Ninka Ugu Taajirsan Qaarada Afrika Aliko Dangote Oo Shaaciyay Waqtiga Uu Iibsan Doono Kooxda Arsenal
Ganacsadaha reer Nigeria Aliko Dangote ayaa mar kale shaaca ka qaaday inuu doonayo inuu iibsado kooxda Arsenal isagoo sheegay inuu iibsan doono sannadka 2021.
Dangote oo ah ninka ugu taajirsan qaarada Afrika ayaa dhowr jeer oo hore u soo saaray warbixino uu ku sheegayo inuu iibsan doono Gunners.
Shantii sannadood ee ugu danbeysay 62 jirkaa ayaa shan jeer oo kala duwan waxa uu ka hadlay sida uu u doonayo inuu la wareego kooxda Gunners.
Dangote oo kaalinta 96aad kaga jira liiska dadka ugu qanisan dunida ayaa ganacsi bilaabay markii uu 21 sanno jir ah, waxaana uu aas-aasay shirkada ugu weyn shamiintada ee Afrika, wuxuu sheegay sannadkii 2018 inuu la wareegi doono kooxda Waqooyiga London ka dhisan sannadka 2020.
"Waxaan isku dayi doonaa inaan iibsao Arsenal wixii ka danbeeya 2020… xitaa haddii qof kale uu iibsado waxaan ku dayi doonaa inaan ka iibsano" ayuu Dangote u sheegay Reuters sannadkii 2018.
Haatan waxa uu dib u soo celiyay qorshihiisa isagoo mar kale ka dhawaajiyay inuu iibsan doono kooxda uu taageero ee Gunners.
Waxa uu yiri: "Waa sax Arsenal ayaa ah kooxda aan doonayo inaan maalin uun iibsado, laakiin sida aan mar walba ku celiyaba waxaa igu furan barnaamijyo ku kacaya 20 bilyan doolar oo aan diirada saarayo.
"Waxaan doonayaa inaan dhameystiro dhismaha shirkada ka diba marka aan dhameystiro ayaan awoodi doonaa inaan iibsado malaha 2021.
"Ma iibsanayo Arsenal waqti xaadirkaan waxaan iibsan doonaa Arsenal marka aan dhameeyo howlaha kale ee ii yaala, sababtoo ah waxaan isku dayayaa inaan shirkadeyda heer kale u qaado."
Arsenal waxaa haatan iska milkiilaha reer Mareykan ee Stan Kroenke kaasoo ay aad u naceen taageerayaasha Arsenal.
Ninka Ugu Taajirsan Qaarada Afrika Aliko Dangote Oo Shaaciyay Waqtiga Uu Iibsan Doono Kooxda Arsenal
Ganacsadaha reer Nigeria Aliko Dangote ayaa mar kale shaaca ka qaaday inuu doonayo inuu iibsado kooxda Arsenal isagoo sheegay inuu iibsan doono sannadka 2021. Dangote oo ah ninka ugu taajirsan qaarada Afrika ayaa dhowr jeer oo hore u soo saaray wa