Todoba ka mid ah askartii ilaalada u aheyd Axmed Madoobe oo ku biiray Al-Shabaab

0
Monday January 13, 2020 - 20:07:10 in Wararka by
  • Visits: 266
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Todoba ka mid ah askartii ilaalada u aheyd Axmed Madoobe oo ku biiray Al-Shabaab

    Xog ay heshay Idaacadda Kulmiye ayaa sheegeysa in ilaa todoba askari oo ka tirsanaa ilaalada Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ay ku biireen Al-Shabaab. Askartan oo shalay galinkii dambe ka baxday magaalada Kismaayo ayaa ciidamo ka tirsan Daraa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xog ay heshay Idaacadda Kulmiye ayaa sheegeysa in ilaa todoba askari oo ka tirsanaa ilaalada Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ay ku biireen Al-Shabaab. Askartan oo shalay galinkii dambe ka baxday magaalada Kismaayo ayaa ciidamo ka tirsan Daraawiishta Jubbaland dagaal kula gashay duleedka magaalada Kismaayo, kuwaas oo la sheegay in lagu amray inay qabtaan askartan baxsadka ah. Wararka aan ka heleyno dagaalkaas waxa ay sheegayaan in ciidankii ka tirsanaa Daraawiishta Jubbaland seddax askari looga dhaawacay, kuwaas oo lagu dabiibayo isbitaal ku yaalla magaalada Kismaayo. Todobada askari ee ka baxsatay Jubbaland ayaa sida aan xogta ku heleyno waxay geereen oo lagu soo dhaweeyey deegaanka Janaay Cabdalle oo 60KM galbeed ka xiga magaalada Kismaayo, halkaas oo ay maamulaan Al-Shabaab. Waxaa noo suura galin xiriirro aan la sameynay madaxda maamulka Jubbaland si aan wax uga weydiino ciidamadan ka tirsanaa ilaalada Madaxweynaha ee ku biiray Al-Shabaab. Arinkan oo noqotay tan maanta ugu hadal heynta badan magaalada Kismaayo, ayaa ku soo aadaysa xilli maalmihii dambe ay ciidamada Jubbaland gobolka Jubbada Hoose ka wadeen dhaq-dhaqaaqyo ay ku baacsanayeen Al-Shabaab. Image result for madoobe


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip