Loolan adag oo ka socda Dhuusamareeb & wufuud kusii qul quleysa

0
Tuesday January 14, 2020 - 09:52:02 in Wararka by
  • Visits: 269
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Loolan adag oo ka socda Dhuusamareeb & wufuud kusii qul quleysa

    Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Dowlad goboledka Galmudug waxaa buux dhaafiyey Boqolaal isugu jira mas'uuliyiin iyo xil doonayaan maadaama halkaasi ay ka socdaan howlo doorashooyin ah. Todobaadkaan gudihiisa waxaa Magaalada Dhuusamareeb

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Dowlad goboledka Galmudug waxaa buux dhaafiyey Boqolaal isugu jira mas'uuliyiin iyo xil doonayaan maadaama halkaasi ay ka socdaan howlo doorashooyin ah. Todobaadkaan gudihiisa waxaa Magaalada Dhuusamareeb gaarey xubno kala duwan,kuwaas oo qaarkood ay yihiin musharixiin Madaxweynenimo iyo tan guddoonka Baarlamaanka Galmudug. Loolan adag ayaa ka jira Magaalada dhuusamareeb,waxaana kan ugu adag uu yahay laguna tijaabinayo awoodaha isku haya Galmudug doorashada guddoomiyaha Baarlamaanka oo ilaa iyo hadda ay isku soo taageen Saddex musharax oo laba kamid ah ay kasoo jeedaan deegaanka Ceeldheer iyo mid kasoo jeeda degmada Galhareeri ee Gobolka Galgaduud. Wararka ay Idaacadda Risaala ka heleyso Dhuusamaree ayaa waxaa ay sheegayaan in saacadihii la soo dhaafay halkaasi uga dhaceen kulamo gooni gooni ah oo ay yeelanayen musharixiinta guddoonka Baarlamaanka iyo Xildhibaannada Cusub ee Galmudug. Wariyeyaasha ka howlgalla Magaalada Dhuusamareeb qaarkood ayaa waxaa ay sheegeen in magaalada ay ka duwan tahay sidii hore,isla markaana qof walba uu loolan ugu jro sidii uu xil uga heli lahaa Galmudugta Cusub ee dhismaheeda uu ka socdo Magaalada Dhuusamareeb.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip