26-ka Janaayo 1991-kii Waa Dharaartii ay Jabtay Soomaaliya!!!.

0
Sunday January 26, 2020 - 18:57:28 in Wararka by
  • Visits: 1226
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    26-ka Janaayo 1991-kii Waa Dharaartii ay Jabtay Soomaaliya!!!.

    29-sanno ka hor oo ku beegneyd 26-ka Janaayo 1991-kii Dalka Soomaaliya waxaa ka dhacay isbadal ku yimid Qoriga caarradiisa, si qorshe la'aan ah ayaa maalintaasi lagu riday Maamulkii 21-ka sanno Wadanka ka talinayay, Dil, Dhac, Bililiqo iyo Rasaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

29-sanno ka hor oo ku beegneyd 26-ka Janaayo 1991-kii Dalka Soomaaliya waxaa ka dhacay isbadal ku yimid Qoriga caarradiisa, si qorshe la'aan ah ayaa maalintaasi lagu riday Maamulkii 21-ka sanno Wadanka ka talinayay, Dil, Dhac, Bililiqo iyo Rasaas si macno la'aan ah loo ridayay ayaa G/Banaadir ku baahday kadib markii uu Magaalada Muqdisho ka huleelay Odaygii Wadanka ka Talinayay.

Maalmo kooban dabadeed isbadalkii dhacay waa lagu hungoobay, farxaddii loo qabay ritaanka taliskaasi ayaa luntay, Rajadii ku aadaneyd in la gaari doono Nabad, Caddaalad iyo Horumar ka sarreeya midkii Siyaad Barre ayaa lagu guul-dareystay, nasiib-darro hamigii la qabay booskiisa waxaa galay Dagaalo Ahli ah oo u dhaxeeyay Hogaamiyaashii Jabhadaha ee Xukunka u oomanaa.

Muddo kooban gudahood ayay Soomaaliya noqotay wadan kala daatay, deegaan walba waxaa ku baahay Dagaaladii sokeeya, Gaajo iyo Macluul ayaa daris lala noqday, maalin walba waxaa geeriyoonayay dad aan yareyn, Kumanaan Soomaali ah ayaa ka talaabay Xudduudaha si ay Caalamka uga helaan nolol ku dhisan Qaxootinimo.

Laga soo bilaabo dharaartii ay ahayd 26-ka Jan 1991-kii illaa iyo haatan oo ka soo wareegtay 29- sanno ku dhan Soomaaliya walli ma helin Dawlad Dalka hanata, Dagaalo ayaa gobollada qaarkood ka aloolsan, Dawlad Goboleedyo is diidan ayaa dhismay, Dilka ayaa wali caadi iska ah, caddaalad la’aanta jirta ayaan qarsaneyn, Midnimadii Soomaaliyeed ayaa luntay, arimahaasi ayaa qeyb ka ah dhaxalka lagala haray eryidii Maxamed Siyaad kadib.

Waa marag ma doonto in Siyaad Barre loo darsaday, hubaashii waxaa Dalka ka dhacay gefaf ka badan intii Siyaad galay, xaqiiqdii haddii la is bar-bar dhigo qaladaadkii ay gashay Dawladdii Kacaanka iyo Jariimooyinkii la gaystay 29-kii sanno ee la soo dhaafay waxaa badan xumaantii la gaystay sannadihii la soo dhaafay..

Waa dhici kartaa in dadka qaarkiis ay dhibsanayaan magaca Taliskii Siyaad Barre caadifad qabiil darteed, waa suura gal ah in qaybo ka mid ah shacbigeenu ay u muuqato qaladaadkii ay ku kacday Towradii Kacaanka, balse marnaba waxaa la isla meel dhigi karin gefafkii Kacaanka iyo kuwii isaga kadib la gaystay, daacadnimo haddii loo hadlayo waxaa hubanti ah in Siyaad Barre uu ka wadanisanaa intii ka danbaysay ee Soomaaliya soo maaamushay.

Ma filayo in geesi la mid ah ruug-caddaagii Siyaad Barre oo kale uu ka soo bixi doono gayigeena, dhabtii wey adag tahay in Soomaaliya ay deg-deg ku gaarto Maqaamkii ay joogi jirtay, hase yeeshee haddii Alle loo Towba keeno, isla markaana lala yimaado isu Tanasul, Waddanimo, Caddaalad, Sinnaan iyo isla Xisaabtan dhab ah, waa suurta-gal in Soomaaliya ay dib u hanato sharaftii, haybadii iyo wanaagii ay Dunida ku dhex lahayd.

WD:C/Laahi Shiikhaalow




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip