Xisbiyada Mucaaradka Soomaaliland oo eedeeyey Muuse Biixi

0
Monday January 13, 2020 - 20:28:50 in Wararka by
  • Visits: 191
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xisbiyada Mucaaradka Soomaaliland oo eedeeyey Muuse Biixi

    Kulan Magaalada Hargeysa Maanta ku dhex-marey Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biiix Cabdi iyo Madaxda Xisbiyada Mucaaradka Soomaaliland ee UCID iyo WADANi ayaa la sheegay in uu natiijo la'aan ku dhamaaday. Kulanka ayaa labada dhinac waxaa ay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kulan Magaalada Hargeysa Maanta ku dhex-marey Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biiix Cabdi iyo Madaxda Xisbiyada Mucaaradka Soomaaliland ee UCID iyo WADANi ayaa la sheegay in uu natiijo la'aan ku dhamaaday. Kulanka ayaa labada dhinac waxaa ay uga wada hadleen arrimaha doorashooyinka iyo Guddiga doorashooyinka ee khilaafka dhaliyey,hayeeshee la isku mari waayey laguna kala tegay. Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADANI C/raxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro ayaa sheegay,isaga oo Warbaahinta kula hadlayay Hargeysa in Madaxweyne Muuse Biixi uu diidey in la kala diro Xubnaha Guddiga doorashooyinka. Waxaa uu sheegay in Madaxweyne Muuse Biixi uu kasoo horjeestay taladii ay u soo jeediyeen Xubnaha guddiga dhex-dhexaadinta ee labada dhinac waan waanta ka dhex waday. Ugu dambeyn waxaa uu sheegay in arrintaan ay shir ka yeelan doonaan labada Xisbi ee UCID iyo Wadani si ay Beesha Caalamka ugu gudbiyaan,waxana uu ugu baaqay Guddiga doorashooyinka inay is casilaan si ay doorasho u dhacdo.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip