Xog Wadaag. (Muhim ah) Q-2aad. (Wax ka ogow Tariikh Muhiim ah).

0
Thursday February 20, 2020 - 23:11:25 in Wararka by
  • Visits: 1123
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xog Wadaag. (Muhim ah) Q-2aad. (Wax ka ogow Tariikh Muhiim ah).

    Abaalka Somaliduna siduu Noqon doonaa? Abaartii ku dhacday Ireland Qarnigii 19 aad. saameeynta Abaartu waxa ey ugu xumeeyd Sannadkii 1847, waqtigaa Ireland waxa ey ku hoos jirtay xukunka Ingriiska, Irelandna waa Dal Reer Yurub ah. Dalaga Bataatuh

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Abaalka Somaliduna siduu Noqon doonaa? Abaartii ku dhacday Ireland Qarnigii 19 aad. saameeynta Abaartu waxa ey ugu xumeeyd Sannadkii 1847, waqtigaa Ireland waxa ey ku hoos jirtay xukunka Ingriiska, Irelandna waa Dal Reer Yurub ah. Dalaga Bataatuhu waa cuntada ugu badan ee dhaqan ahaan ey u leeyihiin Dadka Ireland, noloshunu ey ku tiirsaneyd. Qarnigii 19aad Ireland waxaa ku dhacday Abaartii weyneed ee loo yaqiin Abaartii 7da Sanno ama Abaartii Bataataha, Bataatihii yaraa ee u soo baxayna waxaa ku dhacay Cudurka Fungus . Abaartaa waxaa ku geeriyooday in ka badan Hal Million oo Qof oo Reer Ireland ah. In ka badan Hal Million oo Reer Ireland ahna waxa ey u qaxeen Dalka Mareykanka. Dadkii aan awoodin Qaxuna waxa ey u dhinteen Gaajo, Macluul iyo Cuduro. Sida uu sheegay English philanthropist James Hack Tuke, Dadku waxa ey cunayeen wax kasta oo ey ku jiraan qashinka Xeebaha iyo cunno xataa Xayawaanku uuna cuni Karin. Taalooyin lagu Xasuusto ayaa loo dhisay Abaartaa ( F.S: 1aad)


Kumanyaal meyl, meel ka fog waxaa ku noolaa Suldan Islaam ah, waa Sultankii Cusmaaniyiinta, Suldan Cabdulmajiidkii 1aad. Suldaanku, Ninkii u ahaa Dhakhtarka Ilkaha oo u dhashay Dalka Ireland ayuu ka maqlay in Dhibaato Beni aadannimo oo weyn iyo Xaalad quus ahi ey ka jirto Ireland . (F.S: 2aad)

Suldanku waxa uu deg deg ugu soo diray Lacag dhan 10,000 British pounds oo Qiima ahaan maanta u dhiganto $1.3 million si Dadka baahan wax loogu qabto .

Halka isla waqtigaa Boqoradii Ingriiska "Queen Victoria” ey u dirtay 2,000 British pounds oo kaliya, La taliyayaashii Boqorada ayaa diiday in loo diro Ireland wax ka badan intii Boqoradu ey Direysay, taa oo ceeb ku ah Boqoradda.

Mar kale Suldaankii Islaamka ayaa Go’aansaday in uu wax u qabto Bani aadamkaa Dhibaateysan waxa uuna u diray 3 Markab oo mucaawino ah oo isagu jiray Cunto, Daawo iyo Qalab kale si deg deg wax loogu qabto dadka dhibaateysan.

Laakin Ciidanka Badda ee Ingriisku ma ogolaan in Maraakiib Ajnabi ah ey ku soo xirataan Dekadaha Magaalooyinka "Dublin iyo Cork”. Sidaa darteed ayaa Maraakiibtii Turkiga ee macaawinadu u sii gudbeen dhinaca waqooyi ilaa ey ka dajiyeen Dekeda "Drogheda” iyo Xeebaha Wabiga "Boye” iyaga oo hore u soo maray Badda Mediterranean-ka, kadibna Galbeedka Bortuqaal iyo Spain ilaa Cirifka Galbeed ee Yurub.

Weli dadka Reer Ireland Ma hilmaamin Gurmadkii uu u sameeyay Suldaan Cabdulmajiidkii 1aad ee Muslimka ahaa. Maanta Museums-ka Ireland waxaad ku arkee Taariikh lagu xasuusto, Taalooyin iyo Sawiro ku yaal Darbida dhismooyinka Magaalada Drogheda oo loo dhisay Xasuusta Suldaankaa u soo gurmaday, waxa ugu dambeeyay 1995 Duqa magaalada Mayor Alderman Godfrey Xasuus reebkii uu daah furay iyo 2010 Booqashadii Madaxweynaha Ireland Mary McAleese ee Dalka Turkiga ee muddo ka badan Qarni kadib weli looga mahad celiyay Dadka Turkiga sidii ey u badbaadiyeen Dadkii Reer Ireland. Weli Ciidamada Ireland Jaakadahooda waxaa ku dhagan Calaamada Bisha iyo Xiddigta Cas ee Turkiga si ey ugu Mahad celiyaan. Badanaa Guryaha Dadka Irishka waxaad ku arkee Calanka Turkiga.

Weli meela badan oo ka mid ah Magaalooyinka Ireland waxaa ku dhagan Calaamda Bisha iyo Xiddigta Turkiga, kuwaa oo xataa Calaamad u ah Kooxda Kubbada Cagta ee "Drogheda United team”. Waxa kale oo jira warqad ey saxiixeen dadka Magaalada oo dhan oo loo diray Dadka Turkiga, oo ey ku qoran tahay waxaan u mahad celineynaa Dadkii Muslimka ahaa ee si bani aadannimo ah noo badbaadiyay Anaga oo Kirishtaan ah oo musiibo dabeeciya na heysay, kana fog Deegaanka Muslimiinta, waxaan ogaanay Dhab ahaan Islaamku waxa uu yahay iyo Naxariista uu farayo Muslimiinta. Qofkasta oo Turki ah oo halkaa tago aad ayaa loogu soo dhaweeyaa.

Maanta.

( Maanta. Somalida Abaar iyo Colaad ayaa ku dhacay, waxa soo booqday wafdi uu hogaaminayo Madaxweynhii Turkiga Mr. Ordogan ,waxa ey gacan ka geeysteen Abaartii, waxa ey naga caawiyeen Caafimaadka, Waxbarashada, Ciidamada, Dib u heshiisiinta Somalida ,Duulimaadkii ugu horeeyay ee nagu xiray caalamkii na hilmaamay iyo wax yaaba kale. ( F.S: 3aad)

Bishii Dec.2019 Annigu, waxaan Turkiga uga qeyb galay Shir ey lahaayeen 50 Shirkadood oo Somali ah oo ka diiwaan gashan Turkiga, waxaa igu casuumay Somalida, bacdamaa aana aqoon Hal qof oo Masuul Turkiya ah ama Shacaba.

Somalia waxa joogo shirkado yar oo Turki ah. Tusaale tan howlo Service ka qabato Dekadda, ogow Dekadda waxaa maamulo, Maareeye Somali ah, Canshuur waxaa ka qaato Wasaaradda Maaliyada, Ciidanka joogo waa Police Somali ah, wasaarada Ganacsiga iyo Rugta ganacsiga ayaa howlaheeda ka qeyb qaato. Turkigu maamul shaqo kuma le, service ah fududeeyn private ah oo kaliya ayey qabtaan.

Maalmahan ,waxaa soo batay eedo Dad aan dekadaba weligood tagini ey u jeedinayaan Shirkada, kala sooc Shirkad iyo Dowlada Turkiga, Shirkad ama Qof Turki ahi Dambi waa kaa Gali karaa.

kadibna markii Turkigu yiri: Shidaal ayaan Somaliya ka baarayaa, waxaa cirka isku shareeray eedaha Turkiga oo aad maqleeysid Xatta Turkiga xirrirka ha loo jaro, Arrgtidaa oo ey wadaan wadamo yar yar iyo kuwa kale oo danleey ah oo laftoodu Turkiga la leh xiriir wanaagsan. Laakin Dadka Soomalida laga gadayo Siyasad cusub oo Turki neceyb ah oo aan sal leheeyn. is bar bar dhig Turkiga iyo kuwa kugu dirayo, wax qabadkooda, Haddad Turki wax ka tabanee u sheeg ,hana isku khaldin Qof ama heyad Turkiya iyo Dowlada Turkiga. Yaan laguu isticmaalin Siyaasada Wadamo danley ah oo qabo in Turkiga loo jaro Xiriirka. ( F.S: 4aad). Ogow Anigu Siyaasi ma ihi, Turkina uma shaqeeyo. (F.S:5aad)

FG: Ka raali ahaaw waan kugu dheereeyay, Wixii aan ku khalday iga sax, wixii ka dhimana ku dar, Aragtidaada Xur ayaad u tahay.

Ireland aragnaye, Annaga Abaalkeenu siduu noqon doona?

Qore: Yahya Amir




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip