duu ka mid ahaa”. ayuu markale yiri mada xweynihii hore ee Soomaaliya.

     Xasan Sh.oo sii hadlayey ayaa xusay in aan la caburin karin shacabka Muqdisho, islamarkaan ay xaq u leeyihiin inay shiraan, kana tashadaan aayahooda.

     "Ma shiri kartiin maamul ma dhisan kartiin aayihiina kama tashan kartiin meel ay ku ba naan tahay ma jirto Dastuurka ma qabo, Diin ta islaamkana ma qabto”. ayuu markale yiri.

Ugu dambeyn wuxuu qiray in dadka ku dha qan caasimada oo haatan la daala dhacayo dhibaatooyin kala duwan oo ay ugu horreey aan xirnaashaha waddooyinka muhiimka ah ay muujiyeen dul qaad, islamarkaana uu ku amaanayo,kuna sii dhiiragalinayo markasto .

Wasiir Warfaa oo xafiiskiisa ku qaabilay General Bashiir Goobe

     Wasiirka Shaqada & Arrimaha Bulshada Somaliya, Sadiiq Xersi Warfaa ayaa Shalay xafiiskiisa ku qaabilay Maareeyaha Guud ee Wakaaladda Horumarinta Dhismaha Soo maaliyeed, General Bashiir Maxamed Jaa mac (Bashiir Goobe).

Kulanka oo uu goob joog ka ahaa Gudoo miyaha Guddiga Qaranka ee Shaqa alaha Rayidka, Xassan Abshirow Maxamed ayaa lagu bogaadiyay hawlaha Wakaaladda Horu marinta Dhismaha Soomaaliyeed.

      Wasiir Warfaa ayaa Maareeyaha Wakaal ad da Horumarinta Dhismaha Soomaaliyeed ku dhiirigeliyay inuu dardargeliyo shaqada uu Qaranka u hayo, isagoo uga mahad ce liyay is bedelada uu sameeyay muddadii yar eed ee uu xafiiska joogay.

      Kulanka ayaa sidoo kale diiradda lagu sa aray wada-shaqayn dhow, oo ay Wakaala ddu la yeelato Wasaaradda iyo Guddiga

Bankiga Dhexe oo shacabka u diray farriin la xiriirta FOREX

      Bankiga Dhexe ee Soomaaliya ayaa sha cabka u diray digniin xooggan oo ku saab san khasaare culus oo kasoo gaari kara inay lacagtooda ku darsadaan shirkadaha ka shaqeeyaa suuqa kala iibsiga sarrifka laca gaha qalaad ee Forex (Foreign Exchange Trading Market).

      Qoraal kasoo baxay Bankiga Dhexe ayaa lagu yiri "Shirkadahaasi waxay maca amiishooda u ballan qaadaan faa’iido badan oo gaareysa 70%. Bankiga Dhexe wuxuu ru maysan yahay in uu ganacsiga noocan ahi khasaare badan usoo jiidi karo dadka maa lgashada.”

      Qoraalka ayaa sidoo kale intaas ku dar ay inaysan jirin shirkado Ruqsad ama Og ola ansho (License) ka haysta Bankiga Dhe xe ee Soomaaliya, oo ka ganacsada sarrifka lacagaha qalaad ee suuqyada caalamiga ah (online forex trading).

      "Sidaas awgeed, Bankiga Dhexe ee So omaaliya, isaga oo ka duulaya waajibaad kiisa shaqo ee la xiriira korjoogtaynta hab maaliyadeedka dalka, ilaalinta xasiloonida suuqa maaliyadda iyo dhowridda hantida ma waadiniinta Soomaaliyeed, wuxuu mar kale uga digayaa shacabka iyo ganacsatadaba in ay ka feejignaadaan shirkadahaas sare ku xusan, hantidoodana aysan ku aaminin ade eg maaliyadeed oo aan oggolaansho looga haysan Bankiga Dhexe,” Ayaa lagu yiri qoraalka.

Qoraalka Bankiga Dhexe ayaa yimid saddex maalmood kadib markii warqad kasoo bax day xaafiiska guddoomiyaha gobolka Bana adir Cumar Maxamuud Maxamed Cumar Fi nish ayaa lagu hakiyey bixinta rukhsadaha ama diiwaan gelinta shirkadaha ka shaqee ya adeeggsa sarifka online-ka ee loo yaqan Forex.

Feeryahanad Soomaaliyeed oo ka guul  eysatay mid Kenyan ah

   &



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip