Ciidamada Alle iyo Shiinaha, Abraha iyo Namruud=Faallo=

0
Sunday February 09, 2020 - 20:03:06 in Wararka by
  • Visits: 1167
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamada Alle iyo Shiinaha, Abraha iyo Namruud=Faallo=

    1-Shiinaha ayaa dareemay in uu leeyhay Xoog Ciidan iyo Tira ahaan kuwa ugu badan Ciidamada Aduunka. Kadibna waxa uu dareemay in ayna jirin Cid hor istaagi karto(F.S: 1-6) 2-Waxa ey bilaabeen in Awoodooda ay ku tijaabiyaan isla Dadkoodii, Gaar ahaan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

1-Shiinaha ayaa dareemay in uu leeyhay Xoog Ciidan iyo Tira ahaan kuwa ugu badan Ciidamada Aduunka. Kadibna waxa uu dareemay in ayna jirin Cid hor istaagi karto(F.S: 1-6) 2-Waxa ey bilaabeen in Awoodooda ay ku tijaabiyaan isla Dadkoodii, Gaar ahaan Muslimiinta Shiinaha, oo isla Dalkoodii lagu Ciqaabay, lagana mamnuucay in ey cibaadeystaan, Islaam nimaduna ey noqotay Dambi weyn. Kitaabadii Qur'aankana la gubay, Muslimiintii ayaa lagu xareeyay Xabsiyo, iyo Deegaano eyna ka gudbi Karin. Ciqaab culus ayaana la marsiiyay. ( F.S:7-13 )


3-Ciidamada Alle, haddii Qof ama Qowm ey is moodaan in ey awood leeyihiin oo ey kibraan waxaa loo soo diraa, Ciidan Alle " Junuudu Allaah” , weliba meel eynan ka maleeysaneeyn iyo kuwo ey ku tuhmayaan Tabar yaro laakin iyaga ka Awood badan. Shiinaha waxaa loo soo diray Jeermi aad u yar oo indhuhuna eynan arkeeyn , waxaana loogu soo dhiibay Kabali, ey iyagu Gacantooda ku soo qabsadeen kadibna ey Cuneen. Kadibna waxaa xigay in Dadkoodii ey xeryo ku xiraan oo ey yiraahdiin Halkaan kama Bixi kartaan, taa oo la mid ah sidii ey u xareey jireen Muslimiinta Shiinaha, taa waxaa u sii dheeraatay in Aduunkii uu iska Go’doomiyay iyaga, taa oo saameeysay Kobacii dhaqaale ee Dalku ku faanayay. Aaween Ciidamadii Shiinaha ee Xooga badnaa ma Jeermi, kabali wado ayeey ku aadi waayeen. ( F.S:14-16 )

Miyeeyna Cashar ku Qaadan, Boqor Abraha, weerar kii sii Kacbada ,isaga oo wato Ciidan Xoog leh, iyo Maroodiyaal, in loo soo diray, Junuudu Allahi oo ah, Shimbiro yar yar oo la yiraa Abaabiil, oo Afka ku wato Dhagxo yar yar (F.S:17-18 ) Miyeeynan Fiirin, Boqorkii Namruud ee kibirka badnaa in loo soo diray ciidan Alle kuwa u muuqdo in ey laciif yihiin oo kaneeco Sannka ka gashay, Qaar kale oo kibrayna in loo soo diray Quraansho Guduud ( F.S: 19-20 )

Muslimiinta Shiinaha iyo ku Asiya Guud ahaa, sida horeba aan ugu soo hadlay Reer Rohingya waxaa heeysta Ciqaab loogu geeysanayo waxaad tihiin Muslimiin.

Muslimiinta Shiinuhu, waa Dad muuqaal ahaan iyo Diin ahaanba ka duwan shiinaha kale. Waxaan ku xasuustaa in Cunsuriyad lagu hayay, Anniga oo joogo Magaalada Ganacsiga ku Caanka ah ee Guangzhou ee Dalka Shiinaha ( F.S: 21-23) ayaa Nin Shiinees ahi igu yiri: Ma jeclin in aan Guryaha ka kireeyno Muslimiinta Shiinaha iyo Afrikaanka, Sababta oo ah: Afrikaanku Adiga oo daalan oo shaqo ka yimid ayuu Muusik kugu shidayaa iskana Ciyaarayaan, Muslimiinta Shiinuhu waa Dad naga dhaadhheer oo naga xoog badan, haddii aan dulmino ama aan la murano waana dharbaaxaan.

Muslimiintaa Muuqaalkooda waxaan ku xasuustaa isla Magaalada Guangzhou Makhaayad ey Yamani ku leeday ayaa Anniga iyo saaxiibkeey oo ahaa Ganacsade Somali ayaan shaah u soo doonanay. Saaxiibkeey ayaa si kaftan ah Ninkii Shaaha noo keenayay oo ahaa Shiinees Muslim ahaa ayuu ku yiri: waxaan nahay Muslim waxaan u baahanahay in aan guursano Laba Gabdhood oo Muslim ah oo shiinaa, shuruuduna waa in ey dusha ka Yaqaaniin Qu’aanka, in Luqada Ingriiskana ey yaqaaniin, in ey Bikro yihiin iyo in ey yaqaaniin Xirfad shaqo oo heer jaamaceed ah.

Waxaan u heeystay Bacdanaa uu Dalka iiga soo horeeyay Ganacsadahaa Soomaaligu in ey kaftamayaan. Maalintii Xigtay ayaan tagnay Makhaayadii Yamaniga, waxaa joogo Laba Gabdhood oo asturan, dhaadheer, waji Qurxan . kadibna Shiineeskii Muslimka ahaa, ayaa ku yiri: Labadaan gabdhood waxaan uga yeeray Magaalo 400km noo jirto, waxa ey leeyihiin Shuruudihii oo dhan. Annugu waan yaabay, Ganacsadihiina waxa uu yiri: waan kaftamayay.

Saaxiibkeey waxan ku iri: Adigaa Dhibkaan masuul ka ah, Annigu maba aanan hadlin Maalintii hore, ee fuli balantaadii, waxa uu yiri: ma fulin karo, waxaan ka qaaday Lacag Ganaax ah oo uu aad uga naxay, Gabdhihiina ey ku raali noqdeen, una noqdeen Deegaankoodii.

FG: Iga Raali ahaaw, hadaan kugu dheereeyay, waxaan galay xasuus hore. Awood kasta oo Gaalada iyo kuwii is moodo in ey Xoog leeyahiin, waxaa jira Junuudu Allahi ka Awood badan. Kali talisyada iyo kuwa Muslimiinta dhibo,Xatta haddii ey sheeganayaan Muslinimo Awood kasta oo ey is moodaan, ha ogaadeen waxaa jira Junuudu Allaahi, Nuucyo Badan leh.

Ku Cibra Qaado, Shiinaha, Abraha iyo Namruud. Jeermi, Shimbiro, Kaneeco iyo Quraansho guduud. Adiguna Xasuuso Awooda Alle.

FG: wixii iga dhiman ka sax, wixii aan ka tagay ku dar.

Qore: Yahya Amir





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip