Al-Shabaab oo sheegtay inay dib ula wareegeen Tooratoorow

0
Tuesday January 14, 2020 - 09:54:07 in Wararka by
  • Visits: 249
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Al-Shabaab oo sheegtay inay dib ula wareegeen Tooratoorow

    Shalay Gelinkii hore ayaa Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Soomaaliya gaar ahaan kuwa sida gaarka ah u tababaran ee DANAB waxaa ay dagaal la'aan kula wareegeen deegaanka Tooratoorow oo hoostaga degmada Awdheegle ee Gobolka Shabeellaha Hoose,halka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shalay Gelinkii hore ayaa Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Soomaaliya gaar ahaan kuwa sida gaarka ah u tababaran ee DANAB waxaa ay dagaal la'aan kula wareegeen deegaanka Tooratoorow oo hoostaga degmada Awdheegle ee Gobolka Shabeellaha Hoose,halkaas oo saldhig wyen uu u ahaa Al-Shabaab. Saraakiisha howlgalka deegaankaas lagula wareegay ayaa waxaa ay sheegeen in ay qabteen Xubno uu ku jiray guddoomiyaha Maxkamada Gobolka Shabeellaha hoose,isla markaana ay si buuxda ula wareegeen Ammnaaka deegaankaas. Hayeeshee Al-Shabaab ayaa waxaa ay sheegeen in Ciidamada Dowladda ay isaga baxeen deegaanka Tooratooroow,isla markaana ay la wareegeen kuna sugan yihiin. Warar ay Al-Shabaaba ku daabaceen Baraha ay ku leeyihiin Internet-ka ayaa waxaa ay ku sheegeen in Ciidamada ay si nabadgelyo ah deegaanka uga baxeen,isla markaana ay iyaga Magaalada lawareegeen. Majirto weli wax war ah oo dhankooda kasoo baxay Saraakiisha Ciidamaa Dowladda ee ku sugan Gobolka Shabeellaha Hoose ee ku aadan warkaan kasoo baxay Al-Shabaab.

.

 


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip