Duqa Muqdisho oo dhagax dhigay mashruuc Deg. Kaxda laga fulinayo (SAWIRRO)

0
Wednesday January 15, 2020 - 23:31:31 in Wararka by
  • Visits: 257
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Duqa Muqdisho oo dhagax dhigay mashruuc Deg. Kaxda laga fulinayo (SAWIRRO)

    Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa maanta dhagax dhigay mashruuc laga samaynayo Degmada Kaxda ee Gobolka Banaadir. Mashruucan ayaa waxaa lagu dhisaya xarun c

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa maanta dhagax dhigay mashruuc laga samaynayo Degmada Kaxda ee Gobolka Banaadir. Mashruucan ayaa waxaa lagu dhisaya xarun caafimaad oo bulshada si lacag la'aan ah loogu adeegi doono, sidoo kale waxaa mashruucan qayb ka ah mid lagu hirgelinayo iskuul, ay si bilaash ah wax ugu baran doonaan ardayda iyo Masjid ay dadka deegaanka ku cibaadeystaan. Gudoomiyaha Gobolka Banaadir oo ka hadlay mashruucan ayaa sheegay inuu faa'iido weyn u leedahay bulshada ku dhaqan Degmada Kaxda.

Duqa Magaalada Muqdisho ayaa ballanqaaday in Maamulka Gobolka Banaadir uu dardar-gelin doono mashaariicda kor loogu qaadayo horumarinta Magaalada Muqdisho.

Gudoomiyaha Degmada Kaxda, Maxamed Yuusuf Maxamed oo warbaahinta la hadlay ayaa faah faahiyay nooca uu yahay mashruucan laga fulinayo degmadiisa.

Aaadan Sheekh Cali Fiidow, Gudoomiye Kuxigeenka Hawlaha Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir ayaa isna sheegay inay muhiimad gaar ah siin doonaan hirgelinta adeegyada asaasiga ah.







Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip