HALKAAN KA AKHRISO W.W MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER 14-JANAAYO-2020

0
Tuesday January 14, 2020 - 09:38:09 in Wararka by
  • Visits: 348
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO W.W MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER 14-JANAAYO-2020

    Kheyre oo Xafiiskiisa ku qaabilay Wafdi Ka Socda QM Ra'iisul Wasaaraha xukuumadda federa alka Soomaaliya, Xasan Cali Khayre ayaa Shalay xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka so cda hey'adda caafimaadka adduunka (WH O) oo socdaal shaqo ku

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kheyre oo Xafiiskiisa ku qaabilay Wafdi Ka Socda QM Ra'iisul Wasaaraha xukuumadda federa alka Soomaaliya, Xasan Cali Khayre ayaa Shalay xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka so cda hey'adda caafimaadka adduunka (WH O) oo socdaal shaqo ku yimid dalka. Agaasimaha caafimaadka loo dhanya hay,Dr.Peter Salama iyo waliilka Hey'ad da Caafimaadka Adduunka ee Soo maaliya, Dr Mamunur Rahman Malik ayaa hoggaamiyay wafdiga. Dr.Peter Salama oo Ra'iisul Wasaaraha uga mahad celiyay soo dhaweynta, ayaa ho ggaanka dowladda ku ammaanay dadaalka ay ugu jiraan in dadka Soomaaliyeed oo dhan ay helaan caafimaad loo dhanyahay. Wasiirka Caafimaadka iyo daryeelka bulsh ada ayaa goob joog ka aheyd kulanka dhex maray Wafdiga iyo Ra'iisul Wasaaare Xasan Cali Khayre.

Al-Shabaab oo toogasho ku fuliyey Afar ruux

       Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab ay aa fagaaro ku yaalla deegaanka Sablaale ee Gobolka Shabeellaha Hoose waxaa ay ku toogteen Afar ruux oo ay sheegeen inay ka tirsanaayeen dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Goobta toogashada ayaa waxa aa ku sugnaa qaar kamid ah Shacabka dee gaanka Sablaale,waxaana dil toogasho ah la gu fuliyey Afarta Ruux oo Al-Shabaab ay sheegeen inay u Shaqeynayeen Dowladda Soomaaliya,waxaana Afarta Ruux ay kala ahaayeen.

1: Ayuub Xassan Buraale oo ay sheegeen in uu ka tirsanaa Maamulka degmada Kuntuwa areey uguna Magacaawnaa dhirta iyo daa qa.

2: Xasan Cusmaan Cali (Abayle) oo ay Shab aab sheegeen in uu ka tirsanaa Ciidamada dowladda ee degmada Baraawe ka howlgall aan aadna looga yaqaanay degmadaas.

3: Xasan Faarax Maxamad (Gambiye) ayay Shabaab sheegeen in uu ka tirsanaa Ciida mada dowladda,isla markaana ay qabteen, isaga oo ku wajahnaa degmada buulo Burde ee Gobolka Hiiraan.

4: Xuseen Xasan Geelle oo ah ninka Afar aad ayaa Al-Shabaab ay sheegeen in uu ka tirsanaa Ciidamada Dowladda Soomaaliya, isla markaana laga soo qabtay deegaanka Dacaaraha oo u dhow degmada Qoryooley ee G/Shabeellaha Hoose.

    Si kastaba Al-Shabaab ayaa horey waxaa ay dil ugu fuliyeen dad ay sheegeen inay la Shaqeeyaan dowladda Federaalka Sooma aliya iyo Dowladaha taageera,kuwaas oo goob fagaaro ah ay ku toogteen.

Dowladda oo faah faahisey la wareegi taanka Tooratoorow

      Ciidanka Kumaandooska Xoogga Dalka gaar ahaan Guutada 16aad ee Danab ayaa Al-ShabaabShalay kala wareegay Degaan ka Tooratoorow oo hoosyimaada Degmada Aawdheeg ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

      Howlgalka ayaa mid qorsheysan oo Ciid anka ayaa kaga sa arayeen deegaan n ada ay Al-Shaba ab kaga sugan yih iin G/Sh/Hoose iyo de egaano kale.

    Taliyaha Guutada 16aad Kumaandoos ka Xoogga Dalka G/le Ismaacil Cabdimaalik Ma alin ayaa sheegay in inta uu howlgalka so cd ay Ciidamadda ay nolosha ku qabteen 10 katirsan Al-Shabaab oo uu kamid yahay Gud doomiyaha Maxkamadda Gobolka Shabeell aha hoose Macalin Abuukar.

     Taliyaha ayaa intaasi kudaray tooratoor ow inay ku taalay maxkamad ay Al-Shabaab Shacabka Soomaaliyeed uga qaadi jireen la cag farabadan oo ay ku sheegeen Zaka waad.

       Howlgalkaani ayaa qeyb ka ah howlgalo Ciidamadda Kumaandooska Xoogga Dalka ee Danab kaga saarayaan deegaannada Go bolka Shabeellaha Hoose, iyaga oo horey u la wareegay degaanada Sabiib, Caanoole iyo degmada Awdheegle.

Maxaad Ka Ogtahay Inuu Burburay Heshi iska Xabad Joojinta Ee Liibiya?

      Dhinacyada isku haya dagaalka dalka Li bya ayaa midba midka kale ku eedeeyay in uu jabiyay xabad joojin ay garwadeen ka ah aayeen beesha caalamka, saacado un kadib markii ay dhaqan gashay.

Xabad joojinta bur burtay ayaa bilaa batay maalin ka hor,kad ib markii D/Libya ay cadaadis kala kulantaydalalka Ru ushka iyo Turkiga, si ay u aqbasho.

       Dowladda ay Qaramada midoobay aqo on san tahay iyo jabhadda uu hogaam iyo Je neraal Khalifar Haftar ayaa sheegay in dagaal uu ka bilawday meel aan ka fogeyn caasimadda dalkaas ee Tripoli.

      Wakaaladda wararkaee Reuters ayaa ku soo warrantay in maalintii axadda dhawaqa rasaasta laga maqlayay meelo badan oo dul eedka caasimadda.  D/Turkiga ayaa 7badkii la soo dhaafay ciidamo u dirtay dalkaas, si ay gacan u siiyaan Dowladda.

      Jeneraal Haftar ayaa waxaa uu taageero ka heystaa dalalka Masar, Sacuudiga, Ima araatka iyo Urdun, taas oo keentay in dalka shidaalka leh ee Libya uu noqdo goob hor leh oo ay ku dagaalamaan dhinacyada isku haya bariga dhexe, ayna noqoto Suuriyada labaad. Sido kale dowladda ay Qaramada midoobay aqoonsan tahay ee Libya ayaa ta ageero ka heysata dalalka Qatar iyo Turkiga   

    Xilli xiisad ay ka taagan tahay dalkaas ayaa waxaa lagu soo warramayaa in kooxa ha Islaamiyiinta ee ka dagaalama dalkaas iyo qulqulka muhaajiriinta uu xoogeystay, wa xay arrintaas walaac ku keentay dalalk Yu rub oo ay dalka Libya wadaagaan xuduud dhanka badda Mediterranean-ka.

     Dalka Libya ayaa qalalaaso ku jiray tan iyo sanadkii 2011, xilligaas oo uu bilawday kacdoon xilka lagaga tuuray hogaamiyihi mu dada dheer kasoo talinayay dalkaas ee Muammar Gaddafi.

Wafdi ka socda QM oo soo gaarey Muqdi sho lana soo dhaweeyey

    Magalaada Muqdisho ee Caasimadda So omaaliya waxaa Shalay soo gaarey wafdi uu hoggaamina yo Ergayga QM u qaabilsan WadamadaGees ka afrika Par fait Onanga-An yanga , iyada oo lagu soo dhawe eyey.

     Wafdiga ayaa Garoonka diyaaradaha mu qdisho waxaa kusoo dhaweeyey Wakiilka Xoghayaha guud ee Q/Midoobey u qaab ilsan Soomaaliya Amb, James Swan iyo ma s’uuliyiin kale. Md.Parfait Onanga-Anyanga ayaa waxaa lagu wadaa in uu kulamo kala duwan la qaato Wakiilada kala duwan ee Beesha Caalamka ka jooga Soomaaliya iyo madaxda Sare ee DFS

    Waa wafdigii 2aad ee ka socda QM oo muddo 2 cisha Gudahood ah soo gaara M/ Muqdisho,waxaana Dorraad yimid Wafdi ka socda Hay’adda Caafimaadka u qabilsan QM ee WHO.

Xisbiyada Mucaaradka Soomaaliland oo eedeeyey Muuse Biixi

     Kulan M/Hargeysa Shalay ku dhex-mar ey Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Bii ix Cabdi iyo Madaxda Xisbiyada Mucaarad ka Soomaaliland ee UCID iyo WADANi ayaa la sheegay in uu natiijo la’aan ku dhama aday. Kulanka ayaa 2da dhinac waxaa ay u ga wada hadleen arrimaha doorashooyinka iyo Guddiga doorashooyinka ee khilaafka dhaliyey,hayeeshee la isku mari waayey lag una kala tegay.

      Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADANI C/raxmaan Maxamed C/hi Cirro ayaa sheegay,isaga oo Warbaahinta kula ha dlayay Hargeysa in Madaxweyne Muuse Bii xi uu diidey in la kala diro Xubnaha Guddiga doorashooyinka. Waxaa uu sheegay in Mad axweyne Muuse Biixi uu kasoo horjeestay ta ladii ay u soo jeediyeen Xubnaha guddiga dhex-dhexaadinta ee labada dhinac waan waanta ka dhex waday.

      Ugu dambeyn waxaa uu sheegay in arri ntaan ay shir ka yeelan doonaan labada Xis bi ee UCID iyo Wadani si ay Beesha Caalam ka ugu gudbiyaan,waxana uu ugu baaqay

 Guddiga doorashooyinka inay is casilaan si

ay doorasho u dhacdo


Senator Muuse Suudi "Aniga Farmaajo qabiil ahaan uma necbi, laakiin…”

     Senator Muuse Suudi Yalaxow oo ka tir san Aqalka Sare ee Baarlamaanka Feder aa l ka ayaa sheegay inuus an qabiil ahaan u necbeyn Ma daxweynaha Soomaali ya Maxa med C/llaahi Far maajo, balse uu shaqadii sa iyo qaabka uu howsha u wado u nacay.

     "Aniga Madaxweynaha qabiil ahaan uma necbi, laakiin shaqo ahaan ayaan u necba hay… maalintii uu yimid Mad axtooyada oo xi lka lagu wareejinaayey, ci idan ayaa u safnaa oo salaan uu ka qaatay, roog cas ayaa loo dhigay, isagoo xilka lagu wareejinayey ayuu yiri: Dowladii Kacaanka iyo Aniga dowlad no oma dhaxeyn, kalmad aas uu yiri ayaan uga quustay” ayuu yiri Xaaji Muuse Suudi Yalaxow oo hore uga mid ahaa wasiiradii dowladii C/lla ahi Yuusuf iyo hoggaamiye kooxeedyadii Magaalada Muqdisho.

       Muuse Suudi ayaa sidoo kale ka hadlay waxa dhex maray isaga Ra’iisal wasaaraha markii xilka loo magacaabay oo uu meerm eeriyey, sidaasina uu uga haray madaxda sa re ee dowladda hadda jirta.

Abiy Axmed oo shaaciyey xilliga la qabanayo doorashada Itoobiya

     Itoobiya waxa ay May ama June qaban doontaa doorasho baarlamaan, inkasta oo ay jiraan walaacyo amni iyo kuwa farsamo, waxaa sidaas sheegay ra’iisul wasaare Abiy Ahmed intii lagu guda jiray booqasho uu Axadii ku tagay da lka Koonfur Afrika.

Doorashada ayaa noqon doonta tii ugu horreysay tan iyo markii Abiy Ah med uu xafiiska la wareegay bishii April 2018, islamarkaana uu billaabay isbeddelo siyaasadeed iyo kuwa dhaqaale.

      Qorshihiisa isbeddel ayaa sidoo kale huri yey rabshado islamarkaana muuujiyey kala qeybsanaanta qowmiyad ee dalka Itoobiya, oo ay ku nool yihiin 105 milyan oo qof.

Guddiga doorashada ayaa bishii June 2019 sheegay in xaaladda amni ay dib u dhigi kar to doorashada 2020.

      Isaga oo ka hadlayey shir jaraa’id oo ay si wadajir ah magaalada Pretoria ugu qabte en madaxweynaha Koonfur Afrika Cyril Ra maphosa, ayaa Abiy waxa uu sheegay in Itoobiya iyo dadkeedaba ay u wanaagsan ta hay in doorashada ay u dhacdo sidii loo qor sheeyey.

     Itoobiya ayaa si joogto ah doorasho u qa baneysay tan iyo 1995-kii, hase yeeshee marka laga reebo 2005, ma jirin doorasho lagu loolamay.

      Abiy Ahmed ayaa dhinaca kale weydii stay madaxweynaha Koonfur Afrika Cyril Ramaphosa inuu soo faro-geliyo muranka muddada taagan ee kala dhaxeeya Masar, kuna saabsan biyo-xireenka ay Itoobiya ka sameyneyso webiga Nile.Xiriirka Itoobiya iyo Masar ayaa xumaa tan iyo markii dalka ku yaalla Bariga Afrika uu billaabay dhismaha biyo-xireenka Grand Renaissance 2011-kii.

Madaxweynaha Soomaaliya oo u amba baxay dalka Cumaan

     Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/hi Farmaajo ayaa goor dhaw u ambabax ay dalka Cummaan si uu uga qayb-galo tac sida qaran ee u taalla shacabka iyo Saldana dda aan walaalaha nahay ee Cummaan.

Waa safarkii 2aad ee Madaxweyne Farm aajo uu bil gudaheed ugu ambabaxo dalka dibadi isa ,waxaana garoonka diyaarada ha Muqdisho kasii sagootiyey Mas’uuliyin ka tirsan Dowl adda Soomaaliya.

     Madaxweyne Farmaajo ayaa inta uu ku sugan yahay dalka Cumaan waxaa uu sidoo kale la kulmi doonaa suldaanka Cusub ee dalka Cumaan,kaas oo bedeley suldaankii geeriyoodey ee Suldaan Qaabuus Ibnu Sic iid Ibnu Tamuur iyo Madax kala duwan oo halkaasi u tageysa tacsida qaran ee u taalla shacabka iyo Saldanadda  Cumaan.

Al-Shabaab Oo Weerar Ku Qaaday Deegaan Ku Yaalla Kenya

     Wararka aan ka heleyno duleedka M/Gaa risa ee G/W/Bari  ee dalka Kenya ayaa wax aa ay sheegayaan in rag hubeysa oo ka tirs an Al-shabaab ay Habeen hore sadqii dhexe weerar ku qaadeen deegaan ku yaalla halkaas.

     Weerarkan ayaa la sheegay inuu sigaar ah uga dhacay deegaan lagu magacaabo Kamu the oo qiyaastii 40 KM u jira M/Gaarisa, waxaana la tilmaamay in ragii we erarka soo qaaday goobta ay ka baxsadeen.

     Warbaahinta Maxaliga ee dalka Kenya ay aa warineysa in Al-shabaab ay weerara ku batilmaameedsadeen Macallimiin wax ka dhi gayay deegaanka Kamuthe, Saldhig Boolis, anteenada Shirkad Isgaarsiineyd iyo dhakha atiir halkaas ku sugnaa.

    Ilaa iyo hadda lama oga Khasaaraha ras miga ee ka dhashay weerarkii Habeen hore ka dha cay deegaanka Kamuthe ee qiyaastii 40 KM u jira M/Gaarisa,.

Kulankii Golaha Aqalka Sare OO LOOGA HADLAY Howlgabnimada, Xaqsiinta iyo Hibooyinka Xub naha CQS.

    Xildhibaanada Aqalka Sare ee Baarl amaanka Federaalka Soomaaliya ayaa Ma anta Xaruntooda M/Muq disho ku yeeshay ku lan kii 28aad ee Kalf adhiga 6aad ee Golaha Aqalka Sare. Ajandaha kulanka ay aa waxaa uu ahaa Akhrinta 2aad ee Hind ise- sharciyeedka Ho wlgabnimada, Xa qsi inta iyo Hibooyin ka Xubnaha Ciidamada Qalab ka Sida.

     Kulanka ayaa wax aa Shir Guddoominay ay Guddoomiye Ca bdi Xaashi Cabdullahi oo ay wehlinayeen Gu ddomiye ku-xigeenka 1aad ee Golaha Aqa lka Sare Senatar Abshir Maxamed Axmad iyo Guddomiye ku-xigeen ka 2aad ee Gol aha Aqalka Sare Senatar Moowlid xuseen Guhaad.

      Waxaa hor-yimid Golaha Aqalka Sare Wasiirka Wasaarada Gaashandhiga XFS Md.Xasan Cali Maxamed ,Wasiir ku-xigeen ka Wasaaradda Gaashaandhiga XFS Md. C/hi Colaad Rooble. Guddomiyaha Guddiga Difaaca iyo Amniga Golaha Aqalka Sare ee BFS Senatar Maxamed Amiin Sheekh Cism aan ayaa ka hor akhriyay Warbixinta Akhri nta 2aad ee Hindise- sharciyeedka Howlga bni mada, Xaqsiinta iyo Hibooyinka Xubnaha Ciidamada Qalabka Sida.

     Ugu dambeyntii Senarada Golaha Aqalka Sare ee BFS ayaa dood adeg ka yeeshay Akhrinta 2aad ee Hindise- sharciyeedka Ho wlgabnimada, Xaqsiinta iyo Hibooyinka Xub naha Ciidamada Qalabka Sida.

Booliska Kenya Oo Ka Hadlay Weerar kii Al-Shabaab Ee Duleedka Gaarisa

     Booliska Kenya ayaa sheegay in dabley la rumeysan yahay inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab ay Shalay saddex macallin ku dil een, mid kalena ka afduubteen dugsi hoose oo ku yaalla bariga dalkaas.

      Kooxdan ayaa sidoo kale ku gubay xar un boolis, islamarkaana ku waxyeeleeyey an teeno taleefon weerarkan oo ka dhacay M/Kamuthe, oo 40km koonfur kaga beegan magaalada Gaarisa.

      "Qiyaastii labadii subaxnimo, Rag hube ysan oo la tuhmayo inay yihiin Al-Shabaab ayaa weeraray dugsiga hoose ee Kamuthe, xarunta booliska Kamuthe, iyo anteeno tal eefon, waxayna dileen saddex macalin,” ay aa lagu yiri bayaan kasoo baxay booliska.

Warbixin kale oo booliska ay soo saareen oo ay aragtay wakaaladda wararka ee AFP ay aa lagu sheegay in saddexda macallin ee la dilay aysan deganeyn gobolka, islamarkaan a macallin kale la afduubtay.

     Kooxda weerarka fulisay ayaa sii daayey kalkaaliso caafimaad, sababtuna ay tahay in ay ahayd haween. Al-Shabaab ayaa bayaan ay goor dambe soo saartay si rasmi ah ugu sheegatay mas’uuliyadda weerarkan.

Tan iyo bilowgii sanadkan, Al-Shabaab ayaa sare u qaadday weerarada ay ka fuliso Bar iga dalka Kenya ee ku teedsan xuduudda So omaaliya, waxaana heegan sare la geliyey booliska. VOA Somalia


Wafdi Sare Oo Shalay Gaaray Baladwe yne Iyo Soo Dhaweyn Loo Sameeyay

     Wafdigaan oo ka socday hay’adada Ca afimaadka aduunka qeybna ka ahaayeen ho wladeeno ka tirsan wasarada caafimaad ka DFS ayaa soo gaaray M/be ledweyne.

    Wafdigaan ayaa waxaa xarunta maamul ka ee G/Hiiraan kusoo dhaweeyay Guddo omiyaha G/Hiiraan Cali Muxumad Caraalle iyagoo u sheegay in ay beledweyne u yimaa deen inay eegaan xaalada caafimaad ee gobolka.

    Wafdiga ayaa waxaa ay kormeer ku same eyeen isbitalka guud ee G/Hiiraan iyagoo ee gay qalab ahaan dawo ahaan iyo xaalada gu ud ee Isbitalka maadaamaa isbitalka siweyn u saameeyeen fatahaadii wabiga shabelle.

     Sidoo kale Gdaha isbitalka ayaa kulan sa acado qaatay ku yeesheen wafdiga iyo ma daxda Caafimaadka ee Hirshabelle iyo dha qaatiirta isbitalka, iyagoona ka wada hadlay Arrimo kala duwan.

Madaxweyne Xaaf oo kulamo ka wada Magaalada Gaalkacyo

     Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Gal mudug Axmed Ducaale Geele Xaaf ayaa qaabilay Ugaaska Beesha Sheekhaal kaas oo Dorraad galinkii dambe gaaray Magaalada Gaalkacyo.

      Madaxweynaha iyo ugaaska ayaa aad uga wada-hadlay xaalka Galmudug iyo sidii looga shaqeyn lahaa Maamul loo dhanyahay oo ku dhisan Cadaalada iyo Sinaan,kaas oo ololihiisa uu Madaxweyne Xaaf ka wado Gaalkacyo.

       Sidoo kale Gaalkacyo ayaa la filayaa in 15-ka ishaan uu ka furmo Shirweyne looga arinsanayo xaalada Galmudug,sida uu horey u iclaamiyey Axmed Ducaale Geelle Xaaf.

Jubbaland oo soo bandhigtay Xubno kasoo goostay Al-Shabaab

     Taliska Hay’adda Nabadsugida iyo Sir doonka Dowlad goboleedka Jubbaland ayaa waxaa ay soo bandhigeen laba Xubnood oo la sheegay inay ka tirsanaayeen Al-Shabaab kana howlgalayeen Gobolka Gedo.

Saraakiil ka tirsan Ciid anka Nabadsugida Jub baland ayaa waxaa ay sheegeen in raggaan oo lagu soo bandhigey degmada Balkad Xa awo ee Gobolka Gedo ay yihiin laba Nin oo muddo sanado ah ka tirsanaa Al-Shabaab.

Saraakiishu waxaa ay sheegeen inay la soo xiriireen qaar kamid ah Ciidamadooda, sida asina ay kusoo dhaweeyeen,isla markaana ay sheegeen in lagu wareejin doono Hay ’adaha kale ee dowladda Federaalka.

     Si kastaba Ciidanka Nabadsugida iyo Sir doonka Dowlad goboleedka Jubbaland ayaa waxaa ay horey u soo bandhigeen Xubno iyo saraakiil ka tirsan Al-Shabaab,kuwaas oo ay sheegeen inay isku soo dhiibeen.

Howlgal qorsheysan oo laga fuliyey Xaafado ka tirsan Jowhar

Ciidamo ka tirsan Booliiska Hir-Shabeelle ay aa xaafadaha magaalada Jowhar ka billaab ay howlgallo lagu sugayo ammaanka maga aladaasi, loogana hortagayo haddii ay jiraan kuwo falal amnidarro ah ka wada halkaasi.

Ciidamada ayaa waxaa ay howlgallada ku baahiyeen dhamaan afarta xaafadood oo ay ka koobantahay Jowhar, ,isla markaana cii damada la arkayo iyagoo waqtidambe taag an waddooyinka xaafadaha sida uu sheegay qof kamid ah dadka Magaalada jowhar.

     "Bulshada ku dhaqan afarta xaafadood oo ay ka koobantahay degmada Jowhar ay aa si isku mid ah u soo dhaweeyay howlgal kan oo ay ku tilmaameen mid lagu adkeeyn ayo amnigooda islamarkaana kalsooni bad an ku siinaya in ay si toos ah ula shaqeeya an ciidamada” sidaasi waxaa yiri qof kamid ah dadka Magaalada jowhar.

     Magaalada jowhar ee Caasimadda Hir-Shabeelle ayaa waxaa mararka qaar falal amni daroo,waxaana taliska Booliska uu she egay inay amniga Magaalada xaqiijin doon aan.

Todoba ka mid ah askartii ilaalada u ahe yd Axmed Madoobe oo ku biiray Al-Shabaab

     Xog ay heshay Idaacadda Kulmiye ayaa sheegeysa in ilaa todoba askari oo ka tirs anaa ilaalada Madaxweynaha Jubbaland Ax med Madoobe ay ku biireen Al-Shabaab.

     Askartan oo Dorraad galinkii dambe ka bax day M/Kismaayo ayaa ciidamo ka tirsan Dara awiishta Jubbaland dagaal kula gashay duleedka M/Kismaayo, kuwaas oo la shee gay in lagu amray inay qabtaan askartan ba xsadka ah. Wararka aan ka heleyno dagaal kaas waxa ay sheegayaan in ciidankii ka tir sanaa Daraawiishta Jubbaland seddax ask ari looga dhaawacay, kuwaas oo lagu dabii bayo isbitaal ku yaalla M/Kismaayo.

      Todobada askari ee ka baxsatay Jubba land ayaa sida aan xogta ku heleyno waxay geereen oo lagu soo dhaweeyey deegaanka Janaay Cabdalle oo 60KM galbeed ka xiga M/Kismaayo, halkaas oo ay maamulaan Al-Shabaab.Waxaa noo suura galin xiriirro aan la sameynay madaxda maamulka Jubbaland si aan wax uga weydiino ciidamadan ka tir sanaa ilaalada Madaxweynaha ee ku biiray Al-Shabaab.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip