Somali Duco iyo Nabad diidaye, ma Nabadoonkeey u dan leeyihiin, mise Culumadaaba Aar doon ah?=Nasashada Jimcaha. Q-183aad=

0
Friday January 17, 2020 - 23:01:13 in Wararka by
  • Visits: 1533
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Somali Duco iyo Nabad diidaye, ma Nabadoonkeey u dan leeyihiin, mise Culumadaaba Aar doon ah?=Nasashada Jimcaha. Q-183aad=

    1-Laba Nin oo Reer miyi ah, ayaa Shiikh u yimid : waxa ey yiraahdeen Shiikhow noo duceey: waxa uu yiri: Roob Alla ha noo keeno, Nabadna Alla ha noo keeno. Labadii Nin ayaa Shiikhii dilay. waxaa la yiri: Maxaad Shiikha u disheen?. Nin ayaa yiri: Waxa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

1-Laba Nin oo Reer miyi ah, ayaa Shiikh u yimid : waxa ey yiraahdeen Shiikhow noo duceey: waxa uu yiri: Roob Alla ha noo keeno, Nabadna Alla ha noo keeno. Labadii Nin ayaa Shiikhii dilay. waxaa la yiri: Maxaad Shiikha u disheen?. Nin ayaa yiri: Waxaan ka baqay in ducadiisa la aqbalo, oo Roob da'o, Xoolo baadiya ayaa iga maqan oo aan ku raadd joogay, haddii Roob da'ana raadkii Xoolaha ayaa iga dhumayo. Kii kale ayaa yiri: waxa uu ku duceeyay Shiikhu, Allow Nabad keen, Aniguna Aar doon ayaan ahaay, waxaan ka baqay in Ducadiisa la aqbalo oo Nabadi la helo, Aniga oo aan weli Aar soo dilin. ( Somali Duco iyo Nabad diidaye, ma Nabadoonkeey u dan leeyihiin, mise Culumadaaba Aar doon ah?) 2-Laba Nin oo Somali ah ayaa isku dagaalay London oo Biro isku garaacay, kadibna dhaawac fudud is gaarsiiyay. Boliska ayaa qabtay, waxana kiiskoodii koo gudbiyay Maxkamadda. Qaaligii ayaa weeydiiyay, maxaad isku dagaasheen?, waxa ey ku jawaabeen waxaan isku heeysanay Odayga Daarood ayaa ka fiican Odayga Hawiye iyo Odayga Hawiye ayaa ka fiican Odayga Daaroodka. Qaaligii ayaa ku yiri: Annigaa cadeeynayo kan fiican ee Berri iigu keena Maxkamadda Labada Oday. Waxa ey yiraahdeen 1000 Sanno ka hor ayeey dhinteen. Qaaligii ayaa yiri: Ma odayaal 1000 Sanno ka hor dhintay Dartood ayaad isku dagaasheen. Kadibna waxa uu amray in Labadaba loo gudbiyo Isbitaalka Dadka dhimir la' iyo kuwa waalwaalan. ( F.S: 1aad) ( Soomaaliyey ma 10 Qarni Dad Qabuuro ku jiray, ayaad Qaarada kale iskula Qoonsateen, Isbitaalkaa dhimirka waad mudan tihiin) 3-Naagtii ayaa Saaxiibteed ku tiri: Ninkeeygu waxa uu igu yiraa Mar kasta Nimcada aan heeysto waa Adiga. Anna waa in aan Alla ku shukriyaa. Saaxiibteed ayaa ku tiri: Naa taa, Alla haku shukri. Soow tii diinta lagu yiri, Nimcada qofkii ku shukriyo waa loo badiyaa, Nicada uu Ninkaagu sheegayo hadda waa Adiga oo hal Xaas ah, Haddii aad Shukriso soow Xaasas badan noqon meeyso. ( Ducadeey Dumarku Jecel yihiin?) 4- Nin ayaa Xaaskiisii ku yiri: Maanta waxaan helay Jalamadii "caali u diin" oo markii aad salaaxdo wixii aad dalbato aad heleysay. Waxa ey ku tiri: Maxaad dalbatay?. Waxa uu yiri: Waxaan dalbaday in Xaaskeeyga Maskadeedu ey Toban jibaaranto. Waxa ey ku tiri: Waan ogaa in aad i jeceshahay ee Maxaa kuu soo baxay?. Waxa uu yiri: Waxaa soo baxday Xisaabta isku dhufashada ( Multiplication ) Sideedaba, haddi Eber Numbar kale lagu dhufto, in ey eberteedii ahaanee. ( F.S: 2aad) ( Maamuladda qaar haddii Muddo loo kordhiyo, macaan loogu tagimaa, haddaan Macawista laga bedeleeyn) 5- Oday Reer miyi ahaa ayaa Dhakhtar Magaalada loo keenay. Baaritaan dheer kadib. Dhakhtarkii ayaa ku yiri: wxaa dhiigaaga laga helay "cholesterol", Sababta oo ah waxa Dhiigaaga ku badan Dufanka Subagga oo xirayo xididadaada . waxaad Qabtaa oo kugu dilaacay "Gaas", waxaa kale oo lagaa helay "Sokor". Waxoogaa "Cusbadaaduna" waa sareeysaa. Markii uu Miyigii ku noqday ayaa Odayaashii Deriku soo booqdeen oo ku yiraahdeen, Maxamuudoow ka waran Dhakhtarkii muxuu kaa sheegay? Odaygii ayaa yiri: Waxa uu iga sheegay; Sokor, Gaas, Cusbo, Subag, war ismaba ogeeyne ileeyn Dukaan yar ayaan ahaa. ( F.S: 3aad) ( war Somalidu isma ogee, ameey Dukaan yar tahay) 6- Macallin ayaa Arday, weeydiiyay. Waxaad sheegtaa, 6 Xayawaan oo Biyaha ku dhax nool?. Ardaygii ayaa ku Jawaabay , Rah. Macalinkii ayaa ku yiri: waad saxday kii 1aad, ee Sheeg Shanta kale? Ardaygii ayaa yiri: Raha, Aabihii, Hooyadii, walaalkii, Walaashii iyo Ayeeydii. Kadibna Macallinkii waxa uu garaacay Ardaygii. Yaa Gardaran? ( F.S: 4 & 5aad) ( Odayaasha Galmudug iyo Gudiga yaa gar daran, Qooyska aad tirinee, kaad ka soo xushay ma rabee, kii aan rabay ku jawaab) Qore: Yahya Amir


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip